Fortsätt till huvudinnehåll

Abwaan, Xasan Xaaji Cabdillaahi Xasan (Xasan-Ganey) iyo Stockholm

Maalinta Jimcaha ee taariikhdu tahay 26/12/2014, marka ay saacaddu tahay 15:30, waxa ka dhici doona Xaafadda Kista ee dhinaca waqooyi ee magaalada Stockholm kulan aad u ballaadhan. Waxa kulankaa lagu soo bandhigayaa suugaanta iyo sooyaalkii abwaanka caanka ah Xasan Xaaji Cabdillaahi Xasan, oo ku magaca dheer Xasan-Ganey. Muddo ku siman 40 sannadood ayuu abwaanku ka mid ahaa hormoodka fanka iyo suugaanta soomaalida. Waxa uu hal-abuuray Rawaayado caan ka ahaa deegaanka soomaalidu degto oo dhan sida "Dab Jacayl Karin waa" iyo Bidaari Sibiq bay kugu gashaa". Waxa aan la illoobi karin Rawaayaddii "Masiibadu adduunyada iyadaa u macallin ah" oo ahayd horraantii siddeetamaadkii. Abwaan Xasan-Ganey, waxa uu maalintaa kula wadaagi doonaa suugaantiisa iyo sooyaalkiisii ilaa bilawgii.





Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto. 

Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye" ----- "Dhaxalkuu ka tegey, Waa inoo dhigaal" Q-1aad

Geesibaa Dalkeennii ka go'ay, Gaadhka hayn jirey dheh Gal noo irmaanaan jiraa Gudhay Digaalow dheh Madi Geyiga wada Deeqi jirtuu Geeljirii tebey dheh Gobkii midhaha laga goosan jirey Gaarriyaa baxaye. Halyey lagu goblamay baa Dhintaye, Calamadaw gaabsha. ....................Faarax Murtiile/London/ Uk 2012