Fortsätt till huvudinnehåll

Faallo ku saabsan buugga la magacbaxay "Samo-Talis" ee uu qoray Siciid M. Gahayr soona baxay 2013kii Q/-2aad

Maktabad aan guban buu Gahayr goobta soo dhigaye, 
Aan gorfeeyo waa gobanimiyo guul  qalin u guuxaaye."

Halkan ka akhri Q/1-aad
http://dhegey.blogspot.se/2014/01/faallo-buugga-samo-talis-maktabad-aan.html


Sidaan qoraalkii horeba ku sheegay, buugga Samo-Talis, waa buug baaxaddiisa leh, dhan kasta waxa ku jira taariikh aad u dheer. dabcan, buugga waxa laga hadlayaa waa Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf oo ku magac dheer Cabdiwaraabe. Buug kasta oo la qoro ama hawl kasta oo la qabto ma weydo dhalliil. Waxa, wax lagu saxaa mar kasta dhallisha aan xumaantu ku ladhnayn ee dareenkaaga ka dhalata. Mar haddii aan buugga si guud uga faallooday qaybtii hore bal mar kanna aan iska taago dhankale. 







Waxa aan se weli ka afeefanayaa, buuggan laguma soo koobi karo bog iyo labo toonna in lagaga faalloodo. Sababtoo ah Cimri dheerida Xaajiga waxa u dheer waxa uu ahaa markasta xubin firfircoon oo ka dhex muuqda bulshada. Waana sababta keeni karta in lagu kala tagganaado habdhaqankii siyaasadeed ee Xaaji Cabdi, xilliyo kala duwan. Sida xilligii ugu xumaa ee soo mara shacbiga reer Somaliland oo ahayd markii uu dalka ka talinayey Keligii taliye, Maxamed Siyaad Barre. Waxa kaloo iyaduna marxalad kale ahayd dagaaladii sokeeye, oo uu meel muuqata is ka taagay Xajigu. Arrimahaasi maadaama oo ay buugga ku jiraan sidee uu u maareeyey qoraagu?

Waan hubaa oo Siciid hawl weyn oo la yaab leh oo faa'iido leh ayuu qabtay, laakiin sidee isu waafajiyey ka hadalka Xaajiga iyo dareenada siyaasadeed oo kala taggan ee xaajigu soo maray. 

Inkastoo ay badan yihiin meelaha la odhan karo qoraaga way ku adkaatay, sidii uu uga dabbaalan lahaa, si cad oo qeexanna u tilmaami lahaa dhalliilaha Xaaji Cabdi ay u hayeen dadkiisu, waa reer Somalilande. Waxa ugu mudan in la sheegona ay lagama maarmaan tahay. Xilligii keligii taliye Maxamed Siyaad Barre dalka ka talinayey, oo uu Xajigu xidhiidh fiican la lahaa. Mana uu qarin Xaaji Cabdi oo buuga sida uu Siciid inoo soo tebinayo, waxa ku jirta markii dagaalku qarxay ee 1988 ee birta la iska aslayey in Xaajiga gaadhi lagu maamuusay oo uu daad gureeyey dad badan. U fiirso, qofkii xilligaa joogay wuu garanayaa cadhadii shacbiga iyo gacantii naxariista darrayd ee faqashtu in aanay marnaba is bixinayn. Marka xilligaa Xaaji Cabdi saraakiishii Faqashtu siinaysay gaadiidka, miyaan la odhan karin xidhiidh xooggan oo soke ayuu la lahaa maamulkii kelitaliska ahaa. 

Taa ujeedadaydu maaha ee waa sida uu qoraagu inoogu soo gudbiyey ma cadda, mana saafna, taariikhdana si qalloocan bay u muuqanaysaa. Waxa ay u muuqanaysaa in waxoogaa naxariis ahi ku jirtay ciidamadii daacadda u ahaa Maxamed Siyaad Barre. Naxariis in yarina kuma jirin ee waa xidhiidhkaa xoogganaa, ee ka dhexeeyey maamulkii xilligaa jiray iyo Xaaji Cabdikariin. 

Qoraaga, waxa kaloo iska dhex gashay kala garasho la'aan, waxa uu buuggu ku saabsanyahay oo ahayd odayga caanka ah ee Xaaji Cabdikariin Xuseen. Waxa buugga ku jira aragtida qoraaga oo meelo badan ama inta badan qoray, oo isagu inoo sheegay sida wax u jireen. Waxa ka fiicnayd in uu qoraalka u kala qaybiyo bilaw uu qoraagu bilaabayo, inta badanna u daayo sida uu yidhi Xaaji Cabdi. Taasi waxa ay yarayn lahayd, faallada dhaadeer ee qoraagu isagu inoo soo gudbiyey.

