Fortsätt till huvudinnehåll

Halgankii Ummadda iyo hankii Cabdiqadir Koosaar "IHN"

Qaybtii   2aad
Mareegaha Farshaxan
April 6,2014


         Raqda aarka hore, kii dambuu reenka maqashiine
       kuruskuu rudhaayuu hadana, wax uga reebaaye
       raxan baad ku cunaysaan, hashaan riiq walba u galaye
       raambaha haddii lagu turbo, iyo raani iyo baashe
       hadba yeekahaad noogu rogtaan, waysla ruga-gayne
 
                                                  Abwaan Cali Xasan (Banfas)-IHUN-


Gu’gii 1968kii bishiisii Oktoober 12 ayaa  ku suntan xornimo-qaadashadii wadanka Equitorial Guinea. Wadankan intaanu xoriyada qaadan waxaa la odhan jiray  Gini Isbeyn(Spanish Guinea). Dalalka Afrika  ayaa afaf badan oo shisheeye lagaga hadlaa.Taasoo loo tiriyo inay gumaysiyo kala duwan gacanta u galeen. Hase yeeshee wadankan ayaa ah wadanka kaliya ee  qaarada Afrika  lagaga hadlo Afka Isbaanishka. Wadankan ayaa sidoo kale ka mid ahaa wadamo uu faraha ka qaadey gumaysigii Boortuqiisku muddo aan badneyn oo uu gacanta ku hayey.Taasoo keentay inuu si fudud gacanta ugu galo gumaysigii Isbaanishka ahaa.Gumaysigaa  Isbaanishka ayaa hagardaamo dhaqaale,siyaasadeed, iyo dadnimaba u geystay dalkaa.Ururkii  isu-taga Afrika (AOU) ayaa aad ugu damqadey arintaa.

Damqashadaasi ayaa keentay in wadamadii qaarada Afrika ee xornimada hore u qaatey fidiyaan kaalmo. Wadamadii Afrika oo kaalmeynta iyo u gargaarka wadankaasi u heelan ayaa wadankii Jamhuuriyada Soomaaliya uu ka dhacey afganbi Milatari bishii Oktoober 21dii, 1969kii. Hogaanka Afganbigaa ayaa waxaa loo tiriyaa inuu hayey Ina Siyaad Barre(Afweyne). Waxaa xilligaa  cusbaa  wadamo dhawr ah oo awoodda dalkooga ku qabsadey  inqilaab Milatari. Waxaa wadamadaa ka mid ahaa Jamhuuriyadii Soomaaliya oo waliba  horumar ka muujisay korodhka tirada iyo tayada ciidamada xilligaa. Taasoo la odhan karo isbadal siyaasadeed ayaa ka dhacey wadankii Jamhuuriyada Soomaaliya.

Inqilaabkaa Milatari oo aan la mahadin ayaa ka hanaqaadey dalkii Jamhuuriyadii Soomaaliya.Dad badani aad ayey u soo dhaweeyeen, sidoo kale ayey  dad  kalena   muujiyeen  diidmo qayaxan.Abwaan Cabdi Aadan Qays oo ku hadlayey afka bulshada reer Soomaaliland ayaa ku cadeeyey hagardaamada reer Soomaaliland ku habsatey xilligaa Inqilaabku  dhacey maanso, waxaanu yidhi:

                   Sasabada naftaydaay          Janadaad ku sooryeeyn
waa sagaal gu’ iyo subax       intii aan ku sugayee
haddana isa seegnayee            Anuun baa samraayee
Sidaan kugu arkaayaana         Samo  kaama filayee
ku sugayeee Allahayoow          Sahdanbena maxay noqo

Talo waxay la noqotay Ins Siyaad Barre(Afweyne) inuu kaalmadaa  ka qayb qaato. Si uu u muujiyo awooda milatari ee wadankii JS ayuu codsi gudbiyey ah “inuu tababar milatari u fidin doono ciidamada wadankaa Equitorial Guinea”. Waxaa arintaa aad u soo dhaweeyey  xubnihii ururkii AOU-da .Sidoo kale waxaa  xilligaa  codsigaa mid la mid ah hore u gudbiyey dawladii Itoobiya ee uu hogaanka u hayey Xayle Selaase. Awood muujinta ciidamada  ee labada dal ayaa sidoo kale  la soo bandhigayey marka dhinac kale laga eego, gargaarka ka sokow..

