Fortsätt till huvudinnehåll

Gebi-dhaclayntii sooyaalkii siyaasadda ee soomaalida iyo xasuustaydii carruurnimo ilaa dhallinyaranimo...W/Q, Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)

Waabaa beryey, bilicsan, arooryo baxsan, maalin boqran, kuwii ka baydhee, barbar u leexdee......waa baaba'ooda. Kuwii u baaqee, dabkan baxaaya belelinaayey waa baayadooda...Badh-badhaadhnay, gumaysi baaba', badh-badhaadhnay......!!

Goda-dada dhulkeenuu, habeenkay gilgilatee, guddidii heshiisee, golaa tawraddee saree, taladii ku gooyeen,  ama geeri aakhiro ama guusha nololeed, wixii u geeyey, gabadhyey bal ii sheeg, gabadhyey bal ii sheegee. Markii ay gabnawdee, godol qaadi weydee, sagaalkii guyee horee, gaajada la hoyatee!!......


Tawradatan barakaysan, tallaabadii ay qaadaba, dadweynaha tii ku daryeeli, tawraddatan barakaysan. Waddadii caddayd cagta saarrayee, ku carraabinee, cimrigii jiriyoow, jiri jir yaw, caynaanka hay, weligaa hay, hay! Hay!.

Heesaha kor ku xusan, waxa ila xasuusan kara intii ku soo kacaantay. Idaacadda Muqdisho iyo ta Hargeysa ayaa ku soo celcelin jiray. Marka aad yartahay, wax badan ma fahmi kartid. Waxaadse ka dheehan kartaa, dadka waaweyn ee kugu xeeran, waalid iyo walaal. Waad dareemi kartaa, sida ay xaaladdu tahay, ma murugaa? Ma farxad baa?. Aan marka hore wax ka sheego, sababta igu dhalisay maqaalkan, aniga iyo xusuustayda ah. Waxa aan dareemay, maanta dadka ugu fifircoon, waa da'dii dhalatay siddeetamaadkii, dabcan, kuwaasi waa dadka ugu badan ee xoogga ah. Waxa ku daba jira kooxdii sagaashanaadkii, dee intaanay kooxdii 2000 inna soo gelin waa waajib in qoladii lixdamaadkii dhalatay, ay waayahooda xusuusta, wax uga tibaaxaan kooxda siddeetamaadkii dhalatay. Banii'aadamku wuu isku daba jiraa, waa la is daba socdaa, jiilba jiil buu saraa. Waxaase habboon, in la isu warramo. Annaga jiilalkii kontomaaadkii dhashay iyo kuwii afartamaadkii dhashay, noomay warramin. Waana ta keentay in aanu ka jawaabi kariweyno waxbadan oo jawaab u baahnaa. Layaab may lahayn, oo iyaga laftigooda ayaan waaya-arag ahayn. Wax kasta oo dhacayey waa ay ku cusbayd, oo may sharrixi karaynin.


Goobtu, waa magaalada Sheekh, waa 70 kii ama 71kii mid ahaan iima saxna. Ciidankii Milleteriga, ee xerada tababarka magaalada Sheekh, oo baabuur waaweyn wata, ayaa dab qabadsiiyey beeraha ku deyran xaafadda Dariiqada oo ah deegaan, taariikh soo jireen ah leh, waana goobta aan ku dhashay, ee hooyaday ku dhalatay, ayeyday hooyana ku dhalatay, ee awoowgay aabo ku dhashay, waa goob aan sinnaba iiga go'i karin oo aan jecelahay. 

Waxa aanu kornay foosto, si aanu uga daawanno, ciidanka baatroolka ku shubaya oodda beeraha, inyar ka dibna dab bay qabadsiiyeen. Ololkii baa is qabsaday, yaab iyo aman kaag. Xilligaa foostada kor oo daawo mooyee, wax kale ma garanayn, waxaanse dareensanaa, in dhiillo jirto. Beeraha la gubay, dadka leh waxay u badnaayeen deegaanka Dariiqada, oo xoolohooda daajisan jirey. Maxaa loo gubay? Waxa loo gubay amar dawlo muddeec, waxa lagu jirey xukun degdeg ah. Aniga maalintaa dhibaato ii gaar ahayd baa iga soo gaadhay, oo foostadii aan korsanaa, oo aanu ilaa malaa afar carruur ah ku kornay baan ka soo dhacay oo labada fool ee hore mid ahaan baa i jibay (nasiib wanaag waxa uu ahaa ilka-caanood). Foolkaas maalintaas iga dhaawacmay, waxa uu sababay in aan soo arko magaalada Burco oo lahayd dhakhtar Ilkaha ah. Nin hindi ah, buu ahaa dhakhtarkaasi, , waxaana keenay Burco, Ilaahay ha u naxariistee Axmed Xaaji Cabdi oo ku magacdheeraa Axmed Khaawi, waana ninkii ugu horreeyey ee Burco ka furay sawirle.

