Fortsätt till huvudinnehåll

Indho Ama Dhaayo: 150 Erey Oo Ah Tilmaamaha Af-Somaliga Ee Indhaha U gaarka Ah...W/D, Ali Mohamoud Noor

Waa isku daygii baadhitaan ee noociisa oo kale u horreeyay ahna mid la odhon karo wuxu joogaa marxalad bilow ah oo dhammaystir u baahan. Daraasaddan ayaa ah mid koobaysa dhinac kasta oo xidhiidhinaysa afka hooyo iyo xubinta jidhkeenna u qaabbilsan lexaadka aragga.


Waxa aan is leeyahay qormadani weli maaha kama dambays siiba qaybaha aan u kala qaaday oo aan dareensanahay in qabyo ka muuqato in kasta oo aan u dhigay sidii ay aniga iila muuqdeen balse mawduucan ayaan jeclaystay inu noqdo mid furan oo aan bulshoweynta la wadaago si ay dadka af dhaadhiga ahi halkaa uga sii ambaqaadaan oo halka ay hadda wax marayaan looga sii horumariyo wixii aan ka tegayna loo dabooli karo si jiilalka soo kacaya ay ugu noqoto aqoon korodhsi guud oo ay ka baran karaan wax kasta oo qodobkaasi isaga ah ku saabsan.

Akhriste waxan kuu rajayaynayaa in aad xiisayn doontid qormadan marka aad akhrido islamarkaana aad ka dhiiban doontid talooyin wax ku ool ah.

A) Awoodda indhaha
Arag, eegmo, deymo, daawasho, dhugasho, dheehasho, fiirin, hoomaayid, indho-caddayn, indho-daalis, cawri, il, ildadab, il-qooraansi, ilqoodh, indho-indhayn, indho-ku-hayn, akhris, muuq, dhaayo-qab, indho-fiiqnaan, fay, dam, ujeedid, jeedaalo, khaawisaad, il-doogsi, indho-ku-gubid, il-qalloocan, bogasho, biniin.

B) Hawlaha kale ee ay indhuhu qayb muhiim ah ka yihiin fulintooda.

Sanqasho, oohin, ilmo, hurdo, gama`, himsehimse, haydh-haydh, dhacdiid, laamadood, lulo, libiqsi, baraarug, gawdiidsi, indho-furid, il-jabin indho ku godid, indho-shiikhin, indho-shareer, indho-dillaacsi, indho-saab, shish, dhugtan, fogaan-arag, bidhaan, bikaacsi.

C) Naanaysaha ay Somalidu ku ladho isha ee dadka loo bixiyo

Shiine, cawar, hebel indho, indhoole, Indha-cade, Indho-sheel, indho-weyne, Indho-leeb, indho-caad, il-dhafuujo, indho-deero, indho-deeraley, dhaayaha-u-roon, indhobir, indho-yare, indho-buur, indho-waranle, indho-godane, indho-xume, indho-deeq, indho-fiig, ildab, illow, iley, ileeye, ilxaako, ilxun, il-xayiig, fayax, il-qudhaanjo, il-dhibiijo, indho-badane, il-bir, afar-indhood, aragsan.

D) Sifooyin kale oo xidhiidh la leh indhaha

indho-ku-graadle, ildheeraan, il-biyood, il-waad, ileys, illin, iftiin, ilbidhiqsi, ilaalo, indho-daar, indho-ka-rid, indho-iska tuur, il-ka-lalin, il-duuf, il-qabatiin, il-fashaq, indho-sarcaad. Indho-daraandar. il-maris, indho-furnaan, argti-gaaban, indho-fidin, il-bixid, il-darro, il-go`, ilxumaan.

E) Maahmaahyo, halqabsi iyo odhaah la xidhiidha indhaha.

Loo il-bixin maayo
kor waayeel waa waa indho 
dab kuleylkiisa aan la arag dambaskiisa lagama leexdo 
aadame la aragyaaba dhib la arag
isha cali ka laalladda
indho adagaa ma il kalluun buu liqay
iyo qaar kaloo badan oo idinku ku sii kordhin doontaan.
qofkii baxaya indhahaa casaada


D) Xanuunada la xidhiidha indhaha

Habeeno, bakooro, indho-beel, indho-laàan, indho-darri, dhaayo la`, indho-barar, xafajo, dhalaad, sheel, ashqaro, raar, beyr, indho-jeexis, indho-fiiqis, bassaas,daaf.
F) Qurxin
Indho-kuul
G) Waxa iyaguna isha ku leh saamayn toos ah ama mid daban siiba cimilada iyo dabeecada iinagu xeeran iyo deegaanka.

Iftiinka qorraxda, mugdiga, siigada, qiiqa, ceeryaamada, hanfiga, dabaylaha . roobka, dhididka badan, saamaleylka, huurka, barwaaqada.

Soo diyaarintii iyo isku dubbaridkii
Ali Mohamoud Noor Ali-Eid
...........Norway

Kommentarer

  1. Waa Qormo Faa'iido Badan Iyo Aqoon Korodhsi ii siyaadisay . Waxan kale oo aan filayaa in dad badani ka faa'iidays taan

    SvaraRadera

Skicka en kommentar

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.