Fortsätt till huvudinnehåll

Ma runbaa dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane? Family name iyo reermaad tahay, maxay ku kala duwanyihiin?

Wax kasta oo maankaaga ku soo noqnoqda, inaad fahamto ayaa ka hagaagsan in aadan isweydiinba. Tan iyo intaan fahmay reerka aan ahay, waxa aan maqlayey oo si uun aan u fahmayey, kolba heer ha joogtee tolka, iyo arrimaha ka dhexeeya. Haba ugu horreeyo qaadhaankuye!. Waxaana barbar-taallay, erayo ka soo maaxday maansayahanno soomaaliyeed, oo in badan ka hadlay Qabyaaladda. Waxa ugu mudan oo maalinkasta nool, tuduc ka mid ah gabay uu tiriyey Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde) IHN, oo ahaa "Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane". Haddaba, waxa yaab ah oo aan is qabanayn laba arrimood. 


1. In aynu madaxa u wada ruxno baydkaas oo nidhaahno, run buu sheegay "Timacadde" 
2. Oo marka aynu sidaa leenahay, wax yar ka dib aynu si toosa iyo si dadban ba u dugsanayno Qabyaaladda lafteedii. 

Xilliga uu gabaygaa tiriyey Timacadde, waxa ay ahayd xilli aan maansayahanka soomaalidu, ka gabyi jirin Qabyaaladda eedaynteeda, ammaanteeda mooyee. Sidaa awgeed xiise gaar ah bay lahayd Maansada "Timacadde". Waxa uu gabaygaa iyo gabayo badan oo xilliyadaa soo baxay (laga soo bilaabo kontomaadkii Ilaa lixdamaadkii) ay ka hadlayeen isku duubnida, wax wada qabsiga, dawladnimada. Waa kii lahaa Axmed Ismaaciil  Diiriye (Qaasim) "Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye, dusha midabka soomaalibaad dugulka mooddaaye, misna laguma diirsade qalbigu waa dirkii Karale!".

Xilliyadaa aan soo tilmaamay, waxa laga joogaa in ka badan konton sannadood, maalinkaa maanta ah ayey Qabyaaladii ugu dugsi fiican tahay. Waxa laga dugsadaa, dawladnimada, waxa laga dugsadaa, gaajada, waxa laga dugsadaa, dagaalka, waxa laga hoos galaa denbiga, oo haddaad danbi samayso, xalay dhalay baad ka tahay haddii tolku ku garabgalo. Maanta Xisbiyada qaranka Somaliland ayaa ugu qosol badan, oo suuqa ugu weyn ee maanta ay Qabyaaladdu haysataa waaba Xisbiyada. Waxa aan is odhan jiray malaa Xisbiyadaasaa lagaga bixi Qabyaalada. Maya waa been ee markasta Qabyaaladu waxa ay la jaanqaaddaa, dareenka dadka, xilliga, aqoonta, baahida jirta. Waana dugsi aad si uun dugsato, haddii aad si kale u dugsan weydo, waxa aanaad diidi karin marka lagu yidhaa "Haddaynu reer Qudhac nahay, dadka innagaa ugu liidana, reer Qansax way isku duubanyihiin, dedaalkooda kaalay arag!, waar ma waxaynu dhisan kari weynay dugsi carruurteenu wax ku barato, waar ma cusbitaal yar baynu samaysan kari weynay? Waxa aad odhanaysaa, waar waaba sadaqaddii Ilaahay inoo sheegay in aanay kaa go'ayn inta la manaafacaadsanayo, wixii aad gacan ka gaysatay sida Cusbitaal aad wax ka dhistay. Dusgisigii Qabyaalada haddaad diidi jirtay, waadigaa u garaabay. Ujeedada qoraalkaygu waa labo, si aad u fahamto ujeedadayda.

