Fortsätt till huvudinnehåll

Sooyaalkii Aabo:Taariikh dheer oo ku taxan deegaanno kala durugsan (1924-2014) Maxamed Yuusuf Xaaji Jaamac

Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo, Aabbo Maxamed Yuusuf Xaaji Jaamac, oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa, markay taariikhdu ahayd 04-08-2014, maalin isniin ah. Waxaana aasku dhacay maalintii Salaasada ee bishu ahayd 05-08-2014. Geeridu waa xaq, qof kastaana waa uu dhadhamin doonaa, xilliga Ilaahay ugu talo galay. Sannadihii ugu danbeeyey aad ayuu jilicsanaa, sariirtana kama uu kacayn. Todoba ubadkiisa ka mid ahaa, nasiib umay helin in aanu Aaska joogno, balse afar ka mid ah ayaa joogay oo kala ah: "Foosiya, Asma, Yaasiin iyo Muuna. (kala fogaanta dalalka ay ku nool yihiin, intii wadadhalatay, waxa ay tusaale u tahay xaaladda maanta Soomaalidu ku jirto)


Waxaanse dareemayaa in ay muhiim tahay in aan taariikhdiisii dheerayd wax ka tilmaamo. Waxa aan tebayaa, taariikh badan oo nolosha aabbo ku taxnayd in aanan maanta hayn. Maxamed Yuusuf Xaaji Jaamac Hannas, waxa uu ku dhashay magaalada Luuq, oo ka mid ah gobolka Gedo xilli ku beegan 1924kii. Aabihii, Yuusuf Xaaji Jaamac (Yuusuf Dhegey) waxa uu ku dhashay magaalada Sheekh ee gobolka Saaxil, xilli ku beegan 1900. Waxa aad halkaa ka garan kartaa deegaanka u dhexeeya labada goobood ee aabbo iyo awowgay ay ku kala dhasheen. Anigu waxa aan ku dhashay goobtii awoowgay ku dhashay oo ah magaalada Sheekh Xaafadda caanka ah ee Dariiqo. 

Markii uu dhammaaday dagaalkii koowaad ee dunida, waxa bilaabmay dhaqdhaqaaq ay dawladihii reer Yurub ka bilaabeen dalalkii ay maamuli jireen. Tusaale Faransiisku, waxa uu bilaabay dhismayaal uu ku dhisayo jidka tareenka ee u dhexeeya Itoobiya iyo Jabbuuti. Sida uu aabbo IHN-tee iiga sheekeeyey, aabbihii Yuusuf Dhegey, waxa uu u shaqo tegey Jabbuuti, wax yar ka dibna waxa uu u sii dhaafay Ereteriya oo Asmara ayuu tegey, halkaas oo uu ka galay ciidankii talyaaniga. Muddo yar ka dib waxa uu noqday turjubaan, afka talyaaniga iyo afsoomaaliga isu hal-tebiya. Dabcan afka carabigana waa uu yaqaannay, sidaa ayuu ku soo raacay maamulkii Talyaaniga oo uu ku tegey Soomaaliya. halkaa ayey ku dhasheen aabbo iyo walaalihii oo laba hablood ahaa, (Maymuuna iyo Ugaaso, Ilaahay ha u naxariistee, aammiin). Hooyadood (waa ayeyday aabbo) waxa ay ku dhimatay Buullabarde, iyagoo carruurtu ay aad u yaryartahay. 

(Maymuuna Yuusuf Dhegey IHN-tee waxa ay dhashay weriyaha caanka ah ee BBC-da wakiilka uga ah Talyaaniga. Aadan Maxamed Sabriye.)

Sida uu aabbo iiga sheekeeyey gu'gii 2004, oo aan Hargeysa joogay, waxa laga soo saaray doonni meesha la yidhaa Warsheekh oo dhanka bari ka xigta magaalada Muqdisho, kana tirsan gobolka Shabeelaha dhexe ilaa Berbera iyagoo aad u yaryar, shan jir ayuu markaa ahaa. Sababta ay uga yimaadden waxa uu iigu sheegay in maamulkii talyaanigu uu kala saaray dadkii shaqaalihiisa ahaa, oo uu shaqadii ka eryey dhammaan soomaalidii ka soo jeedday Somaliland, sidaas ayey ku yimaaddeen Berbera. Waa uun bilawgii soddomaadkii marka ay Berbera yimaaddeen. Aabahood waxa uu u geeyey ayeydood aabbo, oo deggenayd magaalada Sheekh. Yuusuf Xaaji Jaamac (Yuusuf dhegey) waa awoowgaye, halkaa kumuu hakan, ee waxa uu shaqo u doontay Herer oo ahayd xarun aad u cammiran, halkaasoo maamulkii talyaanigu gaadhay. Markiiba shaqadii turjubaannimada ayuu helay, waxaanuu ku soo noqday Sheekh oo uu carruurtii iyo ayeydood (Calawla Cabdulle Sugulle, oo ah Yuusuf Dhegey hooyadii, oo aan weligeed Sheekh dhanna u dhaafin ayuu geeyey Herer).

