Fortsätt till huvudinnehåll

Faallo ku saabsan buugga la magacbaxay " Samo-Talis" ee uu qoray Siciid M. Gahayr, soona baxay 2013kii, Q/1-aad

Maktabad aan guban buu Gahayr goobta soo dhigaye, 
Aan gorfeeyo waa gobanimiyo guul  qalin u guuxaaye."

Buugga la magac baxay "Samo-talis" waxa qoray Siciid Maxamuud Gahayr. Waxa uu gacantayda soo galay dorraad oo ahayd maalin jimce ah, taariikduna ahayd 03-01-2014. Waxa uu buugu soo baxay gu'gii hore ee 2013ka. Waa buug loo baahnaa, waa buug laga heli karo taariikh soo taxnayd muddo dheer. Waana maktabad innaga guban lahayd oo aan guban, waa dhaxal u yaalla dadka afka soomaaliga ku hadla. In badan baa garanaysa Xaaji Cabdikariin Xuseen oo ku magacdheer Xaaji Cabdiwaraabe. 






Runtii, waan ku farxay in buuggani gacantayda soo galo, waxa aan uga mahadcelinayaa, qoraaga buugga oo ii soo diray nuqul buugga ah. Wax badan baan ku fikiray in aan la kulmo Xaaji Cabdi, laakiin iima suurtagelin, sababtoo ah intii dareenka taariikhda in wax laga qoraa igu dhalatay waxa aan deggenaa dal ka fog Somaliland. Taasoo aan dareemayo wax badan oo aan xogogaal u noqon lahaa, wax na ka qori lahaa in aanan u haysan fursaddii ii fududayn lahayd. Waxaase ii farxad ah oo aan aad iyo aad ugu hambalyeynayaa Siciid M Gahayr oo isagoo aad u da'yar ku fikiray in uu buuggaa iyo buugaag kaleba inoo qoro.

Intaa haddaan dhaafo, aan ka afeefto in aanan qoraalkan ku soo koobi karin taariikhda uu buuggani ka hadlayo ee ballaadhan. Haddaan dacal kaa tuso sooyaalka ku jira buugga, bal dib u noqo oo dareenkaaga cabbir 1946kii oo uu Xaaji Cabdiwaraabe, ka qayb galay shir lagu qabtay Haradigeed. Waa shir lagaga wada hadlayey arrimaha soomaalida, gaar ahaan Somaliland, Somaliya, NFD/Kenya iyo Somaligalbeed/Itoobiya. Waxa aan qiyaasayaa, in aanay maanta noolayn ergooyinkii maalintaa ka qaybgalay shirkaas, waxa ka nool waa farakutiris. Sannadkaasi, xiise gaar ah ayuu leeyahay, dhanka taariikhda ku taxan gebidhaclayntii siyaasadda soomaalida. Waa markii uu dhammaaday dagaalkii labaad ee dunida, waa markii uu xoghayihii arrimaha dibedda ee Ingiriisku Mr, Bevin uu golaha soo dhigay in qaybaha soomaalidu degto, la mideeyo maamulkana loo dhiibo Ingisriiska. Xaaji Cabdikariin Xuseen waxa uu goob joog ka ahaa kulankaas, ragga uu xusayo buuggu ee kulankaas ka qaybqaatay waxa ka mid ahaa, Sh, Cali Suufi, Sheekh Cali Jawhar, Aadan Cabdulle Cismaan, C/risaaq Xaaji Xuseen iyo Suldaan Maqtal Daahir.

Markii la dilay Xaawa Taako IHN, waxa maalmahaas joogey Muqdisho wefdi ka yimi Hargeysa oo uu Xaaji Cabdikariin Xuseen ka mid ahaa. Xaawataako IHN, oo in badani buugaagta iyo sooyaalka soomaalida uun lagu bartay ayuu goobjoog ka ahaa Xaajigu. Ilaahay cimri dheer iyo caafimaad buu siiyey, Ilaahay ha u siyaadiyee. Inta aad buugga ku dhexjirto, waxa dareenkaaga ruxaya dabaylihii isbeddel ee dalka ka dhacay oo uu intaba goob joog u ahaa. Ka soo bilaw dagaaladii beelaha dhexmaray afartamaadkii, kontomaadkii ilaa maalinkaa maanta ah, sida uu uga ergeynayey kolba dhibaatada dhacda. Waxa buugga ku jirta taariikh badan oo aan uga mahadcelinayo qoraagu sida uu isugu deyey in uu muddeeyo oo qoro taariikhda arrin kasta oo ku jira buugga. 

Taariikhda dheer ee uu Xaaji Cabdi goobjoogga u ahaa, waxa yaab iyo amankaag igu noqotay in uu la soo shaqeeyey Suldaan Diiriye Suldaan Xasan, oo aan taariikhda ku hayo in uu Suldaan ahaa Q/19aad badhtamihiisii. Marka aad halkaa, ka eegto waxa ay kula noqonaysaa inay aad u dhawayd xilligii ay joogeen Suldaan Cabdiraxmaan suldaan Diiriye Garaad iyo Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye, oo labaduba ka mid ahaa ergadii tagtay ingiriiska 1954kii ee ay wada socdeen Maykal Maryama iyo Dubbe Caliyare. Waxa kaloo aan buuggan ku arkay, wefdigaas tegay Ingiriiska in uu la socday suldaan kale oo la odhan jiray Suldaan Biixi Fooley, hore umaan hayn Suldaankaa saddexaad. 

