Ogeysiis: Ha Moogaan oo Ha ka Maqnaan Maalmaha Dhaqanka, Suugaanta iyo Afka Soomaaliyeed (1-4) Dec 2016 Stockholm

Waxa la odhan karaa hadalhaynta arrimaha afka soomaaliga iyo waxyaabaha la halmaala waa laga maqlaa inta badan kulamada lagu qabto Stockholm. Sidaa awgeed baan odhan karaa waa hormoodka safka hore kaga jira dedaalka horumarineed ee afka soomaaliga.

Sawirkan kor ka muuqda waa habeenkii Xasan Ganey iyo Stockholm oo ka dhacay goobta Kista Träff
Isla sannadkanna waxa la qaban doonaa todobaadka koowaad ee bisha Diisambar inta u dhaxaysa 1-4 ee Dec, 2016. Sannadkani waa uu ka duwanyahay kii hore, waxbadan baa ku soo kordhay oo kor u qaadid ah. Waxa ka mid ah in sannadkan aanay keli ku ahayn "Somaliska Kultur och Litteraturdagar" ee ay iskaashanayaan "Somali Nordic Festival". Sidaa awgeed martida sannadkani waa ay ka ballaadhan doontaa tii kal hore.
Waxa ka mid ah martida la filayo in ay Stockholm innoogu yimaaddaan. Abwaan Dheeg, oo ah abwaannadii hore qorayna rawaayado iyo suugaan aad u ballaadhan, Abwaan Cabdikariin Jiir oo caan ku ahaa saaridda laxammada heeso badan oo caan baxay, Maxamuud Sh Dalmar, weriye in badan ku soo jiray saxaafadda aqoon fiicanna u leh taariikhda Islaamka. Sh Mustafe Sh Ismaaciil. oo ka mid ah culimada aad loogu xidhan yahay ee ugu caansan deegaanka soomaalidu degto qurbe iyo qormo ba.
Macallimad Saynab oo ka iman doonta Carriga Ingiriiska iyo Nimco Nuur oo Finland ka iman doonta ayaa ka mid ah Martida innoogu imanaysa Stockholm. Sidaa awgeed Stockholm waxa aynu filaynaa in ay noqoto hoyga Dhaqanka, Suugaanta iyo Afka Soomaaliga. Sida dad badani qabaan waxa la aasaasi karaa xarun weyn oo laga dhexqotomiyo Stockhoml oo u gaar ah soomaalida iyo arrimaha dhaqanka ku xeeran oo lagu kaydin doono mustaqbalka. Inshallah ha inoo rumawdo.
Intaa kuma dhamma ee barnaamijka ayaanan rabin in aan ka hordhaco. Waase hubaal in maalmaha kor ku xusan la qaban doono sidii kalhore. Wax badan oo kal hore 2015 kii aan hirgelin oo dib u dhacay ayaa sannadkan lagu niyadsan yahay in ay qabsoomaan. Waxa kaloo ogeysiin mudan in maalmahaasi sannad kasta loo ballamay in ay qabsoomaan, Haddii Ilaahay yidhaa.
FG: Ogeysiis Rasmi ah ayaa todobaadka soo socda soo bixi doona oo faahfaahsan, sida maalmaha iyo qorshaha habsami u socodka barnaamijyada. Sii ogow oo sii ogeysii saaxiibadaa, ehel carruur iyo cirrooleba. Maalinta Sabtida ee bishu tahay 03/12/2016 ayaa gaar u ah carruurta, soo calaamadso. Martida inta badan waxa ay ka qaybgaleen ama ilaa imminka u socdo debbaaldegga caanka ah ee sannadkiiba mar ka dhaca carriga Ingiriiska "Somali Week Festival"
Sayid-Axmed M Yuusuf
Iswidhan/Stockholm
24/10/2016 Isniin.
Kommentarer
Skicka en kommentar