Fortsätt till huvudinnehåll

AKADEMIYADDA AKHRISKA IYO QORAALKA HIMILO OO DAAHFUR U SAMEYSAY BUUG CUSUB OO LAMAGAC BAXAY ‘’COLAADIHII GEESKHA’’.

Akademiyadda akhriska iyo qoraalka himilo ayaa daahfur u sameysay buug cusub oo la magac baxay ‘’COLAADIHII GEESKA’’, buugan oo uu qoray qoraa dhalinyaro ah oo lagu magacaabo’’ CALI CABDI COOMEY’’ galay martisharaf iyo dadweyne aad u tiro baddan.


Ugu horey waxa hadalka qaatey agaasimaha akademiyadda akhriska iyo qoraalka himilo Mr. KHADAR MAXAMED CUMAR, isagoo dadweynihii iyo madaxdii goobta joogay u sharaxay hawlaha akademiyaddu u ugu foogantahay bulsho waynta ku xeersan, sidoo kale isagoo ku baraarujiyey inay is garab taagan akademiyadda akhriska iyo qoraalka himilo.

Waxa hadalka ka daba qaatey qoraaga buugiisa lagu soo bandhigayey madasha ee CALI CABDI COOMEY, wuxuuna ka sheekeeyey wixii ku dhaliyey  inuu qoro buugan isagoo sheegay inuu u tafaxeytay inuu bulshada u soo bandhigo taariikh ay mudan tahay inay ogaato da’yarta maanta soo kacaysaa, sidoo kale wuu qoraayada ku baraarujiyey inay umadda u qoraan taariikhdooda si aanay u noqon wax ka luma. Qoraagu isagoo ka hadalaya buugiisa wuxuu yidhi ‘’waxaan buugan qoraalkiisa ku soo jiray muddo badan, waxaan isku taxaluujiyey sidii aan umadeyda ugu soo bandhigi lahaa taariikh in baddan aan laga ogeyn’’, ugu danbeyn qoraagu wuxuu u mahad celiyey akademiyadda caawa xafladda u qabatey wuxuuna yidhi ‘’ waxaan mahad u celinayaa akademiyadda akhriska iyo qoraalka himilo oo xafladdan ii qabatey, madashan quruxda baddana soo agaasintay, abaal aan duugoobeyna waan u hayaa’’.

Hadalka waxa ka daba qaatey ku simaha agaasimaha dalada dhalinyarada ee SONYO, Mr. CADNAAN CABDI XASAN, isagoo hanbayo u soo jeediyey akademiyada himilo ee caawa xafladdan soo agaasintay isagoo ku amaanay hawsha baaxada weyn ee ay bulshada u hayso, wuxuuna yidhi ‘’waxaan hanablyeynayaa akademiyadda akhriska iyo qoraalka himilo oo bandhigyada noocana inta badab soo qaban-qaabisa, dhalinyartana ku baraarujisa qiimaha ay leedahay inay afkooda wax ku qoraan, hidaha iyo dhaqankoodana farah ku xajistaan’’, wuxuuna sidoo kale hanbalyeyey qoraaga buugiisa halkan lagu soo bandhigayo.

Gudoomiyaha akademiyadda akhriska iyo qoraalka himilo Mr. AXMED-NASRI DAAHIR XUSEEN ayaa hadalka qaatey, wuxuuna ugu horeyn u mahadnaqey dadweynaha iyo martidda soo ajiibtey martiqaadkii ay u fidiyeen ee ahaa inay kala soo qeyb galaan xafladdan. Gudoomiye  Axme-nasri wuxuu sheegay inaanu buugani ahayn kii u horeeyey ee ay soo bandhigaan laakiin ay jireen qaar kale oo ka horeeyey, hadaladiisana waxa ka mid ahaa ‘’buugani waa kii labaad ee ay wadda jir u soo saaraan akademiyadda akhriska iyo qoraalka himilo iyo qoraa CALI CABDI COOMEY, waanan soo dhaweynaynaa cid kasta oo wax soo kor dhinaysa’’, sidoo kale wuxuu dhalinta ku baraarujiyey inay akhriyaan, qoraan iyo noqdaan muwadiniin dhab ah, wuxuu ugu dabeyn u mahadceliyey martidii ka soo qeybgashay kana mid ahaayeen, xubnihii dawladda ka socdey, qorayaashii madasha ku sugnaa, iyo dadweynihii tirada badnaa.

