Fortsätt till huvudinnehåll

Emailkaygii iigu horreeyey iyo sidaan ku samaystay 1998kii W/Q, Sayid-Axmed Dhegey

Waxay ahayd qiyaastii dhammaadkii 1996 ilaa horraantii 1997, markii aan aad u maqlay aaladdan yaabka leh ee INTERNETka, waa laga yaabaa ilaa 1994 in la maqlayey laakiin, dhegaha dadka aad umay gelin. Tariikhdii Internetka iyo siduu ku soo bilaabmay 1950 kii ma gelayo ee waxaan dareemay in wakhti soconayo oo dhallinyaro badan oo imminka adeegsada Internetka ay u haystaan wax soo jiray. 






Xilligaa bilawgii sagaashanaadkii, qofka Yurub joogga hadyadda ugu fiican ee dalkii looga keenaa waxa ay ahayd wargeysyada dalka ka soo baxa oo bilawgii ahaa warqad A4 ah. Waxa aan xasuustaa Xorriyo, Jamhuuriya iyo Aragtida-Togdheer oo ahaa A4, qofka dalkii ka yimaadda waxa ugu horreeya ee la weydiin jiray waxa ay ahayd wargeysyadii ma siddaa iyo ha iga bixin, labo ii dhig iwm.

Wargeysyada aad ka qaadanayso qofka dalkii ka yimi, qaarbaa soo baxay laba bilood ka hor. Adiga se waxa ay kuu tahay war iyo sawir guud inaad ka hesho dalkaagii hooyo. Xataa waxaad akhriyeysaa IIDHEH-da, Xayeysiiska iyo wax kasta oo ku qoran wargeyskaas. Sababtoo ah, war inaad dalkii ka heshaa bilo ayuu qaadanayey, telka inta aad ku heshaana waa uu koobnaa oo qaali buu ahaa. Idaacadda BBCda lama maqli jirin, oo Raadyeyaal kooban baa mar-mar keeni jiray, anigu mid an iibsaday lacagtuunbaan iska bixiyey ee BBC waan ku wareeray oo kamaan dhegaysan jirin, waxaan u iibsaday BBCda. Beryahaas dalkeennu werwer badan ayaa jiray dagaallo googoos ah ayaa socday. Geerida ehelkaaga iyo qaraabadaada bilo ka dib ayaad maqlaysay hebel sawkii dhintay, goorma? dee saddex bilood ka hor. 

Xaaladda sidaas ah iyadoo lagu jiro ayaa maalin maalmaha ka mid ah, annagoo Makhaayad la isugu iman jiray oo bunka iyo shaaha laga cabbo, xaafadda aan deggenay ee Skärholmen/Stockholm, waxa noo yimi nin warbadan sida. Yaabnay! oo waxan oo wara xaggeed ka keentay? Kuye! dee Internetka!!. Magacu naguma cusba oo tv-ga ka maqalnay, laakiin waxa uu yahay si fiican uma aanu garan. "Waar warkan oo dhan, sideebaad Internetka uga heshay?" waxaabuu sidaa warqado uu soo daabacday, oo uu ka soo saaray Internetka..... Yaab iyo amankaag. Waxaanu weydiinay, waxanoo war ah ee dagaaladii Somaliland ka warramaya, yaa ogaysiiyey Internetka? Adigu wax kale kuma garatide, isfaham la'aan ayaa halkaa ka dhacday, waxaanu qornay ninkaasi inuu beenaale dhaafay oo uu beenawaas gaadhay.

Muddo yar ka dib waxa la dhigay dhawr Kombiyuutar maktabadaha magaalada Stockholm, si dadka loo baro isticmaalka Internetka. Maktabadda ugu weyn Stockholm ayaan inta badan tegi jiray, waxaan arkay in Internetkii dadka la tusayo. Waan u tegay oo la i weydii dalkiina wax wargeys ahi ma ka soo baxaa? Haa, waxaan u sheegay Jamhuuriya....Waaba jamhuuriya warar ay qortay, cajab! wallee waa wixii uu ninkii odayga ahaa sheegayey, oo waxkastaaba halkan bay soo fadhfadhiyaan. Qadanwagii ugu weynaa markaasuu igu dhacay. Waxaan isweydiiyey, sidee wax walba loo geliyey, meeshan yar...saw maynu maqli jirin dadkii hore Reedhyawga ayaa mucjiso ku noqday, oo ay odhan jireen dadkani halkeebay ka galeen sanduuqan yar. 

