Fortsätt till huvudinnehåll

Gefka taariikheed iyo guriga Madaxtooyada Xafladii 26 Juun, 2016 Mareegaha ....Farshaxan. Juun 25, 2016



Goorsheegta qaarada Ameerika ee gobolada dhexe ayaa ku beegan 4:16 galabnimo, waxaa dalka Soomaaliland magaalo madaxdiisa Hargeysa siiba guriga madaxtooyada ku soo gabagaboobey barnaamij ka socday. Waxa barnaamijkaa lagu xusayey 56 guurada ka soo wareegtay maalintii hanashada calanka dalka Soomaaliland ee loo boqno-gooyey midawgii shantii Soomaaliyeed. Xafladaa aad baa loo bilay, Rabadaan bay aheyd oo dadku muuqaal ahaan way nuurayeen, kana reebanaaayeen isdhex-galka marwooyinka iyo mudanayaasha . 


Xafladaa waxaa daadihinayey wariyaha caanka ah ee Yoonis Cali Nuur oo dhawr jeer ku celceliyey mahadnaqa Ilaahay. In badan oo saaxiibadiisii dhinaca shaqada ahaa markey shaqo fadhiisin galeen may hellin meel ay ku noqdaan oo hoy u ah, waxaaney ku sugan yihiin qurbo iyo nolol qaxootinimo. Hase yeeshee isagu wuu helay inuu dhulkiisii hooyo oo nabad ah, xor ah , horumar badani ka muuqdo uu dhex mushaaxo. Yoonis oo daadhinta barnaamijka ku guda jira ayaa ku soo dhaweeyey Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdile “Shaacir”. 

Yoonis wuxuu ugu soo dhaweeyey abwaanku inuu maanso tiriyo, hase yeeshee abwaan Yuusuf wuxuu ka door biday inuu dul ka xaadis ku sameeyo taarikhdii bulshada reer Soomaaliland ee lixdankii ka hor. Talo waxay isku yaacdey markuu dhex fadhiistay. Dadaal badan oo lagu yaqaan Yuusuf siiba ururinta taariikhda dhinaca suugaanta ayaa looga bartey. Waanu ku mahadsan yahay. Ujeedada qoraalkanina waa sixida taariikhdaa uu qaldey. “ 1948 waxaa dalka Soomaliland yimid Karal “ ayuu yidhi Yuusuf. 

Waan yaabey oo waxaan is idhi malaha magaca ayuu khaldey ee uma jeedo Karal. Hase yeeshee wuxuu sii wadey inuu sii faahfaahiyo ninkan, waxaanu yidhi: “ Karal waa ninkii calanka Ingiriiska gacanta laga saarey ee markii uu Saqadhi Dubad soo dajiyey u gudbiyey” . Waxaan indhaha la raacey kamaradii oo dadka ku tusaysay. Waxaan arkayey marwo Edna, Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde, mudane Xaaji Cismaan, M/Weyne Axmed Maxamed, mudane Saleebaan, iyo dad kaloo aad u garanaya gefkan meesha ka dhacey. Indhahooga lagama dareemeyn diidmo. 

Mar kale ayuu Yuusuf Shaacir faahfaahintii sii wadey , yidhina:” Karal wuxuu ka yimid oo laga soo badaley dalka Kiiniya”…… Waxaanu kuladhey maansadii uu Cabdilaahi Qarshe(IHUN) uu socdaalka ka tiriyey: Ka kacaay ka kacaay Kama kama yimidee Ka ka kacaay Markii uu maansadaa tiriyey waxaan is lahaa wuu isa saxi oo maansada ayaa sheegaysa ninka yimid 1948kii dalka Soomaaliland.Hase yeeshee kaalmo umay noqon. 

Waxaan is lahaa ugu danbeyn Yoonis Cali Nuur ayaa si qurux badan u odhan :” Abwaanka labada magac ayaa iskaga khaldamayee , waa laba nin oo kala duwan dhaqana isku laheyn”. Taasi may dhicin waxaa ka danbeeyey Mudane Cismaan Indhoole oo labada ninba la shaqeeyey ayaa cod baahiyii qaatey, may dhicin inuu arinkaa saxo.. Waa gef taariikheed oo dhalinta loo gudbinayo in la saxana u baahan. Yuusuf wuu dadaaley, waana bani aadam umana malaynayo inuu santaag ku kalifi lahaa inaanu qaadan khaladkiisa. 

