Dawladnimadu waa hannaan maamul iyo hab abaabul bulsheed oo horumarsan, mana jiri karto dunidan cusub ummad ka maarantaa. Ha ahaatee dawladnimada cusubi dadka soomaalida wax ay u sidday hoog iyo xanuun. Berigii geelasha gooni gooni loo ka la raacan jiray baa la roonaaye, kolkii wax la isku darsaday waa la is eeday oo la isku halligmay. Awal iyo iyo weligeedba waa la is layn jiray laakiin isku itaal baa la ahaa, dawladnimada ayaa se noqotay awood dheeraad ah oo la isku dilo oo la dumiyo.
Dawladnimo waa loo baahnaa waana daruuri, laakiin soomaalida ayaa af garan wayday oo si xun ugu dhaqantay dabadeed isku baabbi’isay. Taladii dalka ee la wada lahaa ayaa la ka la sheegtay dabadeed hubkii, hantidii iyo haybaddii qaranka la isku waxyeelleeyay. Mar kale raadinta awoodda dawladnimada ayaa loo maray waddo walba oo xun. Labadaa damac ee aan midkoodna qummanayn ayay soomaalidu ku dhex lunsanayd laga soo bilaabo 1969 ilaa maanta. Dhaqanxumadaa waxaa jideeyay maamulkii dadqalatada ahaa ee Oktoobar.
Askartii Oktoobar ee talada Soomaaliya haysatay muddadii u dhexaysay 1969 – 1991 umadda soomaalida wax ay badeen xanuun iyo halaag aan qoraal lagu koobi karin. Ugu horraynba qof wal oo iyaga sacabka u tumi waaya ama taladooda jeclaan waaya waa ay gawraceen ama god madow ku rideen. Labaatankii sannadood ee ay dalka haysteen kumannaan iyo kumannaan qof baa goortii la doono, meeshii la doono iyo sidii la doono qudha looga jaray. Kumannaan iyo kumannaan aan dembi lahayn baa xabsi dheer ku silcay ama la jidhdilay. Kumannaan iyo kumannaan aan waxba galabsan baa dalkooda baqdin uga firxaday oo debedwareeg ahaa. Kumannaan iyo kumannaan maato ah baa quwaddii ciidanka Jamhuuriyadda la dul marsiiyay oo la xaaqay. Kumannaan iyo kumannaan muwaaddin baa habeen iyo maalin ku noolaa cabsi joogto ah. Kumannaan iyo kumannaan baa si aan sharci ahayn hantidoodii loo la wareegay oo laga bililiqaystay. Qabiilooyin dhan oo soomaaliyeed baa la isku dayay in awoodda dawladda lagu dabargooyo. Qaar ka mid ah magaalooyinkii dalka ugu waaweynaa baa dambaska laga dhigay. Qaybo dhan oo dalkii Soomaaliya ka mid ah baa dhac iyo boob loo fasaxay. Tolalkii dalka wada lahaa baa la isku hubeeyay oo la isku gumaaday. Waxaas oo dhan waxaa lagu fuliyay awooddii iyo magacii dawladnimada.
Dhagaraha sidaa u waaweyn ugu horrayn waxaa ku eedaysan askartii isu bixisay Kacaanka 21 Oktoobar oo keligood masuul buuxa ka ah wax allaale wixii dhacay welina meelo badan ka socda.
Dembiga sidaa u weyn qofka kowaad ee if iyo aakhiraba u xidhani waa Maxamed Siyaad Barre oo waxaas hoggaamiye ka ahaa. Cid wal oo taa la fulisayba waa isaga meesha taariikh ahaan iyo akhlaaq ahaanba ayaandarradaa loo celinayaa. In ay soomaalidu dhimatay oo burburtay, in ay dawladnimadii iyo midnimadii luntay, iyo in la ka la dhintay oo dib la isugu iman kari waayay, intaasba isaga ayaa eedeede leh.
Bal kelitaliyahaa macangagnimadiisa u fiirso oo, xitaa kolkii ay in badan oo dalka ahi gacantiisa ka baxday, bulshaduna noqotay in uu isagu halaagay iyo in silcaysa, wuu garan waayay in uu qaato waanwaan wax lagu dabaqabto. Weligii maskaxdiisa ku ma soo dhicin in uu talada dalka ee la la leeyahay wadahadal ka galo si wax loo badbaadiyo. Ninkaa xilkasnimo darradiisa intaas baa tusaale ugu filan. Hadhowna isaga iyo askartii kale ee Oktoobar markii ay wixii oo ayaandarro ah dadkii badeen, dalkiina cadaab ka dhigeen, debedaha ayay u wada yaaceen oo dhulal kale degeen. Waa heerka ugu hooseeya ee ay gaadhi karto anshaxa iyo garashada qof masuul sheegtay.
