Fortsätt till huvudinnehåll

Faallo: Buugga Sahankii Richard Burton ee Bariga Afrika ee uu Hal-tebiyey Boodheri Warsame.

HORDHAC
---------------

Buugga la magacbaxay "The First Footsteps in East Africa 1854kii, waxa qoray Qoraa, Dalmareen ahaa oo la odhan jiray Richard Francis Burton. Ninkaasi waxa uu ahaa basaas aad u dhiirran, oo u badheedhay in uu ka soo warramo dhul dadka ku nooli aanay oggolayn in cidkale soo degto ama ka soo warbixiso. Sidaa awgeed ayuu u qariyey dhalashadiisii ahayd Ingiriiska, isla markaana uu ka beensheegay diintii uu aaminsanaa, sheegtayna inuu Muslim yahay. Sheegashadaa waxaa u fududaysay aqoontii uu u laa Diinta Islaamka oo uu sannado badan baranayey. Buuggan waxa dhawaan Haltebiyey qoraa, cilmi-baadhe aad ugu dedaala ururinta taariikhdii hore ee soomaalida laga qoray ama waxqabadkii Soomaalida ee beryihii hore, waa Boodheri Warsame'e waxa uu qabtay hawl aad u ballaadhan oo uu ku mutaysan lahaa abaalmarinno. 

Buugga iyo Qaabkiisa Guud
----------------------------------

Buuggan uu Haltebiyey (Tarjumay) Boodheri Warsame waxa daabacday shirkadda Loox Press oo fadhigeedu yahay magaalada London ee carriga Ingisriiska. Waxa uu u habaysanyahay qaab aad u quruxbadan, oo la jaanqaadi kara buugaagta caalamka. Waxa uu ka kooban yahay 248 bog, sawirka jeldiga waxa ka muuqda Richard Burton oo aad mooddo in uu wax kala soo baxayo koodhkiisa. Sawirka Richard waxa aad ka dheehan kartaa in uu ahaa nin adag, oo weji kulul,oo aan jixinjix lahayn. Buugga farta nooca uu ku qoranyahay waa mid ku habboon buuggan oo kale, keliya waxa aan ka yara ashtakoonayaa farta oo aad u yaryar, oo aan akhriska u fududayn, laguna daalayo. Afsoomaaliga uu ku qoranyahay waa afsoomaali adag, oo marmarka qaar aad u baahanayso in laguu macneeyo. Waxaanse hubaa in uu Boodheri Warsame u soo haltebiyey, sidii ugu fiicnayd ee qofka soomaaliga ahi uu fahmi kari lahaa, una raadsaday eray kasta inuu u helo eray soomaali ah oo u dhigma si sax. 

Farriinta uu Buuggu Gudbinayo
--------------------------------------

Buuggan waxa loogu talo galay in uu akhristo qof saancaddaale ah, oo uu uga warramayo qoraagu wixii uu ku soo arkay saanmadoobaha deggen Geeska Afrika, waxa uu ku eegayaa indhihii ninka caddi uu ku eegi jiray dadka madaw, ilaa maantana ay ku eegaan, ee yasidda, hoos u dhigidda, qarinta waxa wanaagsan waa farriinta buugga qaybta salka u ah. Waxa kaloo uu ka run sheegayaa deegaanka uu maray oo uu si qeexan u sharxayo, buuraha, bannaanka, dhirta, shinbiraha, beelaha soomaaliyeed iyo sida ay u kala deggenyihiin. Mararka qaar waa uu ammaanayaa, islamarkaas ayuu haddana caayayaa dadka soomaalida, oo liidayaa. Waxa aan aad uga helay sida uu Boodheri Warsame meelaha qaar faallo ugu darsaday. Waana muhiim in buuggan indho-dheer lagu eego, oo la soo qodo waxbadan oo qarsoon. Waxa aan tusaale u soo qaadan karaa, sida uu u sharxayo geesinimadiisa aanuu baqaynin, kana baqayn cidnaba iyo sida uu u sheegtay inuu yahay nin Muslin ah, oo carab ganacsade ah. Taasi waxa ay markiiba ku tusaysaa indhaha ay soomaalidu ku eegaysay iyo indhaha uu isagu ku eegayey waa kaaf iyo kala dheeri. Soomaalidu aad bay u soo dhawaynaysay qof Muslin ah oo way u naxariisanayeen, indho qabawna ku eegayeen, halka uu isagu indho Ingiriis ku eegayey.