Tallo markaa waxay ku cadaatey Ina Siyaad Barre(Afweyne).Dib u xasuusay maalmihii uu noqday  taliyaha ciidamadii Jamhuuriyadii Soomaaliyeed .Gu’gan 1967kii  waxaa dalka Masar si degdeg ah ugu soo  dhameeyey tababaro sarkaalnimo koox uu ka mid ahaa mudane Cabdiqaadir Koosaar (IHUN)oo dalka ku soo noqday. Aad ayaa looga waramey dadaalka iyo kartida uu muujiyey mudane Cabdiqaadir Koosaar intii uu joogay dalka Masar.Waxaa kaloo aad loo tilmaamey in ardeyda uu imtixaanka sarkaalnimada la fadhiistay ka wada yaraa gu’gii 1964kii. Sidoo kale ayaa  aad loo tilmaamey inay ardeydaasi dugsiga sare wada dhameeyeen, halka uu mudane Cabdiqaadir Koosaar ku jiray fasalka labaad ee dugsiga sare xilligaa.

Siyaad Barre(Afweyne)  oo aad xog-ogaal ugu ahaa warbixinahaa ayaa codsadey in ciidamada la dhex xullo, lagana soo saaro sarkaalkii hogaamin lahaa ciidanka loo dirayo wadankaa Equitorial Guinea,sidoo kalena tababarka fidin lahaa. Markiiba maamulkii Jamhuuriyadii Soomaaliya  ayaa wada tashi  sameeyey, indha-indhayna ku sameeyey saraakiishii ugu  firfircoonayd. Waxaa la soo xulay afar sarkaal. Waxaa dhinaca darajada iyo waayo-aragnimadaba ugu hooseeyey mudane Cabdiqaadir Koosaar. Si kasta loo shaandhee, la kala xigsiisay saraakiishii, magac qaar lala doonay, waxayse arini ka fursan wayday in lays waydiiyo “Sarkaalkeebaa leh kartida iyo aqoonta  wadankaa Equitorial Guinea loogu gudbin karo tababarka ugu wanaagsan, wadankii Jamhuuriyada Soomaaliyana magac iyo maamuus u soo jiidi kara?”

Af-kala qaad iyo amakaag ayaa ka soo hadhey kooxdii goobtaa fadhiday ee xulashada samaynaysay.Talana waxay ku soo gunaanad noqotay waydiintaa warcelinteedu  waa Mudane Cabdiqaadir Koosaar. Waxaana la isla  gartey in  sarkaal Cabdiqaadir Koosaar uu  xilkaa ka soo bixi karo.Geeljiruhu isagoo og halkuu gudinta ka goynayo ayuu wax wareystaa ayuu kaga dhigay Afweyne. Raaligalin kooxdan ku xeersan  ayey u eekayd marka horeba.Afartu way kala mudnaayeen aqoon iyo kartiba, xigto iyo xigaal ayuunbaa  lagu soo xulay inta kale.

Waxaa warqadii  hawlgalinta iyo codsiga gudashada xilkaa  loo gudbiyey sarkaal Cabdiqaadir Koosaar. Sidaa darteed ayaa Sarakaal Cabdiqaadir Koosaar  u hawlgalay inuu  doorto xubnaha kala hawlgali kara hawshaa oo ka tirsanaa wasaarada  gaashaandhiga  iyo Wasaarada Caafimaadka. Dhinaca caafimaadka wuxuu sarkaal Cabdiqaadir soo xushay  Dr.Cabdilaahi Diiriye  iyo kalkaaliye caafimaad  Saynab. Dhinaca wasaarada xoogga dalkana waxaa  uu ka soo xushay  ilaa dhawr  isbatoore oo tababarkaa la fulinaya,uuna aad ugu kalsoonaa inay kaalintooda buuxin doonaan.