Qoraaga buuggu waa Siciide, waxa uu isku deyey in uu soo koobo, oo buug keliya ka dhigo sooyaalkaa baaxadda leh. Anna waxa aan dareemayaa, qoraal keliya in aan buugga lagu faallayn karin balse aan dulkaxaadiyo. Aan sawir ka qaadanno shirarka uu Xaaji Cabdi ka qaybgalay ee buugga ku jira. Gaar ahaan kuwa ugu muhiimsan, qaar ka mid ah.

Haragdigeed 1946kii, Shirkii Muqdisho 1948kii, Shirkii aasaaskii guurtida 1988kii, shirkii nabadaynta beelaha Somaliland 1991, Shirkii Berbera 1992, Shirkii Tawfiiq/Sheekh, Shirkii Boorame 1993kii. Intan waxa dheer shirar aan tiro lahayn iyo ka qaybgalka, xallinta khilaafaadka, oo aanan halkan ku soo koobi karin. Waxa aad dareemaysaa, in uu Xaaji Cabdi isla helay dhawr arrimood oo aan inta badan la isla helin. 1. Cimri dheer 2. Caafimaad 3. Caaqil 4. Firfircoonaan 4. Samo-talis 5. Kalsooni 6. Haladayg 7. Hadal-ku dhiirasho iyo arrimo farabadan oo aad ka dheehan karto buugga la magac baxay Samo-talis. in badan baynu nidhaahnaa, waxa innaga gubtay maktabad, waa run. Waxa aan aad uga xumahay, sida ay maktabadahaasi inooga gubteen. Si cad oo aan madamadaw ku jirin baad buugga uga dhex arkaysaa makatabadaha gubtay. Magacyada aad buugga kula kulmayso, ee Xaaji Cabdi uu ula kulmay fool-kafool ayaa markhaati ah. Dadkaas oo in badani ka da'weynayd Xaaji Cabdi, qaar kalena uu isagu ka da'weynaa oo ah haldoorkii ummadda ayaad buugga ka daacalacanaysaa, oo aan maanta noolayn.

Waa Ilaahay mahaddii mar haddii buuggani soo baxay. Waxaana ammaanta iyo hambalyada koowaad iska leh Siciid M Gahayr oo u qalab qaatay sidii uu buuggaa horteenna u keeni lahaa. Waxa kaloo aan hambalyo iyo ducoba u dirayaa Xaaji Cabdikariin Xuseen oo ka aqbalay in uu taariikhdaa weeleeyo qoraagu. Waxa kaloo mudan in aan sheego, kaalinta uu ku lahaa ururinta taariikhda iyadoo cod ah Maxamed Rashiid Sh. Xasan oo uu qoraagu meelo badan ka soo xigtay. Waxa buugga ku jira maahmaahyo taariikhda galay oo uu xaaji Cabdi kaga hadlay goobo muhiim ahaa. Waxa aan ka soo qaadan karaa, tii uu ka yidhi golaha Guurtida horteeda, markii la dooranayey guddoomiyaha guurtida, ka dib geeridii IHN guddoomiyhii guurtida muddada dheer soo hoggaaminayey Sh Ibraahin Sh. Yuusuf Sh. Madar. Tartan uu ka mid ahaa Xaajigu ayaa loo galay guddoomiyenimada, waxa uu buugga ku caddeeyey Xaajigu in aanuu isagu ku fikirin tartankaas, laakiin lagu dhaliyey oo guurtida intooda badani ku dhiirrigeliyeen in uu noqdo guddoomiyaha. Sidii wax loo waday ayuunbuu Xaajigu arkay in si kale xaajadu u socoto, go,aan buu gaadhay. Markii la isu yimina, go'aankiisii oo ahaa waan ka noqday tartankii ayuu goobtii ka sheegay, wuxuu adeegsaday maahmaahdii caanka ahayd, isagoo leh, Guurtida halbaa seegtay Madaxwenaha hal baa seegtay (oo markaa Daahir Rayaale ahaa) Saleebaanna hal baa seegtay (Oo ah guddoomiyaha markii danbe loo doortay guurtida) Anigase hal i seegi maayo, waanaan ka noqday tartankii.

Murtidaas caanka ah, oo sidii uu u ydhi iyo siduu uu fasirayba buugga ayey ku jirtaa. Waxa kaloo aad la kulmaysaa qudbado dhawr ah oo uu ka jeediyey meelo kala jaad ah. Waxa aan odhan karaa buuggani, waa bilaw fiican, oo lagu tallaabsan karo. In badan oo bulshada ka mid ah, oo odayaal u badan ayaa laga qori karaa buugaag ku qotoma taariikhda ummaddu leedahay. Marka wax la qorayo ama qoraal hore ayaa la raacaa ama qofkii koowaad baa soo tebiya ama qofka labaad baa soo tebiya. Mar kastana waxa ugu qiimo badan, qofka koowaad oo toos u soo gudbiya taariikhda iyo dareenka dhabta ah.

