Fortsätt till huvudinnehåll

Ogeysiis: Bandhig Dhaqameed Ballaadhan oo ka Dhici Doona Helsinki/Finland 17-19 Okt 2016

Inkastoo carwada loogu talo galay in ay socoto saddex todobaad, laakiin saddex maalmood oo ka mid ah ayaa si gaar ah loogu talogalay in aad la kulanto marti kaaga timi Dhanmark, Göteborg iyo Stockholm.











Carwada waxa si gaar ah uga dhexmuuqandoona Majaladda CARRUURTEENNA oo goobtaa lagu soo bandhigidoono. Hawshan Debbaaldegga iyo Carawada Buugaagta waxa soo abaabulay reer Finland oo ay hormood u tahay Nimco Nuur.







Yuusuf Xaaji Cabdilaahi Xasan

Saddexda maalmood ee kala ah 17, 18 iyo 19 ee bishan Okt, waxa kula jooga Helsinki Cabdalle Shafey oo ka iman doonna carriga Dhanmark. Mudane Baadheri ayaa kaaga iman doona caasimadda labaad ee dalka Iswidhan. Yuusuf Xasan iyo Sayid-Axmed ayaa iyaguna ka soo kicitimi doonna magaalada Stockholm.

Saddexdaa maalmood haddii aad ku sugantahay magaalada Helsinki iyo agagaarkeeda la kulan xubnahaas oo soo bandhigi doona buugaag ay qoreen iyo cilmibaadhis ku saabsan soomaalidii ugu horreysay ee yimaadda dalalka Waqooyiga Yurub.

Buugaagta xusidda mudan waxa ka mid ah buug carruureed la magacbaxay "BARNI IYO BISADDEEDII" oo uu qoray Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar).

Maalinta salaasada ee bishu tahay 18 saacadduna tahay 10-12 waxa ay gaar u tahay carruurta soomaalida ee deggen Finland. halkaa waxa ay waalidku kula kulmi doonaan buugaag loogu talo galay carruurta iyo Magaasiinka la magacbaxay CARRUURTEENNA oo ka soo baxa Stockholm sannadkiiba afar jeer.

Mudane Boodheri

Cabdalle Shafey


Sayid-Axmed




Warbixin dheeraad ah halkan ka eeg:

http://www.stoa.fi/fi/tapahtumat/event/6C63E69FBF5658B441366D8653C43B6B/Ensimm_iset_somalialaiset_Euroopassa_1800-luvulla#.V_zo9LOzELI.facebook

Goobtu waa Stoa/Helsinki


Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto. 

Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye" ----- "Dhaxalkuu ka tegey, Waa inoo dhigaal" Q-1aad

Geesibaa Dalkeennii ka go'ay, Gaadhka hayn jirey dheh Gal noo irmaanaan jiraa Gudhay Digaalow dheh Madi Geyiga wada Deeqi jirtuu Geeljirii tebey dheh Gobkii midhaha laga goosan jirey Gaarriyaa baxaye. Halyey lagu goblamay baa Dhintaye, Calamadaw gaabsha. ....................Faarax Murtiile/London/ Uk 2012