Fortsätt till huvudinnehåll

Dugsigii Dhexe Ee Sheekh: Dugsi Dhalanrogmay oo u Baahan in Taariikhdiisa la Kaydiyo

Dugsiga Dhexe ee Sheekh, waa dugsigii ugu horreeyey ee laga furo dalkii la odhan jirey Somaliland Protectorate, xilli ku beegan 1943 (Waa la sixi karaa) taariikhda oo sugan. Waxa ka soo aflaxay arday badan oo kumannaan ah. Waxa ay noqdeen hoggaankii jamhuuriyaddii Soomaalida iyo ka horba intii maamulkii Ingiriisku joogay. Intii aan la furin dugsigii sare ee Cammuud, waxa uu ahaa dugsiga ugu sarreeya ee dalka ka jiray xillagaas.



Tan iyo 1943 ilaa 1988kii waa uu furnaa oo arday ayaa ka soo bixi jirtay. Waxa uu dugsigaasi shaqaynayey in ku dhow qarni badhkii. Sida aan maqlay, waxa dhismihiisa Injineer ka ahaa Inj. Cali Jirde, oo isagoo da' yar oo waxbarashadiisii ku soo qaatay dalka Soodaan uu noqday Injineerkii ugu horreeyey ee soomaali ahaa ee dalka ka hawl gala. Anigu waxa aan dugsigaa dhammaystay 1980kii. Waxa xilligaa maamule noo ahaa nin muddo dheer maamule ka ahaa dugsiga dhexe ee Sheekh oo la odhan jiray Sheekh Axmed, naanaystiisuna ahayd (Adeeryo Caarrey), Inuu geeriyooday iyo in uu noolyahay, ma kala sixi karo, oo maan maqal. Maamulahaasi, waxa uu caan ku ahaa, ad-adayg, aad baa looga biqi jiray. Waxa kaloo uu caan ku ahaa qudbado dhaadheer oo uu aroornimada hore jeedin jiray, qubadahaa waxa uu ku jeedin jiray afcarabi iyo soomaali uu isku dhexdaray oo inta carabida lama fahmi jirin. Ilaahay ha  naxariistee, waxa uu ahaa nin jecel in ardaydu ay yeelato hab dhisan oo ardaynimo, laakiin qaabka uu u mari jiray arrinkaas ayaa ahaa jidhdil aan loo baahnayn.

Waxa kaloo Caan ahaa IHN, Maxamuud Sheekh Yuusuf oo isagana lagu naanaysi jiray "KOOD". Dhawr iyo sagaashankii waxa uu ka mid ahaa golihii wakiillada ee Somaliland (isla sagaashanaadkaa ayaan qiyaasayaa inuu geeriyooday). Maxamuud kumaan soo gaadhin dugsiga dhexe, laakiin anigoo yar baan sheekadiisa ka dheregsanaa, gaar ahaan ardaydii xilligaa oo aad uga biqi jiray ayaa ka sheekayn jirtay. Ardayda looma oggolaaan jirin in ay magaalada tagaan maalmaha sabtida, axadda, isniinta, salaasada, arbacada, maalinta khamiista gelinka danbe ilaa jimcaha gelinka danbe ayaa loo oggolaa in ay meeshay doonaan tagaan.  Dugsigu waxa uu ahaa boodhin (Hoyga aad seexanayso iyo dugsiga aad wax ku dhiganayso waa goob keliya). Goobtaas kama fogaan kartid.

Maamullada soo maray soomaali iyo ajaanib way fara badnaayeen., ee tussaale kooban ayaan labadaa u soo qaatay. Guryaha la seexdo magacyo ayuu maamulkii ingiriisku ula baxay waxa ka mid ahaa: Jeetah iyo Kudi. Inkastoo magacyadaa hore weli loo yaqaannay, waxaase la bedelay xorriyaddii ka Dib oo magacyada loo baxshay waxa ka mid ahaa: Wiyil iyo Imaaraadka oo malaa ardaydu ula baxday. Waxa uu lahaa hab kala danbayn ah, oo ardayda kuwa loo arko inay xilkaa qaadi karaan ayaa guddi laga dhigi jiray, oo habeenkii qofka ay ganaaxaan, waxa la seexin jirey albaabka agtiisa, xilliyada qaarna bannaanka ayey ku soo ciqaabi jireen. Hab aan maanta shaqayn karin ayaa ka jiray oo u dhigmi kara ka askarta kamaandawsta lagu tababaro.

Waxaan sheekadaa dheer u galay, dugsiga taariikhdaas dheer ee aan inta yar ka xasuustay lahaa maanta ma jiro. Laga soo bilaabo 1988kii kama danbayn ee wuu burburay. Waa wax lagu farxo in dib loo dhisay oo weliba waxbarasho gaar ah oo loo baahnaa lagu barto oo ah xannaanada xoolaha. Laakiin taariikhdaa hore waa ay dhimanaysaa, waa in la weeleeyaa, oo buug lagu kaydiyaa. Waa taariikh la soo maray oo wax badan laga baran karo. Ardaydii soo martay waxa ka mid ah guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland "Saleebaan Adan (Saleebaan Gaal), oo isagoo gadhmadoobe ah oo ahaa wasiir ku xigeenkii Wasaaraddii Waxbarashada ee Jamhuuriyaddii Soomaalida, nagu soo booqday dugsiga dhexe ee Sheekh xilli aan ku qiyaasayo 1979-1980. 

Qoraalkan waxa aan kaga codsanayaa wasaaradda waxbarashada ama cidda ay khusayso inay ku baraarugsanaadaan qoridda taariikhda dugsiyada dalka. Waxa ka mid ah dugsigii sare ee ugu horreeyey  dalka oo ahaa Cammuud, maanta waa Jaamacad, laakiin waa in meel lagu hubsadaa taariikhdii dugsigii sare ee Cammuud. waxa kaloo ka mid ah dugsigii dhexe ee Dayaxa, oo taariikh gaar ah lahaa iyo kuwo kaleba. Imminka way fuddudahay sida loo helaa taariikhdaa sii galbanaysa, laakiin berri ma fudada. 

Ugu danbayn intiinna soo martay dugsigaa dhexe ee Sheekh, maxaad ka xasuusataa maamulayaashii soo maray ardaydii aad isku fasalka ahaydeen iyo guud ahaanba dareenkaagii xasuuseed ee dugsiga dhexe ee Sheekh?. Haddii aad baadho wax ku saabsan dugsigii dhexe ee Sheekh ee soo jireenka ahaa 50 sannadood muddo ku dhaw, ma helaysid wax ku saabsan oo qoraal ama sawirro ah oo googel-ka ku jira, laakiin dugsiga xannaanada xoolaha ee Sheekh boqollaal qoraal ah ayaad helaysaa. Waayo waxaynu maraynaa xilli qoraalka iyo kaydinta wax kasta ay fududahay oo aad weydiin karto odaygan loo yaqaanno google. Dee bal aan googleka wax ku darsanno'e maxaad ka xasuusan tahay dugsigii dhexe, sawir ma ka haysaa?


Nabad iyo Caano

Sayid-Axmed Dhegey
13 April 2020, Stockholm /Iswidhan

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.