Deegaanka uu Maray Kala Fogaantiisa
----------------------------------------------

Inkasta oo aanan arag Saylac iyo deegaanada u dhaw, waxa aan ka qiyaas qaadan karaa Harar iyo Berbera oo aan labadaba arkay. Inta ay isu jiraa, Saylac Ilaa Harar oo haddana Harar ilaa Berbera, oo haddana ilaa Cadan oo haddana Cadan ilaa Berbera, halkaas oo dhibaato aanuu ka soo waaqsan ay kaga dhacday. Dhulkaas waxa uu ku maray waa lug iyo fardo, dameero oo kolba jidka laga leexanayo ama aanuu jirinba jid toos ah. Magaalada Saylac waxa uu kula kulmay Xaaji Sharmaarke Saalax oo ahaa nin soomaali ah muddo dheerna ka ahaa Saylac hoggaamiye laga danbeeyo oo ciidan lahaa. Harar waxa ka talinayey maamulkii soo jireenka ahaa ee Amiiradii Islaamka. Waxa kaloo uu in doora joogay magaalada Berbera oo uu dhanka bari uga sii kacay, ilaa Siyaaro (oo aan filayo imminka inaanay jirin ba) iyo Ceeldaraad. Halkaas ayuu Cadan uga raacay Doon iyadoo dabaylo waaweyni ruxayaan doontii.

Magaalada Harar iyo Maalmihii uu joogay
---------------------------------------------------

Magaalada Harar, iyo warka uu ka soo tebiyey Richard waxa aan dareemay halkaa in taariikh badani soomaalida kaga luntay. Dadka soomaalidu inay xidhiidh la lahaayeen Amiiradii ka talin jiray Harar, warkeeda waynu maqalnay laakiin sida ay awood badan ugu lahaayeen ayaa iiga soo baxday buuggan iyo faalladii uu ka bixiyey Richard. Tusaalahan ila eeg:

 [...] Annaga oo hawshaa ku guda jirna ayaa waxa soo muuqday koox shan ah iyo saddex baqal oo koorayaal Marookaan ah oo la qurxiyey, gambaleelo iyo shakaallo qaabkii Harar ah leh. Laba raggaa ka mid ahaa, Xaaji Cumar iyo Nuur Cambar, waxay ahaayeen dadka deegaanka (Waa deegaanka beesha Geri) Cali Xasan iyo Xuseen Carraale iyo Xaaji Maxammad waxay ahaayeen soomaali jilibka Habar Awal oo uu Ammiirku aad ugu kalsoonaa
[ ...]

Waxa uu uu mar danbena Richard tilmaamayaa in nimankaasi ka daba yimaaddeen oo ay tibaaxeen in ninkani aanuu ahayn ganacsade ee uu yahay basaas. Arintan, sheegidda inuu basaas yahay, hore waxa aan u maqlay in markii uu Berbera joogay la ogaaday, laakiin shakiga koowaad halkaas ayuu ku caddaynayaa in ay nimankaasi ku yidhaahdeen Garaadkii beesha Geri oo la odhan jiray Garaad Aadan, "ninkani waxa uu u socdaa inuu dhulkeenna barwaaqada ah soo basaaso". Meelahaa waxa aad dareemaysaa in awoodda soomaalidu ku lahayd Magaalada Harar ay xoogganayd, waana Qarnigii 19-aad badhtamihiisii. Mar kale bal awoodda soomaalidu ku lahayd iyo isagoo ka warbixinaya culimada ugu caansan ee Amiirka ugu dhow:  

[...] Culimada ugu waaweyni waa Kabiir Khaliil, Kabiir Yoonis iyo Sheekh Jaamac. Labada hore mar dhif ayey guryahooda ka soo baxaan, iyaga oo wakhtigooda oo dhan u hibeeyey barasho iyo barid. Kan danbe (Jaamac) waa soomaali siyaasadda door firfircoon ka qaata. 

