Fortsätt till huvudinnehåll

Ardeydii Dhagaxtuur iyo Dhiiranaantii Axmed Maxamed Yuusuf “Jabane”


Febraayo 20,2014                                                                                                                             Mareegaha Farshaxan
Qaybtii  3aad...

Waxay deeqii tidhi
                              Ma nalkii damay inoo daarayaan
Maxay doonayeen maxay diidayeen 


Dekedadii Berberii 
waa dilaacsan tahayee
ma daboolayaan
Dugsigii wax barey iyo 
dariiqyadii miyey dhisahayaan
Dadkii waa bukaayee 
ma daaway sidaan

Gaanaa darkii Midnimadii dunshayee 
miyey duub castiisa dabaalayaan
Darajadu hadaaney dumbuqaba xukumin
dable kama adkee  maxay doonayaan
     
Iyagaa dulman oo talo dawladeed
laga dayriyee loo doodayaayee
Laba doqon-maqaar  maxay dooni

Maansadii Waxay Deeqii tidhi,  Abwaan Cali Sugule –dun Carbeed- Febraayo 1982

Danbiyada kale ee lagu haysto labadan  danbiile(Axmed Maxamed Yuusuf iyo Maxamed baaruud Cige) waxaa u dheer  inay  daabaceen wargeys ka soo horjeeda qaranimada.Falkani wuxuu ka soo horjeedaa xeerka  18aad ee Nabadgalyada, qodobkiisa 1aad iyo xeerka 71aad  ee Beenal Koodhka(Penal Code) oo diidan  in la daabaco wargeyso ka soo horjeeda midnimada ummada” ------Dacwadii  Maxkamada lagag oogay ---------

Wargeyska ay soo saari jireen kooxda UFFO ayaa loogu wanqalay magaca “UFFO”.  Sidaa darteed ayaa kooxda iyo magaca la iskugu ladhey.Hase yeeshee hawlgalada samofalka ah ee ay ka fulin jireen  xarumaha dhakhtarka Hargeysa, iyo dugsiyada sare  ayaa aad loogu bartey ayna  ku suntan yihiin.Waxayse garteen in aan warbaahin dadka baraarujisa laga maarmeyn.Waana ta keentay in wargeyskaa dhidibada loo taago. “ UFFO-du waa neecawda  wanaagsan ee urta fiican leh ee ka soo hormarta roobka,sidaa darteed ayaanu ku  sumadeynay hawlahayagan samafalka  wanaag soo socda oo ka dhalan doona dhulka iminka ah  Soomaaliland.” Ayuu yidhi mudane Axmed Maxamed Jabane   mar aan wax ka waydiiyey wargeyska iyo magaciisu siduu ku yimid.

Isagoo sii wata  hadalka mudane Axmed ayuu yidhi: “Dhibaatadii dadka reer Soomaliland haysatey  inay horseed u noqoto halganka ummada.Sidoo kale  in sidii UFFO-daa meel kasta looga urin jiray loogana dareemi jiray  uu wargeyska xambaarsan warbixinta hawlahayagan samo-faleed  gaadho meel kasta”.

Isago mudane Axmed sii wada hadalkiisa ayuu   ku darey intaa: “magaca waxaa keenay Maxamed Baaruud Cige, aniguna waan ku raacey.Dadka  looma sheegi jirin  halkuu ka soo baxo iyo siduu u soo baxo.Hase yeeshee   qofkii lagu kalsoon yahayba waa loo dhiibi jiray si uu u sii fidiyo”.

Wareysi lala yeeshay Dr. Aadan  Yuusuf Abokor oo ka mid ahaa kooxda UFFO ayaa sidoo kale isagoo ka hadlaya wargeyskaa  yidhi: “Xilligaa oo ahayd 1981-kii waxa jirtay waraaq yar oo Joornaal ah oo magaceeda UFFO la odhan jiray, taas oo qarsoodi ahayd laguna qori jiray wixii duruufo ah ee dadka haysta, wacyiga dadkana kor loogu qaadi jiray. Manuu ahayn joornaal caadi ah ee waxa lagu daabici jiray Teeb, waxaana ku qornaan jiray “Ninkii helawba joornaalkaas sii baddi oo dad kale gaadhsii.’ sidaas ayuu dadku isku gaadhsiin jiray”.

