Fortsätt till huvudinnehåll

Faallo Kooban oo ku Saabsan Guddoomiyihii Xisbigii SNL ee 26 Juun 1960kii Xaaji

Dhawr maalmood ayaa laga joogaa maalintii loo dabbaaldegayey 56 guuradii ka soo wareegtay maalintii la dejiyey calankii Ingiriiska ee la saaray calankii soomaalida. Goobta xorriyadda ee Hargeysa ayaa nasiib u heshay in la saaro calan soomaaliyi leedahay oo u gaar ah. Calanka maalintaa la saaray oo ahaa kii loogu talo galay Jamhuuriyaddii Soomaalida, oo ahayd tan iyo Jabbuuti ilaa NFD, waxa uu ahaa kan midabka buluugga ah leh ee xiddigta shanta gees ee muujinaysa shanta soomaaliyeed leh.


Sawirka kuu muuqda waa 
IHN, Xaaji Cumar Askar
(Copyrightka sawirka waxa iska leh Maxamed xaji Cumar Askar.) 


Maalintaasi farxad bay ahayd, laakiin lama saadaalin karayn sida soomaalidu iyaga laftigoodu isu cuni doonaan. Dhibaatooyinkii soo maray soomaalida ee keenay burburka iyo dhibaatada, kuma koobnaan oo keliya guryaha iyo maalka burburay ee naf iyo maalba waa lagu baaba'ay. Waxaase ka sii daran sida taariikhduna ugu sii luntay hirdankii iyo iska caabbintii dhexmaraysay xukuumadihii dalka soo maray. Haba ugu darnaato tii milleteriga ahayd oo wax kastaba cagta hoosteeda gelisay. Waxa aan xasuustaa taallo loo sameeyey Xisbigii SYL oo ku taallay magaalada Muqdisho oo la dhisay siddeetamaadka horraanteedii ayaa lagu daray Maxamed Siyaad Barre in uu ka mid ahaa 13kii xubnood ee aasaasay SYL.

Maalinkaa maanta ah ee aan qoraalkan qorayo, waa hubaal in aanay soomaalida badidoodu aqoon u lahayn Xaaji Cumar Askar oo ahaa guddoomiyhii SNL ee 26 Juun 1960kii. Xibiga SNL waxa la aasaasay 1952kii waxaana uu ka dhacay shirweynihii lagu aasaasay Xisbigaas magaalada Sheekh oo berigaas ka tirsanayd degmada Berbera. Maalmahaas la aasaasay Xisbiga SNL waxa ay ahayd markii ugu dareenka xoogganaa ee dadku ku baraarugeen in ay maamul goonni ah samaysan karaan. Waxa uu dareemay Ingiriisku in kacdoonkaasi uu gilgili doonno, sidaa darteed ayuu bilaabay waxqabad uu indhaha dadka ku soo jiito. Dhismayaal dhawr ah ayuu hirgeliyey, waxa kaloo uu bilaabay in la sameeyo gole baarlamaan oo ka kooban soomaali iyo ingiriis.

Dhaqdhaqaaqaas oo uu dhinac waday isku daygii uu markii hore ku hungoobay ee ahaa maamulkii Muqdisho ilaa Ogaadeeniya, ilaa NFD oo gacanta ingiriiska gashay 1941kii. Markii iskudaygaas hore ee Soomaaliweyn u hirgeli waayey ayuu doonay in uu kala jarjaro. Waanuu ku guulaystay, maalmahaas kala googooynta uu waday ayaa waxa ka horyimi kacdoon aad u xoog badan oo markii danbe isu rogay Xisbi siyaasi ah oo uu hoggaaminayey Maykal Maryamo, ku xigeenna uu u ahaa Axmed Xasan. Xisbigaas oo la odhan jiray NUF waana Xisbigii suurta geliyey in wefdi loo diro Ingiriiska 1955 waa uun sannad ka dib markii Ingisriisku ku wareejiyey Hawdka Soomaalida, boqortooyadii Xayle Salaase.

Xisbiga NUF aad looma taageerin, sababo dhawr ah awgood, laakiin Xisbiga SNL ayaa noqday mid taageeradiisu cirkaa isku shareerto. Markii la soo gaadhay doorashadii bishii feberweri 1960 kii ee lagu kala dooranayey in maamul gaar ah reer Somaliland yeelato iyo in ay gacantii maamulkii Ingiriiska ku sii jirto. SNL waxa ay heshay 20 kursi oo ka mid ahaa 33 kii kursi ee baarlamaanka. Taasoo ahayd aqlabiyad weyn. Sebankaas waxa guddoomiye ka ahaa Xaaji Cumar Askar, oo ahaa nin cibaado badan, aqoonta uu diinta islaamka u leeyahayna ay aad u fiicnayd. 

Berigaas xildoonku muu badnayn, dadka inta u ordaysay xilku wuu yaraa. Waxaana looga danbayn jiray intii afka qalaad wax ku qoraysay, ingiriisi iyo talyaani. Waana marka keliya ee soomaalidu ka tagtay afcarabigii. Waayo, intii ingiriisku joogay waxa xoogbadnayd adeegsiga afcarabiga. Dadka maamulka siyaasadeed hayeyna waxa ay u badnaayeen culimada diinta Islaamka. Waxaad mooddaa in aynu dhaannay markuu joogay Ingiriisku, oo lagu adkaa shareecada diinta Islaamka, Waxaana jiray maxkamadaha shareecada Islaamka, laakiin markii aynu xorriyad-kusheegta qaadannay waa la baabi'iyey maxkamadihii shareecada diinta Islaamka.