Sarkaal sare  Cabdiqaadir Koosaar wuxuu dib ugu noqday xaruntii tababarka ee  Xalane, kana soo xushay  askar ay darajadoodu u badneyd saajin.Aqoon ayuu u lahaa inta badan,kuna bartey  xaruntaa.Waxaa  Sarkaal sare  Cabdiqaadir Koosaar  uu aad xil iskaga saarey  astaamaha uu ku saleeyey xulashadaa.Maankiisa waxaa dhex maaxayey dal shisheeyaa la tagayaa,tababar la idinka codsadey ayaad gudbinaysaan,sidaa darteed xulashada iyo hawlgalkuba waa inay ku salaysnaadaan heerka ugu mudan ee loo fulin karo,guulna looga soo hoyn karo.Dalka codsadey oo  tababarkaa  u riyaaqa, dalkiisa oo magaca hanta ayaa u aheyd guul uu ku diirsan karo Sarkaal sare  Cabdiqaadir Koosaar .

Dadka ku soo baxey xulistaa Sarkaal sare  Cabdiqaadir Koosaar inay raacaan dhinaca wasaaradii caafimaadka waxaa ka mid ahaa  sidaan kor ku soo xusnay kalkaaliye caafimaad Saynab. Waxay aheyd gabadh da’yar oo waxbarashadeeda kalkaalinimo ku soo qaadatey magaalada Cadan,waxaaney halkaa ku soo qaadatey aqoonta kalkaalinimo (Registered Nurse). Boholyow iyo dal jaceyl ayey u timid dalkeeda, waxaaney ku hanweynayd inay aqoonteeda uga fa’iidaynaysay  dadkeeda.Waxaa  Saynab u ahaa hogaan inay mar walba hawsheeda heerka ugu sareysa u gudbiso.Waxay reerkeedu ka mid ahaayeen dadkii  u baqoolay  magaalada Cadan xilligii wadanka Soomaaliland ku hoos jiray  gacanta gumaysigii Ingiriiska.Waxaa ku ladhnaa oo horseed u ahaa Dr.Cabdilaahi Diiriye oo isaguna ka soo jeeday wadanka Soomaaliland.

Koox isku dheelitiran markuu sarkaal sare Cabdiqaadir isku  keenay ayuu u anbabaxey dalkaa.Waxaa diyaar  u ahaa soo dhaweyntiisa  madax iyo dadweyne u heelanaa  kuna faraxsanaa   la kulanka sarkaalka dal dhan laga soo xushay inuu gudbiyo tababar milatari.

Dalkaa Equatorial Guinea waxaa  noqday madaxweynihii xilligaa ay xornimada qaaateen madaxweyne  Francisco Macías Nguema. Kamuu duwaneyn kuwii  uu ku tilmaamey abwaan Qaasin(IHUN) maansadiisii aheyd:

Danbi ku hadli maayo'e, ma'arag dawladdaan rabaye
Isma doorin gaalkaan diriyo, daarta kii galaye
Dusha midabka soomaalibaad, dugulka mooddaaye
Misna laguma diirsade, qalbigu waadirkii Karal'e
Meeshaan dad aan urursho, iyo darar ka eegaayey
Iyaba waa darxumo ii hadhiyo, dacar miyaan leefay
Ma dorraato raadkaan dhigaan, dib ugu soo laabtay
Sidii aan deyeysanahay, miyaan dawgii ka habaabay


