Dhawaan waxa lagu soo bandhigay magaalada Hargeysa, buugga la magacbaxay Baraarug. Bandhiggaas oo kulmiyey xubno muhiim u ah qalinka, sida: Guddoomiyaha Ururka Qoraaga Somaliland, qoraaga caanka ah, ee af-aqoolka ah Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guribarwaaqo), qoraaga, ahna guddoomiye ku xigeenka UQS, Khaalid Jaamac Qodax. iyo xubno kaloo fara badan.
Buuggan oo uu qoray Saddaam Xuseen Carab, oo ah xoghayaha ururka Qoraaga Somaliland, waxa aanu leenahay hambalyo, haddaanu nahay Ururka Qorayaasha Somaliland laanta Iswidhan.
Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf
Iswidhan/Stockholm
Kommentarer
Skicka en kommentar