
Tababarka
oo dulucdiisu ahayd qoridda habboon ee afka, shuruudaha buug qorista iyo
buugga, dhisidda sheekada iyo tilmaamo guud oo la xidhiidha qoraalka ayaa in ka
badan labaatan qof ka soo qaybgaleen. Ugu horrayn guddoomiya Ururka Qoreyaasha
Somaliland Mud. Axmed Ibraahin Cawaale ayaa furay tababarka kuna soo dhaweeyay
xubnaha goobta iyo tababarkaba.

Isbarasho
guud kadib ayey toos u bilaabmeen casharradii tababarka oo u qaybsamaa saddex
qaybood 1) Jaangoonynta, tifatirka, sumadaynta iyo habaynta guud ee buugaagta oo
uu jeediyey Khaalid Jaamac Qodax. 2) Dhisidda sheeko faneedda iyo shuruudaha
looga baahanyahay oo uu jeediyey Saddaam Xuseen Carab 3) Qoridda habboon ee
afka, higgaadda, kala hormarinta iyo talooyin guud oo uu Axmed Ibraahin Cawaale bixiyey. Waxa kale oo
goobta ku sugnaa Axmed Cabdillaahi Cawaale iyo Siciid Maxamuud Gahayr oo ka mid
ah xubnaha ururka.
Ku
dhawaad kala badh dhallinyarada ka soo xaadirtay kulanku waxay ay sheegeen in
ay gacanta ku hayaan buugaag, kuwo bilow ah, kuwo tifitirkii ku jira iyo kuwo
daabicidi u hadhsantahay. Dhallinyarada oo dareen celin ka bixinayey cashar
walba ayaa muujinayey xiisaha iyo farxadda ay u tahay in ay tababar caynkan ah
ka soo qaybgalaan. Kuwaas oo markii kulanku xidhmayna mahadnaq u jeediyey
Ururka kana codsaday in ay sii wadaan tababarrada noocan oo kale ah.
Gebogebadii
waxa kulanka soo xidhay guddoomiye Axmed I. Cawaale oo u mahadnaqay
dhallinyarada ka soo qaybgashay kuna dhiirriyey in ay qayb ka noqdaan
dadaallada horumarinta afka.

Diyaariye: Xoghayaha guud ee Ururka Qorayaasha Somaliland
Saddaam Xuseen Carab
Ururka
Qorayaasha Somaliland
Hargeysa,
Somaliland
Kommentarer
Skicka en kommentar