Fortsätt till huvudinnehåll

Kulan-suugaaneedkii Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey) Iyo Soomaalida Iswiidhan. Goobta: Kista Träff Taariikhda: 2014-12-26 Saacadda: 15:30 – 19:30

Shalay oo ay taariih ahayd 26 bishan diisambar, sannadkan 2014, waxa magaalada Stockholm ee caasimadda Iswiidhan lagu qabtay, kulan-suugaaneed weyn oo kulmiyay abwaanka Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey) iyo bulshada Soomaalida ah ee dalkani ku dhaqan. Munaasibaddan oo ahayd mid ay si heersare ah isaga kaashadeen ururka Badda Cas iyo Ururka qorayaasha Soomaalilaan, ayaa ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay. 



Goor casar dheere ah ayaa layskugu yimid goobtii uu kulanku ka dhacayay oo ahayd Kista Träff. Waxa ay ahayd goob bilan, oo ay ku sugnayd bulsho-weyn xiiso gaar ah u haysay suugaanta iyo lakulanka abwaankaba. Taasina waxa ay keentay in barnaamijku ku bilaabmo xilligii loogu talogalay. 

Ugu horrayn waxa munaasibadda aayado Quraan ah ku furay Cumar Xaaji Bile Aadan. Intaasi kadib Sayid Maxamed Yuusuf ( Dhegey ), oo ahaa daadihiyaha barnaamijka, ayaa codbaahiyihii ku soo dhaweeyay Maxamed Cabdillaahi Booshari oo ah guddoomiyaha ururka Badda Cas. Maxamed waxa uu goobta ka soo jeediyay hadal kooban oo soodhawayn iyo mahadnaq ba isugu jira. Intaa kadib waxa iyana ereyo soo dhawayn iyo kaftanba isugu jira goobka ka soo jeediyay, Jaamac Maxamuud Cumar ( Jaamac Sweden) oo hore buug ka qoray riwaayaddii Masiibadda adduunyada iyadaa u macallina, macallin Xuuble, Mudane Asad iyo Suldaan Garyare oo ka mid ah odayaasha magaalada Stockholm iyo Baxnaan Xaaji Aadan oo munaasibaddan uga soo safray magaalada Örebro. 

Waxa si rasmi ah loo gudogalay barnaamijkii. Waxaana codbaahiyaha gacanta ku dhigay qoraaga Yuusuf Xaaji Cabdillaahi Xasan oo ka tirsan ururka qorayaasha Soomaalilaan. Yuusuf waxa uu madasha si xarrago leh uga akhriyay taariikh-nololeedka abwaanka iyo sooyaalkiisii dheeraa ee suugaaneed. Yuusuf oo si wanaagsan ugu soo diyaargaroobay ka sheekaynta taariikhda abwaanka, ayaa si qurux badan uga sheekeeyay waayo kala duwan oo uu abwaan Xasan-Ganey soo maray. Waxa uu macallin Yuusuf ka sheekeeyay in uu abwaan Xasan-Ganey ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar oo ka tirsan gobolka Saaxil. Waxa kale oo uu ka sheekeeyay in uu abwaan Xasan magaalada Berbera u soo wareegay isaga oo yar, uuna halkaasi ka bilaabay in uu ka shaqeeyo hudheelada cuntada. Halka uu markii danbena uu u wareegay magaalada Hargeysa, isaga oo halkaasi baayacmushtar ka bilaabay, halka uu markii danbena uu ku biiray ciidankii kamaandoosta Soomaaliya. 

Taariikh-nololeedkaas kooban markii uu dhammeeyay macallin Yuusuf Xaaji Cabdillaahi, ayuu codbaahiyaha ku soo dhaweeyay Muuse Maxamuud Ciise ( Dalmar ) oo soo diyaariyay ka sheekaynta qaar ka mid ah riwaayadihii iyo heesihii uu abwaanku alifay. Muuse ayaa si waafi ah uga sheekeeyay afar riwaayadood oo uu abwaanku lahaa iyo heesihii ku jiray. Muuse waxa uu soo qaatay riwaayadaha kala ah: 1. Dab jacayl kari waa, oo soo baxday sannadkii 1974 2. Jinni iyo jacayl oo soo baxday sannadkii 1975 3. Galbeed waa la xorreeyay, Waarsaase gaagixisay, oo soo baxday sannadkii 1978 4. Dumistii aqalkayga iyo arooskii inankayga, oo soo baxday sannadkii 1978. 

