Fortsätt till huvudinnehåll

Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar) waa Halyey u Hiiliyey Ubadka soo Koraya

Qofka dedaalka badan, had iyo jeer wuu ka dhex muuqda bulshada. Waxaase lagu eegaa laba indhood oo kala taggan. Qofbaa ku eega indho togan oo dedaalka qofkaas ayuu kol kasta ku farxaa oo u duceeyaa. Isha kale waa mid taban oo mar kasta ka naxda qofka dedaalaya. Labada indhood waxa kala saari kara dadka. 

Dhibaatada inna haysata inta badan waa innaga oo aan sheegin qofka dedaalka badan, ee weliba dedaalkiisu aanuu kala go' lahayn, ee aan dan gaar ah ku wadan, ee aan dhaqaale ku qabin. Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar) Waxaanu is barannay muddo haatan laga joogo 8 sannadood, waxaanse dareemaa in aanu isnaqannay in ka badan 20 sannadood. Sababtoo ah, xidhiidhka aanu lahayn muddadaa 8 sannadood ah ayaa ka badan 20 sannadood. Xogogaalnimada aan u ahay hawlaha uu inta badan wado ayaa igu dhiirrigeliyey in aan qoraalkan idiin soo gudbiyo.


Bilawgii aanu isbarannayba waxa uu gacanta ku hayey buug la magacbaxay "Hantaaqo Jacayl", markii buuggaasi soo baxay, ayuu talo iga weydiiyey sidii uu u abaabuli lahaa urur dhallinyaro oo magaaladan Stockholm ka hirgala. Anigoo uu igu tuhmayey waaya-aragnimo aan dheeraa gaar ahaan da' ahaan iyo inta aan deggennaa Stockholm, Kumaan dhiirrigelin urur si degdeg ah inta loo sameeyo iska burbura uu ka qaybqaato. Waayo dadkeennu urur-wadaagga ma yaqaannaan. Si kastaba xaalku ha ahaadee, Muuse dedaalkiisii waxa uu sameeyey "Naadiga Akhriska Stockholm" oo aanu barbar istaagnay aniga, Maxamed Xirsi Guuleed iyo Yuusuf Xaaji Cabdillaahi Xasan oo ah odayaal muddo dheer Stockholm deggenaa. 

Waxa uu Muuse bilaabay wacyigelin dhinaca akhriska iyo qoraalka ee dhallin iyo waayeelba magaaladan Stockholm. Waxa aan xasuustaa in aanu bishiiba mar ama laba jeer qaban jirnay kulan lagu dhiirrigelinayey qoraalka iyo akhriska, Buugaagta la soo bandhigay ayaan tiro lahayn, dedaalka kale ee abwaannada, qoraayada iyo arrimaha bulshada ayaa si weyn abaabulkooda uu Muuse u galay. Dabcan saddexdayadaasi mar kasta waanu ku barbar taagnayn, wixii uu nooga baahdana diyaar baanu ula ahayn. waayo waxaanu arkaynay in uu hayo shaqo QARAN.

Muuse halkaa kuma joogin ee dhanka carruurta yaryar ayuu bilaabay barnaamijyo lagu kobcinayo garaadkooda. Waxa uu ka bilaabay maktabadaha Stockholm in uu carruurta u sameeyo maalmo gaar ah oo loo sheekeeyo, laguna dhiirrigeliyo afsoomaaliga iyo ku hadalkiisa. Hawlahaas oo dhan waxa uu Muuse qabanayey waa xilliga yar ee uu nasashada ka haysto shaqadiisa caadiga ah. Xilliyada qaar waxaan hubaa in aanu barnaamijyo wacyigelin ah qabannay in ka badan 15 jeer sannadkiiba. Waxa aan hubaa in ururada ka jira Stockholm ee soomaalidu leedahay ka badan yihiin 500 oo urur, oo caawimo ka hela hay'adaha dhaqanka ee Iswidhan, mana qaban karaan laba jeer oo keliya sannadkii kulan waxtar leh. Halka Muuse uu xilliyada qaar gaadhay in uu bishii sameeyo afar kulan oo laba carruurta yihiin, midna dhaqanka guud midna buugaagta uu yahay.

