Jaaliyadda Somaliland ee Stockholm iyo Ururka Qorayaasha Somaliland ee Iswidhan, waxa ay ku ogeysiinayaan ka soo qayb-galka, debbaaldegga maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 Mey oo qabsoomi doon-ta, maalinta Axadda ee taariikhdu tahay 18-05-2014, saacadduna tahay 15:00 (Saddexda galabnimo).
Maalintaa waxa aad la kulmi doontaa, barnaamij ballaadhan oo isugu jira su'aalo lagu tartami doono. Waxa aad daawan doontaa, masraxiyad uu kuu soo diyaariyey Ururka Qoraaga Somaliland. Qudbado aad u kooban, ayaa maalintaa goobta laga jeedin doonaa, gaar ahaan saddexda xisbi Qaran oo hambalyada maalintaas ka qayb qaadan doona. Sooyaalkii Somaliland ayaan ka madhnayn in wax laga yidhaahdo maalintaas.Carwo buugaagta ah ayaa goobta lagu soo bandhigi doonaa.
Waxa si gaar ah loogu diyaariyey carruurta yaryar, weydiimo la xidhiidha maalinta Qaranimada dalkeenna. Carruurta ku guulaysata tartankaas, waxa la siin doonaa abaalgud ay ku farxaan. Waa maalin aad u qiimo badan, ee ha ka maqnaan. Gaar ahaan carruurta iyo waalidka oo si gaar ah maalintaa loogu talo galay in ay ka qayb qaataan debbaaldegga maalinta Qaranimada Somaliland.
Goobta: Rinkeby (Folkets hus)
Goorta: 15:00 (Saddexda galabnimo)
Maalinta: Axadda 18-05-2014
--------------------------------------------------------
Jaaliyadda Somaliland ee Stockholm
Ururka Qorayaasha Somaliland ee Iswidhan
21-04-2014/Stockholm
Faahfaahin dheeraad ah kala xidhiidh:
Gacanlibaax2001@yahoo.se
somalilandforening.stockholm@hotmail.com
Kommentarer
Skicka en kommentar