Fortsätt till huvudinnehåll

GORFEYNTA BUUGGA BARNAAMIJ SIYAASADEEDKA XISBIGA KULMIYE (2017-2022) W/Q, Cabdinaasir Axmed Abraham



“Midho-daray haddaan beri,
Duuduub ku liqi jiray,
Doorkan waxaan hubsanayaa,
Dirxi inuu ku hoos jiro.” (AHUN) Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye.



Buuggan indho muwaadin xisbi kale siyaasaddiisa la ashqaraaran ku eegi maayo, iyadoo xisbiyada Qaranku ii siman yihiin oo aanan midna taageere u ahayn. Sidoo kale, aanan xubin midna ka ahayn ayaan lafo-gurkayga buuggan idin la wadaagi doonaa. Wixii gef ah ee ka dhasha aqoontayda iyo waayo-aragnimadayda oo Aaran ahna waxa aan marti idiinka ahay inaad iga cafisaan. Waxa aan se ballanqaadayaa in aanan ugu talo-gal ama badheedh ugu la kici doonin gef eex la halmaala.
“Rabbow eex ma tiraabine,
Aqoon ha igu cadaabin.”(AHUN) Gaarriye.



Qoraalkasta oo aan xisbi ka sameeyaa wuxu ararta dheer ugu baahdaa arrimahan dartood;
1. Axsaabta Qaran oo hab qabiil u dhisan, dadkuna u kala taageeraan hab reereed.
2. Waayo-aragnimo yaraan dhinaca kala afkaar geddisanaanta oo xisbiga buuggiisa aad wax ka qortaa ba u arkaayo cadaawad iyo xumaan.


 3. Dadka oo aan aalaa ba iska baandhayn aragtiyaha xisbiga ay taageeraan oo inta badan duuduub uun ku liqa Iyana waxa ay dhalisay in qofkii wax badan iska weydiiya siyaasadda xisbiga uu taageerayaa uu Tuke-baal cad noqdo!
Intaa haddii aan afeef dhigashadaydii ku soo afmeero, aan ku sii durko u jeeddada aan qalinka ugu qaatay Buuggan. Buuggani wuxu soo baxay 2017. Shirkadda Daabacday lama xusin iyo goobta lagu daabacay ba wuxu se ka kooban yahay 111-bog.Wuxuu ka kooban Todoba tiir kuwaas oo kala ah;

 1. Tiirka Arrimaha Bulshada,
2. Tiirka Amniga iyo Nabadda,
3. Tiirka Dhaqaalaha,
4. Tiirka Garsoorka iyo Caddaaladda,
5. Tiirka Siyaasadda Arrimaha Dibedda,
6. Tiirka Horumarinta maamul-wanaagga iyo
7. Tiirka Deegaanka iyo Is-beddelka Cimilada.



Qoraalkaygani wuxuu tibaaxayaa bogaadin aan ku bogaadinaya barnaamij siyaasadeedka buugga intiisa aan u arko in ay u qalanto in la mahadiyo iyo inaan shaaciyo meelaha iila muuqda in ay gol-daloolooyin ka jiraan. Intaana waxa ii dheeraan doonta haddii xagga Rabbi laga helo wax iska weydiinta qodobbo aan hore u liqi waayay. Hasa yeeshee, dhnaca midig aan ka soo bilaabo.
BOGAADIN


Way innagu dheeraanaysaa, wakhti door ahna akhriskeedu ayaa innaga qaadan doono haddii aan damacno inaan bartan ku dhammayno dhammaan qodobbada bogaadinta u baahan ee barnaamij siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye buuggiisa ku qoran. Waxa aan se bartan ku tixi doonaa qodobbo halbawle ah oo aan la dhacay, isla markaa ku bogaadinayo xisbiga Kulmiye, wali ba in haddii hoggaanka dalka Alle gacanta u galiyo in ficil arrimahan loo beddelana aan u jeclaan lahaa. Waxa ka mid ah;


1.1.1. HELITAANKA WAXBARASHADA
1. Waxa uu hirgelin doonaa barnaamijka wax qorista iyo wax akhriska Qaranka. Hadafka barnaamijkuna waa in 80% muwaadiniinta JSL noqdaan kuwo wax qora, waxna akhriya sannadka 2020.