Intaa waxa dheeraa, Rawaayaddii (Tayo beelka carruurtu waalid buu tebayaa) oo in badan laga dhigay Stockholm, iyo xataa Somaliland. Abaabulka Rawaayaddaas oo aan ka agdhawaa talo iyo tusaalena ku lahaa, waxa ka galay kharash badan, oo aan ogahay in aan waxba uga soo noqon. Haddii Muuse ka dhalan lahaa bulshooyinka qaar, waan hubaa in uu noqon lahaa qof magac iyo maamuus ku dhex leh dadkiisa. Halka laga yaabo in--- in badan oo innaga mid ahi ay Muuse u aragto, qof  wax ku cunaya magaca barnaamijyadaas carruurta. Yaab iyo amankaag. Tolow! miyeynaan kala saari karin halyeyga iyo hacooga? 

Beryahan ugu danbaysay Muuse waxa uu Naadigii Akhriska u bedelay in uu ka dhigo urur ballaadhan, oo dad badani ku jiraan, joornaalistayaal, qorayaal, farshaxanno Iswidhish iyo soomaaliba ka kooban. Waxa ururkii loo bixiyey "Somali Nordic Culture" waxa uu noqday ururkaasi kii ugu horreeyey ee soo saara Magazine u gaar ah carruurta. Kaasoo la yidhaa CARRUURTEENNA, waxa uu ka soo baxaa Hargeysa iyo Stockholm. Ma fudada in wargeys noocaas ah oo aan lacagi kaa soo gelayn la soo saaro saddexdii biloodba mar. Waxa maalmahan aynu aragnaa Muuse oo dhexjooga Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo uu isugu keenay carruur ka badan Saddex boqol oo carruur ah. Dabcan waxa mahad leh inta kala shaqaysay ee Fardaws M Dheere kow ka tahay iyo maamulka Xarunta oo si hagar la'aan ah u soo dhaweeyey. 

Hawlaha imminka uu Muuse ka wadao Hargeysa, muddadii fasaxiisa ahayd waxa ku wehelisa Matilda Wallin oo ka shaqaysa Maktabadda Caalamiga ah ee Stockholm. Waxa uu Muuse ku qanciyey gabadhaas in ay tegi karto Somaliland, in ay soo arki karto bulshada reer Hargeysa oo si xor ah u nool. Waxa ay aad u xiisaysaa buugaagta ku qoran afafka aan ahayn Iswidishka, gaar ahaan afsoomaaliga ayey si gaar ah isha ugu haysaa, oo ay aad u dhiirrigelisaa had iyo jeer.

Waxa aan ku soo afmeerayaa qoraalkan. Halyey u Hiiliyey Ubadka Soomaaliyeed, Taariikhdaa Xusi doonta maanta iyo Berriba. Ilaahay ha kaa abaalmariyo dedaalkaaga wanaagsan. Soomaalidaa tidhaahda, haddii la gu sheelo waa la is sheegaa, haddii lagu sheegana waa la is sheelaa. Dee waanu ku sheegaynaa oo sheegaynaa Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar), dedaalkaagaana halkaa ka sii wad.

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)
21/07/2016 khamiis/Stockholm

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.

Faallo!..."ladh" Buug Cusub Oo Uu Qoray Cabdillahi C Cige

Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey — Sweden — 7 September, 2005 Markaad aragto buugga laftigiisa, ayaad garanaysaa in buuggani uu ka duwanyahay buugaagtii hore ee afsoomaaliga ku soo bixijirtay. Qaabka buuggu u qoranyahay waa qaabka loo qaabeeyo sheekooyinka "Novel-ka" loo yaqaan. Waxaad dareemaysaa in dadka soomaalidu ku tallaabsadeen, jidkii muddo dheer kasoo xidhnaa. Kaasoo ah qoritaanka sheekooyinka, ku qotoma qaababka nolosha banii'aadamka. Intaa haddaan ku dhaafo qaabka buugga. Waxaan xasuustay faallo uu ka bixiyay Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd" buuggan la magac baxay "Ladh. Mudane Hawd wuxuu ku soo gunaanaday maqaalkiisii "qoraaga buuggan qoray, haddii buuggani yahay kiisii ugu horreeyey oo maxay noqon doonaan kuwa soo socdana."