Macallimiintaasi waxay wax ku baraan af goonni ah oo aan gidaarrada magaalada dhaafsiisnayn. Naxwaha iyo sarfiga ereyadaba waxa aad mooddaa in afcarabi ku jiro, sida soomaaliga iyo afafka kale ee bariga Afrika...]



Sheekh Jaamac waxa uu Richard sheegay inuu ahaa Bartire, balse labada kale ma sheegin. Waxaan in badan maqlay KabiilrKhaliil inuu ahaa macallinkii Sheekh Madar oo markii danbe soo degay dooxa Hargeysa qarkiisa, noqdayna Sheekh aad looga danbeeyo oo deegaan joogto loo deggenyahayna ka dhigay Hargeysa. Sidaa Kabiir Khaliil iyo Kabiir Yoonisba waxa ay u dhawdahay inay soomaali ahaayeen. Waana marka aad dareemayso in wax badan innagagaga lumeen burburkii Harar, markii boqorkii Itoobiya uu qabsaday. 

Ma la Dareemay inuu Basaas ahaa?
----------------------------------------

Haa, balse waxa innaga qarsoon siyaabihii looga shakiyey iyo go'aanadii laga qaatay. Sida looga shakiyey waxa uu isagu caddeeyey dhawr meelood, laakiin uu si gaar ah uga dhigayo in ay dad gaar ah ku koobnayd. Waa hubaal oo isgaadhsiinta xilligaasi ma fududayn, balse waxa yaab ah dareenkan sheekadan uu Richard laftigiisu soo gudbiyey ay ku tusayso hadalhaynta iyo dareenka laga qaatay in aanuu ahayn Muslin.

[... Garaad Maxamed oo ay Habar Awashii diradireen ayaa xuuraansigiisa aniga igu saabsan ku dheeraaday. Odayga khaa'inka ahi wuxuu maqlay in aan Yawmal Qiyaame (waa nin markii hore la socday kooxda Richard) uga nimi Garaad Aadan (waa garaadkii Geriga) qalbigiisana wuxuu istusay khayaaliga ah in uu Xaaji Sharmaarke oo Harar ilmaha lagu seexiyo uu na soo dirtay. Waxa malaha xaalkeennii meel la saaray markii uu yimi barbaar jilibka Cayaal* Gadiid ah oo soo sheegay in saddex nin oo walaalo ahi ay dhulka soomaaliyeed ka soo degeen, laba ka mid ahina ay Berbera ku sugayaan inuu kii saddexaad Harar ka soo laabto  oo inkasta oo ay dhar Muslin xidhan yihiin ay dhab ahaan yihiin rag ingiriis ah oo dawladdaasi soo dirsatay.  Markan riyooyinka lagu taamayo in safarro la leexsado ayaa si fiican u soo xoogaystay. Habar Awashii sirtoodii bannaanka ayay soo dhigteen, Garaadkuna waxay ka geyn weyday inuu siyaasad reer magaal dego, isla markaana martidiisa khatarta ah la xaalo...]