 2. Waxa uu gaadhsiin doonaa qorista ardayda dugsiyada 70% sannadka 2022.
3. Waxa uu gaadhsiin doonaa waxbarashada ardayda saami ah in halkii macallin ba uu wax u dhigo 30 arday oo keli ah (30:1) marka la gaadho sannadka 2022.



1.1.2. TAYADA WAXBARASHADA
1. Waxa uu aasaasi doonaa komishanka Hir-gelinta Tayada Waxbarashada iyo Hal-beegga Heerka Waxbarashada ee Dalka si loo sugo heerka tayada waxbarashada ee la beegsanayo.
2. Waxa uu sugi doonaa in halbeegga tacliinta sare ee dalku waafaqsan tahay heerarka caalamiga ah.
3. Waxa uu dhisi doonaa laba(2) Dugsi oo ah Dugsiyada Tababbarka Macallimiinta.
4. Waxa uu ka dhigi doonaa dhammaan macallimiinta dalka kuwo gaadhsiisan heer jaamacaddeed ama sita shahaadada dugsiga Tababbarka Macallimiinta.


 5. Waxa uu siin doonaa tababbar maamul dhammaan maamulayaasha Dugsiyada dalka.
6. Waxa uu dib u eegi doonaa Manhajka dalka si uu qayb uga noqday himilada 2022.



1.1.3. WAXBARASHADA FARSAMADA GACANTA
1. Waxa uu dhisi doonaa saddex (3) dugsi oo ah Dugsiyada Farsama Gacanta.
2. Waxa uu dayac tiri doonaa Dugsiyadii hore ee Farsamada Gacanta ee dalka.
3. Waxa uu samayn doonaa dugsiyo samayn doonaa dugsiyo bixiya waxbarashada farsamada gacanta ee haweenka.



1.1.4. MUSHAHARKA IYO GUNNADA MACALLIMIINTA
1. Waxa uu kordhin doonaa mushaharka macallimiinta dalka.
2. Waxa uu siin doonaa macallimiinta gunno ah 25% mushaharka macallinka, taasi oo dheer mushaharkooda, si mihnadda macallinnimada ay u soo galaan dadka kartida iyo aqoonta lihi.
3. Waxa uu siin doonaa gunno dheeraad ah macallimiinta dugsiyada ku yaalla meelaha miyiga.



1.1.5. CILMI BAADHISTA IYO HORUMARINTA
1. Waxa uu mudnaanta siin doonaa tacliinta sare, cilmi baadhista iyo Tiknoolijiyadda.
2. Waxa uu samayn doonaa sanduuq u gaar ah cilmi baadhista iyo ikhtiraaca wixii cusub , si loo maal gelin karo cilmi baadhista iyo ikhtiraaca jaamacadaha Qaranka.



1.1.6. DAL JACEYLKA (WADDANIYADDA)
1. Waxa uu hir-gelin doonaa waxbarashada dal jaceylka (Civic Education) oo aad u heer sarraysa laga soo bilaabo waxbarashada dugsiga hoose illaa dugsiga sare.