Magacyada, ku jira buugga waa ay fara badan yihiin. Waa la garan karaa magacyadaasi in ay yihiin dad caan ahaa, oo ahaa haldoorkii bulshada. Waxa ay ahayd in uu si fiican ugu faahfaahiyo magac kasta kuna qoro bogga qaybtiisa hoose ama xataa bogagga ugu danbeeya. Magacyada kale ee goobaha ama deegaamada iyagana in uu faahfaahin ka bixiyo ayey ahayd. Meelaha qaar waxa uu qoraagu doorbiday in uu beelaha magacyadooda qoro meelaha qaarna kuma uu qorin. Waxa habboonayd in uu beel kasta qoro, si ay u fududaato fahamka arrinka uu qoraagu innooga warramayo. Waxaase aad dareemaysaa in uu meelaha qaarna qoray meelaha qaarna uu si kale u dhigay. 

Ku dhowaaqistii Degmada Gabiley 1963kii, oo buugga ku jirta, uuna ka qaybgalay Xaaji Cabdi, waxa ku qoran, magac ah "Ina Xagaa dheere". Magacaas waxa aan is idhi ma Ina Xagaa dheerihii Q/19-aad ku noolaa deegaanka Gabiley baa mise waa inan kiisii. Magac sidiisa u qotoma, lama garan karo, taariikhdana wax faa'iido ah u yeelan maayo, haddaan la sugin oo aanay caddayn qofka uu yahay. Taa magacyada, waxa kaloo raaca, magacyo fara badan oo muhiim ah, oo qoraagu qoray keliya hal magac ama laba magac. Waxa xil ka saarraa qoraaga in uu magacyadaas raadsado, ugu yaraan haddii magaca oo dhammays tiran waayo uu qoro reerkiisa. Soomaalidu reernimada waxa ay u taqaan qabiil, waxaa se hubaal ah, qof kasta magaciisa danbe ee muhiimka ahi, waa ka reerka, sida adduunkuba u adeegsado magaca danbe oo ah ka muhiimka ah, ee qof lagu aqoonsado.

Meelaha uu qoraagu is dhexdhigay arrimo aan is lahayn waxa ka mid ah. Marka uu qoraagu ka hadlayo, dagaaladii sokeeye. Si fiican buu dhawr jeer u tilmaamay, in haddii taariikhda laga saari lahaa uu ka saari lahaa, laakiin aanay taariikhdu lahayn baalal googo'an. Hadanna sidan ayuu u googooyey. Marka uu qoraagu ka hadlayo, dagaalkii sokeeye ee Burco oo uu Xaajigu tegey kana qayb galay xal u helidii murankii markaa jiray. Waxa qoran, in laba shir Burco ka dhaceen oo midna ahaa Libaan1 ka kalena Liibaan2, labadaa shirna ay ku soo gebagaboobeen in kalsoonidii lagala noqdo Maxamed I Cigaal oo markaa ahaa madaxweynihii Somaliland. Muddo ka dibna ciidan la dul-dhigay Burco ka koobnaa Ciise Muuse iyo H/Jeclo. Sidaa marka la yidhaa sawirku inooma wada buuxo. Gaar ahaan dadka aan xogogaalka ahayn ama beri danbe buugga akhrisan doona. Waxa muhiim ah, oo dagaalku ka dhacay waa shirkaa oo lagu taageeray IHN Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee Somaliland yeelato. Waxa uu Cabdiraxmaan kaga dhawaaqay Adisabeba in uu ka noqday goonni isutaaggii Somaliland, oo uu yahay guddoomiyaha SNM. Waa la wada garan karaa caddaan iyo madaw, muslin iy gaal miisaanka uu ku lahaa siyaasadda Somaliland Cabdiraxmaan. 

Marka laga taageero Burco oo ahayd goobtii lagu go'aamiyey in la dhiso Somaliland, dareenka ay bixinaysay, waxa uu ahaa mid aan yarayn. Arrinkuna kuma dhalan, kalsoonidii baanu kala noqonnay Maxamed I Cigaal, taasi wax sidaa u sii ridan ma ay noqoteen. Waxa aan halkaa aad ugu dhalliilayaa, qoraaga, waxa ay ahayd in uu ku ekaado Xaaji Cabdikariin, haddiise uu doonay in uu sharraxo dhibaatadii keentay dagaalkaas, waxa ila qumman iyadoon cidna loo habranayn in uu sawir muuqda ka bixiyo halkii sartru ka qudhuntay. Arrimaha keenay dagaaladii sokeeye, ma aha kuwo beelo dhexmarayey, ee waxa ay dhammaantood ahaayeen kuwo siyaasadeed, waxaana fiican in dhallinyaradu si fiican u fahanto. Wakhti lagu kala garto, qofka Somaliland u taagnaa iyo ka u socday Xamar, waa aynu soo joognay. waxaanse hoosta ka xariiqayaa in aanay dagaaladaasi ahayn kuwo beelo dhexmaray. Sababta aan qodobkan ugu arkay in qallooca ku jira aan tilmaamo, waa sida qoraaguba tilmaamay taariikhdu ma laha baalal googo'an.