Buugga iyo baaxadda uu leeyahay oo ah badweyn taariikheed oo aan si yar looga faalloon karin aan ku soo daro qoraalkan, sida ay erayga uga yidhaahdeen xubno dhawr ah oo uu qoraagu wax ka weydiiyey. IHN-tee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, waxa uu yidhi: " Somaliland waxa ay dheertahay Somaliya Xaaji Cabdi", Xaaji Cabdi waa shaqsiyad Qaran, Axmed M Maxamuud (Siilaanyo), Xaajigu waa odayga qaranka, sidaa waxa yidhi IHN-tee Axmed Maxamed (Qaybe), Xaaji Cabdi waa nin aad u maskax badan, inkastoo aanuu iskuul dhigan, haddana siduu wax u dareemo iyo sida uu wax uga bixiyo, aragtidiisa waa mid qurux badan.....Aqoonyahan, Maxamed Siciid Gees.

Buuggu waa buug weyn oo 271 bog ah. Waxa uu ku qoran yahay warqad aad u tayo sarreysa, waxa lagu daabacay magaalada Hargeysa. Sawirro badan kuma jiraan, oo runtii aan odhan karo waa dhalliil buuggu leeyahay. Sababtoo ah waa la heli karayey sawirro badan oo muujinaya arrimaha uu buuggu ka hadlayo, waan hubaa oo waa la heli lahaa. Tusaale, kulamada uu xaajigu ka qaybgalay waa ay fara badanyihiin, inta badan sawirro waa laga helayaa. Kuwii hore ee lixdamaadkii ama todobaatanaadkii waa laga yaabaa in aanay badnayn inta laga heli karo. Waxa uu sawirku sharraxaad is sharraxaysa ka bixin lahaa dareenka, da'da iyo goobta uu ku sugnaa Xaaji Cabdi. Waxa kaloo aan dareemay una arkaa in aanay ku habboonayn sawirka kore oo aan ahayn Xaaji Cabdi oo keliya. Waxa la sawiran Madaxweynaha maanta xukunka haya Axmed M Maxamuud (Siilaanyo), Wasiirka waxbarashada Somaliland Marwo, Samsam Adan iyo laba qof oo dhanka danbe ka muuqda. Sawirkani waxa uu muujinayaa iyadoo shahaadad la guddoonsiinayo xaajiga. Waa sawir qiimihiisa leh, laakiin gudaha ayuu ku habboonaa, sawirka jeldiguna ee korkuna in uu ahaado sawir Xaajiga oo keliya ah.

Sooyaalka intaa le'eg ee i xasuusiyey awowgay Yuusuf Xaaji Jaamac Hannas oo ku magac dheeraa Yuusuf (Dhegey) oo ka mid ahaa ergadii ka qaygashay xallintii dagaalkii beeleed ee ka dhacay Burco iyo deegaanka ku xeeran 1954kii, sida aan maqlay oo sida buugga ku xusan uu Xaaji Cabdi ka qaybgalay, ma aha mid buug keliya lagu soo koobi karo. Mana aha mid si yar looga faalloon karo, ee waa in dhinacyo badan laga istaagaa oo laga faallooda. La tilmaamaa buugga iyo faa'iidada ku jirta. Dabcan in la sheego wixii dhalliil ah ee ku jirana waxa ay u tahay qoraaga faa'iido weyn oo uu daabacaadda danbe ku sixi karo. Ugu danbayn, waxa aan ku dhiirrigelinayaa qoraaga Siciid M. Gahayr, in uu buugga sii kala dhanbalo oo qaybo kala jaad ah ka dhigo. Tusaale ahaan xallinta khilaafaadka iyo Xaaji Cabdi, siyaasadda iyo Xaaji Cabdi, taariikhnololeedkiisa oo si gaara looga qoro iwm. Ilaahay cimri iyo caafimaadka ha u sii siyaadiyo Xaaji Cabdi, buugaagtaa aan kuu tilmaamay dib ugu qalab qaado, oo way ka fududaan karaan buuggan xanbaarsan 100 ka sannadood ooyaalkoodii. Sida buugga ku qoran Xaajigu waxa uu dhashay 1905tii. Sidaan qiyaasayo qoraaga buugguna waxa uu dhashay siddeetamaadkii, inta u dhaxaysa qoraaga iyo Xaaji Cabdi waa guyaal badan.

Waxa aan ku soo koobayaa qoraalkan, hambalyo ku socota Siciid M Gahayr iyo intii la hawlgashay, ee ka taageertay sixitaanka, ururinta xogta iyo dhaqaalaha daabnacaaddaba. Waana buug loo wada hanweynaa inuu soo baxo. Waayo Xaaji Cabdi waxa uu dadka oo dhan ka kasbaday dareen waayeelnimo iyo samo-talisnimo, waanuu yaryahay qof sidaa loo wada jecelyahay. 

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)
Stockholm/Iswidhan
05-01-2014/Axad 

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.