Fortsätt till huvudinnehåll

Xus iyo Xusuus: IHN, Cabdiraxmaan Maxamuud Jaamac (Qodax) iyo maansada: "Godol". " Anigoo Itaal gabay, gurigaan dhexjoogana, aan geesna uga bixin: Maansada "Godol"...2012


Galabtii Carraabada
Aan gaar u daawado
Guullaa amarka siiyoo
Hadba gees u dirayee

Anigoo Itaalgabay 
Gurigaan dhexjoogana
Aan geesna uga bixin.

Waxa laga joogaa sannad gaw ah, markii uu IHN,tee Cabdiraxmaan Maxamuud Jaamac oo ku magacdheeraa Cabdiraxmaan Qodax ama Cabdiraxmaan Bulsho, uu ku geeriyooday magaalada Emman ee carriga Holand. Cabdiraxmaan in muddo ah ayuu ku jiray cusbitaal ku yaalla magaalada uu deggenaa, muddo ka dibna xaqii lama dhaafaanka ahaa baa u yimi oo halkii loo badnaa ayuu tegey. Geeridu waa xaq, qof kastaana wuu dhadhamin doonaa, waxaase jira qof war fiican ka hadho, mid aan dib loo xasuusan iyo mid xumaan lagu xuso. Ilaahay ha innaga dhigo kuwii wanaag lagu xuso, aamiin. Qoraalkan waxa aan ku xusayaa walaalkay Cabdiraxmaan M. Jaamac oo aan ku xusayaa wanaaggiisii, sheekadiisii, kaftankiisii dareenkii siyaasadeed ee uu dhallinyaradiisii soo maray.

Cabdiraxmaan waxa uu ku dhashay magaalada Sheekh xilli ku beegan 1959kii. Waxa uu waxbarashadiisii hoose ku soo qaatay Sheekh, Hargeysa iyo Baydhabo. Waxa uu yaraantiisii ku soo barbaaray inta badan Hargeysa iyo Sheekh. Waxa uu siddetamaadkii degenaa Muqdisho. Labaatankii sannadood ee ugu danbeeyeyna waxa uu deggenaa carriga Holand. Halkaas oo uu ku geeriyooday.

Cabdiraxmaan, Ilaahay ha u naxariistee, kaftan yaqaan, aan laga xiiso goyn buu ahaa. Waxa uu kula baxay magaca Bulsho. Maaddaama oo maalmihii tegey ee bishii Feberweri la xusayey kacdoonkii dhalliyarada ee 1982kii, imminkana aynu ku jirno bishii maarj horraanteedii, waxa aan ku xusayaa kaalintiisii. Goobtu waa dugsigii sare ee Sheekh ee caanka ahaa, gu'guna waa 1982kii horraantii Maarj, ardayda ku jirtay waxa aan ku qiyaasi karaa 300 oo arday. Waxa ay u badnaayeen ardayda "Hoyga" ee u hoyata dugsiga. kacdoonkii ardaydii Hargeysa ayaa bilaabmay, maalmo ka dib ayaa abaabul ka dhacay Dugsiga sare ee Sheekh. Waxa aan ka xasuustaa Maxamuud Siciid Cawaale, Dacwi, Beled iyo Cabdiraxmaan Bulsho, kaalintii ay ka qaateen abaabulkaas. Macallimiintana waxa aan ka xusayaa, maamulhii dugsiga Axmed Daahir Diiriye (Shaarub), Faysal Axmed Xaaji Aadan, Ibraahin Maacaleesh.

Ardaydu waxa ay goor habeenimo ah qabsadeen saldhigga ciidanka booliska, oo ahaana goobta lagu joojiyo baabuurta ka timaadda Burco ee Berbera u socda. Habeenkaa, waxa aan odhan karaa magaalada Sheekh waxa gacanta ku dhigay ardaydii Dugsiga sare, oo uu hormoodka ka ahaa Cabdiraxmaan Bulsho. Waxa aan xasuustaa maalinimadii ayaa hoolka weyn ee Dugsiga la isugu yimi iyadoo ciidan badanna la keenay duleedka dugsiga. Cabdiraxmaan waxa uu halkaa ka jeediyey qudbad gilgishay dhammaan ardaydii, waxa aan ka xasuustaa erayadiisii, "aan u midaysnaano waxa aynu doonayno" isagoo labada gacmood inta uu kor u qaaday, tilmaamaya midaysnaan. Sacab ayaa u dhacay, ma uu ka baqayn keligaa baa lagu xidhi, waxa uu ogaa in uu taageero ka haysto boqollaalka arday ee goobta ku sugnaa.

