Fortsätt till huvudinnehåll

Faallo: Buugga Maqaddinkii Xeebaha Berri-Soomaal---Xaaji Sharma'arke Cali Saalax (1776-1861) W/Q, Sayid-Axmed Dhegey

Kalhore ayuu gacantayda soo galay buugga la magacbaxay Maqaddinkii Xeebaha Berri-Soomaal---taariikh nololeedkii Xaaji Sharma'arke Cali Saalax 1776-1861. Waxaana hadyad ahaan ii siiyey qoraaga laftigiisa. Inbadan baan maqlay iyada oo qof soomaali ahi uu meel isla soo taago: "Taariikhdu ma gabbato, lamana qarin karo, mugdina ma gasho" erayadaas iyo kuwo u macno dhow. Qofkaasi waxa aanuu ogayn in maamul dhan oo talinayey 30 sannadood uu lumi karo. Sideedaba taariikhdu dadka ayey hagtaa, oo waxa ay tustaa halka laga ymi. Qofku haddaanu ogayn meesha uu ka yimi, ma garan karo halka uu u socdo. Wax kasta oo uu maqlona si yar ayuu ku qaadan karaa.



Gu'gii 1998kii ayaan dhexgalay badweynta taariikhda soomaalida gaar ahaan dhinaca Somaliland. Waxa igu dhaliyey in aan raadraac sameeyo oo bal itaalkayga aan wax uun ka ogaado bilawgii qarnigii 20-aad. Anigoo dareemay in aanay jirin buugaag ku qoran afsoomaali oo la raadraaci karo. Waxa aan bilawgiiba helay buug la qoray 1955kii. Buuggaasi xiise gaar ah ayuu i geliyey, waan sii gudbay oo helay mid la oray 1912kii, sii dhaafay mise waaba 1888kii---yaab iyo amankaag mise waa 1854kii, 1842kii-----sii soco. Meelahaa ku siman Q-19-aad markaan marayo ayaa waxa igu soo baxay mucjiso aanan horeba u maqal, duulduul magac aan dhaafsiisnayn mooyaane.

Dawlad dhan oo dhisan oo Amiirkii Herer ka baqayo, oo Doonyo leh oo awood ku maamula magaalada Saylac. Ingiriisba weli muu iman dhulkeenna. Mucjisadaasi waxa ay ahayd Xaaji Sharmaarke Cali Saalax. Haddaba buuggan aan gacanta maanta ku hayo ee aan akhriskiisa dhammeeyey waxa la qoray 2014kii. Waxa ka soo wareegtay markii aan ninkaa magaciisa iyo maamulkiisa bartay 15 sannadood. Waa shan iyo toban gu' ka dib, maanta oo aan akhriyayo buug lagaga hadlayo ninkaas maamulkiisii iyo sooyaalkiisii nololeed. Waxa aan odhan karaa waa ii farxad dheeraad ah, oo waxa buugga qoray saaxiibkay ahna guddoomiyaha Ururka Qoreyaasha Somaliland Axmed Ibraahi Cawaale oo fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa.

Qore, Axmed waa nin aad u xiiseeya taariikhda iyo isirka soomaalida wax ka ogaanshahooda. Waxa uu hore u qoray buuggii "Dirkii Sacmaallada). Buuggan uu ku soo koobay wax ka ogaanshaha xukuumaddii Sharma'arke Cali Saalax, waxa uu ka kooban yahay 95 bog, oo xog badan oo kalena ay ku jirto buugga sida---taariikhda magaalada Berbera, Bullaxaar iyo waxyaabo kale sida erayga "Abbaan". Jeldiga buugga waxa ku sawiran nin reer miyigii soomaalida u hubqaad eg oo dhinaca badda eegaya. Baddana ay ka dhexmuuqato doonni yar oo shiraac leh, dhanka kale ee baddana magaalo u eg dhismaha Saylac ka muuqdo.

Buugga waxa aad ii soo jiitay, habqoraalka u adeegsiga afsoomaaliga aan lagu merganayn, ee sida kala shuban u qoran. Afsoomaaliga aad arkayso erayada qaar in qoraagu alliftay, si fahanka qofka akhriyeya ay ugu fududaato. Taasoo qoreyaasha fasax u ah in ay laba eray isla doontaan, kana dhexsamayn karaan eray aan kugu adkayn oo aad si fudud u fahmi karto. Waxa kaloo xiise gaar ah ii lahaa, raadraaca faraha badan ee uu qoraagu horteenna soo dhiagayo. Buugaagta uu raadraacay in badan magacyadooda waan arkay, halka qaar ka mid ahna aan akhriyey, kuwo kalen aanan horeba u arag. Taasi waxa ay kugu soo hagaysaa in aad rumaysan karto qoraalka aad akhriyeyso.

Xaaji Sharmaarke waxa uu ka talinayey deegaan ballaadhan oo uu gacanta ku hayey muddo aan ka yarayn 30 sannadood. Taariikhda uu gacanta ku hayey magaalada Saylac waxa ay ka soo bilaabmaysaa 1839kii----waxa aan qiyaasayaa in uu xilligaa ka hor hawlo muhiim ahaa bilaabay sida ka muuqata heshiiskii dhacay 1827kii oo uu markhaati ka ahaa. Heshiiskaas oo dhexmaray beelaha Habarawal oo maamulka Berbera gacanta ku hayey iyo sarkaal Ingiriis ahaa oo wakiil u ahaa ingiriiska. Qoraagga buggan waa Axmed Ibraahi Cawaale'e waxa uu aad uga ilaaliyey buugga in uu magacyada beelaha ku qoro. Waan dareemi karaa in uu ku baraarugsanyahay dareenka taban ee laga qaadan karo marka beel magaceed la sheego.