Qoraalkan sare oo aan si toosa ah uga soo qaaday buugga uu tarjumay Boodheri Warsame, waxa iiga soo baxday wax weyn. Sababtoo ah, waxa aan maqli jiray ninkaa sheegtay muslinka, waa la gartay, oo waa laga shakiyey, iyadoo siyaabo aan macquul ahayn lagu sharxayo. Sidan uu isaga laftigiisii u qeexay tuhunka intaa le'eg waa mid innaga qarsoon sida ay soomaalidu ku soo ogaatay xogtaas. Waayo waxa warbixinta raacsan in laba kale oo ay walaalo yihiin ay joogaan Berbera. Labadaasi waxa ay noqon karaan Stroyan oo dagaalkii Berbera ku dhintay iyo Speak oo soo sahamiyey deegaanka bariga ilaa carro Dhulbahante, isla xilligaas dagaalka Berberana lagu dhaawacay isaga iyo Richard laftigiisa. Halkaa wax badan baa ku duugan in la baadho mudan. Kollayba Boodheri Warsame ayaa ilaa hadda aan arkay qof ku habboon raadinta arrimaha noocaas ah. Buuggan uu tarjumayna waxa uu u baahanyahay dabagal dheer oo ka fog inta uu saancaddaaluhu inoo soo xarxariiqay. 

Baxsadkii Richard Burto ee Berbera
-------------------------------------------
Basaaskii Richard oo dadka isugu sheegay Sheekh Cabdallah oo ganacsade Carab ah, waxa uu ku laabtay Cadan 1855kii horraantiisii, isla bishii April ee 1855kii ayuu ku soo laabtay Berbera. Waxaad qiyaastaa sida dhakhsaha leh ee uu u soo laabtay, waxaanu soo kaxaystay waxoogaa ciidan isku jir ah oo Hindi iyo Afrikaan kaleba ay ku jiraan, soomaali cadan ka soo raacday iyo kuwo Berbera kaga biirayba ay jireen.  Sida uu sheegay Richard waxay noqotay magaalada Berberi cidla oo Carwooyinkii ganacsi ee ka socon jiray muu ahayn xilligiisii oo waa ay ka baxeen safarradii ugu danbeeyey ee ilaa Harar u socday. Nabad iyo caano ayey ku naalloonayeen, markii si kadis ah weerar loogu soo ekeeyey goobtii ay taambuugta ka dhisteen. Soomaalidu waxay doorbideen in ay habeenimo ku habsadaan, taasoo aad odhan karayso waaya-aragnimo ayey u lahaayeen rasaasta oo hadday maalin tahay lagu gumaadi lahaa. Maaddaama oo ay siteen waran, toorrey iyo budhadh.

Dagaalkaas waxa ku dhaawacmay Richard iyo saaxiibkii Speak. Waxaana lagu dilay nin ay muddo dheer saaxiib soo ahaayeen oo la odhan jiray Stroyan. Waana halka aan tuhmay inay labadaasi ahaayeen, labadii warkooda la geeyey Harar. Sababtan loo weeraray ma cadda, waxaadse mooddaa in ay qorshaysnayd, oo aanay ahayn uun reermiyi iska soo weeraray. Taas waxa kuu caddaynaysa, sida loo soo beegsaday, markii ay soo noqdeen. Intii ay maqnaayeen oo ilaa laba bilood ku dhawaad ahayd, ayaa hadalhayntoodu sii jirtay sidaan qiyaasayo, tuhunkii hore oo dabcan ka soo baxay dad xogogaal ahaa, oo laga yaabo in warkaasi ka yimi Cadan ayuunbaa qorshahan u degey. Dhacdadaas ayuu Ingiriisku go'aansaday in aan dalkaa soomaalidu degto la iska tegi karin heshiis la'aan.

Habka tarjumaadda Boodheri Warsame
------------------------------------------

Inkastoo aanan isu eegin tarjumaadda buuggan iyo ka laga soo tebiyey, waxa ii muuqata in uu Boodheri si heersare ah u soo haltebiyey. Isagoo isku deyaya halkudhegyada, odhaahda, kaftanka soomaalida inuu ku dhexdarsado ee u dhiganta weedha ingiriisada ee uu ka soo tarjumay. Maansooyinka waa uu iska dhaafay in uu tarjumo, waxaanse jeclaan lahaa in uu si sharraxaad ah uun u soo gudbiyo waxa ay maansadu ku saabsantahay, ee aanuu sidii maanso u soo gudbin. Waase sax in uu maansada sida uu qoraagu qoray u daayo si aan macnuhu uga tegin. Erayada soomaaliga ee kala duwanaanshaha lahjadaha afsoomaaliga, waxaan filayaa in afguri kasta laga dhex arki karo haltebinta uu Boodheri innoogu soo gudbiyey buugga Sahankii Richard.