Wargeyskii  ayaa gacanta u galay kooxihii nabad-sugida iyo ciidamadii  dhabrjabinta. Labadan kooxood oo guushaa  gacantooda soo gashey  ku faraxsan ayaa u sii gudbiyey dhiigya-cab Diiriye- Gaani-. Markii si kasta  wargeyskaa ay u rogrogeen ayaa waxay u arkeen inay  waxqabadkooda   u gudbiyaan  hogaankoogii ina Siyaad Barre.Muddo waxaa lagu hawlanaa sidii loo heli lahaa  ragga hawshan wada  ee hormoodka u ah. Wargeyskan gacantooda soo galay wuxuu  soo dadajiyey xadhigii lala maaganaa dhalinyaradaa iyo  boqno-goynta hawlihii samofalka ahaa ee ay wadeen.Hase yeeshee in la xidho dhalinyaradan oo hawlgalkooda samo-falka ah la joojiyo  qorshaha dawladii Afweyne ayey ku jirtay,marnaba may baaqsateen.

Dhamaan dhalinta UFFO waxay isku wada raacsan yihiin inay  xog-ogaal u ahaayeen in la xidhxidhayo.Taasi marna kumay keenin inay faraha ka qaadaan hawlihii ay dadkooga iyo dalkooga u qabanayeen. “Haddana annaga oo og in nala xidhi doono ayaan midkaayana waddanka ka baxsan oo aanu joognay, oo aanu nidhi ha la ina xidho oo bal aynu eegno waxay sameeyaan. Is-la habeenkii (Noofember 19,1981) aniga oo guriga jooga ayaa duub-castii amma millaterigii oo gurigaysa ku wareegsan la iga toosiyey, waxaana ay i toosiyeen kowdii habeennimo. Waxaana la socday koox NSS ah laga soo diray Xamar, oo kuwii Hargeysa way aamini waayeen” ayuu  yidhi Dr.Aadan oo u waramayey wariye Cabdi-Shakuur Heersare.

Wargeyskii  markuu  gacanta u galay  maamulkii Afweyne ayey go’aansadeen inay gudagalaan xadhiga  dhalinyarada. Maxamuud  oo ka mid ahaa shaqaalaha xafiiska nabad-sugida ayaa maqlay in  mudane Axmed Maxamed Jabane laga doonayo xafiiska.Shaqaaluu ka ahaa  xarunta, wararka iyo hawlagalada  xarunta waa laga qarsan jiray.Waxaa la ogaysiin jiray Maxamuud iyo kuwa la midka ahaa inta loo baahan yahay adeegsigooda.Sidaa darteed waxaa lagu eedeeyey  mudane  Axmed Maxamed  Jabane muu ogayn Maxamuud  NSS.
Mudane Axmed  Maxamed Jabane oo maalin  Isniin ah faras-magaalaha hargeysa maraya ayaa la  maqlay  Maxamuud oo u dhawaaqaya.  “Xafiiska nabad-sugida ayaa lagaa doonayaa” ayuu Maxamuud si naxsan u yidhi.

Taariikhdu waxay ku beegnayd bishii Noofember 2dii, 1981kii. Markii uu tagay mudane Axmed Maxamed Jabane  xafiiska nabd-sugida  waxaa loo kaxeeyey qolkii lagu xidhi lahaa. Habeenimadii  aad baa loo garaacey, dhib badana waa loo geystay.Waxaa halkan xusid mudan inaanu Axmed Maxamed habeenimadaa wax magac ah gudbin.Inkastoo dad badani la shir yimaadaan inuu  xanuunkii darteed Amxmed Maxamed Jabane gudbiyey  magacdii.