1.1.8. DHAQAALAHA WAXBARASHADA
1. Waxa uu u qoondayn doonaa 10-15% miisaaniyadda guud ee Qaranka waxbarashada.


GOL-DALOOLOOYINKA BARNAAMIJ SIYAASADEEDKA XISBIGA KULMIYE
Buuggu inta badan wuxuu ka hadlayaa hawl-qabadkii XIsbiga Kulmiye ee muddo xileedkiisii tagay, laba arrimood ayaa aniga igu adkaaday kala fahankooda, buuggu ma barnaamij siyaasadeedka shanta gu’ ee innagu soo foolka leh (2017-2022) ayuu ka hadlayaa? Mise wax-qabadkii Kulmiye ee muddo xileedkii dhammaaday? Si baad mooddaa arrimahani in ay iskugu cayn iyo bayd go’an yihiin. Waxa se aniga ila habboonayd in Kulmiye buug gaar ah u samaysto hawl-qabadkiisa, kanna uu ku ekaado barnaamij Siyaasadeedka Shanta gu’ ee soo socda shacabka lagu hananayo codkooda. Haddii taasi ay dhici weydo waa in buugga lagu taxo ballanqaadyadii suuro-gali waayay ee Xisbigu buuggiisii hore ku qoray, kuwaas oo sababta ay u qabsoomi weeyaanna la cilmiyeeyo. Waxa aad se mooddaa in xisbigu wixii wax qabad ah ee la sameeyayna ku faanayo oo buuggan(2017-2022) ay ku taxan yihiin, wixii qabyoobay ama dhalliil ahna ay ka ordayaan. Ceeb maaha oo Aadame kasta oo wax qorshaysta waxna way uga hirgalaan, waxna way ka qabyoobaan.


Waxa qumanaan lahayd intaan buuggan la soo saarin in qalin qori (Pencil) la mariyo wixii ballanqaad ah ee hore xisbigu ummadda ugu sheegay wixii ka qabsoomay, maxaa se aan ka qabsoomin? Haddii buugta qorashadooda xisbigu uga dan lahaa uun arrimo qurux la hal-maala waa hagaagsan tahay inaan dib loo eegin, haddii se buuggu hage iyo khariirad aad raacayso yahay waa in aanad dheel-dheeliyine jidka aad jeexatay ku sugnaataa.


Anigoo buuggii hore ee barnaamij siyaasadeedka xisbiga ee (2010) soo akhriyay, una kuur galay bal in Xisbi xaakimku wixii buugga ku qornaa qorshe ka dhigtay oo wali ba sidii ay u kala mudnaayeen u kala hor mariyay iyo in waxqabadkii xisbigu DALAN-BAABI ahaa, maxsuulkii halkaa iiga soo baxayna noqday dharaar ba fikirka wanaagsan ee kuwii markaa middida daabkeeda hayay loo sheego ama ay iyagu u arkaan uun ay samaynayeen ee uu guud ahaan ba baal marsanaa qorshihii buugga ku yaallay ee ummaddu ku doortay.


Meelaha aragtiinkayga qofeed iila muuqday in gol-daloolooyin ka jiraan waxa ugu mudan;
B. Isku dheelitirnaan la’aanta wakhtiga muddo xileedka xisbiga oo haddii Alle ba ku guuleeyo noqonaya Shan sanno iyo ballanqaadka tiro beelka ee buugga ku qoran. Kuwaas oo aan ka soo qaadan karo;
 Dhammaystirka waddada Burco – Ceerigaabo.
 Dhammaystirka waddada Balli-gubadle – Hargeysa.
 Dhammaystirka waddada Sallaxley - Hargeysa.
 Dhammaystirka waddada Burco – Oodweyne.
 Dhammaystirka waddada Dawga-cad.
 Dhammaystirka waddada Arabsiyo – Alley-baday.
 Boorama – Lawya-cadd0.
 Berbera – Raari-buul.
 Burco – War-cimraan
 Waadaamagoo- Qori-lugud – Balli-dhiig
 Laas-caanood- adhi-caddeeye – Xuddun.


 Waxa uu u qoondayn doonaa 10-15% miisaaniyadda guud ee Qaranka waxbarashada.
 Waxa uu kordhin doonaa mushaharka macallimiinta dalka.
 Waxa uu siin doonaa macallimiinta gunno ah 25% mushaharka macallinka, taasi oo dheer mushaharkooda, si mihnadda macallinnimada ay u soo galaan dadka kartida iyo aqoonta lihi.
 Waxa uu dhisi doonaa saddex (3) dugsi oo ah Dugsiyada Farsama Gacanta.
 Waxa uu dhisi doonaa laba(2) Dugsi oo ah Dugsiyada Tababbarka Macallimiinta.
 Waxa uu gaadhsiin doonaa qorista ardayda dugsiyada 70% sannadka 2022.
 Waxa uu hirgelin doonaa barnaamijka wax qorista iyo wax akhriska Qaranka. Hadafka barnaamijkuna waa in 80% muwaadiniinta JSL noqdaan kuwo wax qora, waxna akhriya sannadka 2020. Iyo Qaar kaloo badan.