Waxaase hubaal ah in wax badan oo kale oo taariikh xanbaarsan lagu waayi karo marka la sheegi waayo reerka ama reeraha laga hadlayo. Tusaale meelnaba kumaan arag beesha uu ka soo jeedo Xaaji Sharma'arke oo haddii sidaa uu taariikhda ku galo, lagu murmi karo 20 sannadood ka dib. Haddaan saancaddaaluhu qorin reerka uu ahaa maanta maynu garaneen. Sidaa awgeed aniga waxa ay iila muuqataa buuggaa qiimaha leh waa in uu ku qornaadaa qoyska uu ka soo jeeday. Haddii aanan qaldanayn waxa aan buugaagta saancaddaalaha ku arkay dad badan oo kalena ka maqlay waxa uu Xaajigu ka soo jeeday beesha Habaryoonis/ Muusacarre oo aan deegaan ahaan deggenayn magaalada Saylac iyo aaggeeda toonna.

Waxa uu qoraagu dhawr jeer odhanayaa ama tilmaan ka bixinayaa sida aanuu Xaajigu beel ahaan uga soo jeedin deegaanka Saylac. Isla meelo kale ayuu tilmaamayaa qoraagu in aanuu Xaajigu maamulkiisa ka dhigin mid beel u adeega ama aanay maamulkaba ka dhexmuuqan cid reerkiisa ka soo jeedda. Halka maamulka ay u hayeen Canfar, Carab, Yuhuud iyo Hindi---dabcan soomaaliduna kama madhnayn oo xaakimkuba waxa uu ahaa nin ka soo jeeda beesha Hawiye. Arrimahan uu tibaaxayo qoraagu waa kuwo xiise gelin kara akhristaha, balse waa kuma Xaaji Sharmaarke sidaa kuma dhamma, waa in la raadraaci karaa qoys ahaan beesha uu ka soo jeeday.

Waxa kaloo qoraagu ka hadlay dhawr jeer Berbera oo uu si la mid ah sida aanuu xaajiga beeshiisa u sheegin, ka gaabsaday maamulka Berbera. Buugaagtaas taariikhda galay iyo sida aynu jiilalkii hore ka soo gaadhnay, waxa maamulka Berbera loo daba fadhiisan jiray muddo dheer laba beelood oo abbaanimada ama wakiilnimada gacanta ku hayey. Waxa ay kala ahaayeen Yoonis Nuux iyo Axmed Nuux, buugaagta qoran xilliyadaa hore waxa ku qoran Caaila Axmed iyo Caaila Yoonis. Dabcan odayaashii beelaha Nuux Ismaaciil ayaa maamulka gacanta ku hayey, balse marna may noqon sidii maamul casri ah oo ciidan iyo hub iyo kala danbayn dawladeed leh. Sida uu Sharmaarke u dhistay maamul, looga baqo ilaa Herer.

Marka taariikhdan wax laga qorayo, tii la yidhi oo waa la yidhi socon mayso. waxaanay keeni kartaa muran horeba loogu maaro waayey. Waxa ay dishaa taariikhda intii wanaagsanayd ee loogu faani lahaa adduunyada kale. Maanta haddii qoraallo badan ay inoo qornaan lahaayeen oo ku saabsan xukuumaddii Sharmaarke, dee waxa ay ahaan lahayd wax aynu iskaga difaacno, marka la inna leeyahay annaga oo saancaddaale ah ayaa maamulka idin barnay. U fiirso saylac intii uu ninkaa soomaaliyeed ka talinayey waxa ay ahayd magaalo xooggan, dhaqaale iyo cududba. Ilaa Tojoro ilaa Herer ayaa laga cabsi qabay xoogga maamulka soomaalida ee Saylac. Marka aad sidaa u dhigto ee aad tidhaa maamulkii soomaalida ee Saylac, waaa taariikh run ah oo aad lahayd haddaad tahay soomaali. Meelkastaba joogoo faan bay kuu tahay.

Ugu danbayn, waxa aan leeyahay qoraa Axmed Ibraahin, dedaalkaaga Ilaahay ha kaa abaalmariyo. waan dareemayaa hawshan oo kale culayska ay leedahay. Meelo badan oo u baahan in dib loo eego ayaa jira, baadhitaan qoto dheerna lagu samayn karo. Sida doonnida Brig Mary ee Berbera ku soo xidhatay meel u dhow 1825kii. Ilama aha in cunaqabatayn reer Berbera ay ka baqeen,oo doonyaha xilligaa u iman jiray may ahayn kuwo ingiriisku leeyahay. Wax badan baana halkaa ku duugan oo baadhis u baahan. Kabtankii berigaa heshiiska la galay oo aan raadraac ku sameeyey, waxa uu ila sii galay Ustareeliya iyo jasiiradaha u dhow. ka daba tag ayey doonnidaasi u baahantahay, iyo halkii uu ku danbeeyey Xaaji Sharma'arke Cali Saalax.

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed Dhegey
01 Maarij 2016 Iswidhan/Stockholm

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.