Fortsätt till huvudinnehåll

Hambalyo ku socota guddida cusub ee Ururka Qoraaga Somaliland

Maalintii ugu danbaysay ee sannadkii 2013, maalinimadii salaasada, habeenkii arbacadu soo gelaysay 31-12-2013 ayaa lagu dhawaaqay guddidii ugu horreysay ee ka hawlgasha Somaliland. Ururka Qoraaga Somaliland oo toban jirsaday, waxa la aasaasay 2003-dii. Magaalada Stockholm baa lagu dhisay UQS. Xubna aad u kooban baa isla gartay oo isla meel dhigay in baahidaasi jirto. Muddo yar ka daib, waxa ku soo biiray qorayaal badan, oo kala jooga dacallada adduunka.


Muddooyinkii ugu danbeeyey, waxa aad xoogga loo saaray sidii lugo loogu taagi lahaa, dalka gudihiisa oo baahida dhabta ahi taallo. dhallinyaro aad u fara badanina, u baahanyihiin isku xidhka, kala warqaadashada, iskaashiga iyo arrimaha la xidhiidha qoraalka iyo akhriska.. Kulankii ballaadhnaa ee ku qabsoomay, Imperial Hotel, ee magaalada Hargeysa ayaa lagaga dhawaaqay saddex xunood oo hoggaamin doona Ururka Qoraaga Somaliland, laanta Somaliland, oo dhawaan aanu filayno in iyadu ay noqoto, xarunta ururka. Ilaa dhismihii ururka waxa ahayd xarun ururka Stockholm. Guddoomiyhii ugu horreeyey ee Ururku yeesho waxa uu ahaa Cabdiraxmaan Xaashi Cabdi, oo deggen magaalada Uppsala/Iswidhan. Gu'gii 2009 kana waxa aniga oo ahaa Guddoomiye xigeenkii Ururka, aan noqday guddoomiyihii UQS. 

Waxa aanu dareensannahay, haddaanu nahay xubnihii aasaasay Ururka, in aan laga maarmi karin, sinaba looga maarmi karin gudaha dalka. Baahida ugu weynina ay halkaa taallo. Dhallinyaro iyo waayeel qorayaal ah ayaa dalka jooga, iyagaa wax badan ka qaban kara, dareenka dhabta ah ee uu magaca ururku xanbaarsanyahay. Looma aasaasin ururku inuu ahaado mid magac u yaal ah, ee waa in himilooyinkiisu hirgalaan oo lagu soo hirtaa.

Anigoo ku hadlaya magacayga, ka guddoomiyaha UQS/Iswidhan, ka guddida, waxa aan hambalyo iyo bogaadin hawada u marinayaa xubnaha guddida loo doortay oo kala ah: Axmed Ibraahin Cawaale/Guddoomiye, Khaalid Jaamac Qodax Guddoomiye xigeen iyo Xogahaya guud, Saddaam Xuseen Carab. Ilaahay ha idiin fududeeyo hawshaas qiimaha leh. Aamiin


Axmed I Cawaale, guddoomiye
--------------------------------------------------------------------------------------------




Khaalid J Qodax, guddoomiye xigeen







--------------------------------------------------------------------------------------------

Saddaam Xuseen Carab, xogahayaha guud.

----------------------------------------------------------------------------------------------------



Nabad iyo caano
Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf (Dhegey)
Guddoomiyaha UQS/Iswidhan
03-01-2014

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.

Faallo!..."ladh" Buug Cusub Oo Uu Qoray Cabdillahi C Cige

Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey — Sweden — 7 September, 2005 Markaad aragto buugga laftigiisa, ayaad garanaysaa in buuggani uu ka duwanyahay buugaagtii hore ee afsoomaaliga ku soo bixijirtay. Qaabka buuggu u qoranyahay waa qaabka loo qaabeeyo sheekooyinka "Novel-ka" loo yaqaan. Waxaad dareemaysaa in dadka soomaalidu ku tallaabsadeen, jidkii muddo dheer kasoo xidhnaa. Kaasoo ah qoritaanka sheekooyinka, ku qotoma qaababka nolosha banii'aadamka. Intaa haddaan ku dhaafo qaabka buugga. Waxaan xasuustay faallo uu ka bixiyay Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd" buuggan la magac baxay "Ladh. Mudane Hawd wuxuu ku soo gunaanaday maqaalkiisii "qoraaga buuggan qoray, haddii buuggani yahay kiisii ugu horreeyey oo maxay noqon doonaan kuwa soo socdana."