Fortsätt till huvudinnehåll

27 Mey ee gu'gii 1988kii : "Xusuus aan duugoobayn"

Waxa ay ahayd goor subaxnimo ah, markii aanu soo kaxaysannay gaadhi Mazda ahaa oo yar. Gaadhiga waxa waday walaalkay Yaasiin M Yuusuf, waxa aanu u dhaqaaqnay dhankaa iyo magaalada. Waxa aanu ka soo dhaqaaqnay, gurigayaga oo ku yaalla Xaafadda caanka ah ee Dariiqada ee magaalada Sheekh. Guriga aanu ka soo kicitinnay waa kii aan ku dhashay, balse muddo lix sannadood ku dhaw ayaan markaa ka maqnaa, oo muddo laba bilood ah ayaan joogay Hargeysa ilaa Sheekh. 


Laga soo bilaabo sannadkii 1983kii waxa aan deggenaa magaalada Muqdisho oo aan ku dhammaystay dugsigii sare gu'gii 1985kii. Waxa aan galay Xeradii tababarka ee loo yaqaanay Xalane 1986kii bishii jeniweri. Waxa aan ka tegey Xalane isla sannadkaa 1986kii oo aan galay dugsi farsamo-gacmeed oo jarmalku dhisay 1987kii bishii nofember ayaan dhammaystay. Bishii feberweri ee gu'gii 1988kii ayaan gaadhi BAS ah ka soo raacay Ceelgaabta oo ahayd istaankii gobolada Waqooyi ee magaalada Muqdisho. 

Waxa aan ku soo horreeyey magaalada Hargeysa oo aan maalmahaa maqlayey waa laga qaaday bandoodii la saaray 1986kii markii la dilay taliyihii NSSta ee gobolkii waqooyi galbeed. Waxaase yaab igu noqotay, mar aan imi magaalada, ayaan doonay in aan baskii dib u raaco goor fiidnimo ah, oo aan ku noqdo xaafadda Jigjigayar, oo aan ku soo degey. Goobtii baska laga raacayey ayaan imi, mise bas- ba ma joogo. Maxaa dhacay, hareeraha ayaan eegay, goobtu waa fooqa loo yaqaan Biss. Nin meesha ka dhawaa ayaan ku idhi, waar baskii Jigjiga yar miyaanuu halkan ka baxayn? kute, iska illaw bas oo cagahaaga maal, meeshu waa bandooye. Waxa isu kay qaban weyday bandoodii la ii sheegay in Hargeysa laga qaaday iyo baabuur la'aanta. Kaaga darane, meel loo maro Jigjiga yar, maba aan garanayn, magaalooy fadhfadhiiso ayaaba ka dhici gaadhay. Waxa la ii sheegay in bandooda laga qaaday dadka lugaynaya, laakiin baabuurta aan la arki karin marka saacaddu gaadho todobada fiidnimo.

Mazdadii baynu saarrayne. Xaggii Hargeysa ka imi Sheekh baan imi, bishii Ramadaan halkaasaan ku soomay. Ramadaantii dhammaatay, waxa aanu tagnay Burco 24kii mishii Mey oo salaasa ahayd. Waxa aanu gaadhiga yar ee Mazdada u soo samaynay, warqado ka dhinnaa. Balse subaxnimadan, aanu soo dhaqaaqnay ee farasmagaalaha magaalada Sheekh aanu u soo dhaqaaqnay, waxa aanu ku talo jirnay, in aanu berri oo sabti ah u baxno Berbera, oo sii dhaafno oo ilaa Hargeysa aanu tagno. Ilaahay ma qaddarin, ee dhul aanan weligay arag ayaan u anbabaxay. Subaxnimadii ayeynu maraynay iyo gaadhigii yaraa, ee aanu soo kaxaysannay, waa sagaalkii subaxnimo waana maalin jimce ah bishuna tahay 27-05/1988.

Waxa naga horyimi dhawr dumar ah oo aanu garanayno, waabay na joojiyeen, "istaaga, waar istaaga, oo dib u noqda" maxaa dhacay? "Burco la qabsay, saaka ayaa la qabsaday!! Ma Burco yaa yidhi? waar noqda, oo gurigiinii ku noqda. Dee miyaanu dhegaysannayba, xiisaha iyo farxadda ayaaba naga sii badatay, laakiin col moog baanu ahayn, gaar ahaan anigu colmoog baan ahaa. Nin Xamar ka yimi baan ahaa oo aan wax badan fahamsanayn. Magaaladii, kamaanu joogin ee waanu tagnay. Waaba dadkii Burco oo aan cidiba ka maqnayn, waa baabuur aan tiro lahayn, waa ciidan is dhexyaacaya. Saldhigga booliska ee magaalada Sheekh baa la tubanyahay, magaaladu waxa ay la ciirciiraysaa waa dad. Ciidan baa ka soo baxayey dhanka dawga Sheekh oo qiyaas ahaan ahaa ciidankii galbeedka laga keenay. 

Taliyihii booliska ee Burco waa la dilay, kii milleteriga waa la dilay, hebel oo sarkaal ahaa waa la dilay, waxa maalintaa naloo tiriyey ciidan badan oo Burco lagu dilay. Waxa kaloo naloo sheegay in magaaladii Burco gacanta u gashay ciidamadii SNM. Jimcahaas jimcihii ku xigay baa gariirku isqabsaday dawga badhtankiisa ee buurta Sheekh, maalintii sabtidiina, oo bishu ahayd 04-06-1988 ayaan dhuumasho kaga baxay gurigii aan ku dhashay, waxa aan gaadhay buuraha magaalada dhinaca galbeed ka xiga. deegaanka la yidhaa Calaaculle, oo ciidankii SNM soo degeen. Dib uguma soo noqon, gurigii aan ku dhashay, gaadhigii yaraana halkii baa lagaga tegey iyo waxkasta oo dadku hanti u haystay, waxaana naga daba yimi dad badan, oo bil ka dib magaaladii Sheekh waxa ay noqotay meel laga guuray. Saddex sannadood ka dib baan gaadhi ku soo galay magaaladii aan dhuumashada kaga baxay. Waxa aan ku soo noqday bishii Maarj ee sannadkii 1991kii. Anigoo soo maray Hargeysa iyo Berbera.

Waa iga uun xasuus ee wax badan oo dhacay ayaa u baahan in si fiican looga warramo. Waa taariikh aan duugoobayn, waa maalmo aan maanka ka go'ayn.

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey)
Iswidhan. 27-05-2014 

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.