Qoraalku, meelo badan buu ila sii maray, ee aan ku soo noqdo. Xaaji Cumar Askar. Sida la caddeeyey Xaajigu, markii xorriyaddii la qaatay ayuu yidhi: Wixii intaa ka danbeeya anigu xildoon maan ahayne dhallinyarada hallagu wareejo. Fududayntaasi waa ta keentay in Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa xoghayihii guud ee Xisbiga uu xilkii si dadban ula wareego. Halkaasi ma cadda, mana arag meel si fiican u qeexaysa. Waayo, waxa ay ahayd in uu jiro guddoomiye xigeen, ama in la doorto guddoomiye cusub. Si xaal ahaaba waxa kuu soo baxaysa, in aan cidi isku qabsan, oo hunguriga maanta jiraa aanuu berigaa jirin. Waxa kuu sii caddaynaysa magacaabistii afar wasiir oo kala ahaa Maxamed I Cigaal (SNL), Axmed xaaji Ducaale Keyse (SNL), Garaad Cali Jaamac (Oo ahaa Xisbigii USP), Xaaji Yuusuf Iimaan (SNL) iyo Xaaji Ibraahin Nuur (USP).

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa ku magawnaa wasiirka koowaad. Taasoo ku tusaysa isbeddelka ku dhacay Xisbigii SNL ee uu xoghayaha ka ahaa. Haddaba xaggee ka baxeen odayaashii soo hoggaaminayey Xisbigii SNL? Waxa muuqata, in hawshoodu ku ekayd tuurista heeryada Ingiriiska oo beryahaa si aada farta loogu fiiqay. Xaaji Cumar Askar oo wasiiraddaa u noqon lahaa madaxweyne hoggaamiya, Hargeysa ayuu ku hadhay, isagoo dardaarankiisu ahaa Israac aan shuruudi ku xidhnayn. Ilaahay ha u naxariisto Xaaji Cumar Askar, in badan oo ka sokaysay maalintaa uu guddoomiyaha ahaa SNL ee halganka ku jiray, lama soo hadalqaadin. Lama yaqaan magaciisa, taariikhdiisa, halgankii uu hoggaaminayey, midnaba lama qorin, lagama sheekayn, meelo kookooban mooyee.

Waxaana la mid ah dhamaan intii soo hoggaamisay Xisbigii SNL. Tusaale ahaan, Xaaji Cumar Askar, waxa uu xilka kala wareegay Sheekh Xasan Geelle oo isagana aan taariikh badan laga hayn, lagana qorin. 

Xaaji Cumar Askar waxa uu ku dhashay deegaanka Hargeysa, qiyaas ahaan gu'gii 1917kii. Waxa uu geeriyooday 1983kii. Sidaa aan isaga looga hayn taariikh badan ayaan laga hayn hoggaankii USP iyo NUF. Tusaale kooban, waxa aan ogaaday in ku xigeenkii Xisbigii NUF uu ahaa Axmed Xasan, oo waxa lagu heesi jiray "Maykal waa kiristan Axmed baa Muslinee raaca yaa waddanii". Oo looga jeeday, in hoggaankii NUF uu ahaa Maykal Maryama oo haystay diinta masiixiga, sidaa awgeeed Axmed oo isagu ahaa nin muslina ayaa taageerayaashu tilmaamayeen si loogu helo xisbiga taageero badan. Waan hubaa oo garanmaysid Axmed Xasan oo ahaa halgamaa caan ka ahaa Somaliland, laakiin aan ku tilmaamo inankiisu waa Siciid Axmed Xasan aasaasaha Jaamacadda Golis. Taasaad ila garanaysaa, taariikhdaa aan wada raadinno, qorno oo kaydinno. Jaamacadda Golis ha bilawdo oo ha maal geliso taariikhdaas sii dabaqabashada leh.

Waxa aan ku soo gebagabaynayaa, dhammaan dadka Soomaaliyeed waa in ay si daacad ah u ururiyaan taariikhdooda. Haddaii aad aragto qof raadinaya taariikhda Jabbuuti waa inaad taageertaa, waayo waxa uu raadinayaa waa taariikh Soomaaliyeed. Haddii aad aragto Qaybta Soomaalida ee Kiiniya la raadi taariikhda waa taariikh soomaalidu leedahay. Meel kastaba oo soomaalidu degto maamulkay doontoba ha lahaatee waa taariikh dadka isirkoodu soomaalida yahay ay wada leeyihiin.


Raadraac:
- Somaliland (Sooyaalkii Somaliland ka Hor 26 Juun) 2009 Stockholm Sayid Maxamed Yuusuf.
- Macallin, Ambasadoor Cabdillaahi Ibraahin Jambajambe
- Maxamed Xaaji Cumar Askar

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)
02 Julay 2016

Kommentarer

Skicka en kommentar

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.