Fortsätt till huvudinnehåll

Hargeysa: Akadamiga HIMILO Oo Munaasibad Ballaadhan Ku Xusay Sannad-guudadiisii 1aad Iyadoo La Maamuusay 5 Qof Oo Kaalmaha Hore Ka Galay Tartan La Qabtay.


Akadamiga Akhriska Iyo Qoraalka HIMILO ayaa munaasibad ballaadhan ku xusay sannad-guuradiisii koowaad ee kasoo wareegtay xilligii la aasaasay. Waxaanay munaasibaddaasi ka qabsoontay hotelka Imperial ee magaalada Hargeysa. Marti  Sharaf kala duwan oo isugu jiray masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo ururada, qorayaal, aqoonyahanno, arday iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa xafladdaasi si weyn uga soo qayb-galay.



Xafladdan ayaa lagaga warramay wax-qabadkii muddada kooban ee halka sanno ahayd u hir-galay akadamiyadda akhriska iyo qoraalka ee HIMILO. Waxaana la xusay in muddadaasi ay ku tallaabsatay horumar ballaadhan. Iyadoo markii hore la odhan jiray Urur balse haatan loo bedelay Akadamiyad.

Agaasimaha akadamiyadda Qoraa faarax bashir sh. axmed ayaa ka warbixiyey sidii ay ku bilaabantay asaaska akadamiyaddu,sidoo kale wuxuu ka warbixiyey caqabadihii akademiyada mudadii halka sano ahayd ee ay jirtay, waxaanau intaa sii raaciyey qorshayaasha u qorshayaas hadda la rabo inuu fuliyo, sidoo kale wuxuu aad ugu nuux-nuuxsaday in bulshada ay ka helaan gacan qabasho.

Waxa hadalka ka daba qaatay agaasimaha dalada ururada aan dawliga ahayn ee loo soo gaabiyo SONSAF, maxamed xasan barawaani, wuxuu huga tusaaleeyey qiimaha ay leedahay in bulshadu wax qor waxana akhriso, isagoo sii adkeeyey in dhalinyartu ay tahay kuwa maanta daryeeli lahaa afka soomaaliga ee sii dabar go’aya, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ‘’…waxaan ku faraxsanahay in aan maanta arko dhalinyar u heelan afkooda hooyo sidii ay boodhka uga jafi lahaayeen, walaw ha yaraato tagtoodii, aad ayaanan ugu mahadnaqayaa akadamiyadan ay ku bahoobeen dhalinyartan aadka u firfircooni’’, mr. barawaani ayaa hadlakiisa ku soo afmeeray in aan qof kaliyi wax qaban Karin dawladda iyo shicibna la garab galo dhalinyartan.

Gudoomiyaha ururka qoraaga somaliland xaruntiisa magaalada hargaysa qoraa axmed ibraahim cawaale oo isna madasha ka hadlay ayaa hanbalyeey akadamiyada hal jirsatay, isagoo dhinaca kalana ka marakacay waxqabadkii ay ku talaabsatay mudadii yarayd ee ay jirtay, waxaanu ka sheekeeyey tartanka caawa lagu dhawaaqayo iyo gacantii ay ka geysteen ka urur ahaa waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ‘’… akademiyadu waxay noo soo gudbisay sheekooyin ay soo direen dad ku tartamayey sheekooyin ay soo qoreen, kaas oo ugu horeyn ay akademiyadu soo kala saartey, markii labaadna anagu kala saarnay, caawana ciddi ku guulaysatay abaal marintii la siin doono’’, Isagoo  u rajeeyey hawsha adag ee akadamiyaddu dhabarka u ridatay inay ku guulaysan doonaan, waxaanu ku soo afmeeray hadalkiisa in dhalinyartan la garab galo.