Sannadadii 1983-87kii oo aanu wada joognay Muqdisho, oo uu gurmadkii mashaariicdii Qaranka ka galay, markii danbena uu jaamacadda ka galay, ayaa waxa caado ahayd in la is waraysto marka la kulmo. Waraysiga ugu badani, waxa uu ahaa maxaa laga soo sheegay SNMtii iyo xaaladda guud ee siyaasadeed ee dalkii burburka qarka u saarraa uu marayey. Waxa aan ka xusayaa, sidii kaftanka iyo xeeldheerinimada ku dheehnayd ee uu dadka u waraysan jiray. Waxa jiray shaki badan oo la kala qabay, marka la is waraysanayo, oo dhegadhegaynta ayaa badnayd. Cabdiraxmaan qofka uu la kulmo ee uu arko in uu la socdo qof kale oo aanuu garanayn, waxa uu ku odhan jiray "Waar kaalay shaadhkaagani, ma balcadbaa (Balcadda, waxa lagu samayn jiray wershaddii dharka ee ku taallay Balcad) mise waa suuf?" oo uu uga jeedo, ma iga hubtaa qofkan kula socda. Qofka la fahmaya waxa uu odhan-jirey waa suuf isagoo uga jeeda "Shaki maleh"

Afgaradkaasi, oo kaftanna ku dheehnaa, marka la dhaafo Cabdiraxmaan ilaa carruurnimadiisii waxa uu ahaa qof la jecelyahay, oo kaftan badan, hadaladiisana dhegta loo taago. Qof aan xumaan talis ahayn, aan isla weynayn, ee dadkiisa ku dhexjira. Deeqsibuu ahaa, oo inta uu hayo waa la la wadaagi jiray. Cidna kama qaloon jirin. Intii danbe oo kaba badan 20 sannadood waxa uu degennaa dalka Holand. Halkaas ayuu ku geeriyooday, waxa uu ka tegey xaas iyo wiil.

Xuskan waxa igu dhaliyey, isaga oo ku jira cusbitaalka ayaanu telefoonka ku wada hadalnay, wuxuu ii sheegay intii uu dhaktarka ku jiray iyo cidladii uu keligii qolka ku jiray, inuu sameeyey dhawr maanso oo uu ii ballanqaaday in uu qoraal ahaan iigu soo diro. Ma ay suurto gelin keliya maansada hoosta ku qoran baa i soo gaadhay, isagoo sii mootan. Waxa aan dareemay in xil i saarmay, oo ay tahay in aan gudbiyo maansadaas. Waxa aan xusuustay, 1985kii oo uu dhawr maanso curiyey, ayey ahayd markii iigu horraysay ee aan isku dayo, in aan bal dhawr bayd isu geeyo, isagaa ahaa qofkii igu dhiirrigeliyey, inkastoo aanan maansayahan ahayn, laakiin in aan wax tirin karo Cabdiraxmaan baa sabab u ahaa.
Waxa aan ka xusuustaa gabay dheeraa oo aan berigaa tiriyey, anigoo 18 jir ah.

Indhawaydba siinleyda gabay ma tirin sadarradeediiye
xalauun baan ku sara kacay sidaan soomanaa abide

dhextaal waxa u ahaa

Afartaa sabarad qiiqaysa iyo sulub rasaaseed dheh
afar kalena....... ma xasuusto gabaygoo dhammaystiran waa 1985kii. Iyo Muqdisho.

Waatan maansada la magac baxday "Godol" oo uu marxuumku tiriyey maalmihii noloshiisa ugu danbaysay dunida. Ilaahay ha u naxariisto, aamiin. Dhammanna samir iyo iimaan ha innaga siiyo, Cabdiraxmaan Maxamuud Jaamac (Qodax) 



"Godol"


Gabaygeyga godol
Guntimaha horraadkiyo
Ganka iyo danbeedada
Iga gooya maraqoo
Geyiga haw nimceeyee
Gaadhsiiya goobaha
Xooluhu galaaniyo
Dhulka gobabka waaweyn
Galoolku uu ku yaallee
Geeluna ku dhaqanyahay.

Ha gaadhaan daruuraha
Hadba dhan u gudaayee
Galabtii Carraabada
Aan gaar u daawado
Guullaa amarka siiyoo
Hadba gees u dirayee
Anigoo Itaalgabay 
Gurigaan dhexjoogana
Aan geesna uga bixin.

Waxaan gaar u eegaa
Fadka gaanbinaaye
Hadba dhinac u guuree
Gosha biyuhu jiifaan
Isla gaadhay dacallada
Guulle wuu ogyahayoo
Gurigaan ku koray-iyo
Geyigaan imiye


Galab galab dhammaantood
Garoomada u soo baxa
Goortay harraadaan
Gabbalkii dhacaayaba
Gu'ga oo ku hooroo
Geyigana dhibbaatiyo
Aan gaadhsiin waxyelo
Guullaheen haynoo shubo

Gobolada dalkeenniyo
Giddogood deegaanada
uu gaadho gobolada
Goobta Selel ku taalliyo
Ilaa gacanka waaheen
Saaxil goonyaheediyo
Godonada Sanaagiyo
Ilaa Gubanka soo rogan

Gosha biyo Irmaanee
Hadba gees u shubantee
Gees ilaa ka gees
Irmaan godol ka yeel
Allayahooy dulgee
Dhammaan geyiga oo idil


Waa Billaahi Tawfiiq

Waxa tiriyey, IHN, Cabdiraxmaan Maxamuud Jaamac (Qodax) 
dhammaadkii 2012, Emman/Holland

-------------------------------------------------------
 W/Q, Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf (Dhegey)
09-03-2014 Stockholm/Iswidhan

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.