Fortsätt till huvudinnehåll

Faallo kooban: Buugga Dhaxal Abwaan Sooyaalkii Suugaanta Abwaan Dheeg "Waxay bisadi jiir uga shakiday eey shay kale u moodey Shalaytaba way cunaysaye waxay maanta uga shaacday". W/Q, Sayid-Axmed Dhegey

Bilden kan innehålla: 1 person, glasögon och text






Maalintii Khamiista ee taariikhdu ahayd 18 Okt, 2018 ayuu gacantayda soo galay buugga "Dhaxal Abwaan". Waxaan uga mahadcelinayaa saaxiibkay Maxamed Xirsi Guuleed oo buugga qoray isaga oo uu ku wehelyo Aadan Daahir. Buugga maansooyinka ku jira way farabadanyihiin waxaanse si gaar ah u xiisaynayey in ay kaydka abwaanka galaan heeso dhawr ah oo dadku aad u jeclaa sida: Beri hore waxa jirey, ee ay ku luuqeeyaan Maryan Mursal iyo IHN, Maxamed Jamac Joof iyo heesta kale ee Sida Canabka beeraha, ee IHN Maxamed Axmed iyo Magool ay ku luuqeeyaan. Kuwaa iyo kuwo kaleba waa dhaxal. 



Buuggu waxa uu ka koobanyahay 293 bog. Waxa ku jira erey fur iyo sharraxaado dheeraad ah oo kaa caawin kara fahamka guud ee maansada aad markaa akhriyeyso. Waana hubaal in hawl culus ka gaadhay Maxamed Xirsi iyo qoraaga kaleba, waxaase guul ah inay inna soo gaadhsiiyeen. Haddaba anigu qalinka umaan qaadan in aan maansooyinka oo dhan wax ka idhaahdo, mana wada akhriyin, balse dareen ii gaar ahaa oo anigoo dugsiga sare ee 15 Mey ee Muqdisho ku yaalla, gaar ahaan meel 50 tallaabo u jirtay madaxtooyadii uu fadhiyey Maxamed S Barre baan xusuusta dib ugu noqday.  Marka aan guriga tago, gaar haan habeenkii waxaan dhegaysan jiray cajalado ay ku jireen maansooyin dalka mamnuuc ka ahaa. Gara'oo madaxtooyadana subax kasta meel ii muuqata ayey ku taallay. Qofkii Dareen fog lahaa xilligaa waxbaa u muuqday. Haddii dawladi hadal mamnuucdo wuu macaanaadaa. Gabayada Dheeg halkaasaan ku bartay anigoo 17 jir ah, ee maan baran isagoo guurtida ku jira.


Anigoo waxyar ka taaban doona dareenkayga, balse soo koobaya, aan ku horreeyo xasuustayda iyo Abwaanka buuggan laga qoray oo ah Maxamuud Maxamed Yaasiin Dheeg. Waxaan magacaa bartay anigoo jooga Muqdisho 1985kii. Xilligaa waxa uu gabayada ka soo tirin jiray dalka Sacuudiga. Waxa ay gabayadiisu toos uga hadli jireen beelaha soomaalida, oo kolba xaaladda lagu jiray haddii mid gabay uu soo tiriyo ay kuwo kalena u jawaabi jireen. Dheeg waxa uu ahaa nin afatahamadiisa, gabaygiisa iyo waaya-aragnimadiisa dadka iyo deegaankaba ugu hiilinayey kolba xaaladda ay isaga u taagnayd. Runtii wax lala yaabo maaha oo dhaqankeenna ayaa salka ku haya halkaas. Xilligaa aan cajaladahaas ka dhegaysan jiray, lama oggolayn in la dhegaysto. Qofka lagu qabto waxa uu mutaysanayey xadhig, dee haddaan dil lagu xukumin.

Deelleyda aan inyar ka soo qaato. Waayo silsiladda Deelley waxay si sarbeeban oo aan cid gaar ah ama Beel gaar ah taabanayn uga hadlaysay in qabyaaladdii la yidhi waa la aasay aan la aasine weli lagu dhaqmayo. Bal farshaxannimadan eeg: Dood yar oo su'aalle, Dub riyaad ma badhibaa, Daratadu ma loogbaa, Dawladi ma reer baa, Ma dukaan nin leeyaa?, Duubigu ma sooryaa? Durrujaa ma oodbaa? Duur baxay ma cawsbaa? dabagaaluhu ma bahalbaa? Nin dulyari ma madxbaa? 

Waxan uga danleeyahay
Ninka duul agooniyo
Culimaa-u-diin-iyo
Dumar iyo carruuriyo
Daa'imiyo miskiin dhacay
Ka dibbiray waxoodii
Dararee ku naaxoow
Daaca qudhun ma dheregbaa?

Duqdii (Qabyaaladdii) waa la aasaa
Lagu daawa qaataye
Kuwa goor habeendumay
Dusay ee xabaashiyo
Kala baxay dalluuntee
Docda aqalka geystaye
Duubka cad u xidhaye 

Tuducyadan danbe waxa uu Dheeg sharraxayaa in qabyaaladdii la yidhi waa la aasayaa, qaar inay habeenbadhkii intay u duseen la soo baxeen. Runtii xilligaasi waxa uu ahaa xilli u baahnaa in isbeddel yimaaddo waayo, dedaalkii dadka ku jiray ayaa gudhay, oo dareemay inaanay dawladdani ka saari karin dhibkii dadka soo daashaday. Himiladii ay ku hamiyayeen ee ahayd hiigsiga iyo horumarka, taasoo ay aqoonsadeen in aan qabyaalad meelna lagu gaadhayn. Balse qabyaaladdii oo waxoogaa isqarinaysa u soo gurguuratay dhankii madaxtooyadii dalka. Waxaana soo baxday qabyaaladdii oo shaadh kale soo gashatay. Dheeg iyo intii maansada tirinaysay waxay u kala jabeen lama kooxood, oo qaybi leedahay wax dhibaato ahi ma jiraan iyo kooxda Dheeg uu ka midka ahaa oo lahaa "Waar maahee qabyaaladdii oo cad baa suuqa maraysa ee wax hallaga qabto. Waxaase ayaandarro noqotay in labadii kooxood ay iyaga laftigoodii u egaadeen laba qabiil oo isu gabyaya. Sidaa awgeed baa xaalku noqday "Yaa maali jirayeey". Waxayse silsiladdaasi ahayd mid aan qaawanayn oo sarbeeb bay ku socotay.