Wareysiyo aanu la yeelaney kooxaha kale ee la xidhnaa  kana tirsanaa ururkii UFFO ayaa cadeynaya in magacda  aroornimadii  la gudbiyey. Go’aan lagu midaysan yahay baanu ahaa. Aroornimadii  ayaa waxaa Axmed Maxamed  ku soo booqday xafiiskii Nabad-Sugida dhawr ka mid ah kooxihii UFFO. Waxaa  kooxdaa ka mid  ahaa Axmed Muxumed Madar oonu waydiinay dhacdadaa,nooguna warceliyey “Aroornimadii ayaanu  ku booqnayey Axmed Jabane xafiiskii Nabad-Sugida. Waa la ogolaa booqashada xilligaa.Wuxuu noo sheegay in la waydiiyey dadka uu hawlahan kula jiro  walina aanu waxba sheegin.Sidaa darteed ayaa go’aan lagu midaysan yahay  ku gaadhney  in uu gudbiyo magacda uu xasuusan karo”.

Sidoo kale ayaa kooxdii aan maalintaa booqashadaa aan ka mid aheyna go’aankaa aad ugu reeyeen soona dhaweeyeen. Isagoo hadalkii sii wata mudane Axmed Muxumed ayuu yidhi: “ halkii baanu qalin iyo warqad  ku qaadaney, kuna qornay magacda”..

Sidii go’aanku ahaa ayuu Axmed Maxamed jabane gudbiyey magacdii.  Isagoo ka waramaya goaankan  sababta keentay na wuxuu yidhi: “ dawladaasi waxay doonaysay inay dhawr qof soo qabsato, annaguna waxaanu doonaynayn in magaaladu kacdo, dawladaasina aragto in hawshan dhamaan ummada reer Soomaalialnd u midaysan tahay.iyagaase magacda  kala soocay oo kooxo badan ka saarey”..

Dadka  magacooda laga reebay waxaa ka mid ahaa Dr. Xadi. Hawlahaa  samofalka ahaa ee ay wadeen ayuu ka qayb qaadan jiray.Mar la waydiiyey Dr. Xadi  waxa looga reebay ayuu yidhi: “ Runtii  waxay aheyd dawlad  doonaysay inay ku hano-qaado kuna sii jirto qaybi oo xukun,dhibta guri walba gaadhey ayey u dhigayeen inay guryaha qaar saameysay”...

Sidoo kale waxaa go’aan midaysan lagu gaadhey inaan la magac dhabin xubnihii ku jiray ciidamadii ee saraakiisha ahaa.waxaa xubnahan ka mid ahaa Aadan  Sheekh Maxamed Cabdi (IHUN),Maxamed Kaahin, Maxamed Cilmi-Galaan, Maxamed Xaashi Lixle(IHUN), iyo  qaar kaloo badan.Saraakiishan hawlaha kale ee ay wadeen ka sokow la shaqeynta kooxdan UFFO ayaa la badbaadinayey.Hawlahaa waxaa ka mid ahaa diyaarinta  garabka milatari ee  ururka SNM.Xilligan la qabqabtey kooxda UFFO saraakiishan qaarkood waxa joogeen xarunta ciidmada ee ururkii SNM.

Laba cisho ka dib oo ku beegnayd bishii Noofember 4,1981 ayaa  gurigiisa laga soo qabtey mudane Maxamed Baaruud Cige. Intaa wixii ka danbeysay arintii waxay noqotay in maalinba koox ama qof la soo qabto.Muddo ayey ku jireen xaruntii nabad-sugida iyo xaruntii 26aad ee Dooxa Maka-Durdure agtiisa ah. Mudadan waxaa  garaacis, jidh-dil , iwm lagu hayey kooxdan UFFO. “Maalin maalmaha ka mid ah ayaa la noo qaybiyey waraaqo ay ku qoran yihiin  xeerarka la nagu qaadayo iyo dacwada la nagu haystaba” ayuu yidhi Axmed Maxamed Jabane isagoo ka waramaya xilliga loola wadaagey si cad xeerarka lagu hayto iyo dacwada lagu soo oogayba. Dawladii Afweyne waxaa  si cad uga go’nayd inay boqno gooyaan aqoonyahanadan dhiiradey. Sheekaduna noqoto isha Cali nin dayey wax ku qaadasho ugu filsaho.Hase yeeshee rag is-gurayee qoraalkii dacwada ayaa bulshada reer Hargeysa gaadhey.Go’aana waxaa lagu gaadhey inaan  ardey iyo hooyooyin loo kala hadhin maalinta Maxkamada la keeno.

