Fortsätt till huvudinnehåll











Sannadkan horraantiisii ayaa la isla gartay in Xarunta guud ee Ururka Qorayaasha Somaliland ay noqoto Hargeysa. Iyadoo hore u ahayd magaalada Stockholm ee carriga Iswidhan, tan iyo aasaaskii ururka. Durbaba guddida ururku, waxa ay dardar geliyeen wax qabadka Ururka. Tababbarkani, waxa uu ka mid yahay, hawlaha ururku uu rabo in uu wax ka qabto. Himilooyinka iyo higsiga ururka ayaa ah sidaa. Waxa aanu ka filaynaa, in Ururku sannadkan gudihiisa uu wax badan ka tari doono dhinaca qoraalka iyo akhriskaba. Waxa maanta jira boqollaal dhallinyaro ah oo jecel in ay wax qoraan. Inta badan ma jiro qoraanimo la bartaa, ee waa dareen qofka ku jira, in uu fikirkiisa, dareenkiisa, tilmaantiisa ku soo gudbiyo habqoraal, gaar ahaan buug. Waxaase muhiim ah afka uu ku qorayo in uu si sax ah u qoro. Afafka adduunka bididooda, waxa jira barnaamijyo lagu saxo. Farsoomaaliga dedaal wuu jiraa, waxaase mar kasta ka hor imanaya xeerarka farsoomaaliga oon sal-dhigin.

Sayid-Axmed M. Yuusuf
Guddoomiyaha Ururka Qorayaasha Somaliland ee laanta Iswidhan.
Stockholm

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.

Faallo!..."ladh" Buug Cusub Oo Uu Qoray Cabdillahi C Cige

Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey — Sweden — 7 September, 2005 Markaad aragto buugga laftigiisa, ayaad garanaysaa in buuggani uu ka duwanyahay buugaagtii hore ee afsoomaaliga ku soo bixijirtay. Qaabka buuggu u qoranyahay waa qaabka loo qaabeeyo sheekooyinka "Novel-ka" loo yaqaan. Waxaad dareemaysaa in dadka soomaalidu ku tallaabsadeen, jidkii muddo dheer kasoo xidhnaa. Kaasoo ah qoritaanka sheekooyinka, ku qotoma qaababka nolosha banii'aadamka. Intaa haddaan ku dhaafo qaabka buugga. Waxaan xasuustay faallo uu ka bixiyay Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd" buuggan la magac baxay "Ladh. Mudane Hawd wuxuu ku soo gunaanaday maqaalkiisii "qoraaga buuggan qoray, haddii buuggani yahay kiisii ugu horreeyey oo maxay noqon doonaan kuwa soo socdana."