 Hadda ba arrinta jaangooyada u baahani waa masalada (TIME AND SPACE) Dhammaan ballanqaadyada axsaabtu samaynayaanna si ay u noqdaan qaar runta u dhow waa in ay qorshahooda dabar uga dhigaan amminta (Wakhtiga)
T. Arrimaha faahfaahinta dheeriga ah u baahan ee wali hadhku saaran yahay waxa ka mid ah; Arrinta tiirka shanaad ee buuggu ka hadlayo oo ah
SIYAASADDA ARRIMAHA DIBEDDA.


 Xoog iyo tamar Qaranku wuxu lahaa wuxuu iskugu geeyay arrinta siyaasadda dibedda gaar ahaanna aqoonsi raadinta. Hasa yeeshee, waxa aad mooddaa arrinta intaas oo wakhti iyo xoog ah la galiyay ay ahayd mid aan loo sahamin. Anigu waxa aan ka mid ahay dadka qaba in halka adduunkeenna ugu badan aan arrimaha dibedda galinnayno inaan arrimaha gudaha galinnaa in ay ka habboonaan lahayd.
5.10. WADA-HADALLADA SOOMAALILAND IYO SOOMAALIYA (p.95)


Siyaasaddii Xisbigii Udub ee ku wajahnayd arrinta wada-hadallada Soomaaliland iyo Soomaaliya in aan guul lagu diirsadaa ka soo muuqan garawshiyo Muqdisho ka yimaadda ayay tibaaxi jirtay. Hasa yeeshee, Xisbiga Kulmiye wuxu furay in ay bannaan tahay wada-hadallo dhex mara Hargeysa iyo Muqdisho. Wali se ma muuqato guul haba yaraatee laga gaadhay wada-hadalladaa, waxa aanan aad u saluugay in wali siyaasadda Xisbiga Kulmiye ee 2017-2022 ay innagu amrayso in wada-hadalladaa ma-dhallayska ah sii jiitamaan. Waxa aanan qof ahaan u arkayaa arrin gole-ka-fuul ku timidday.
5.11. QURBE-JOOGGA (p. 95)


Qurbe joogta oo barnaamij Siyaasadeedka Kulmiye ahmiyad weyn siiyay sidoo kale toddobadii gu’ ee innaga tagay ee xisbi xaakimka Kulmiye xil iyo xoola ba iskugu daray Qurbe joogta waxa ay ila tahay inaan sidii ay ahayd looga faa’iidayn tamarta ku kaydan. Taasina waa arrinta sababta in ikhraaca ugu weyn ee Qurbe joogtu dalka keentay uu noqday MISHIIN BUNKA LAGU SAMEEYO OO DIBEDDA LAGA SOO IIBSADO. Haddii wax badan la iska weydiin lahaa si kasta oo looga faa’iidaysan karo waayo aragnimada ay qurbe joogtu ka dheefeen ummaddii ay la noolaayeen, kaddibna dadka looga faa’iidayn lahaa in uun baa guulo hor leh laga gaadhi karaa.


3.4.13. DHIMISTA SHAQO LA’AANTA
Dhimista shaqo la’aanta oo ahayd arrimihii ugu waaweynaa ee barnaamij SIyaasadeedkii Xisbiga Kulmiye sannaddii 2010. Waxa ay soo noqotay mar saddexaad runta haddii laga badheedho ma muuqato guulo lagu diirsan karo oo shaqo abuur oo Kulmiye sameeyay. Arrintan ka hadalkeedana ma daayo.
LA SOCO...


W/Q, Cabdinaasir Axmed Abraham
Hargeysa/Somaliland

    Kommentarer

    Populära inlägg i den här bloggen

    Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

    Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

    Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

    Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

    Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

    AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.