Markii xog  khasab ah laga ururiyey ayaa la  gaadhey  maalintii maxkamada la soo taagayey. Bishii Febraayo 20, 1982  ayaa  Maxkamada ku sheegii Badbaadada ayaa la horkeenay  dhalintaa. Waxaana qorshuhu ahaa in dil dhamaantood lagu xukumo,qoortana loo dheereeyo.
Hase yeeshee  gargaar ay isku kaalmeysteen hooyooyinka magaalada Hargeysa  iyo ardeyda dugsiyada Hargeysa ayaa  arintaasi ka suutogali wayday. Waxay  isbaheysigaasi hub ahaan u adeegsadeen dhagax  ay ku kala tureen qorshihii dawladaasi wadatey,kagana baajiyeen dhalintaa UFFO dilkii loo qorsheeyey. Sidaa darteed  ayaa dhalinta UFFO loo  gudbiyey  Xabsiga Hargeysa, laguna kala xukumay xadhig  u dhexeeya  saddex gu’ ilaa madaxaa ha ku furto. Inkastoo tiro koobanna  la sii daayey.

Maalintii dhawayd                  Dheddigii Jihaad
Dhababay galeen                    Caruurtuna dha’dhaab
Dhulka tiilay  bay                   Dhirta ula baxeen!
Dhanna hadallo culus            Oo dhaxalgalaa
Dharka ugu qornaa               Dhayal u seexan mayno
                        Dharagna dooni mayno        Ninna ka dhawrsan maynee

                 Haddaanay bedar ka dheeraan     Waa haddaad dhalasho waydeen
                Maansadii  Dhaqan wadani ee        Abwaan Aadan Tarabi

Waxaa runtii mudan in lays dul taago xeerarkii laga jeediyey Maxkamad ku-sheegtii.Xeerarkani waxay ahaayeen kuwo in badan la adeegsadey, dan gaar ahna u  fulinayey xukuumadii Afweyne.Sidaa darteed ayaanu raadsaney  sharci-yaqaan mudane Ibraahin Xaashi Jaamac si uu inoogu balbalaadhiyo xeerarkani.Waxaanu mudane Ibraahin yidhi: 

“Af Weyne ayaa  soo saaray 10kii  bilood  ee ugu horeeyey gudahood  markii uu xukunka maroorsaday oo dad aad iyo aad u fara badan ayaa loo adeegsadey dilkoogii iyo xadhigoogii .Waxaana adeegsatey  Maxkamadd Badbaadad ku sheegtii laakiin ahayd “Bohol ku ridda dadka” . Waan kaydiyey xeerar ku sheegayadaas oo marbaan ku soo dari mareegta“Somalilandlaw.com” si aan loo ilaawin.  Mar kale ayuu mudane Ibraahin isagoo xeerarkaa mid mid u faahfaahinaya yidhi: “Xeerkani waxa la odhan jiray “Law for Safeguarding National Security” oo qodaban aad soo sheegaty waxay ka hadlayeen”………………….

La soco qaybta afraad………………..
TIxraac:
-Taariikhdii Iyo Waxqabadkii Dr. Aadan Yuusuf Abokor
    Wareyste: CabdiShakuur  Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)
-Note on My teachers’ group
      Qore: Jaamac Muuse Jaamac

- Dhacdadii Dhagaxtuur iyo  Dhiiranaantii Dr.Maxamuud Sh.Xasan Taani                                                                         

        Qore . Fu’aad Sheekh 

- Ardaydii Dhagaxtuur iyo Dhugashadii. Maxamed Baaruud Cali.
       Qore . Fu’aad Sheekh 
-Wareysi Sharci-yaqaan mudane Ibraahin Xaashi Jaamac..
         Wareyste:  Bahda Mareegta Farshaxan


Diyaarintii iyo tifatirkii :
Fu’aad Sheekh
Bahda Mareegta Farshaxan


Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.