Fortsätt till huvudinnehåll

Naadiyada Akhriska ee Somaliland Xaggee ka Yimaaddeen Halkeese u Socdaan? W/Q, Sayid-Axmed Dhegey

Qoraalkan aan cinwaanka uga dhigay "Naadiyada Akhriska ee Somaliland Xaggee ka Yimaaddeen Halkeese u Socdaan?" Waxa igu dhaliyey qoraal kooban oo uu qoray Mustafe Sheybe kagana hadlayey korodhka dhallinyarada ku hawlan tayeynta qoraalka iyo akhriska iyo waxtar la'aanta ka muuqata----Qoraalkaas oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebuugga. Waxa aad moodda in uu Mustafe dul istaagay xaqiiqo jirta oo loo baahanyahay in wax laga yidhaahdo. Haba yaraatee in lagu tiraaba waa lagama maarmaan. Anigoo ka agdhowaa naadiyada ilaa bilawgoodii bal aan inyar ka idhaahdo: Laga yaabaa in qalinkuna yara taraaro'e akhristoow! dulqaado.


Gu'gii 2006dii bay ahayd markii aan maqlay Naadigii ugu horreeyey ee laga aasaaso Hargeysa. Xilligaa aan maqlay waxa aan joogay Iswidhan, laakiin isla sannadkaas bihsii Abril ilaa bilawgii Mey waxa aan joogay Somaliland----gaar ahaan Hargeysa. Ma garanayo in lagu dhawaaqay maalmihii aan dalka joogay, waxaanse hubaa markii aan ku soo laabtay Iswidhan in aan maqlay oo aan aad ugu farxay. Sababtoo ahayd, marka dalka aad tagto ama sideedaba inta xiiseysa qoraalku isma heli jirin, madal ay ku kulmaanna ma ay lahayn. 

Isla bilawgiiba Naadigii ugu horreeyey ee lagaga dhawaaqay Hargeysa waxa uu noqday mid heersare gaadha. Mid lagu soo hirto, mid ururiyey cid kasta oo ehel u ahayd qoraalka iyo akhriska. Xubnaha aan bilawgii bartay waxa ka mid ahaa Musaabaqo, Mustafe Khayre, Mustafe A Nuur iyo Khaalid J Qodax. Waa ay fara badnaayeen oo rag iyo haweenba xubno ayey ka ahaayeen. Waxa ay noqdeen kuwo lagu daydo oo la hadalhayo mar kasta dalka iyo dibeddaba.

Sannadkii 2009 iyo debbaaldeggii Mooge Festival ayaan markale imi Hargeysa. Debbaaldegga waxa ka soo qaybgalay Naadiyada Akhriska ee samaysmay ilaa 2006. Waxa ka mid ahaa Ceerigaabo, Laascaanood, Boorame, Berbera, Burco iyo Hargeysa. Bilawgii waxa jirtay yididiillo laga qabay in ay ku midoobaan dallad weyn oo Naadiyadu leeyihiin. May suurto gelin, oo kollay habdhaqankeenna soomaalinimo kama foga, wax uun bilaw aan lahay bardhammaad. Laakiin itaalkooda Naadiyadu waxa ay noqdeen kuwo waxweyn ka taray dhinaca kor u qaadida akhriska iyo qoraalka. Marka la maqlo buug baa la soo bandhigayaa, dabcan waxa dhashay dareen cajiib ah oo odhanaya," adigana buuggaaga ha la soo bandhigee maad qortid" taasi waxa ay keentay in lagu dhiirrado qoraalka buugaagta, tayadoodu haba liidato'e.

Waxa aan xasuustaa Naadigii Akhriska ee Hargeysa soo dhawayntii aan kala kulmay 2009kii. Sidii aan ugu farxay waxa ay iila mid ahayd qof ehel ballaadhan oo wada faraxsan leh. Qof aan ka qaloonayn dad aanuu weligii hore u arag, haddana aad mooddo walaalo oo kale. Dabcan walaal bay ii ahaayeen Naadigaas Akhriska ee Hargeysa. Waanaan ka xumahay in hormoodkii Naadiyadu maanta saaxadda ka maqanyahay. Walaalnimada Naadiyadu halkaa igagama istaagine, kal hore iyo Naadiga Halkaraan ee Burco ma illaawi doono siday ii martigeliyeen Ogost 2015. Xoolo aan u dhiibtay ma jirin, waanaan ogaa in aanay dawlad iyo shirkad toonna xoolo ka qaadan haddana waxa aan ku kalsoonaa sida wanaagsan ee niyad wanaagga ah ee ay ii qaabileen. Waa walaaltinimo, tolliimo, ehelnimo, beelnimo ku midawday akhris iyo qoraal. Xubnahaa Naadiga Halkaraan waxa aan ka xusi karaa guddoomiye Raadceeye, Mustafe Sheybe, Mustafe Magaalo iyo ninyar oo mucjisa ah oo hadalkiisa iyo da'diisu aanay is le'kayn waa Cabdiraxiin yare, Ilaahay ha u siyaadiyo garaadka iyo codkarnimadaba.