Gu'gii 1998kii horraantiisii ayaa anigoo Internetkii kala guraya, oo warar badan akhriyey ayaa waxa i dulyimi, nin laatiin-ameerikaan ah, kuye! fadlan ii yara bannee, emailkayga ayaan yara eegan lahaaye. Goobtu waa xafiiska shaqada ee xaafadda aan deggenaa, waan yaabay oo idhi: " ok ka eego, anigoon fahmin waxa uu eeganayo, laakiin gartay in uu sheegayo email. Markii uu dhammaystay, ayaan weydiiyey halkan waxa u yaalla ee uu ka eeganayey? haa Emailkayga ayaan ka eegtay! oo ma halkan? Haa. Intaa markaanu isdhaafsannay ayuu yidhi: miyaanaad lahayn Email? maya ma lihi....dee imminkaba waad samaysan kartaa, ma kuu sameeyaa hadda? Maya Maya ayaan ku idhi, waar! ninyahaw dee maalin walba halkan iman kari maayo'e ha iiga samayn halkan! waxaan u haystaa in halkan uun uu ka samaysmayo Emailkaygu...kuye! dee halkaad doonto ayad ka furan kartaa ee Internet leh. Shakiyey oo is idhi oo dee waa wax lagula wada arkayo, haddana isgiijiyey oo waxaan idhi bal samee, waanuu ii sameeyey.

Weli Emailkaas waan haystaa oo waa Dhegey@hotmail.com wax calaamad ah ama lambar ahi ma raacsana, waayo waxa uu ahaa kii ugu horreeyey ee magaca sidaa u qoran lagu sameeyo Hotmailka, emailkii ii xigayna waxa uu ahaa dariiqo@yahoo.com isagana lambar iyo calaamad kale toonna lama socdo. Waxa aan sheekadaa u galay, waxaynu maraynaa kacaankii dijitalka oo ay wax kastaa innala hadli doonaan beri dhow, waxa aynu arki Robot la adeegsanayo sida maanta qofkastaa gacanta ugu hayo tilifoonka gacanta noocan inna waalay. Sawirkii aanu u tagnay in aanu soo galno magaalada Burco annagoo ka tagnay magaalada Sheekh 1975kii guriga ayuu ii yallaa, ilaa maanta, sawirro kumaankun ah oo aan galay ilaa shantii sanno ee ugu danbaysayna xabbad kama hayo. 

Wax badan baa qiima dhacay oo u baahnaa in aynu kaydsanno, habaysanno, ka fikirno adeegsigiisa togan. Laakiin sida daadka ayaa aaladahan casriga ahi u socdan, ilaa Facebuuggan aynu madax xanuunka ka qadnay baa u baahan faham iyo ka faa'iidaysi dhanka togan ah. Ma aha dadkoo dhan, dhallinyaradu waa goonni oo xilli kasta dhallinta joogta waxa jira waa ay la qabsadaan ee waayeelka ayaan leeyahay yan daadku idin qadin.

Waa aniga iyo Waaya-warrankayga

nabad iyo caano
Sayid-Axmed Dhegey
Iswidhan, Jimce 29/12/2017

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Xog ku saabsan Afgenbegii 1961 Col, Xasan Faarax Bullaale: "Taariikh u baahan sixitaan iyo run ka sheegid"

Taariikhdu waa dhacdo ama arrimo dhacay xilliyo la soo dhaafay. Haddii aan wax laga qorin, lama ogaan karo taariikhdaasi sidii ay u dhacday. Mar haddii aan la kaydin arrimaha taariikheed ee dal iyo dad ba soo mara, waxa ay taariikhdaasi gashaa mugdi waxaanay yeelataa madmada w badan. Sida inbadani ka warqabto Somaliland waxa ka dhacay Afgenbi la isku deyey 1961kii, kaasoo lagu guuldarraysatay Dad badani xog kama hayaan, inkastoo ay noolyihiin xubno ka mid ahaa saraakiishii Afgenbigaa isku deyey. Kalhore waxa la waraystay Amb, Cawil Cali Ducaale oo ka mid ahaa saraakiishaas, xilligaasna ahaa xiddigle. Waxa uu Cawil qoray buug uu kaga hadlay wax farabadan oo uu u soo joogay, waxaana ka mid ahaa Afgenbigaas. Waana buugga la magacbaxay "Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed"

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.