Waxay tani i soo xasuusisay bishii Juun, 2013 ayaa mudane Shucayb Maxamed Muuse oo ahaa gudoomiyaha degmada Gabiley, iminkana ah wasiirka warshadaha ayaa cod baahiyaha ku soo dhaweynayey Axmed Ismaaciil Samater . Waxaanu yidhi “ Axmed ISmaaciil Samater waa qofkii ugu horeeyey ee dugsi laga qoro Gabiley, nambarkiisuna wuxuu ahaa no.1” waliba intaa kumuu dhaafinee isagoo sii faahfaahinaya ayuu ku darey :’ Waliba faras ayaa ilaa Kalabeydh lagaga soo galibiyey”… Waxaa goobjoog ah mudane Daa’uud Kheyre oo ka mid ahaa ardeydii ugu horeysay ee laga qoray magaalada Gabiley. 

Waxaa sidoo kale ardeydaa ka mid ahaa Camaje, Nuur Sheekh, Aakhiro Sabaan, Maxamed Jaamac Qaline, Daahir Gabiley , Yuusuf Cabdi Ibraahim, iwm ..(Ilaahay ha u naxariisto inta dhimatey, inta noolna cimri dherer iyo caafimaad qab) , Axmed ISmaaciilna kamuu mid aheyn ardeydaa. Ayaandaro waxay ka dhacdey Daa’uud kheyre gefkaa muu sixin,Axmed Ismaaciil Samaterna muu odhan sidaa dhacdadu may aheyn ee gef taariikhda galey oo sixid u baahnaa iga dheh.. Si gefefkaasi aaney dhalinta danbe ee qalinka u heelani u qorin aynu ka warano sida xaqiiqadu tahay: KAMA-KAMA iyo KARAL waa kuwama: Labada nin waxay u shaqeynayeen Maxmiyadii Ingiriiska oo ay u joogeen Somaliland British Protectorate(Iminkana ah dalka Jamhuuriyada Soomaaliland ). 

Waxaaney kala ahaayeen Gerald Reece oo badhasaab ahaa iyo P. Carrel oo xilal kala duwan soo qabtey kuna bilaabey gudoomiyaha shaqaalaha. Kama-kama waa naaneystii ay dadka reer Soomaaliland u bixiyeen .Wuxuu ahaa magaciisa oo buuxi Gerald Thomas Reece . Wuxuu dhashey bishii Janaayo 10dii , 1897kii, geeriyoodayna bishii Oktoober 14dii, 1985kii. Xaaskiisuna waxay aheyd Lady Alyse Reece oo nooleyd mudadii u dhaxeysay bishii Maarso 13dii, 1912kii ilaa ay geeridu ka haleeshay bishii Janaayo 18dii, 1995kii .Waxaaney noloshooda intii u danbeysay ee shaqo ka fadhiisigiisii ku dhameysteen degaanka East Lothian ee wadankiisii Scotland.Wuxuu dhisay dugsiga hoose/ dhexe ee Riis oo ku yaala Xaafada New Hargeysa looguna magac darey. 

Wuxuu ka hawlgaley dagaaladii Dalalka Faraans iyo Beljam ee gu’gii 1915kii.Wuxuu takhasus ku qaatey aqoonta garyaqaanimada, kagana shaqeeyey gu’yaashii u dhaxeeyey 1921-1925kii magaalada Londhon, hase yeeshe wuxuu xiiso dheerada u qabey ka shaqeynta dalalkaa ku hoos jiray gacanta Ingiriiska.Waxaanu ku biiray maamulkii Ingiriiska ee joogay dalka Kiiniya siiba NFD gu’gii 1925kii. Waxaa gudoomiye degmo (Distric commissioner) looga dhigay degmada Mooyaale gu’gii 1932kii . Wuxuu markii danbe ka noqdey badhasaab NFD , sidaa darteed aqoon buuxda ayey u lahaayeen dadyowga Soomaaliyeed ee halkaa deganaa. Waxaa halkaa dadka deganaa ka mid ahaa Cabdilaahi Qarshe(IHUN). Bishii Noofember 1948kii ayaa Gerald Reece loo soo badaley British Somaliland Protectorate , Halka uu badaley Gerlad Thomas Fisher oo xilkiisu dhamaadey bishii Noofenber 15, 1948kii hayeyna xilkaa ilaa 3 Maarso 1943kii . Waxaa isla gu’gaa 1948kii yimid dalka Soomaaliland Cabdilaahi Qarshe oo aqoon u lahaa Gerald Reece. 