Waxa aan intan u soo qaatay, dareenka qofka shan jir ah ama lix jir, ee maanta jooga, hummaagyada u sawiran baa maalintaa ii sawirnaa. Dad murugaysan, dad faraxsan, ciidan laga baqayo, gaar ahaan Milleteriga. Idaacadda oo la wada dhegaysanayo. Berigaa BBC-da ma xasuusto in aad loo dhegaysanjiray. Maxaa laga naxsanaa? Maxaase lagu faraxsanaa? Waa laba xaalo oo aan is geyin oo berigaa is dhex galay. Waxa lagu faraxsanaa, Isbeddel ayuu dadku doonayey, oo sagaalkii sannadood ee hore ayaa laga waayey wixii laga filayey. Dhanka kale, waxa soo baxday markiiba xukunno qallafsan, dil iyo dhac is barkan. Xadhig aan xad lahayn, dawladdii rayadka ahayd oo la xidhxidhay. Kuwii Milleteriga ahaa oo qaar la xidhay, golihii sare ee kacaanka ee uu hoggaaminayey Keligii-taliye Maxamed Siyaad Barre, ayaa qaar ka mid ah la dilay. Arrimahaasi, waxa ay ahaayeen jahawareerkii ugu darraa ee soomaali soo maray. Waxa aaan ku dhaafi karaa 1969kii ilaa 1976kii xaalad la heesayey oo haddana la ooyayey. Bal adba kala saar. Xaalad ka yaab badan soomaali may soo marin. Waxaana taa ugu wacnaa waaya-aragnimo la'aan haysatey dadka.

Xilligaa aan soo dul kaxaadiyey, waxa la xidhay Raysal wasaarihii dalka ka talinayey Maxamed Ibraahin Cigaal, waxa la dilay Gabayre, Dheel iyo Caynaanshe oo ka mid ahaa raggii Inqilaabka sameeyey. Waxa la qoray ama la hirgeliyey, (lama odhan karo waa la qoray xilligaa, ka hor baa la qoray), 1972kii ayaa la hirgeliyey, farta soomaaliga, waxa la dilay 11 Sheekh oo ka mid ahaa culimada soomaalida loogu jeclaa, waxa la sameeyey bacaadcelin, waxa la daad gureeyey dadkii ku tabaaloobay, abaartii dabadheer. Wax iska soo wada horjeeda ayaa qabsoomay xilligaas. 

Xusuustan ila wadaag: Marka aanu ku sii soconno malcaamadda, oo furmi jirtay 7 subaxnimo. Intaanu dhexda ku sii jirno, waxaanu maqli jirnay nashiiddo, ay qaadi jireen ardaydii dugsiga hoose dhigan jirtay. Waxa aan ka xusuustaa "Allah, Alaahu laa Ilaaha Illalaah, Muxamadan! Muxamman Rasuulu laah" Ayaa ka mid ahayd furitaanka, dugsiga hoose ee magaalada Sheekh. Sannad ka dib, oo aanu isla dugsigaa bilawnay, waxa nalagu bilaabay in aanu qaadno hees aanan weligay qaybin, oo aanan imminkana xusuusnayn oo kollay dad badani garanayaan: " Guul wade Siyaad, Aabihii Garashada, geyigayagoow!! Ha Ha, ....U fiirso Isbeddelka dhacay, tilmaantii carruurta la barayey Ilaahay jiritaankiisa iyo Rasuulkeennii suubanaa, ayaa lagu bedelay qof gudhan oo jaahil ah magaciisa in subax kasta la qaado. !! Digniin, weligiin madaxweyne magaciisa ha u heesina! Waa ceebta ugu weyn ee aan u arko bilawga burburka ummadeed.

