Fortsätt till huvudinnehåll

Hambalyo ku socota kulankii taariikhiga ahaa ee Ururka Qorayaasha Somaliland

Maalintii, ugu danbaysay sannadkii tegey 2013, iyo soo dhoweyntii 2014, kala-wareeggii sannadka ayaa lagu dhawaaqay in Ururka Qorayaasha Somaliland oo toban jirsaday, uu ka hawl geli doono, dalka gudihiisa. Muddada tobanka sannadood ku sinnayd, waxa xarun u ahayd carriga Iswidhan, oo ah goobtii lagu aasaasay. Dhammaan inta jecel horumarinta qalinka, midaynta, af-qoraalka, dood-wadaagga hufan, soo saaridda buugaag wax tar leh, dhiirri gelinta da'yarta soo koraysa, ee jecel in ay wax qoraan. Waxa uu ururkani u yahay muraayaddii ay iska dhex daawan lahaayeen. Cid ka xigtaana, ma jirto, waa uun in aad buuxisaa, tiirarka uu ka dhigtay xeerka. 

Ujeedada koowaad baaba ah, in la dhiirri geliyo, qorayaasha, oo dhan. In la is garabsado, oo la iska caawiyo, wax yaabaha la xidhiidha, qalinka iyo khadkiisa. 

Lagama maarmo, talo iyo is tusaalayne, waa gole uu ka dhalan karo, horumarka afka iyo dhigaalkiisa. Waa goob lagu xannaanayn karo afka soomaaliga ee dhaawacyada badani ku yaallaan. Haddaba, waxa noo farxad ah haddaanu nahay Ururka Qorayaasha Somaliland, gaar ahaan laantiisa Iswidhan, dedaalka dheeraadka ah ee uu ku tallaabsaday muddadii yarayd ee ururku uu dalka gudihiisa ka jiray. Ilaa laba tababar, oo ku saabsanaa, hab-dhigaalka afsoomaaliga, oo loo sameeyey dhallinyaro kor u dhaaftay 40 iyo kulankan ugu danbeeyey oo ahaa isbarasho, uu Ururku kulansiiyey qorayaal deggen dalka gudihiisa, kuwo hore isu yaqaannay iyo xubno dusha uun iska yaqaannay. Halkaana ka helay xog dheeraad ah oo ku saabsan Ururka Qorayaasha Somaliland. 

Waxa aanu leenahay hambalyo, kulankaas iyo dhammaan intii ka soo qayb gashay-ba. Waxa aanu si gaar ah, u hambalyeynaynaa guddoomiyaha Ururka Qorayaasha Somaliland Axmed Ibraahin Cawaale, ku xigeenka, Khaalid Jaamac Qodax iyo xoghayaha guud, Saddaam Xuseen Carab.

Guddoomiyaha Ururka Qorayaasha Somaliland laatiisa Iswidhan.
Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf
14-04-2014 Stockholm/Iswidhan

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.