Aabbo halkaa ayuu ku koray, oo dugsigiisii Qur'aanka uu ku dhammaystay. Waxa uu dugsiga hoose ka galay Haadaamo oo maanta loo yaqaan Nasareet, kuna taal Itoobiya, balse berigaa loo yaqaannay HAADAAMO. Waxyar ka hor intaan dagaalkii labaad ee dunidu bilaabmin ayey u soo guureen Hargeysa. (Ayeydood Calawla Cabdulle waxa ay ku dhimatay Herer). Bilawgii afartamaadkii markay yimaaddeen Hargeysa, waxa ay degeen xaafadda Jameecaweyn oo ahayd goobta magaalada Hargeysi ka bilaabantay. Isla dagaalkii labaad oo socda ayuu aabbo galay ciidankii la odhan jiray King's African Rifels, oo ahaa ciidan uu Ingiriisku ugu talo galay bariga Afrika oo dhan. Maaddaama oo uu xilligaa maamulayey Somaliland, Somaliya iyo Kiiniya, waxa uu ciidankaa tababar uga furay meel u dhaw Magaalada Qardho oo la odhan jiray OODLA'. Tababarkii oo aan u dhammaan, ayaa aabbo loo qaatay qaybta isgaadhsiinta. Intaan xeradaa laga soo beddelin waxa uu aabbo iiga sheekeeyey, dhacdo taariikhi ahayd oo beryahaa uu goob-joog u ahaa. Waxa uu yidhi: "Annagoo tababarka ku jirna ayuu geeriyooday Suldaankii guud ee Arab, waa Suldaan Faarax. Waxa xerada nagula jiray Suldaan Maxamed oo aanu isku gedo ahayn, markii geerida aabbihii la soo sheegay, ayaa maamulkii Ingiriisku dayuurad u soo direen Maxamed si loogu caleemo saaro Suldaannimaddii uu aabbihii ka geeriyooday". Ilaahay ha u naxariistee waa markaa markii uu Suldaan Maxammed noqday Suldaanka guud ee Arab.

Tababarkii qaybtii isgaadhsiinta ayaa uu ku soo dhammaystay Mandheera. Sannadkii 1943kii ayuu shaqadiisii ugu horreysay ka bilaabay Boosta yar ee u dhow Saldhigga dhexe Booliska Hargeysa. Boostaas oo aan qiyaasayo in xilliyadaas uun la dhisay. Waxyar ka dib waxa uu aabbo ka soo shaqeeyey magaalooyin kala fog sida: Boosta Seylac, Berbera, Sheekh, Burco, Ceerigaabo. Waxa uu u badnaa Boosta Sheekh iyo ta Berbera. Sidaa awgeed baa dad badani u yaqaanneen Boosmaastar (PostMaster-kii). Ardaydii dugsiga sare iyo dhexe ee Sheekh, waxa ay in badani ku soo mareen aabbo oo Boosta madax ka ah. Waxa ay boostu u ahayd muhiim, ardayda, waayo warqadaha ka sokow! waxa loo soo dhigi jiray lacagta, oo bangi bay u ahayd. Mar aan kula kulmay Stockholm Axmed M Siilaanyo intii aanuu madaxweynaha noqon, markii loo sheegey in aan ahay ina BoosMaster (Post Master) ayuu Siilaanyo yidhi: "waan xasuusnahay, oo dadkoo aan baaskiilka aqoon ayuu isagu baaskeelad Boosta ku tegi jiray( Xilliga uu Siilaanyo sheegayaa waa kontomaadkii ee uu dugsiga Sheekh ku jiray, aabbona uu Boosta madax ka ahaa)

Markii xukunka ay qabsadeen kooxdii Milleteriga ahayd 1969kii aabbo waxa uu ahaa Boost Master-kii Berbera----isla markii ay xukunka qabteen milleterigu waxa ay soo saareen go'aan ahaa, qofkii soo shaqeeyey in ka badan 25 sannadood waa in uu shaqada ka fadhiistaa. Sidaa ayuu kaga fadhiistay shaqadii 1971kii. Waxa la siiyey waxoogaa xaqii shaqo oo uu ku bilaabay ganacsi u gaar ahaa, oo uu ka bilaabay magaalada Burco. Laakiin muddo muu sii wadin ganacsigaa, ee gu'gii 1973kii ayuu u dhoofay Khaliijka oo beryahaa aad loo tegi jiray. Waxa uu ka soo shaqeeyey Cummaan bilawgii hore, intii danbe waxa uu deggenaa ABUDABAY (Imaaraadka Carabta), muddo ku siman 20 sannadood. 

