Fortsätt till huvudinnehåll

Qaadkii baa qayliyoo yidhi: "Dhallinyahay qarweysaa, maxaa qoonsateen?"


FG: Qormo hore (09-2009)
------------------------------------------------------------------------------


Xilli aan sidaa u sii fogayn ayuu soo galay Qaadku dhulka soomaalida. Geedkaas oo ka baxa buuralayda sare ee dhulka Itoobiya iyo dhinaca Kiiniyaba. Wixii ka horreeyey lixdankii waxa uu ku koobnaa tiro aad u kooban oo u badnaa dadkii u safri jiray Itoobiya gaar ahaan dhulka uu ka baxo. Waxa kale oo uu aad ugu dhexjiray XERTA, oo iyaga laftigoodu lug ku lahaa deegaannada Itoobiya gaar ahaan magaalada Herer. 




Xilligaa hore si xawli ah kuma uu socon barashada ruugiddiisu, ee si yar ayuu u soo tallaabsanayey oo aad mooddo in uu ogsoonaa waxa ay ku danbayn doonaan dadka soomaalidu. Deegaannada soomaalidu degto ma uu soo gelin isku mar ee wuu ku soo kala horreeyey sida Jabuuti iyo Somaliland oo uu ka bilaabay qabsashadiisii ugu horreysay kana samaystay saldhigyo sida Hargeysa iyo Jabuuti. Dhinaca Kiiniya oo uu ka baxo jaad ka mid ah Qaadka, si dhakhso ah uguma uu soo fidin deegaamada soomaalidu degto. Qaadka ka baxa Kiiniya isna kama baxo dhul soomaalidu deggen tahay ee waa deegaan aanay soomaalidu gaadhin.

Lixdamaadkii ayuu dhanka Somaliland madaxa la soo kacay oo uu qabsaday odayaashii maalqabeenka u ahaa dalka iyo dadkaba. Inkasta oo aanay ruugi jirin qaad xaddigiisu badan yahay, haddana waxa uu ka mid noqday wakhtigooda joogtada ah in ay ku kulmaan. Balse xilligaa waxa ka caafimaad qabay bulshada inteeda kale gaar ahaan macallimiinta iyo ardayda. Toddobaatanaadkii ayuu soo gaadhay macallimiintii iyo ardaydii. Waxa kale oo xilligaa xawli ku socday fanka iyo fannaanka oo iyaguna ka dhigtay joogto in ay jilibka laabaan oo u diyaargaroobaan ruugidda ama calaalinta Qaadka. Inta badan heesaha aad maqashay, rawaayadaha iyo gabayada waxa la sameeyey iyadoo la "Murqaansanyahay". Sannadahaas baynu odhan karnaa oodda ayuu jabsaday, oo waxa uu gaadhay meelo aan habboonayn, waxa uu dhexmushaaxay guryihii dhawrsanaa, bulshadii xakamaha iyo xishoodku u ahaa astaanta. Waa xilliyadii uu si butaaco ah ku gaadhay deegaanka ku hareeraysan Banaadir. Muddooyinkii hore waxa uu ku koobnaa "Qaldaamiinta" oo u badnaa dad firfircoon oo si fiican u dhexgalay bulshaweyntii "Wallaweynta".

Horraantii siddeetamaadkii ayaa waxa dhacday arrin ka yaabisay Qaadkii. Sannadkii 1983kii ayaa lagu dhowaaqay in uu dalkii la odhan jiray Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliyeed laga joojiyey soo gelidda, ka ganacsiga, Ruugidda, Calaalinta, Cunidda Qaadka. Yaab iyo amankaag bay ku noqotay Qaadka, oo muddo dheer halgan ugu soo jiray qabsashada dhulka soomaalidu degto. Dhinaca Jabuutina waxa dhawrjeer lagu dhowaaqay in maalinta khamiista iyo Jimcaha uun la oggolyahay.