Xilligaa waxa xigay 1977kii "Kabashkabashtii Kaaraa mardhay kor uga yaaceene"

Xaaladii wareersanayd, ee carruurnimadaydii aan garanayo, in wax is daba marsanaayeen ciil iyo cadho, qosol iyo oohin, farxad iyo naxdin iyo wax aan is geyin oo miidhan baa lix sannadood socday. Markan waxaa loo soo gudbay xaalad kale oo iyaduna yaabkeeda lahayd. Xilligan nin garaad leh baan ahay, dagaalka Axmaarada lala gelayey nin geli kara ayaan ahaa, inkastoo aan markaa 10 jir ahaa. Jihaadkaasi, mid dareen goonni ah soomaalida u leh buu ahaa. Waana niyad jabkii ugu horreeyey ee soomaalida ku dhacay, iyadoo soo wareersanayd baa tani u raacday. 

Erya erya, Erya.! Kani galbay ku kale mooyee, kani galbay. Ninkii dhoof ku yimibay geeridu dhibaysaa...taliska nacabkee, niyad jabka ah e, naxashka saaran!!. Xilligan waxa aad loo jeclaa dhegaysiga Idaacadda Muqdisho, waa lagu soo ururi jiray. Waa loo diyaar garoobi jiray, waxaase aan aad u xusuustaa Ilaahay ha daayee, Axmed Xasan Cawke, oo marka uu warka sheegayo, la moodi jiray, in soomali galbeed oo dhanba la xoreeyey. Waxa uu adeegsan jiray dhawr eray oo aan ka xusuusto: Taliska, nacabka ah, Taliska Naxashka saaran, Taliska usha boocda ah ku tukubaya, Taliska tiisii dhammaatay!! Yar iyo weyn marka la maqlo Cawke oo sidaa u sharraxaya, dhiigga ayaa qof kasta dhaqaaqi jiray, in uu dagaalkaa galo ayuu jeclaysan jiray. Maxaa ka danbeeyey?

Dagaalkii oo meel xun maraya, oo innagu daba dheeraaday ayey dheguhu maqleen "Waa la inna soo jebiyey" Ruushkii iyo Kuubba-Naasdheer baa inoo heshiiyey, Yamanta waqooyina way raacday, Qadaafigii liibiyana wuu soo raacay. Yaab iyo amankaag, siyaasad ka xun oo dal dagaal ku galo, abid lama arag. Dadkii madhe, inta dhimatay Ilaahay ha u naxariisto, dhulkii laga soo noqoy. Waxa aan xusuustaa, maalintii aanu gariirka maqallay, waaba dayuuraddii oo Berbera duqaysay, (Hore, Hargeysa ayuun baanu ku ogayn) waa tii Xabashida. Dhufaysyo ha la qoto baa la yidhi. Waxa aan qoday god yar, oo aan gurigayaga ka fogayn, waxa aan ugu talo-galay in aan dhufays ka dhigto. Ogow! oo meesha aan dhufayska ka qodanayaa maaha xadka ee waa Magaalada Sheekh. Waayo. dee sawtan dhanka Berbera la innaga soo weeraray! 

War xiise leh, war xiise leh!!

Waxa aan u malaynayaa, in uu warkaasi Idacadda Muqdisho ka baxay siddeeddii fiidnimo, in uu Axmed Xasan Cawke sheegayna waan malaynayaa. Yaab, waa maxay warkaasi: "Go'aan ka soo baxay xukuumadda Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliyeed, waxa uu sheegayaa sidan: Saafaradda Kuuba, in ay dalka kaga baxdo 48 saacadood gudahood, ta Itoobiya 24 saacadood gudahaood, in safaaradda Ruushka la dhimay (Iyada lama saarin...miyaa laga baqay garan maayo). Waa siyaasad xumo kale oo dhacday, ciidankeennii oo gaag yari ka soo hadhay, oo daallan, dhaawucu fara badanyahay, shacbiga ku dhintay aanuu tiro lahayn, baa jidadka lagu arkayey. Niyad jab, siyaasad xumo iyo is-lugoyn miidhan baa loo soo tallaabsay.

Galbeed waa la xoreeye, Waarsaa gaagixisay, walleese laguma gamo, gulufku waa halkiisii, geyiga soomaali baa lh. Rawaayaddii Xasan Ganey, iyo calaacalkii soomaalida..... Xilligan Jabuutina xorriyaddii bay qaadatay ee xisaabta ku darso. Waxa ay la baxday Jamhuuriyadda Jabuuti, filashadii in ay ku soo biirto jamhuuriyadda, halkaasay ku dhimatay.........

La soco qaybaha danbe.
W/Q, Sayid-Axmed Dhegey
19-04-2014, maalin jimce ah
Stockholm/Iswidhan

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.