Guddoomiyaha Akadimiyadda HIMILO Mr Axmed-nasri Daahir Xuseen oo isaguna goobtaasi ka hadlay ayaa xusay in ujeedka xafladdu ay tahay xuska sannad-guurada Ururka oo haatan loo bedelay magaca Akadamiga HIMILO. Iyo xidhitanka tartan loogu magac-daray “Maantaba Sheeko Keen”. Guddoomiye Axmed waxa kaloo uu ka sheekeeyey qiimaha qalinka iyo wax akhrisku u leeyihiin bulshada. Waxaanu ku baraarujiyey in Akadamiyaddu ay ummadda himiladooda sixi doonta. Isagoo intaa raaciyey inay furayaan goob wax lagu akhristo oo gaar u ah buugaagta Somalida oo qudha.

Gudoomiye axmed wuxuu ka dhawaajiyey in akademiyada ay ka soo bixi doonaan dhalin ka  dhisan diini iyo maadiba, kaas oo ka madhan wax kasta oo mugdi galin kara dhalaanka ama ubaxa wadankani leeyahay, wuxuuna intaa raaciyey in taasi u baahan tahay da’daal iyo samir badan, isagoo dhalin yarta ku baraarujiyey inay yihiin kuwa la sugay inay dalkan iyo dadkiisaba wax badalaan.

Sheekh Cali Aaden oo ka mida guddida Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista ayaa sidoo kale ka hadlay xafladdaasi. Waxaanu xusay sida Akhriska iyo Qoraalkaba ay diinteenu inoogu boorrisay. Waxaanu halkaasi kusoo bandhigay Buug ka hadlay sidii guurka loo fudaydin lahaa. Waxaa kaloo munaasibadaa ka hadlay masuuliyiin ay ka mid ahaa Agaasimaha Wasaaradda Hawlaha Guud Mukhtaar Maxamed oo isagoo hanbalyeey akadamiyada akhriska iyo qoraalka himilo, isagoo sheegay inuu isagu aad uga warhayo akademiyda, wuxuuna dhalinyarta ugu baaqay in ku daydaan dhalinyartan ku bahoobay akademiyadan.

Agaasimaha Wasaaradda Ciyaaraha Maxamed Xassan Dhabbeeye. wuxuu hambalyeeyeeyn soona dhaweeyeen wax-qabadda Akadamiyadda HIMILO. isagoo sheegay inay wada shaqayn fiican ay leeyihiin wasaaradda ciyaarha iyo akademiyada himilo, wuxuuna sheegay in inay wixi taagtooda ah la qaban doonaan, wuxuuna ku baraarujiyey inaanay ka daalin hawsha ay ku jiraan oo maanta meesha ay joogaan hore uga sii socdaan.

Munaasibaddan oo ahayd mid shucuurteedu ay aad u sarraysay ayaa waxaa halkaasi Billado iyo Shahaado sharafyo lagu siiyey 5 Qof oo ka mida qorayaasha da’da yar. Kuwaasoo kaalmaha hore ka galay tartan loogu magac-daray “Maantaba Sheeko Keen” oo loo qabtay qalinlayda da’da yar. Waxaanay magacyadooda iyo siday u kala horreeyaan ay yihiin sidan:

1-      Muna Axmed Cumar
2-      Maxamed F Xaaji Xasan
3-      Nada Yuusuf Cumar
4-      C/kariim Xuseen C/laahi
5-      C/salaam Axmed Muuse

Waxa kale oo Akadamiyadda Akhriska Iyo Qoraalka ee HIMILO ay shahaado sharafyo ku maamuustay Ururo iyo Shakhsiyaad ay ku dooratay doorka ay kaga jiraan bulshada. Iyagoo si gaar ahna u carrrabaabay gacan-qabad xooggan oo ay sheegeen inay ka heleen dhankooda. Waxaana ka mid ahaa masuuliyiin ka tirsan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, Ururo, Culimada Wanaagfarista iyo suxufiyiin.



Diyaarintii: Bahda Himilo

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.