Qaadkii oo yaabban baa maalin maalmaha ka mid ah sheekaystay. Waxa ay ka wada hadleen xaaladda cusub ee la soo gudboonaatay iyo sidii uu uga bixi lahaa. Waxaa na dhex martay sheekadan: " Waar ma maqasheen in aan la inoo oggolayn in aynu galno dhulkii aynu qabsannay? Haa, dee laakiin waxa la yidhi Duqa horjooga u ah, baa go'aansaday in uu badbaadiyo dadkiisa... Ogor! waar ma sidaasay ku soo gaadhsiiyeen. Waar Duqa aad sheegaysaa markii horeba muu cuni jirin oo waxa uu ka mid ahaa dadkii aynu u taagweynay, ee sababta uu u joojiyey miyaad garanaysaa? Maya ee bal soo daa. Waxa loo ballan qaaday lacag balaayiin ah. Oo yaa u ballan qaaday? Dee qoladan Carabta la yidhaahdo ee badda ka tallawsan. Xataa dhulkii aynu degnay ee beeraha ka samaysannay waxa ay Carabtu ugu ballanqaaday lacag timahaagaa ka badan, oo dhulkii aynu rasmiga u degnay waa la innaga qaadayaa ee sidaa ula socda. Wax baanse idiin ogahay, meel aynu ka galnoba waa aynu gelaynaa oo dee ciidanka ayuunbaa noqondoona Jaadlayaal, ciidanka xoogga dalka ayeynu dhabarkooda raran doonnaa.

Kulankaas muhiimka ahaa ee Qaadku yeeshay waxa uu ku dhammaaday guul. Sidii bay u dhacday oo Qaad la joojiyey ma jirine, askarta ayuun baa keeni jirtay. Waxa la waayey Soo dhacyeey oo waxa bedeshay " Ma soo galay" iyo Haa iyo halkeebuu yaallaa. Waxaaba la qaatay markii uu bannaanka yaallaye, guryaha gudihiisa, weliba qolka hurdada ayuu dhextegay Qaadkii. Intaa ka dib maxaa dhacay? Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed waa la kala yaacay, oo waxaaba la tegey halkii uu ka yimi Qaadku. Dabadeedna waxa soo baxay dad daaqaya Qaadkii. Berigii hore waa la ruugi jiray ama waxoogaa calaalis ah ayuu ahaa. Waxaase beddelay in la daaqo oo canka kor loo toogo, oo sida, sac caws ka soo dhergay oo markii la soo xareeyey raamsanaya, ayaa daanka kolba laan lagu ladhaa, canku waxa uu ku dhowaadaa in uu dillaaco. Kooxdaa danbe waxa ay beddeleen wixii horoo dhan, oo waxa ay la kulmeen Qaadkii oo cadhaysan oo ka cadhooday xakamayntii berigii la saaray. Habeenkoo dhan baa la cunaa, maalintoo dhan baa la calaaliyaa, mijintii la yaqaanay waa laga tegey oo Kiiloo, Waaweynka ama Geed ayaa qofkiiba rujistaa. Halkaa markii la isla gaadhay ee uu xataa ka daba dhoofay soomaalidii qaxootiga ku tagtay Qurbaha ayaa waxa soo dhacday dabayl caafimaad.

Qoraalka intii hore waxa ay iga ahayd dulkaxaadis iyo wax ka sheeg taariikhda guud ee Qaadku ku leeyahay dalkeenna. Haatan aan u soo dhaadhaco dulucda qoraalkayga. sannadkan 2009ka ayaan tegey Somaliland, waxa aan la kulmay yididiilo ku saabsan dhallinyarada iyo Qaadku sida ay u sii kala tegayaan. Dhallintu waxa ay garaadsadeen iyadoo uu cunayo qaadka Aabbihii, walaalkii oo ka weyn iyo awoowgiiba. Waxa uu garaadsaday iyada oo marka gar la gelayo la keeno jawaan Qaad ah, marka meher la tago oo Qaadka la qaybinayo, marka lagu casuumo oo qaadl'aan aanay dhacaynin iwm. Garan maayo sida dagaalku u dhexmaray dhallinta reer Somaliland ee maanta iyo Qaadka, waxaanse soo arkay dhallinyaro ka xorowday Qaadkii. Runtii, waa wax lagu farxo, oo la dhiirrigeliyo. Waxa aan soo arkay dhallinyaro uu wejigooda ka muuqdo dhalaal, oo gubnoodkii qaadku lahaa ka badbaaday.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa mijin Hereri ahi soo dhexmartay Farasmagaalaha Hargeysa, waxa ay aragtay dhallinyaro farabadan oo fadhiya makhaayadaha oo sheekaysanaya, waxa kale oo ay baska la sii raacday dhallinyaro ku sii socda Dugsiyada oo buugaag sita. Saacadda oo ahayd afartii galabnimo awgeed waxa ay mijintii la yaabtay dhallintan xiiqsan ee wax baranaysa, ee makhaayadaha fadhiya ee aan qayilayn.Waayo xilligaasi waa xilligii la qayili jiray ee huuhaada la isla hor fadhiyi jiray. Mijintii Hereriga ahayd iyada oo murugaysan ayey jacbur la odhan karo malaa waa Maanso soo tuurtay...............Waxa ay tidhi:

