Fortsätt till huvudinnehåll

Jaamac Muuse Jaamac aasaasaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa iyo Kulanka Reer Stockholm 17 Abril, 2016 maalin axad ah

Inkastoo uu Jaamac Muuse Jaamac u imanayo Sweden hawlo kale oo la xidhiidha afsoomaaliga iyo horumarintiisa, kuna soo soo horrayn doono Jaamacadda Göteborg, ee caasimadda labaad ee Sweden haddana waxa fursad innoo ah Reer Stockholm in aan la kulanno, oo kala sheekaysanno arrimo farabadan, maalinta axadda ee taariikhdu tahay 17 abril, 2016. Ma aha markii ugu horreysay ee Jaamac uu yimaaddo Sweden, waxaase maanta innoo gaar ah in uu si ballaadhan ula kulmi doono bulshada soomaalida ee deggen Stockholm. 

Waxqabadka uu Jaamac M Jaamac in muddo ah ku hawlanaa waxa ka mid ah ama aasaas u ah, horumarinta suugaanta, afka, dhaqanka, taariikhda, iyo fanka soomaalida. Waxa uu qoray buugaag fara badan oo uu ku qoray afaf kala duwan sida soomaaliga, ingiriisida iyo talyaaniga. Jaamac, indhawayd waxa uu deggenaa Hargeysa, isagoo ka soo guuray carriga talyaaniga oo uu deggenaa muddo dheer.

Barnaamijka maalintaa iyo kulanka reer Stockholm iyo Jaamac Muuse, isagoo faahfaahsan ayaa la soo gudbin doonaa, laakiin aan ka sii hordhaco. Waxaa maalintaa ka mid ah arrimaha uu innala wadaagi doono buugaagtiisa qiimaha leh qaar ka mid ah, sida kuwa ka hadlaya ciyaaraha ay ka mid tahay Shaxdu. Waxa goobta ku tartami doona Shaxyahanno kii guulaysta, uu maalintaa heli doono hadyad qaali ah. Waa hubaal in inbadan oo bulshada ka mid ahi ay maqleen bandhigga Carwada caalamiga ah ee Hargeysa oo uu ahaa Jaamac ninkii bilaabay, ilaa maantana gacanta ku haya. 

Wakhti fiican ayaa maalintaa lala qaadan doonaa Jaamac M Jaamac, oo su'aalo badanna la weydiin doono. Carwada buugaagta ayaa maalintaa ka madhnayn oo goobta waxa aad ka heli doontaa buugaag farabadan oo aad iibsan karto. 

Goobtu waa guriga dadweynaha ee xaafadda Rinkeby, saacadduna waa 15:00 maalinta axadda ee taariikhdu tahay 17 abril 2016.

Qabanqaabada hawsha waxa iska kaashan doona Ururka Badda Cas iyo Ururka Qoreyaasha Somaliland laanta Sweden iyo Somaliska Kultur Förening. Wixii faahfaahin intaa dheer kala xidhiidh:

Maxamed Xirsi Guuleed, 072-253 77 20
Sayid-Axmed M Yuusuf, 076 320 89 76 

Halkan ka eeg Shaxda iyo qaabciyaaraadkeeda:

http://www.redsea-online.com/shax/ShaxIyoKombiyuuter.pdf

Nabad iyo Caano 

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.

Faallo!..."ladh" Buug Cusub Oo Uu Qoray Cabdillahi C Cige

Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey — Sweden — 7 September, 2005 Markaad aragto buugga laftigiisa, ayaad garanaysaa in buuggani uu ka duwanyahay buugaagtii hore ee afsoomaaliga ku soo bixijirtay. Qaabka buuggu u qoranyahay waa qaabka loo qaabeeyo sheekooyinka "Novel-ka" loo yaqaan. Waxaad dareemaysaa in dadka soomaalidu ku tallaabsadeen, jidkii muddo dheer kasoo xidhnaa. Kaasoo ah qoritaanka sheekooyinka, ku qotoma qaababka nolosha banii'aadamka. Intaa haddaan ku dhaafo qaabka buugga. Waxaan xasuustay faallo uu ka bixiyay Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd" buuggan la magac baxay "Ladh. Mudane Hawd wuxuu ku soo gunaanaday maqaalkiisii "qoraaga buuggan qoray, haddii buuggani yahay kiisii ugu horreeyey oo maxay noqon doonaan kuwa soo socdana."