Waxa kaloo aan qoraalkan ku xusayaa oo aanan marnaba illaabi karin Naadiga Akhriska ee Maxamed Mooge. Way badnaayeen dhallintii i soo dhoweysay balse aan ka xuso Cawaale Deeqsi iyo Hodan -Ayaan. 

Haddaba maxaa keenay burburka Naadiyadii hormoodka aha ee kuwii jirayna aan ka dhigin Naadiyo adag oo xoog dhaqaale iyo tayo sareba leh? Werwerka Mustafe Shaybe oo ka mid ahaa xubnihii firfircoonaa ee igu soo dhoweeyey Halkaraan/Burco 2015, waa mid u baahan in aad loogu fiirsado. Wax waa la bilaabaa, lama dhammeeyo meel uu ku danbeeyana lama garto. Haddii aad istidhaa u kuur-gal bal sababaha burburiya ururada oo ay ka mid noqon karaan Naadiyada Akhriskuna. Waxa ugu mudan iyadoo aan marka horeba isku ujeeddo laga lahayn samaynta ururka ama Naadiga.

Haddii ay isu yimaaddaan shan xubnood oo ay urur sameeyaan, waxa laga yaabaa in mid ka mid ahi uu doonayo in buugaagta noocyo goonni ah la dhiirrigeliyo tusaale kuwa aqoonta oo keliya. Mid kale ayaa ay u muuqataa in dhallinta lagu baraarujiyo xagga diinta oo aan buugaagta qaar la dhiirrigelin, mid baa laga yaabaa in uu isyidhaa waar malaa meeshaa waxbaa ka dhalan doona oo dhaqaale ayaa laga heli doonaa. Haddii fikirka inta wax aasaasaysaa ay aad u kala fogtay waxaasi ma sii hanaqaado. Laakiin haddii fikirku midaysan yahay---haba lagu kala duwanaado habka maaraynta'e waa uu dhismaa. Haba dhismo'e yaa sii wadaya, qofkii ama kooxdii bilawday haddii wax u muuqdeen, kuwa la wareegay wax ma u muuqdaan? Dhaqaale sidee loo samayn karaa? Haddii dhaqaale loo sameeyo sidee loo maarayn karaa? Iyaduna dhibteeda ayey leedahay oo mar haddii meeshaba dhaqaale soo galo, waa kala yaac. 

Kollayba Naadiyada maanta jiraa yaanay yeelan tayo fiican oo waxa ay wax la qabaan waa uun ururada soomaalida, balse inta la samayn karo ha la sameeyo. Dharaar baa iman doonta lagu tartamo tayada oo aanay waxba tarayn tiradu. Naadiyada ilaa maanta girifgirif leh berri iyagaa hoggaanka lagaga dayan doonaa. Waxa iga talo ah diiwaan u samaysta Naadiga, ku ururiya maalin kasta dhacdada uu Naadigu la kulmo. Wax kasta oo la qabto qora oo diiwaan u yeela, si berri loo tixraaco. Qoraalkan waxa aan ku xusayaa si gaar ah Naadiga Halkaraan ee Burco oo aan talo ahaanna odhan lahaa Maktabadda ha loogu magacdaro halyeyaddii Nuura Maxamed Cali ee ka midka ahayd aasaasayaashii Naadiga Halkaraan, kuna geeriyootay iyadoo hawl ku jirta Naadigu leeyahay. I´laahay ha u naxariisto aamiin.

Waxa la moodaa in Naadiyadu ay meel ka yimaaddeen, laakiin aanay meelna u socon.

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed Dhegey
04/03/2016 Jimce/Iswidhan/Stockholm 

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Xog ku saabsan Afgenbegii 1961 Col, Xasan Faarax Bullaale: "Taariikh u baahan sixitaan iyo run ka sheegid"

Taariikhdu waa dhacdo ama arrimo dhacay xilliyo la soo dhaafay. Haddii aan wax laga qorin, lama ogaan karo taariikhdaasi sidii ay u dhacday. Mar haddii aan la kaydin arrimaha taariikheed ee dal iyo dad ba soo mara, waxa ay taariikhdaasi gashaa mugdi waxaanay yeelataa madmada w badan. Sida inbadani ka warqabto Somaliland waxa ka dhacay Afgenbi la isku deyey 1961kii, kaasoo lagu guuldarraysatay Dad badani xog kama hayaan, inkastoo ay noolyihiin xubno ka mid ahaa saraakiishii Afgenbigaa isku deyey. Kalhore waxa la waraystay Amb, Cawil Cali Ducaale oo ka mid ahaa saraakiishaas, xilligaasna ahaa xiddigle. Waxa uu Cawil qoray buug uu kaga hadlay wax farabadan oo uu u soo joogay, waxaana ka mid ahaa Afgenbigaas. Waana buugga la magacbaxay "Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed"

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.