Fortsätt till huvudinnehåll

Kala taggan Taladii Shalay ee Maxamed Baashe iyo Tan maanta

Bismillaahi Al Raxmaani Al Raxiim.
Ilaahay baa mahadleh,

Qoraalkan waxa aan is idhi malaa wax uun buu tari. Kollay cid eryo ama cid difaac maankayga kuma jirto, balse arrin si gaar ah aan u dareemay baan in yar ka odhanayaa. Waxa maalmahan aad loo hadal hayey waraysi BBC-du qaadday Maxamed Baashe Xaaji Xasan iyo qoraallo baraha bulshada aad loo hadal hayey. Maaddaama uu Maxamed Baashe ka mid yahay asxaabta aannu isku barannay danta guud, muddada aannu isnaqaannayna ay cagacagaynayso 20 sannadood, waxa aan dareemay in aan dareenkayga iyo taladaydaba qoraalkan ku soo koobo.

Maxamed waxa uu yidhi "Midnimo Mar Kale" ayaanu dib u bilaabaynaa. Ma doonayo in aan ku dheeraado qoraalkan, ee in aan soo koobo ayaan rabaa. Sidaa awgeed qoraalladii iyo waraysiyadii ma wada akhriyin ama ma wada dhegaysan, inta aan isleeyahay waad fahantay uun baan wax yar ka odhan doonaa. Haddii sidaa fudud loo odhan karo Midnimo mar kale, waxa ay la mid noqonaysaa in la yidhaahdo "kala tag abada ah".


Maxamed iyo Facebuugga.

Maxamed waxa uu dhalliilo u soo jeedin jiray Dawladdii Axmed Siilaanyo, isaga oo qoraallo soo dhigi jiray Facebuugga. Halkaa buuq baa kaga kacay, cay iyo aflagaaddo ayuu kala kulmay. Qoraalladaas wuu joojiyey, sidaan qiyaasayo markuu arkay in aanay ku habboonayn Facebuug. Beryahaas ayuu ka soo qaybgalay barnaamij dhaqanka ahaa oo lagu qabtay Stockholm. Waxa aanu ka sheekaysannay, siyaasadda dalku halka ay marayso. Waxa uu si hufan oo hagaagsan oo aan aad ugu taageeray, kuna farxay uu iigu sheegay in aan Facebuug xaaladdeenu u baahnayn, ee waa in gudaha siyaasadda la galaa, oo anigu --- Maxamed ahaan waxaan gelayaa xisbiga Kulmiye, ee idinkuna, (Waa intayadii hawsha barnaamijka dhaqanka wadnay oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Xirsi Ivo Muuse Dalmar), xisbigaad doontaan gala, waxaase muhiim ah hadii aynu dadkeenna ama dalka lexejexlo ka leennahay, fadhiga ha laga kaco. Arrinkeenna Facebuug waxba kama tarayo. Taladaa Maxamed waxaan u arkayey taladii ugu qiimaha badnayd. Waayo, Maxamed Baashe oo aan dedaalkiisa iyo habdhaqankiisa ogaa in uu tallaabo u qaado dhanka hoggaanka, farxad bay ii ahayd.

Kulankii kaa ii xigay.

Somaliland baan tegay 2017 bishii Maarij, fasax umaan tegin ee geeri ayaan u tegay. Maxamed waanu sheekaysannay, waxbadan wuu saluugsanaa, oo dalka ka socday. Waxa aan aad u weydiiyey xadhigii la xidhay wuu iiga warramay. Runtii, kuma fikirin marnaba Maxamed baa sidaa yar loo xidhayaa, oo aan "cidiba isweydiinayn". Waxaan ka qoray qoraal kooban: dhegey.blogspot.com/2017/02/xadhiga-maxamed-baashe-iyo.html?q=Maxamed+baasje. Xadhiggiisaa dad badan baa wax ka yidhi, laakiin digasho badan ayaa qoraaladaa ku jiray. Laakiin aniga iyo in kaloo badan aad baannu uga xumaannay. Halkaa in halgan ka bilaabmi karo ayaan u arkayey. Kulankaa aannu kulannay wax ha saluugsanaado, balse weli xisbigii uu shooladda u galay ayuu taageersanaa. Taasoo aan u arkayey in uu waxbadan ka bedeli karo habdhaqanka innagu sii xoogaysanaya, oo iskooxaysiga ku salaysan.