Tababarkii  ayuu si la yaab leh u fidiyey Cabdiqaadir Koosaar.Markii uu dhamaadey tababrkaasi ayey dawladii Equitorial Guinea  codsatey  in uu Cabdiqaadir Koosaar muudo la sii joogo,Intii uu joogay wadankaa oo dhameyd hal gu’ iyo badh ku dhawaad wuxuu bartey afka Isbaanishka.Waxay ka  ocdsadeen inuu hogaamiyo wafdiga wadankaa ee ka qayb galaya  shirkii Isu-tagga Afrika(AOU) . Si kal iyo laab leh ayuu uga aqbaley arintaa,waxaanu hogaanka u qabtey wafdigaasi.Taasina waxay magac iyo maamuu u soo jiiday wadankii Jamhuuriyada Soomaaliya. Sidoo kale ayaa Afweyne  aad ugu farxay kaalintaa uu buuxiyey sarkaal Cabdiqaadir Koosaar.

Horaantii toddobaatanaadkii waxaa bilaabmey in dawladii JS ay safaarado ka furato dalalkii Afrika.Dalka Nayjeeriya ayaa ka mid ahaa kuwaasi. Mar kale ayaa Ina SIyaad Barre muujiyey dareenkiisa gaar ahaaneed iyo kalsoonida uu ku qabey aqoonta milatari ee  Sarkaal Cabdiqaadir Koosaaar. Waxaa Afeyne Barre u  magacaabey Cabdiqaadir Koosaar  inuu noqdo  hogaanka dhinaca milatariga ee safaaradaa(Milatary Attache).

Sidoo kale ayaa dawladii JS halgan dheer u gashey inay martigaliso shirkii ururkii AOU-da gu’gii 1974. Mar kale ayaa   Dawladii JS soo xushay mudane Cabdiqaadir Koosaar inuu noqdo aftabiyaha qaranka ee raacaya wafdigii uu hogaanka u hayey Cumar Carte Qaalib.Waxaa  aad loogu baahnaa  inuu aftabiye ka noqdo siiba wadamada ku hadla afafka Isbaanishka iyo Boortuqiiska.Kaalin muuqata ayuu ka muujiyey  socdaaladaasna. Mar kale ayuu mudane Cadbiqaadir Koosaar noqday aftebiyaha gaarka ah ee Ina SIyaad Barre.Shirkii AOU-da yaa lagu qabtey magaalada Muuqdisho.Markan ayaa  loo xilsaarey inuu mudane Cabdiqaadir Koosaar inuu noqdo aftebiyaha gaarka ah ee madaxweynihii xilligaas.

Sida ka muuqata tusaalayaasha aan kor ku soo xusnay  aqoonta iyo  dadaalka Cabdiqaadir Koosaar  may aheyn mid qarsoon.Sidoo kale ayeynu  qaybtii koowaad ku soo xusnay colaad loo qaadey  mudane Cabdiqaadir Koosaar oo xataa  Ina Siyaad Barre  u socdaaley soo xidhidiisa,dilna keensan kareysay. Labadaa muuqaal ee aan is laheyn ayaa had iyo jeer lagu arkaa dawlad  dadka ku xeeran aan aqoon iyo waayo-aragnimo lagu soo xulan.

La soco qaybaha soo socda..


Tixraac:
-Wareysi  Sahra Maxmed Cajab (Xaaskii Cabdiqaadir Koosaar)
   Wareyste:  Bahda Mareegta Farshaxan
-Wareysi  Cabdiraxmaan Koosaar
         Wareyste:  Bahda Mareegta Farshaxan
-Wareysi Ibraahin  Maxamed Cigaal(Xuble)
    Wareyste:  Bahda Mareegta Farshaxan
-Kornayl  Maxamed Cilmi Galaan
      Wareyste:  Bahda Mareegta Farshaxan
- Wareysi  Saleebaan Shiine
  Wareyste:  Bahda Mareegta Farshaxan

Qalinkii and  tifatirkii :
Fu,aad Sheekh
Bahda Mareegaha Farshaxan


Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.