Fortsätt till huvudinnehåll

Bandhigga buugaagta ee magaalada Borlänge (04-10-2014, Sabti)

Magaalada Borlänge, oo ay deggenyihiin dad badan oo soomaaliyeed. Gaar ahaan qoysas dhawaan soo degey dalka Sweden, ayaa loogu talo galay bandhig balaadhan oo buugaagta ku qoran afsoomaaliga ah. Waxa si gaar ah maalintaa looga hadli doonaa saddex buug oo cusub, oo dhawaan soo baxay, kuna qoran afsoomaali. Waxa ay buugaagtaasi kala yihiin, Cilmi Boodheri Caashaqiisii, oo uu qoray Maxamed Xirsi Guuleed, Bisaddii Anbatay! oo ah buug carruureed uu qoray Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey) iyo Cawa-dhalad oo uu qoray Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar). Ma aha markii ugu horreysay ee bandhiggan oo kale lagu qabto Borlänge, ee waa markii saddexaad.

 
 
 
 
In la xoojiyo buugaagta ku qoran afsoomaaligu waa muhiim, waana lagama maarmaan. Si loo horemariyo farsoomaaliga iyo guud ahaanba afsoomaaligu waxa loo baahan yahay in lagu dhiirrado qoraalka afsoomaaliga. Waxa aynu ognahay in dawladda Iswidhan ay ku bixiso lacag badan sidii carruurta soomaaliyeed u baran lahaayeen afsoomaaliga, qoraalkiisa iyo ku hadalkiisa. Taasoo ay ka muuqato carruurta soomaalida ee deggen dalalka Waqooyiga Yurub, oo afsoomaaliga kaga horreeya carruurta ku dhalatay Waqooyiga Ameerika iyo qaybo ka mid ah Yurub. Afkaagii oo lagula baryayo, oo lagugu dhiirri gelinayo waa doqonniimo inaad baran weydaa.
 
Hawshan waxa soo qabanqaabiyey ururka marka la soo gaabiyo la yidhaa UMIS oo fadhiggiisu yahay Borlänge.
 

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.

Faallo!..."ladh" Buug Cusub Oo Uu Qoray Cabdillahi C Cige

Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey — Sweden — 7 September, 2005 Markaad aragto buugga laftigiisa, ayaad garanaysaa in buuggani uu ka duwanyahay buugaagtii hore ee afsoomaaliga ku soo bixijirtay. Qaabka buuggu u qoranyahay waa qaabka loo qaabeeyo sheekooyinka "Novel-ka" loo yaqaan. Waxaad dareemaysaa in dadka soomaalidu ku tallaabsadeen, jidkii muddo dheer kasoo xidhnaa. Kaasoo ah qoritaanka sheekooyinka, ku qotoma qaababka nolosha banii'aadamka. Intaa haddaan ku dhaafo qaabka buugga. Waxaan xasuustay faallo uu ka bixiyay Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd" buuggan la magac baxay "Ladh. Mudane Hawd wuxuu ku soo gunaanaday maqaalkiisii "qoraaga buuggan qoray, haddii buuggani yahay kiisii ugu horreeyey oo maxay noqon doonaan kuwa soo socdana."