1. Soomaalidu ma qabaa'il baa?

Isku dayga maankayga aan wax badan ka baadhay, islamarkaana barbar dhigay sida bulshooyinka kale. Waxa ii soo baxday soomaalidu in aanay ahayn qabaa'il. Dabcan erayga laftigiisa ayaa ah mid qalaad oo maaha afsoomaaliba. Sidaa awgeed wixii qalad ka yimaadda, waa mid innala soconaya haddaan la sixin. Carabtu si bay u adeegsataa erayga qabiil. Marka reer galbeedku ka hadlayaan soomaalida waxa ay ku sheegaan "clans and sub-clans" waa halkaa halka qaladka weyni kaga jiro, adeegsiga qabiil. Waxa jira nidaam abtirsiimo oo bulshooyinka caalamku adeegsadaan, inta badanna reer galbeedku ka siman yihiin. Waxa ay yidhaahdaan oo sharci ah in qofkastaba lagu diiwaangeliyo sidaa, "Surname ama family name" Ingiriiska oo kale waxa ka mid ah: Aiken, Addison, Ainsworth, Adkins, Colton, Cook, Dalton, Adams iyo kumanaan kale, oo qaar ay caan yihiin kuwo kalena laga yaabo in tiro yar ay haysato. Iswidhiska, waxa ugu badan Svenson, Andersson, Erikson, Karlson oo ay kuu muuqato in magac kasta uu ugu danbeeyo son, oo ah beesha uu ka soo jeedo. Waxa aan beel u adeegsaday, erayga soomaaliga ah ee saxa ah, waa beel ama reer, oo ah Surname ama family name. bal u fiirso Ruushka iyo reerihiisa ama family name-kooda. Abakumov, Abamov, Babikov, Bagrov, waxa ugu danbaysa inta badan "ov". waa uun reer nimadii. 

Haddaba, maqli maysid ingiriisku waa qabaa'il. Haddii laga tegi waayo, oo ay qabaa'il sheegtaan, waxa ay sanka kaa soo gelinayaa Scottish iyo Welsh oo ah dad kale oon Ingiriisba ahayn. Maqli maysid, Ruushku waa qabaa,il. Sidaa darteed adeegsiga "Reer" iyo qabiil, waa kala dhadhan, soomaalidu waa reero ee maaha qabaa'il. Midhkaa ila baadh oo dib ugu noqo, waa ay kuu kala duwanaan doonaan markaad barbar dhigto bulshooyinka caalamka. Qabiilka sida la innagu socodsiiyey, innaguna aynu u qaadannay, waxa la innagala mid dhigay Itoobiya oo kala qabiil ah, soomaali, canfar, oromo, tigree aan isku af ahayn, isku magac ahayn aan wax mideeyaaba jirin. Dalalka Afrika ayaa u badan in ay kala qabiil yihiin. Qodobkaa aan ku dhaafo, soomaalidu waa reero. Magaca danbe ee afka qalaad lagu yidhaa family name ayaa u dhigmaya Reer Xuseen, Reer Waraabe, Reer Gadiid, Reer Caddaawe, Reer Daahir, Reer Nuur, iyo magacyo iyaguna ah uun Family name halkaa ka yara korreeya, sida Habar Gidir, Habar Awal, Habar Jeclo, Habar Majeerteen, Habar Cafaan...habartaasina waa mid lagu qiyaasi karo in ay tahay sida Habar Dugaag aynu ugu adeegsanno Habar, ee aanay ahayn qof dheddig  oo da' ah. Waxa uga dhow, in erayga Habar" uu ka soo jeedo macno kale sidaa aad u taqaan Habar dugaag, ila baadh oo raadi Akhristoow!.

2. Laba wejiilo nimadu waa ceeb, waa danbi. Dadnimaduna ma oggola diinta Islaamkuna ma ogola. Waxa kuu soo baxaysa dadka soomaalidu in ay u badan yihiin laba wejiile. Waxa aad arkaysaa, dadka oo dhan oo isku raacsan "Aan qabyaaladda iska dayno, wax uunbay dumisaa" mid gabay tirinaya oo leh, bahashaa ha la iska daayo, sheekh cilmiga looga danbeeyo oo leh, oo leh xadhiga Ilaahay qabsada oo qabyaaladda iska daaya. Haddana bahashii hadhi weyday. Maahmaah reer Xamar ah baa tidhaa "Fartaada oo qurunta, firdhis may kaaga hartaa" dee waa maya. Maahmaahda taa u dhiganta waa "Sankaaga oo qudhma lama gooyo". Ujeeddadu, waa wax aan kaa hadhayn, dee sidaa aad u necebtay ku hadhi mayso waayo, waad jeceshahay oo si uunbay kuu soo gashaa. Inta aynu laba wejiilaynayno, wax badan baa innagaga lumaya. Malaa waxa dhaanta, in lala saaxiibo qabyaaladda, intaad collaysan lahayd haddana aad hoosta soo gashan lahayd. Waxa aad necebtay waa laga fogaadaa, maxaa kugu xidhxidhay haddaad necebtahay.? Waxa la marayaa, in aqoonyahankii weliba caalamka soo arkay ay iyagu hormood ba ka yihiin "Shirka Beesha oo arrimaheeda ka tashanaysa" garanmaayo si looga badbaadi karo. Inta badanna been baynu isugu sheekaynaa, taasaana inna sii dhaawcaysa.

