Fortsätt till huvudinnehåll

Ururka Waxbarashada Alkawnayn oo Cashosharaf ku soo dhoweeyey Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan Ganey)


Shalay duhurnimadii ayuu ka soo anbabaxay magaalada Eskilstuna Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi oo maalmahanba ku sugnaa carriga Iswidhan. Waxa uu soo gaadhay Stockholm goor ay saacaddu cagacagaynaysay 14:00 (Labadii maalinimo). Jidku baraf muu lahayn, balse qabaw waxoogaa ah baa jiray. Dabcan xilligan jiilaalka qabawgu waxa uu gaadhaa derejada soddon oo taban (-30). Xilligan oo kale barafku waxa uu tuulmaa jidadka iyo
guryaha dushooda. Baabuurta ayaa xanniban ku dhacaa marmarka qaar. Dabaylo haddii uu watona, kaba sii daran. Laakiin, nasiib wanaag, shalay oo taariikhdu ahayd 24-12-2014, Cimilada Stockholm iyo nawaaxigeedu, sidaa uma ay sii xumayn. Qabaw yar baa jiray, dabaylo iyo baraf badanna ma jirin, haddana abwaanku waxa uu nagula kaftamay: ” Waar ma tan baa dad ku noolyahay, iskaga guura!”. Waxa aanu u sheegnay in aanay farxadiba jirin haddaan baraf badan oo buuro ah, di’in maalmahan fasaxa iyo debbaaldeggooda u gaarka ah, gaalada uu socdo oo ah 24-26 bishan laba iyo tobnaad.

Markii uu Abwaanku yimi Stockholm, waxa markiiba qaabilay reer Stockholm oo u sii diyaariyey Hadhimo-sharafeed loogu talo-galay abwaanka. Hadhimadaa ka dib, waxa aanu u diyaargarawnay, sidii aanu u tegi lahayn goobtii Casho-sharafta loogu diyaariyey Abwaanka. Kolkay saacaddu gaadhay lixdii fiidnimo ayaanu gaadhnay goobtii ay cashada ugu sii diyaariyeen Ururka Waxbarashada Alkawnayn oo fadhigoodu yahay magaalada Stockholm. Guddoomiyaha Ururka Cabdillaahi Cilmi (Asad) ayaa si dareen walaalnimo, soomaalinimo ah ku soo dhoweeyey abwaanka. Hadaladdiisii waxa ka mid ahaa: ”Haddii la tarjumo suugaanta Xasan Ganey, Qaramada Midoobay diiwaan kaleba umay baahdeen”. Wuxuuna taa kuu ladhay; Deegaanka, dhaqanka, Nadaafadda, Nabadda wax kasta oo bulsho u baahantahay Xasan Ganey waa uu ka hadlay. Ilaahay ha ka abaalmariyee!. Guddoomiyaha ka hor waxa hadal kooban ku bilaabay Macallin Yuusuf Cabdillaahi Xasan oo ka mid ah tiirarka ururka, wuxuuna warbixin kooban ka bixiyey Abwaanka iyo sida uu ku yimi Jarmalka oo ahayd caafimaad ahaan. Yuusuf, oo kaftan raacsaday waxa uu yidhi: Dee aniga iyo Abwaanku waanu isu magac egaannay oo nin baa igu yidhi; ma walaalaa tihiin, waana isu egtihiine?

Waxa goobta hadallo ka soo jeediyey xubno farabadan, oo ay ka mid ahaayeen Cabdi Cali Warsame oo si mug leh uga hadlay dalka Iswidhan iyo xaaladda soomaalida ku nool dalka. Waxa kaloo erey taariikhi ah ka yidhi goobta Ibraahin Maxamed Cigaal oo ku magac dheer Xuble oo ka mid ahaa odayaashii la socday Abwaanka. Ugu danbayn, waxa si fiican oo odaynimo ah, u soo gabagabeeyey kulankaas casho-sharafta ahaa, Maxamed Xuseen oo ku magac dheer Xaaji Faarax, habeenkaasna loogu sii daray in uu yahay Xaaji Soomaal, oo uu dhawr jeer oo horena ku guulaystay billado, lagu siiyey danta guud e soomaalida deggen xaafadda Rinkeby iyo deegaamada ku xeeran.

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi, waxa uu uga mahadceliyey Cashadaas iyo sidii loo soo dhoweeyey. Wuxuuna yidhi: "Wax badan oo aan odhan lahaa, waxa aan u dhiganayaa maalinta 26 Dec. Laakiin bal maansadan ayaan inyar idiin marinayaa: Waxa uu goobtii ka mariyey maanso la magacbaxday DUUFAAN! Oo soo baxday bilawgii sagaashanaadkii.

Diyaarintii: Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.