Meelaha buuggan ka kaxaynaya qofkii laga hadlayey oo ah Cabdikariin Xuseen (Waraabe) waxa ka mid ah, isla dagaalada sokeeye ee ka dhacay Hargeysa, oo uu qoraagu doorbiday in uu wax ka weydiiyo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilqaadir. Jawaabaha buugga ku jira ama hadalka Suldaanka, waxa ka mid ah, in dagaalka ay sabab u ahaayeen raggii loo xilsaaray hawshaas oo uu ka mid ahaa Xaabsade, Sh Ibraahin Sh Yuusuf, Cabdiraxmaan awCali Farax  ay si degdeg ah u yidhaahdee beeshii madaarka gacanta ku haysay iyo waanwaantii quus baanu ka joognaa. Dabadeedna xukuumadduna si degdeg ah u xidhay Madaarka. Sidaana dagaalku ku dhacay. Waxa ay ahayd in qoraagu wax ka weydiiyo Cabdiraxmaan Aw Cali faarax iyo Xaabsade mar haddii qalinku la taraaray oo uu ka baxay mawduucii uu buugga ka qorayey, waxa ay ahayd in uu si dhexdhexaadnimo ah ula xidhiidho xubnaha kale ee nool ee hawshaa xogogaalka u ahaa. Waxaanse tilmaan kooban ka bixinayaa, in xilligaasi ahaa xilli rag siyaasiyiin ruugcaddaa ahi, ay rabeen in dadka loo jiido dhankaa iyo Muqdisho, oo si doqoni ma garatay ah la isaga horkeeno beelaha walaalaha ah, ee isku siyaasadd ah. Taa la ftigeeda, buugga in sidaa loogu daro, oo sawirkaa kooban ee ah xukuumadda ayaa go'aan degdega gaadhay oo sababtay dagaalka, kuma habboonna buugan.

Sidaan qoraalkaygii hore ka afeeftay buuggani waxa uu xanbaarsanyahay wax fara badan oo daaqado badan baad soo eegaysaa, kadimmo siyaasadeed baad dhex mushaaxaysaa, sidaa awgeed ma fududa in faallo kooban laga bixiyaa buuggan. Waxa uu u baahanyahay in si deggen oo wax tarleh loo tilmaama, oo toosiya qoraaga si uu uga faa'iidaysto qaldaadka ay akhristayaashu la wadaagayaan. Waxa aan si weyn u tilaamayaa, in buuggani yahay mid loo baahnaa, in uu qoraagu xoog saaray sidii uu u soo saari lahaa buug aan dhalliil yeelan, waanay ka muuqataa isku dayga uu sameeyey, waanuu ku ammaanan yahay. laakiin hawl aan dhalliil lahayni hawl maaha. Qof aan waxba qaban ayuun baan la dhalliilin, haddaad aragto qof la dhalliilayo, waa qof waxtar leh oo wax qabtay. Sidaa awgeed saaxiibkay Siciid M Gahayr oo aan aad ugu kalsoonahay, waxa aan isleeyahay, waxoogaa waad tilmaantay meelo kooban oo buugga ku jira una baahan in uu qoraagu ka fikiro, qaabka uu u soo gudbinayo. Inuu ka wada tago iyo inuu dhammaystiro waxba kama dhexeeyaan.

Waxa kaloo aan si mug leh u tilmaamayaa, in buuggu aanuu ku koobnayn Xaaji Cabdikariin, ee qoraa ahaan aad in badan adigu diyaarisay, taasina waxa ay waxoogaa jilcinaysaa wax ka sheeggii ama sooyaalkii Cabdikariin Xuseen ee aad u qalab qaadatay. Waxa aan ku dhiirri gelinayaa akhristayaasha in ay buuggan akhriyaan, oo gorfeeyaan. Yaan lagu gorfayn hab aflagaaddo ah, taasi waa uun macno darro kale, ee si aynu u dhiirrigelinno qoraaga, aan dareenkeenna oo kala duwanaan kara u soo gudbinno. Dhinacyo fara badan baana buuggan laga istaagi karaa, qofba meelbuu dareen ka bixin karaa. Qoraalkanna intaas ayaan ku soo koobayaa. Haddii aan meelo kale oo u baahan wax ka sheeg iyo tilmaanna aan arko waan la wadaagi akhristayaasha.

Qoraagana, waa Siciid'e waxa aan leeyahay, ururso talooyinka, dhalliilaha intooda waxtarka leh. Noqo qoraa Qaran oo sooyaalka gala.  

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)
Stockholm/Iswidhan
06-01-2013/Isniin

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.