Iyada oo ay sidaa tahay, maanta waxaa jira dad askartii Oktoobar ammaana. Dadkaa sidaa yeelaya arrinkoodu haba yaab badnaadee sabab nafsi ah iyo mid dhaqanba waa lagu macnayn karaa. Ta hore waa waxa la yidhaahdo Stockholms Syndrome, waana jirro nafsiyadeed oo qofka la xanuunjiyaa kii xanuunjiyay u hiiliyo. Waxaa se kale oo jira dad qudhoodu foolxumadaa kaalin weyn ku lahaa, ama dan yar oo xaaraan ah ku qabay, sidaa darteed maanta difaacaya. Dad kale dhaqanka soomaalida ee qabyaaladeed ayay u jabayaan oo tusaale ahaan Maxamed Siyaad Barre iyo madaxdii kale ee maamulkaas ayay qoladooda u arkaan sababtaana eedda ugu diidayaan. Waxaa kale oo jirta in soomaalida koonfurta badankeedu wayday nabaddii yarayd ee maamulkaasi iyaga ku addoonsan jiray dabadeed u hilowday. Qoladan dambe kolka ay eegaan Maxamed Siyaad Barre ka dib wixii iyaga ku dhacay ayay dhahaan ”isaga wax dhaama yaaba arkay!”. Wax ay se garan la yihiin wax alla wixii dhacay ee ilaa maanta socdaa in ay si toos ah ugu xidhan yihiin Maamulkii Oktoobar oo aanay sinaba uga go'nayn.
Dad baa af cad ku yidhaahda halgankii maamulkaa lagu riday gef buu ahaa. Hadalkaasi isaga ayaa ah gef, fulaynnimo iyo xilkasnimo darro. Qasab iyo sandulle ayay ahayd in la diriro oo xoog la iskaga dul qaado dulmigii uu maamulkaasi umadda ku hayay. Haddaa ma gunnimadii iyo foolxumadii la ogaa baa la eegan lahaa oo la qaayibi lahaa? Waana dabeecadda nolosha in marka balaayo taas la mid ah la iska furfurayo in dhiig badani qubto oo wax badani dumaan. U fiirso Dagaalkii Sokeeye ee Maraykanku ku goboobay wixii dad ku halligmay. U fiirso Kacaankii Faransiiska wixii la isku ba’ay. U fiirso meel wal oo dunida dulmi ka jiray oo caddaalad loo gudbay waxa burbur dhacay.
Erayga ”arxan” macnihiisu waa la damqashada qofka kale, waana dareen asaas iyo muhiim u ah bani aadamnimada, haddii la isu arxami waayana waxaa la noqonayaa dugaag. Haddaba haddii taladii maamulka askarta Oktoobar la ammaano, ama godobtiisa la beeniyo, maxaa baroordiiq iyo dhaymo u ah malyuumaadkii qof ee dadkooda ku waayay ama qax iyo silic ku mutay gaboodfalkii askartaa?
Nool iyo mood wixii lumay sidee looga samrayaa haddii ay weli jiraan dad jariimadihii dhacay ku faanaya ama kuwii geystay halyeyo ku sheegayaa? Sidee cafis iyo wada noolaansho u suurtoobi karaan? Nimankii dawladnimadii ka dhigay mishiin cadaab ah oo lagu wada gubtay, qof leh garasho hagaagsan iyo anshax suubban ma u bannaan tahay in uu weyneeyo? Jawaabtu haddii ay haa noqoto waxaa caddaanaysa in aan arxan jirin iyo in aan isku si wax loo qiimaysan karin.
Haddii garashada qumman iyo anshaxa suubban wax lagu wada eegi waayo, oo sidii la doono loo hadlo, waxaa meesha imanaysa isdiiddadii George Orwin ee yaabka badnayd: dilku waa noolayn, guuldarradu waa guul, gaajadu waa dhereg, silicu waa raaxo, dulmigu waa caddaalad, nacabkuna waa nasteex. Waa sidaa ilaa la helayo si kale oo wax lagu wada qiimaysan karo.
W/Q, Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
Kommentarer
Skicka en kommentar