Waxa aan ku soo afmeerayaa qoraalkan, Qabiil iyo Qabyaalad waxba magacyo ha u kala samayn waa wax isdhalay uun. Inta aaminsan Quraankay ku taal, dib u eeg, oo ka fikir qabaa,ilku ma soomaali, Canfar, Oromo, Axmaaro, Kuukuuyo, Iswidhish, Ingiriis baa mise waa Habar Jeclo, Habar Yoonis iyo Arab. Shucuubtu waa ayo ma Indhayar, Afrikaan, Carab, Yurubyan baa mise waa soomaali iyo Oromo. Dib u eeg oo ka fiirso in aad qabiil ku sheegto soomaalida. Waa reero, oo macnaheedu tahay in ay soomaalidu leedahay family name. U fiirso qofka soomaaliga ah marka, uu yimaaddo dalalka Yurub, waxa  la weydiiyaa magaciisa, waxa kaloo la weydiiyaa maga reerkooda. Waxa uu ku jawaabaa soomaaligu Cabdilaahi ama Maxamed ama magac u dhigma, weeye magaca family name-kaygu, oo uu uga jeedo magaca awoowgii. Lama weydiin magaca awoowgii ee waxa la weydiiyey magaca reerkooda, beeshooda, oo noqon lahaa reer Axmed, Reer Yoonis, Reer Faarax, Reer Cabbane, Reer Caynaanshe ama reeraha kale ee soomaalida ee aan reernimadu la socon sida Makaahiil, Yeesif, Xasan Jibriil iyo kumanaan kale. Halkaasaa kuu caddayn karta sida aynu u haysanno reernimada iyo caalamka intiisa badan "Family nameku" waxa uu yahay. Dabadeedna aqoonyahankeenu waxa ay si qaldan ugu gudbiyaan adduunka, in aynu nahay qabaa'il, oo ah eray aynaan lahayn oo innala geli kara, irrido oodan. Bal reernimada marka hore aan aqoonsanno, oo waa surname aynu u fahamno. Ka cararkeedu waxba inoo tari waa ee aan fahamno halka sartu ka qudhuntay oo aan qoraalkayga danbe ku soo qaadan doono.

Dhibaatadu maaha reernimada, oo taasi waa uun "Family name" adduunkana meel kasta oo aad tagto waa la isweydiiyaa, "reermaad tahay" ceebi kuma jirto. Laakiin ma nihin "defferent calans". Dhibku waa sida aynu u haysanno reernimada iyo sida aynu uga ordayno ee haddana ugu soo ordayno dhibkeeda. Faham qoto dheer ayaa la innooga fadhiyaa gaar ahaan qoraalkaygu waxa uu la hadlayaa inta aniga iga yar. Waayo inta ila da' ah iyo inta iga weyn, faham danbe uma taag hayaan ama maskaxdii baaba ka buuxsantay oo laba wejiilayntaa ayey ku soo barbaareen. Dhallinyarooy, iska jir aqoon cusub la kaalay oon ahayn "Dugsi maleh Qabyaaladi waxay dumiso mooyaane" waayo sidaasi shaqayn weyday, ee waa in dhallinta kacaysaa la timaaddaa fikir cusub iyo qaab loo yarayn karo dhibaatada inna haysata, loona fahmi lahaa waxa ay kala yihiin Qabiil iyo reer ama beel iyo clan iyo family name.

Fikirkaaga ka dhiibo. Ku soo dir emailka hoosta ku qoran

gacanlibaax2001@yahoo.se

FG: Qoraalkayga danbe, waxa aan kaga hadli doonaa, dhibaatada reernimada ama family name soomaalida iyo sida looga bixi karo.

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M Yuusuf (Dhegey)
Iswidhan/Stockholm 25-05-2014, Axad

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.