Waxaanu tiriyey maansada Ka kacaay: Ka kacaay kacaay Ka kacaay Kacaay Kama Kama yimidee K a kacaay kacaay Ka kacaay kacaay Ka kacaay Kacaay Kiiniyuu gubayee K a kacaay kacaay Ka kacaay kacaay Ka kacaay Kacaay Kilaab afaraa inoo kulantee Illaaha ka weyn Ayaa kicin Dadka reer Soomaaliland aad ayey u soo dhaweeyeen aragtihiisii, waaney u riyaaqeen.Wuxuu hirgaliyey in dugsiguii ugu hreeyey ee farsamo la sameeyo.Wuxuu hirgaliyey inuu sameeyo Chief Caaqil si caaqilada isku batey nidaam loogu sameeyo.Wuxuu la yimid aragtida ah in goomiyayaasha degmooyinku xafiisyada ka baxaan oo dadka dhex galaan si ay uga war hayaan xaalka bulshada ay maamulayaan. 

Waxaa ka danbeeyey oo xilkaa badhasaabnimada kala wareegay Thoedore Ousley Pike isna xilkaa ku magacawnaa bishii Febraayo 1954kii ilaa Luulyo 1959kii . Dadka reer Soomaliland-na waxay ku naaneysi jireen Laba Sacle.Halkaa uu markaa isaga ka dib xilka la wareegay badhasaab Douglas Hall oo xilkaa ku magacawnaa ilaa Luulyo 1, 1960 , hase yeeshee ka baxey dalka ka hor xornimadii Juun 26, 1960. Theodore Pike wuxuu galey shaqo fadhiisin (retirement) bishii Juun 1959kii, hase yeeshee Douglas Hall oo badali lahaa ayaa yimid dalkii Soomaaliland bishii July 13, 1959kii oo uu la wareegay xilkii… Waxaa xilka xoghayaha guud hayey muddo badan ee Mr. J.R. Stebbing.

 Hase yeeshee Theodore Pike ayaa magacaabey xoghayaha guud inuu noqdo P. Carrell bishii January 1959kii . Goihii la tashiga ee uu hanaqaadey gudoomiye Gerlad Fisher ayaa hirgalay xilligii Gudoomiye Gerald Reece -Kama-kama. Golahani wada tashigu wuxuu suurtogaliyey in ay timaado dooda ah sida loo samaynayo golaha xeer-dajinta oo ay reer Soomaaliland u yaqaaneen Majlisu tashriicii ( oo ah af-carabi), ingiriisina ku noqonaysa (Legislative Council). Karal ( P Carrell) wuxuu haystay shaqaalaha. 

Hase yeeshee bishii May 1957kii ayaa la hirgaliyey in la sameeyo golihii xeer dajinta oo ka koobnaa 15 xubnood oo 9 xubnood ahaayeen maamulkii Ingiriiska , halka 6da kale ahaayeen dadkii u dhashey Soomaaliland. Xubnahan ayuu ka mid ahaa P Carrel oo markii hore ahaa madax shaqaalaha, hase yeeshee xilligan loo dalacsiiyey inuu arimaha Soomaalida maamulo ( Somali Affairs Commissioner) ee Somaliland, Hawd , iyo Reserve Area. Sidoo kale ayaa mar kale loo dalacsiiyey inuu noqdo OBE (Order of British Empire). Waxay aheyd darajo la siin jiray sarkaalka xilkiisa ka soo baxa ku aadan u adeegista maamulka Ingiriiska ee ugu wanaagsan ( Most Excellent). Wuxuu ahaa nin dhaqan xun, aad ugu ad-adag dadka reer Soomaaliland. Had iyo jeer isdiidmo joogto ahi ka dhex dhici jirtay isaga iyo dadka reer Soomaaliland. Markii ay soo dhawaatey xornimo qaadashadii ee aheyd in la dajiyo calanka Ingiriiska ayuu Douglas Hall oo ahaa badhasaabkii ka huleelay.Dhaqanka Ingiriiska waxaa u caado ah inaan qof madax ahi meel calanka Ingiriiska la dajinayo joogin ee nin caadiyi joogo . Sidaa darted ayaa loo xushay Carrel inuu noqdo ka calankaa Ingiriiska soo qaada marka la dajajiyo. Waa halka uu Saqadhi Dubad ugu dhiibay calanka Ingiriiska markii la dajiyey. 

Maansooyink badan ayaa lagu soo hal-qabsadey iyadoo la tilmaamayo maamul xumo, kibir, santaag, iwm. Waa kii Abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye”Qaasim” oo ka waramyey dawladii rayidka aheyd ee badashey Ingiriiskii iyo Talyaanigii lahaa: Dambi ku hadli maayee ma arag dawladaan rabayee, Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galayee, Dusha midabka soomaalibaad dugulka moodaayee, Misna laguma diirsade qalbigu waadirkii Karal'e Meeshaan dad aan ururshiyo darar ka eegaynay, Iyaba waa darxumo ii hadhayee dacaro miyaan leefay, Ma darraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay, Sidii aan dayaysnahay miyaan dawga ka habaabay. 

