Fortsätt till huvudinnehåll

Wargalin muhim ah, Buuga Diiwaanka maansooyinka iyo taariikh nololeedkii Abwaan Abdi Iidaan Faarah

Wargalin muhim ah, Buuga Diiwaanka maansooyinka iyo taariikh nololeedkii Abwaan Abdi Iidaan Faarah

Ilaahay mahadi ha ka gaadhee waxa soo gabogaboobay wajiga hore ee ururinta taariikhda nololeedkii iyo suugaantii Alle ha unaxariistee Mujaahid abwaan Abdi Iidan Faarah, buuga diiwaanka taariikh suugaaneedka Abwaan Abdi Iidaan waxa lagu wargelinayaa dhamaan bulshawaynta reer Somaliland iyo guud ahaanba bulsho waynta ku hadasha afka somaliga  cidii haysa heeso, gabayo, geeraaro, riwaayado iyo taariikh nololeedkiisaba inay la soo xidhiidhaan cinwaanada hoos ku qoran taasi oo.


Buuga diiwaanka suugaanta Abwaan Abdi Iidan oo muddo ku siman hal sanno iyo badh ay gacan ta ku hayeen dhalinyaro mutadawiciin ah oo isu xil saartay inay badbaadiyaan suugaanta hal muceedka ah ee abwaanka taasi oo ku duugan laabaha maanse yahanada iyo bulshada soomaaliyeed ba, waxa lala kulmay dadyow doora oo abwaanku la qaatay noloshiisii halgamaa iyo dhaqmeedba.

Waxa aanu ka xunahay inaanu gaadhi kari waynay dad badan oo xogo muhim ah ka haya abwaanka in badan oo ka mid ahina way geeri noqdeen. hadaba waxaanu si naxariisle uga codsanaynaa cid kastoo abwaanka is gaadheen, wada shaqeeyeen soo wada dhaqmeen ama haysa suugaan abwaanku leeyahay qoraal ha ku hayeen ama xusuustoodee inay la soo xidhiidhaan cinwaanadan hoos ku qoran.

Waxa Ilaahay mahadi ha ka gaadhee ku dhaw gabogabo wajiga hore ee ururinta taariikhda nololeedkii iyo suugaantii Alle ha unaxariistee Mujaahid abwaan Abdi Iidan Faarah kaasi oo aynu ka soo saari doono buug dhaxal gal ah oo aynu ku raaxaysano suugaantii iyo midhihii uu inooga tagay abwaanku.


La soo xidhiidh fadlan cinwaanadan:
Doogsi Youth Organization
Ibrahim Ali Hassan 
Cell: +252 (63) 4428460

Mohamed Hussein Harun
Cell: +252 (63) 4118176

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.

Faallo!..."ladh" Buug Cusub Oo Uu Qoray Cabdillahi C Cige

Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey — Sweden — 7 September, 2005 Markaad aragto buugga laftigiisa, ayaad garanaysaa in buuggani uu ka duwanyahay buugaagtii hore ee afsoomaaliga ku soo bixijirtay. Qaabka buuggu u qoranyahay waa qaabka loo qaabeeyo sheekooyinka "Novel-ka" loo yaqaan. Waxaad dareemaysaa in dadka soomaalidu ku tallaabsadeen, jidkii muddo dheer kasoo xidhnaa. Kaasoo ah qoritaanka sheekooyinka, ku qotoma qaababka nolosha banii'aadamka. Intaa haddaan ku dhaafo qaabka buugga. Waxaan xasuustay faallo uu ka bixiyay Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd" buuggan la magac baxay "Ladh. Mudane Hawd wuxuu ku soo gunaanaday maqaalkiisii "qoraaga buuggan qoray, haddii buuggani yahay kiisii ugu horreeyey oo maxay noqon doonaan kuwa soo socdana."