Muuse-Dalmar ayaa markii uu intaasi dhammeeyay mar labaad madasha ku soo dhaweeyay Yuusuf Xaaji Cabdillaahi, oo halkaasi ku soo bandhigay labada riwaayadood ee kala ah: Bidaari sibiqbay kugu gashaa oo soo baxday 1980 iyo riwaayadda Masiibadu adduunyada iyadaa u macallin ah oo soo baxday sannadkii 1983. Yuusuf iyo Muuse waxa ay goobta ka qaadeen oo ay ku luuqeeyeen dhawr heesood oo ka mid ah heesaha ugu caansan kuwa uu abwaanku sameeyay. Heesaha ay ku luuqeeyeen ee ay dadku aadka uga heleenna waxa ka mid ahaa, heesta Sayla, heesta Maalmaha qallooca, heesta Ma og tahay curyaankaba, cago looma waayine, heesta geediga hayaankuba iyo heesta waligeed adduunyada wakhtigaa qof saacida, midna waayahaa xidha. Dadkii goobta ku sugnaa ayaa sacab iyo qosol kala goyn waayay intii ay Yuusuf Xaaji Cabdillaahi iyo Muuse Maxamuud Ciise ku luuqaynayeen heesaha abwaanka. 

Intaas kadib waxa la galay qaybtii ugu mihiimsanayd barnaamijka, waxaana makrafoonka lagu soo dhaweeyay abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey). Xasan oo aad ugu faraxsanaa sidii loo soo dhaweeyay iyo la kulanka dadkiisa uu jecel yahay ayaa gudogalay qayb ka mid ah suugaantiisa qaniga ah. Waxaanu goobta ka tiriyay gabay magaciisa la yidhaa QANEECAAD, kaasi oo beddelay dhammaan shucuurtii dadweynaha. Waxa uu ahaa gabay ka hadlaya duruufaha iyo waayaha kala duwan ay ku sugan tahay ummadda Soomaalidu. Waxa kale oo uu abwaanku madasha ka tiriyay maansada MAGAN, oo iyana ahayd mid si weyn uga hadlaysa waayaha iyo nolosha Soomaalida. Labadan maanso ayaa isugu jiray waxsheeg , talo, iyo duco. Intaa markii la marayay ayaa la galay qadar nasasho ah. Qaybtii danbe ee barnaamijkuna waxa ay ahayd mid aad u xiiso badan oo qosol iyo maad ba laga dhergay. Abwaanka ayaa dadkii meesha fadhiyay la wadaagay sheekooyin iyo suugaan uu u sameeyay riyo uu ku dhaqday magaaalada Hargeysa. Abwaanku waxa uu tiriyay maansooyin gaagaaban oo ay isku tiriyeen orgi ka mid ah adhigiisu. Waxa uu sidoo kale abwaanku goobta ka tiriyay, maanso kooban oo jacbur ah oo isugu jirtay af Ingiriisi iyo af Soomaali, taasi oo ay aad uga heleen dadkii goobta ku sugnaa. 

Qaybtii u danbaysayna waxa ay noqotay su’aalo ay dad weynuhu waydiinayeen abwaanka. Su’aalaha uu abwaanku ka jawaabay waxa ka mid ahaa, in uu isagu leeyahay iyo in kale heesta tidhaa, Cudurka kaa gala fardaha, haddii laga gubo dameer, dawada lama gaadhayee, waxaanu abwaanku sheegay in uu isagu heestaasi sameeyay, ayna ka mid ahayd riwaayad la odhan jiray, NIN ILAAHAY WAKIISHAY, NASIIBKIISA MA WAAYO, oo uu lahaa abwaan Kayd. Xasan-Ganey waxa uu sheegay in uu heestaasi dhex raaciyay riwaayaddaasi, maaddaaama oo dawladdii berigaa joogtay ay il gaar ah isaga ku eegaysay. Su’aalaha kale ee la waydiiyay waxa ka mid ahaa, sababta ay dawladdii Kacaanku u xidhi wayday, maaddaama oo uu ka qaybqaatay silsilladdii Deelley. Abwaanka ayaa sheegay in aad loo dhibay, marar badanna been-abuur laga sameeyay. Laakiinse uu xagga Rabbi uun ka baxay. Abwaanku waxa uu sheegay in marar badan lagu soo dacweeyay in uu ku biirayo SNM oo uu waliba duufsanayo fannaaniin badan.


Gebogebadii barnaamijka markii la soo gaadhay, ayuu mar labaad abwaanku u mahadceliyay, una duceeyay dadweynihii kulanka ka soo qaybgalay. Waxaanu isna ka codsaday in ay u duceeyaan in uu Rabbi caafimaad degdeg ah siiyo.
FG: Abwaanku waxa uu daryeel-caafimaad u soo doontay waddanka Jarmalka. Waxaanu Iswiidhan u yimid codsi uga yimid bulshaweynta Soomaalida ah ee Iswiidhan ku dhaqan. Abwaanku waxa uu dhawaan ku noqon doonaa magaalada Hargeysa oo ah magaalada uu sida rasmiga ah ugu nool yahay. 

Soo diyaarintii Muuse Maxamuud Ciise ( Dalmar ). 
xajidalmar@gmail.com

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.