Isna waxa ka mid ahaa dadkii madasha ka hadlay abaabulaha HARGAYSA INTERNATIONAL BOOK FAIR, qoraa JAAMAC MUUSE JAAMAC, isagoo ugu horeyn hanbalyeey qoraaga buuga qoray, sidoo kale wuxuu u mahadnaqay akademiyada akhriska iyo qoraalka himilo, waxaana hadaladisii ka mid ahaa ‘’caawa anigu si wayn ayaan ugu faraxsanahay dhalinyartan mudada yar ee ay hawlahan waaweyn soo bandhigeen waxaan xasuustaa sanadd iyo badh ka hor markii ay aasaasmayeen hase yeeshee maanta waxaan markhaati ka ahay inay noqdeen dhalinyar is muujiyey galabsadeyna in loo mahadnaqo’’.

Gudoomiye ku xigeenka ururka qorayaasha Somaliland KHAALID JAAMAC QODAX, isagoo u mahadceliyey akademiyada himilo ee soo qaban-qaabisay xafladan, sidoo kale wuxuu hanbayeeyey qoraaga buugiisa caawa la daafurayo, wuxuuna dhalinyarada ku baraarujiyey kuna dhirigaliyey inay noqdaan akhristayaasha maanta qorayaasha barri.

Qoraa C/RAXMAAN CARTAN ahna xildhibaan golaha wakiiladda ah ayaa hadalka ka daba qaatey, isagoo ugu horeyn u mahadceliyey qoraaga buugiisa soo bandhigaya caawa wuxuuna yidhi ‘’waxaan hanbalyeynayaa qoraaga buugan ku ururiyey taariikh loo baahnaa runtii, aniguna waxaan ka mid ahaa dadkii goob jooga u ahaa dhacdadan caawa uu ka waramayo buugani, waxaana noqon doonaa ka ugu horeeya ee fikirkiisa ka soo dhiibta war-celina ka keena’’, sidoo kale wuxuu u mahad celiyey akademiyadan soo qaban qaabisay caawa xafladdan, isagoo dhalinyaradan ku hugga tusaaleeyey inay  taariikhda ka reebaan dadka hadoorka ah ee xanbaarsan taariikh dhaxl gal ah.

Waxa xafladda soo afmeeray agaasimaha wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Mr. MAXAMED XUSEEN DHABEEYEY, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay ‘’waxaan si wayn ugu mahadcelinayaa akademiyadda akhriska iyo qoraalka himilo oo ah dhalinyar runtii aad u firfircoon, waxaanan ogahay inay tahay xafladdi afraad ee aan kala soo qeyb galo intii aan xilka agaasinimo hayey, waxaanay muujiyeen inay wax qaban karaan, wax soo kordhin karaan, waxna abuuri karaan, waxaanan jecelahay in cidd kastaa wax la qabato, anaga ka dawlad ahaan mar kasta garab taaganahay, fariinta aan dhalinyarada u dirayaana tahay inay ku daydaan dhalinyartan dadkooda baraarujinaya’’, agaasime maxamed wuxuu ugu danbey u mahad celiyey qoraaga buugiisa caawa madashan lagu daahfurayo.

Waxa kaloo madasha ka hadalay xubin ku hadlaysay ururadda ka shaqeeya arimahan akhriska iyo qoraalka iyadoo ay u hadashay HOODO –AYAAN SULDAAN AADAN, waxa sidoo kale ka hadlay xubno ku hadlayey afka qurbajooga, sidoo kale waxa ka mid ahaa dadkii madasha ka hadlay Gudoomiyaha  xarunta hidaha iyo dhaqanka ee magaceeda loo soo gaabiyo‘’SOCSA’’. KADRA KALIIL CABDI.

Dhamaadkii xafladda ayaa xubno ay u mahadcelinsay akademiyadda himilo ku maamuustay shahaado sharaf, xafladda ayaana ku soo afmeerantay jawii dagan.


Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Xog ku saabsan Afgenbegii 1961 Col, Xasan Faarax Bullaale: "Taariikh u baahan sixitaan iyo run ka sheegid"

Taariikhdu waa dhacdo ama arrimo dhacay xilliyo la soo dhaafay. Haddii aan wax laga qorin, lama ogaan karo taariikhdaasi sidii ay u dhacday. Mar haddii aan la kaydin arrimaha taariikheed ee dal iyo dad ba soo mara, waxa ay taariikhdaasi gashaa mugdi waxaanay yeelataa madmada w badan. Sida inbadani ka warqabto Somaliland waxa ka dhacay Afgenbi la isku deyey 1961kii, kaasoo lagu guuldarraysatay Dad badani xog kama hayaan, inkastoo ay noolyihiin xubno ka mid ahaa saraakiishii Afgenbigaa isku deyey. Kalhore waxa la waraystay Amb, Cawil Cali Ducaale oo ka mid ahaa saraakiishaas, xilligaasna ahaa xiddigle. Waxa uu Cawil qoray buug uu kaga hadlay wax farabadan oo uu u soo joogay, waxaana ka mid ahaa Afgenbigaas. Waana buugga la magacbaxay "Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed"

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.