Dhallinyahay Qarweysaa

Maxaa qoonsateen
Jeebkii miyuu qallalay
Miyaan Qarshiba ku jirin
Qolqollada maxaydin tubay
Cashadu waa qaaliye
Qaadkii la ruugi jiray
Miyaa ka qaddeen beryahan

Qaadkii maxaa ku dhacay
Ma Haawadaygaa qarriban
Ma dadartiibaa la qubay
Ma qaadkan farabatee
Kuruusiyo qaar kaliyo
Garanwaagan qaadki dilay
bay dhallintu qoonsatoo
Qaladku waa Annaga

Dhallinyahay qarweysaa
Maxaa qoonsateen

Qaadku inuu qadhaadhyahay
Hurdada inuu kaa qarribo
Quudka inuu kaa ilaasho
Qaraabada kugu diro
Qaadka waad ku ogayde
Waxaad qoonsatee ku helay
Dhallinyahay ii qormee
Qummanaan iigu sheeg
Bal aan qayla doon tagee.


Waxa aan qoraalkan ku soo afmeerayaa, hanbalyo, dhammaan dhallinyarada sebenkan soo kacay. Horumarku waxa uu ku jiraa dhallinyarada oo keenta isbeddel, oo isku xidhma. Qaadkana ka fogaada, markaasaa la helayaa bulsho caafimaad qabta. Waxaa na ka digtoonaataan, qolooyinka qaadka neceb, ee biyaha kulul (biyaha maxaa kululeeyey?) cabba, kuwaasi waa dhibaato if iyo aakhiroba khatarteeda leh. Ugu danbayn, odayaasha inta badan yidhaahda "Dhaqankii baa laga tegeyna" waxa ku tidhaahdaan " Haa oo dhaqankii xumaa ee murqaanka waanu ka tagnay. Dabayl caafimaad, Dabayl caafimaad.


Nabad iyo Caano

Sayid Maxamed Yuusuf "Dhegey"
Sweden (09-2009)


Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Xog ku saabsan Afgenbegii 1961 Col, Xasan Faarax Bullaale: "Taariikh u baahan sixitaan iyo run ka sheegid"

Taariikhdu waa dhacdo ama arrimo dhacay xilliyo la soo dhaafay. Haddii aan wax laga qorin, lama ogaan karo taariikhdaasi sidii ay u dhacday. Mar haddii aan la kaydin arrimaha taariikheed ee dal iyo dad ba soo mara, waxa ay taariikhdaasi gashaa mugdi waxaanay yeelataa madmada w badan. Sida inbadani ka warqabto Somaliland waxa ka dhacay Afgenbi la isku deyey 1961kii, kaasoo lagu guuldarraysatay Dad badani xog kama hayaan, inkastoo ay noolyihiin xubno ka mid ahaa saraakiishii Afgenbigaa isku deyey. Kalhore waxa la waraystay Amb, Cawil Cali Ducaale oo ka mid ahaa saraakiishaas, xilligaasna ahaa xiddigle. Waxa uu Cawil qoray buug uu kaga hadlay wax farabadan oo uu u soo joogay, waxaana ka mid ahaa Afgenbigaas. Waana buugga la magacbaxay "Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed"

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.