Waxa kale oo buugga ku jira gabay aan isagana xilligaa 1985kii aan dhegeysan jiray, farshaxannimada gabayaagana aan aad ula yaabi jiray. Waa gabayga Shiinleyda ah ee la magacbaxay "Shaxda Samada". Waxaan ka soo qaadan dhawr bayd oo xasuustayda weli ku yaallay. 

Shirix yaroow atoorkii ka baqay aarka shaashkaliye
Shafweynoow maroodigii waxa dilay galabta shuuqshuuqe
Waxay bisadi jiir uga shakiday eey shay kale u moodey
Shalaytaba way cunaysaye waxay maanta uga shaacday
Ee baqaha shuushka ah ku riday sheeg haddaad garato
----------------
Shil ma helin duqdii (qabyaaladdii) manay dhiman shaadhna loogeliye
Iyadoo shaahid loo wada arkay shaanbisaa weliye
Shaashaddeeda ruuxii necbaa ee sheega la afduubye
Waxa shooki loo dhigay waddani, sheeg haddaad garato

Lakiin gabayada inta badan inay dhaxal inoo noqdaan ma taageersani, oo inay sidaa ku lumaan bay ahayd. Taa waxa ka marag kacaya Qoraa Maxamed Xirsi oo gogoldhigga buugga aad uga faallooday dareenkiisa uu dhawr jeer doonay inuu farahaba ka qaado buugga. Ha saluugin buugga waayo aragtida ayaa lagu kala duwanyahay, oo qasab maaha inaan saxanahay. Waxaanse uga jeedaa uun inta badan wixii dhaxal inoo noqonaya ayuunbaan isweydiiyey xilliyo hore haddaan gabayada ku salaysan qabyaaladda aanay awoowayaasheen inna soo gaadhsiin, wax badan baa inoo badbaadi lahaa. Waayo kala qaybsanaanta bulshada soomaalida waxa sal u ah, kala qoqobka iyo faanka maansadii hore ayaa lugleh!. Tan danbena aanay ka badbaadin, inay dhigaal inoo gashaana faa'iido soo kordhinmayso. Dad badan baase qaba waa taariikh oo waa loo baahanyahay.! Kollayba anigu taa danbe ma taageersani.

Anigoon falanqaynayn islamarkaana gorfaynayn buugga, ee xasuustaasi i gelisay oo maansooyin qiimo leh iyo heeso kuwii aan ugu jeclaa ku jiraan. Ayaan jeclaystay inaan qodob keliya wax ka idhaahdo. Gogoldhigga Maxamed waxa uu aad uga afeefdhigtay buugga iyo qoristiisa. Maxamed waa saaxiibkay oo aanu waxbadan  kawada hawlgalnay, aqoonta uu u leeyahay diinteenna xaqa ah waa mid aan idhaahdo aniga Sheekhaygu waa Maxamed. Isagoo aqoontaa diimeed aad uga hadlay, ayaa waxa uu haddana go'aansaday inuu buuggii qoro. Manaan arag meel uu qiil uga helay oo fasaxday maadaama uu gogoldhigga ku soo qaatay qodobbo dhawr ah oo muhiim ah.

Buuggaa xilliga uu gabayadan tiriyey Dheeg waxa lagu jiray xaalado gebidhaclays ahaa ilaa maantana lagu jiro. In laga maago qoritaanka gabayada qabyaaladdana, waa wax la fahmi karo. Waxaanse saluugay ka reebidda gabayga uu dheeg tiriyey ee ku saabsanaa Maxamed Cabdille Xasan, oo sababta looga reebay aanay caddayn. Keliya Dheeg baa yidhi ka reeba! kuwa faraha badan ee qabyaaladdu ka buuxdo muxuu gabaygaasi kaga duwanyahay ayaan isweydiiyey. Miisaanka haddii la saaro maanso qabiil dhan duraysa iyo mid qof keliya duraysa oo wax ka sheegaysa, teebaa culaysbadan?

Waxaan qoraalkan ku soo gunaanadayaa. Buugga Dhaxal Abwaan, ninba meeshuu ula kacaba qofna ku hungoobi maayo. Midba halka uu jecelyahayna wuu ka heli meel uu diidana wuu ka heli. Waxaase saldhig u ah xilligii la soo maray iyo jidkii loo soo maray burburkii jamhuuriyaddii Soomaalida. Jiddheer ayaa loo soo maray inay burburto. Sida maankii dadka dib loogu soo celiyaa wanaag iyo soomaalinimo wakhti dheer bay qaadanaysaa. Markaa buugga haddaad dhankaa ka joogsato, waad ka dhexhelaysaa marxaladhii oo dhan iyo aragtidii gabayaa Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg). Ugu danbayn hambalyo ayaan leeyahay dhammaan intii hawshaa buugga wax uun ku darsatay, gaar haan Maxamed Xirsi Guuleed.


Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed Dhegey
28/10/2018 axad

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.