Soo noqodkii 

Markii uu saaxiibkay Maxamed soo noqday, waxa aan arkay qoraallo isdaba joog ah oo weerar ku ah dawladda Somaliland, gaar ahaan waxa uu beegsaday Madaxweynaha iyo W/Gudaha oo uu ugu yeedhay labada kornayl iyo hadallo aan ahayn kuwo aan ku habboonayn facebuuggii uu horeba uga tegay in uu ku soo noqdo. Qoraal ka mid ah qoraalladiisii dhalliisha xanbaarsanaa ayaan, inyar ugu qoray oo ahayd, "Maxamed maad wixii talo ah si toos ah ugu gudbisid", waxa ay jawaabtiisii noqotay, "Facebuuggu waa meelaha wax la isugu gudbiyo. Jawaabtaa ka dib wax danbe marna kama odhan, waayo aragtidii aan ku taageersanaa ee ahayd "Facebuug" xal maaha ayaan arkay in saaxiibkay dib ugu soo noqday.

MIDNIMO IYO MARKALE

Waxa aan maqli jiray "Aabbo ka yar iga qabo oo ka weyn igu soo daa". Midnimo waxa ay ka bilaabantaa qoyska, deegaanka aad deggen tahay, kor bay u sii socotaa ilaa maasha Allah. Laakiin saqafka sare lama dhisi karo haddaan tiirar loo samayn. Waxa aan isleeyahay saaxiibkaa Maxamed fikrad muu keenin ee fidmo ayuu keenay. Waa dareenkayga, waa maxay fikirku waa maxayse fidmadu. Fikirka waxa uu ka yimaadda qof, waa la rogrogaa, oo meel lagu tiiriyaa. Haddii wax laga bedelayana waxa loo maraa jid ku habboon. Tusaale 18 Mey, 1991 ayaa lagu dhawaaqay Jamhuuriyadda Somaliland, fikirka dib ula soo noqoshada Somaliland hoggaankii SNM iskuma wada raacsanayn, haddana dhankii loo batay ayaa lagu go'aansaday. Haddii dib looga noqonayo, waa in jidkeeda la maraa, wixii xeerkaa iyo qaabkaa ka duwan waa in loo maraa waddo ku habboon. Haddii kale waa fidmo iyo xagaldaacin.

Waxa aynu ognahay in ay Somaliland u baahan tahay MIDNIMO, dadkeeda ah, dareenka ku kala jira in laga bilaabo oo hoosta laga soo dhiso waa baahi taalla. Laakiin haddii aad midayn kari weydo Burco iyo Buuhoodle oo aad tidhaa waxa aan midaynayaa Hargeysa iyo Muqdisho, taasi maaha midnimo ee waxa ay noqonaysaa I jiid aan ku jiidee. Waxaanay la macno noqonaysaa "Aabbo kayar iga celi oo ka weyn igu soo daa."

MIDNIMO SOOMAALIYEED

Horta midnimada ma dad gaar ah ayaa jecel? dadka qaarna way necebyihiin. Maya ilama aha, dhibaato soomaalida haysata ayaa jirta, dhaqan baa jira aanay weli soomaalidu ka korin oo ah Qaran iyo Qabiil, laba aan Isqaban: Rashiid Sheekh Cabdillaahi (2018) Qaran iyo Qabiil. Tusaale ayaan jecelahay in aan soo gudbiyo. Soomaalida dacallada dunida ku nool, Kanada ilaa Ustareeliya, ma jiraa dal ay soomaalidu ku midaysantahay Jaaliyad qudh ah oo metesha isirka soomaaliyeed oo dhan? U Malayn maayo, sidaa awgeed saaxiibkay Maxamed Baashe midnimada ha ka bilaabo UK, oo ugu yaraan London oo leh Jaaliyad weyn oo soomaalida u dhex ah oo ay ku midaysantahay qawmiyadda soomaaliyeed, ha la helo.