Waxba hadalku yuu ila durkinee waxaan kusoo duubay, mar uunbuu daf soo odhan nafsigii diinku soo jiidayee, mar uunbay daruur caafimaad dooxa soo rogiyee, Markii dhawr qof iskaga danbeeyeen madashii ee ay hadalo ka soo jeediyeen ayaa Yoonis Cali Nuur sheegay in TV-ga qaranka iyo Raadyow Hargeysa soo diyaariyeen barnaamij kooban oo taariikhda Soomaaliland wax ka tilmaamaya. Waxaa barnaamijkaa soo saare ka ahaa Xuseen Cabdilaahi Deeqsi . Waan soo dhaweeyey waayo Xuseen Deeqsi waa mid ka mid ah weriyayaashii hore,in badana ku soo jiray shaqada saxaafada, fiiro gaar ahna u yeelan doona ka run sheegida arimaha taariikhda. 

Barnaamijkii oo sidii la filayey aan laheyn xidhiidhin taariikheed ee bood-bood badan ka muuqdey ayaa u booday geeridii Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Wxuu yidhi “ Waxaa Cabdirashiid Cali Sharmaarke la dilay bishii Oktoobeer 20dii, 1969kii”. Waxaan is idhi malaha maalinta ayuu khaldey ee sii dhageyso si uu u saxo. Waabu sii wadey oo ku sii ladhey :“Maalin ka dib ayuu dhacey inqilaabkii uu hogaaminayey kacaanku “. Qaladkaana lama sixin ee sidii dhago la’aaneed ayaa lagu dhageystay. Hadda waa barnaamij dhan oo la soo diyaariyey, la soo ahbeeyey,laga soo shaqeeyey, kharash ku baxey, waqti badani ku lumay sidii loo soo saari lahaa. Si kooban Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxaa magaalada Laas-caanood lagu toogtay bishii Oktoober 15dii, 1969kii, inqilaabkuna wuxuu dhacey bishaa Oktoober 21dii, isla gu’gaa 1969kii . 

Waad garankartaa inta maalmood ee u dhaxeysay akhriste……….. Ujeedada qoraalkani waa in taariikda bulshada reer Soomaaliland la qoro, la ilaaliyo, loo heelanaado in mar walba laga ilaaliyo il-duufka iyo caadifada. Waa in sidoo kale lagu kaydiyo qoraal , waana hawlaha ay mareegaha Farshaxan u banbaxeen, waqti badan iyo kharashba u hureen iyagoon ku doonayn abaal ee u arka inay tahay xil saaran qofka kasta oo bulshada reer Soomaaliland iyo dalka Soomaaliland daneeya, guushoodana u heelan. 

Waxaan idinku dhaafayaa weedhii u yidhi P. Carrel (Karal) markii calanka Ingiriiska oo duubduuban gacanta laga galiyey, calankii kalena la saarey : “You gained your freedom but you strangely decided to build your government on a bottomless pit” oo u dhigmaysa afcelin ahaan : Waad hesheen xornimadiinii, laakiin waxaa yaableh inaad xukuumadiinii ku dul dhisteen god aan gun laheyn . Waxaa mahad leh Illaaha godkaa aan gunta laheyn ka soo saarey Soomaaliland, ee bulshada reer Soomaaliland mar labaad gacanta u soo galiyey Maandeeq… Barbarkey ka baxdaa waa bakeyle qaleen…….. Soomaaliland guul iyo barwaaqo 

Fu,aad Sheekh Bahda Mareegaha Farshaxan www.farshaxan.com iyo www.farshaxan.org Xusuusin: Faahfaahin dheeraada ka raadso barnaamijyada “ Dharaarihii Tilmaanaa” eee ay muddaba wadeen bahda mareegaha Farshaxan……….

 Tixraac: -Wareysi Xaaji Cismaan Axmed Bahda Mareegta Farshaxan -Wareysi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Bahda Mareegta Farshaxan -Wareysi Axmed Yuusuf Ducaale Bahda Mareegta Farshaxan - A Modern History of the Somali Nation by I.M.Lewis -Heelloy: Modern Poetry and Songs of the Somali By John William Johnson ( Joh Heello) - Politics, Language, and Thought: The Somali Experience By David D. Laitin

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.