Fortsätt till huvudinnehåll

Bulsho kaa yaabinaysa! W/Q Maxamed C/laahi Ducaale (Cawke)

Way u qalantaa in dhugasho iyo dhaayo loo yeesho bulsho kamid ah kuwa dunida ugu laandheeraysan oo ka kooban 11 qawmiyadood iyo ilaa 25,000  oo qabiil, lagana yaabo in qaarkale jiraan, aanse weli la ogeyn. Intooda badani waa gooni daaq keli keli u nool, sidaada oo kale waxay leeyihiin indho iyo suuniyo, Bishmo (Dibno) iyo dhego, laakiin aad kaaga shaqo badan, saddex dalool oo dalool cuntada aynu cunno iyagaa faxliya.


Qaniinyada oo ah hubka ugu culus ee bulshadani dadkeeda iyo dalkeedaba ku difaacdo, haddana Labkoodu wax ma qaniino oo mici malaha. Dhedigu se haddii uu micida kula helo waxaad dareemidoontaa xanuun, cuncun iyo barar uu sababay dareeraha sunta ah ee Venom, nooc ka mid ah ee loo yaqaan Melittin, laakin waxaa barbar socda waxtar ka badan intaa ku gaadhey!  Suntani markay jidh ka la falgasho waxay kor u qaadaa Hoormoonada la dirira caabuqa ee loo yaqaan glucocorticoid. Sidoo kale, waxaa laga shakisan yahay in suntan Melittin-tu dili karto Feeraska HIV ga maadaama ay ka gudbi karto dahaadhka ilaaliya Feeraskan, taasoo lagu rajo weynyahay in mustaqbalka ka hortag loo isticmaali doono.

Bulshadan oo soomaalidu u taqaan Shinni, waxay u noolyihiin inay shaqeeyaan, midkastana wuxuu bulshada u hayaa shaqo gaar ah oo qaar waa “undertakers” guryaha ka qaada kuwa dhintay, ini waxay raadisaa isla markaana kaydisaa cuntada, qaarna waxay u heelanyihiin difaaca, kuwo kalena waxay xanaaneeyaan dhasha, halka kuwa kalena u adeegaan Boqoradda. Maadaama koox wal oo wada shaqaysaa aanay ka maarmayn (Communication) ama inay si’uun u wada xidhiidhaan, bulshadani waxay iskula xidhiidhaan luuqad ka kooban taabasho, cod, ur, fariimo-Kimikaad, iyo qoob ka ciyaar, taasoo u sahasha in wax walba sidii loogu talo galay u qabsoomaan.

Shinnidu waxay cuntada ka heshaa Ubaxa iyo Manka dhirta, gaar ahaan qaybta macaan ee ubaxa ee loo yaqaan nectar iyo qaybta budada ah ee loo yaqaan pollen. Qaybta hore waxay u isticmaashaa inay tamar ka hesho, qaybta danbena inay Borotiin(Protein) ka hesho. Marka shinidu ubaxa kasoo dhuuqdo nectarka – kaas oo ka kooban 20% oo sonkor ah iyo 80% oo biyo ah, wuxuu ku dhacaa labada caloolood ee shinidu leedahay, mid wixii ku dhaca way isticmaashaa kankalena waa kayd oo waxay kula soo noqotaa goobtii ay deganayd halkaas oo ay ku shubto unugyo yar yar oo daldaloola (awlallo) ka dibna baalasheeda ayay sida marawaxada ugu dulwareejiso si heerkulka goobtu sare ugu kaco biyuhuna u uumi baxaan. Ugu danbayn waxaa halkaa ka samaysmaya dareere ka kooban 80% sonkor ah iyo 20% oo biyo ah, soomaaliduna u taqaan Malab. Malabku waa tamar dhamaystiran, maadaama sonkortu ku badantahay, sidoo kale, mar haddii biyuhu ku yaryihiin ma sadhoobo oo Jeermisku kuma dhasho.

Halkii Qoys ee shinni ah (The Colony)  wuxuu ka kooban yahay Boqorad (The Queen), ku dhowaad 500 oo lab (The Drones) ah iyo 5,000 ilaa 6,000 dhedig ah (The Workers).  

Boqoradu kursigan kuma hesho doorasho, cidna kama dhaxasho, waxay se ku mutaysataa Nasiib. Boqoraddu waa dhediga keliya ee bulshadan ee isutagga jinsiga ah la guta labka, uguna cimri dheer-mararka qaarkood waxay noolaan kartaa 5 sano, laakin badanaa waxay noolaataa 2 ilaa 3 sano. Baalasha gaagaaban, micida dheer ee soo qaloocda iyo dhererka ayay kaga gedisantahay oo lagaga garankaraa intakale. Inta ay nooshahay Boqoradda shaqadeedu waa inayay Beed badan dhasho, maalintii waxay dhigi kartaa ilaa 1,500 oo beed ah, sanadkiina 250,000. Dhawrka sano ee ay nooshahayna  waxay dhigi kartaa ilaa 1million oo beed. Marka  taashka loo xidho todobaad ka dib ayay guriga ka soo baxdaa oo dhawr jeer kusoo wareegtaa oo marba jiho kaga timaadaa si ay u barato goobta gurigu ku yaal, ka dibna inta ay ur laysla garanayo sii dayso ayay cirka isku shareertaa oo ku jiciirataa, labkii oo midwalba fursadan sugayay ayaa 13 daqiiqo ka dib iska wada daba maqiiqa iyagoo raadraacaya urteeda una kala dheeraynaya. Midka nasiib u hela inuu kudo, saarto ama u galmoodo isla daqiiqadaas ba goobtaa ayay ku khaarajisaa Boqoraddu. Inta kalena dib bay isu soo rogaan oo firxadkoodu wuxuu soo gaadhaa guriga, halkaas oo iyana xasuuq ba’an loogu gaysto, yaa xasuuqaya? Ayo kale, dee dhediga marka laga reebo midh midh ka fakada. Boqoraduna way soo noqotaa halkaas oo 48 gudohood ku dhasho beed door ah.

 Dhedigga ayaa ah kuwa wax difaaca, quudka raadiya, biyaha soo dhaamiya, Malabka sameeya, Caruurta koriya, guriga nadiifiya, Boqoradana quudiya, laakiin dhamaantood waa madhalays aan wax galmo ah samayn, kooda ugu cimri dheerna wuxuu noolaankaraa ilaa 6bilood.

Labku wax shaqo ah ma qabto aan ahayn inuu Boqoradda bacrimiyo iyo inuu malabka cuno! Markuu bacrimiyo wuu dhintaa! marka cuntadu gabaabsi noqotona debedda ayaa loo laadaa!

Shinnidu waa noolaha keliya ee cuntada uu samaysto ay dadku cunaan. Cuntadaasina waxay leedahay gaashaan dabiici ah oo aanay Bakteeriyadu ku dhalankarin.

Shinnidu waxay duulikartaa 24Km saacadiiba, ilbidhiqsigiina waxay duuli kartaa 15mitir. Baalasheeda waxay garaacdaa (dhaqaajisaa) 200 halkii ilbidhiqsi, ama 12,00 oo jeer halkii daqiiqad!



xigasho: 1. Washington University in St. Louis 2. bigislandbees.com 3. Ontario Beekeepers’ Association 4. Charles D. Michener

Email:    Ducaale9@gmail.com

Burco, Somaliland

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.