Fortsätt till huvudinnehåll

Sagaarkuba illeen ka feejigan orgaca! W/Q, Jamac M Jama


Sheeko aan ka soo gaadhay ayeeyo, Alle ha u naxariistee, ayaa sidan odhan jirtey: Sagaarku, waa atoorka e, waxa had iyo jeer ku lammaan yac, waa sakaaro e. Orgacu na isaga ayaa u qaylo badan waxaraha, xitaa haddaanu qaloonbiyeyn. Had iyo jeer na waxa la maqlaa “dundumadii reerka dushiisa, maanta halaq baa ku laayay waxaro.” Kolkay dundumada hadhsanayaan waxaruhu, waxa la yidhi, waxa ay qoobka hore galiyaan godka ay ku arkaan dundumada agteeda, saa halaq baa inta badan ku jira e, wuu qaniinaa. Neefku wuu dhintaa markiiba. Kama waantoobaan waxaruhu, oo inta ay bif yidhaahdaan, ayay ku noqdaan mar kale isaga oo waxarkii hore maydkiisu wali dul yaallo godka. Way ku le’daan. 


Weli lama arag sakaaro lammaan oo midkood ku hodmay god halaq ku jiro, haddana intaa banka aan geed sare lahayn, sakaaradu way hadh gashaa godadka dundumooyinka ka ag qodan. Waxa la yidhaahdaa atoorku wuu ka il dheeryahay orgiga, oo kuma hodmo godka halaqu dhex jiifo.

Saaka anigoo oo baraynaya maansada “Hoodaar” ee uu tiriyey Faarax Axmed Cali “Gamuute” ayaa waxa iga soo hor baxay boggan.

Dundumo halabtii u taal halaq,
Hanqaarana dulin  ku huursaday,
Sagaar  war hayaan huluulane.

Say naftu i tidhi, waa sheekadii ayeeyo oo maanso ku sheeggan.  Waxaan dhadhansadaa maanso ku sheekaynta, iyo xeeldheerida Faarax Gamuute. Saa waxaan dareemay fiirada bulsho in badhkeed huruddo, oo godkii mar laga qaniinay ku noqnoqoto, badhkeedna ay soo jeedaan, oo sidaa u kala feejigan yihiin.

Jaamac Muuse Jaamac, 
Landhan, 1 Noofember 2018

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.