Waxa aan uga socdaa dareenka dhabta ah ee midnimada soomaalidu maaha Soomaliya iyo Somaliland, waa uu ka qoto dheer yahay. Marka laga hadlayo Midnimo aniga waxa ay iigu suntan  tahay Geeska Afrika oo dhan. Itoobiya qawmiyadda saddexaad waa soomaali, Jabbuuti qawmiyadda hoggaankaba haysa waa soomaali. Dareenka Geeska Afrika iyo isbeddelada ka socda in si aqoon midaysan ah loo waajaho oo saaxiibkay Maxamed Baashe hoggaamiye ka noqdo ayaan ka jeclaa in uu yidhaahdo wixii dadku ku go'aansaday 18 Mey 1991 Burco ayaan duminayaa, maan ka maqal saaxiibkay wax dumin, laakiin sidaasay u egtahay. Waxa qaylada keenayana waa halkaa. Taasina Midnimo maaha ee waa aan kuu taliyo iyo aan wada tashanno.

Gunaanad.

Saaxiibkay Maxamed Baashe ma geyo aflagaaddo iyo cay toonna. Waxaanse odhan lahaa Facebuugga ka horkac, waayo dadka wax ku soo qoraa intooda badani waxba ma xeeriyaan. Da'duna way soconaysaaye, xisaabta ku darso oo dadka wax kuu soo qoraya 2000 da'dii dhalatay waa labaatan jirro. Midnimadana waxa aan u arkaa inay ka mug weyn tahay Xamar iyo Hargeysa, oo is hoostaga. Wax badan ayaa lagu midaysan yahay oo u baahan in la xoojiyo oo hoggaanka ay u qabtaan indheergarad aan ku soo hoos noqonayn dano kooban.

Sayid-Axmed Dhegey
10 Marij, 2020 Stockholm

Kommentarer

  1. Sayid-Axmed, qoraalkaagan waan akhriyey. Si wacan baad warbixin iyo badheedheba u soo dhigtay.Mid keli ah baan kugu korrdhinayaa oo waxa weeye:
    May, 1991 Burco ayaan joogay. Waxa aan ka mid ahaa dadkii ka qaybgalay shirkii ku dhawaaqay goosashada iyo soo noqoshada Soomaaliland. Waxaan kugu kordhinayaan ma dhacin, xaaladdu na ma suurogelinayn dood laba fikradood, si miyirqab ah loo kala dooranayo. Haddii ay jirtay cid midnimada qabtay dhegeysi loo ma lahayn. Waxaa jirtay qiiro tii lixdan kii boqol jeer ka daran oo goosash doon ah. Qofka laga maqlo midnimo halis bay naftiisu ahayd. Hadal iyo dhammaantii ma jirin dood iyo laba la kala doortay. Mid keli ah baa taallaa oo lagu dhawaaqay.

    SvaraRadera
  2. Haa, Rashiid aad baan kuu salaamay, waxa aan joogay Burco 25 Mey 1991. Waxa aan ka mid ahaa dadkii aan maqli karayn dood labaad oo aan ahayn Somaliland. Waa runtaa oo xaalad adag bay ahayd, laakiin 30 sanno ka dib haddana ma buuq iyo qaylo ayeynu kula midawnaa Soomaaliya? Halkee maraysaa Soomaaliya? Su'aalo badan baa inna horyaalla, ee ma xal baa "Mar kale iyo Midnimo, oo dadka lagu dhextuuro. Aad baan kuu salaamayaa, Abwaannada aan ku daydo ayaad safka hore kaga jirtaa. Buuggaagiina waxa uu ii saxay in aynaan noqon karin Qaran ama Soomaaliya ha noqoto ama Somaliland ha noqoto.

    SvaraRadera

Skicka en kommentar

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.