Dhinaca Gorfaynta iyo eegidda tabnaanta buugga iyo tognaanta buugga, ma sii dhexgelayo oo aniga waxa ay iga tahay uun faallo guud iyo dhiirrigelin aan ku dhiirri gelinayo in la akhriyo buuggaas, gaar ahaan dadka u dhuundaloola baadhista taariikhda siraha dunida soo maray ayaan leeyahay buuggaasi waa fure laga sii furan karo qufullo innaga xidhnaa.  Meesha keliya ee aan si toos ah u odhan karo saaxiibkay Boodheri kamuu fiirsan waa saacadaha wakhtiga iyo sida uu u soo haltebiyey, oo ah inuu ka bedelay saacaddii uu qoraagu asal ahaan qoray oo tusaale ahaan, haddii uu Richard qoray 8 subaxnimo Boodheri waxa uu u bedelay 2 saac oo aroornimo. Anigu Sayid ahaan lix sannadood baan deggenaa Muqdisho oo waan fahmay markiiba, laakiin reer Jabbuuti, Somaliland, Somaligalbeed, Soomaalida Qurbajoogga iyo inkaloo badan ma fahmi karaan, laba saac oo aroornimo. Xataa idaacaddii Muqdisho waxay doorbidday in la raaco 8 aroornimo, marmarka qaar ayey odhan jireen qofba siduu u yaqaanno. 

Gebagabada Faallada
---------------------------

Buuggan lama soo koobi karo macluumaadka ku jira ee deegaan leh, maamullo kala jaadjaad ah leh, oo aad ka dheehan karto siday soomaalidu u noolayd xilligaas. Waxa kaloo iga ah talo, in aynu buugaas oo kale akhrinno si uu u helo falcelin Boodheri Warsame oo wakhtigiisii geliyey. Dadka habka tarjumaadda ku wanaagsanina inay is barbar dhigaan labada buug kan laga soo hal-tebiyey iyo kan uu Boodheri qoray waa muhiim. Ugu danbayn saaxiibkay Boodheri waxaan leeyahay hawsha aad qabatay waa tii dawladuhu qaban jireen, dedaalkaagii ayaa suurto geliyey in buuggii aan la arki jirin aad weliba afsoomaali ku soo hal-tebisay.

*Cayaal Gadiid = Caa'ila Gadiid = Reer Gadiid

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed Dhegey
Iswidhan, 03/12/2017


Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Xog ku saabsan Afgenbegii 1961 Col, Xasan Faarax Bullaale: "Taariikh u baahan sixitaan iyo run ka sheegid"

Taariikhdu waa dhacdo ama arrimo dhacay xilliyo la soo dhaafay. Haddii aan wax laga qorin, lama ogaan karo taariikhdaasi sidii ay u dhacday. Mar haddii aan la kaydin arrimaha taariikheed ee dal iyo dad ba soo mara, waxa ay taariikhdaasi gashaa mugdi waxaanay yeelataa madmada w badan. Sida inbadani ka warqabto Somaliland waxa ka dhacay Afgenbi la isku deyey 1961kii, kaasoo lagu guuldarraysatay Dad badani xog kama hayaan, inkastoo ay noolyihiin xubno ka mid ahaa saraakiishii Afgenbigaa isku deyey. Kalhore waxa la waraystay Amb, Cawil Cali Ducaale oo ka mid ahaa saraakiishaas, xilligaasna ahaa xiddigle. Waxa uu Cawil qoray buug uu kaga hadlay wax farabadan oo uu u soo joogay, waxaana ka mid ahaa Afgenbigaas. Waana buugga la magacbaxay "Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed"

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.