Waxa xusid mudan, Aabbahay iyo hooyaday Xabiiba Xaaji Aadan Faarax IHN---aammiin. waxa ay ahaayeen Ilmaabti, xidhiidhkaa ilmaabtinimada waxa dib u soo celiyey awoowgay Yuusuf Dhegey oo sidii uu uga tegey Sheekh dagaalkii 1-aad ka dib,  aan dib u soo degin, soona maray deegaanno aad u kala durugsan, Jabbuuti, Asmara, Hargeysa, Muqdisho, Luuq, Buullabarde, Warsheekh gu'yaal farabadan. Sidaas ayaa aabbo ugu soo laabtay goobtii aabbihii ku dhashay, ee awoowgii Xaaji Jaamac Hannas ku aasanyahay, waa magaalada Sheekh, deegaanka guriga Dariiqada*. 


Aabbo waxa uu la dhashay Maymuuna iyo Ugaaso oo ay isku bah ahaayeen, oo hooyadoodna ahayd Xaawa Obsiiye, oo reer Arabsiyo ahayd (Waa ayeyday aabbo Ilaahay Ha u naxariistee). Waxa bah-goonni ahaa Axmed Yuusuf oo ku dhashay deegaanka fog ee Itoobiya. Bahda ugu yar oo iyagu ku wada dhashay Hargeysa, waxa ay kala ahaayeen Sahra, Baashe, Safiya, Saado, Suleekha iyo Cabdi (Intii dhimatay Ilaahay ha u naxariisto, aammiin, inta noolna caafimaad iyo cibaado san ayaan Ilaahay uga baryayaa). Ilma Maxamed Yuusuf waxa hana-qaaday 11 (7 hablood iyo 4 wiil). Kow iyo tobankuba maanta waa ay noolyihiin, waxaanay kala joogaan dacallada dunida. Saciido Maxamed Yuusuf USA, Samsam Maxamed Yuusuf  UK, Foosiya Maxamed Yuusuf Somaliland, Asma M. Yuusuf Somaliland, Rashiid M. Yuusuf Uk, Fahiima M. Yuusuf Holland, Mustafe M. Yuusuf USA, Sahra M. Yuusuf Kanada, Sayid M. Yuusuf (oo aniga ah) Iswidhan, Yaasiin M. Yuusuf Somaliland, Muuna Maxamed Yuusuf UAE.

Aabbo, Ilaahay Jannadii Fardawsa ha geeyo aammiin. Duco waalid baan hadh iyo habeen diri doonaa, intaan noolahay, Hooyo oo geeriyootay 2006dii iyo aabboba, waa duco joogto ah. 

PS: Awoowgay, Yuusuf Dhegey waxa uu ka mid ahaa SNL, intii uu Hargeysa degganaa, saaxiibbadii waxa ka mid ahaa Ina Diir-Qadhaadh oo ka mid ahaa Baarlamaankii ugu horreeyey ee Somaliland 1960kii. Waxa kaloo ka mid ahaa Meygaag Samatar. 

Aabbo, Maxamed Yuusuf waxa ay saaxiib ahaayeen Cumar Carte Qaalib beriguu macallinka ahaa, kontomaadkii, Xuseen Xaaji Xasan iyo Sheekh Yuusuf Sheekh Cali Sh Madar (Waa ay badnaayeen saaxiibbadii ee waa inta ay in badani ila garan karto). Cumar Carte ayuunbaan nolol ku ogaa, Ilaahay ha u naxariisto intii dhimatay. Aamiin.

* Guriga Dariiqada, waa goobtii ugu horreysay ee la degey magaalada Sheekh, waa goob ka xorowday Qabyaalladda, ilaa maanta aynu dhibkeeda dareemayno. Waa goob la degay Q-19-aad, horraanteedii. Waxa bilaabay Sayid-Aadan Axmed Madar, oo waxbarashadiisii diinta Islaamka ku soo qaatay Makka AlMukkarramah. Waxa ay kulmisay, bulsho aad u ballaadhan oo ka soo kala jeeda deegaammo ama beelo kala deegaan ah, oo ku walaaloobay dar Ilaahay, erayga keliya ee ay adeegsadaanna waa hebel waa ayo! waa Ikhwaanka, wax dhaafsiisan ma jiro iyo reer hebel toonna.

Nabad iyo caano
W/Q, Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)
06-08-2014 Arbaca

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.