Fortsätt till huvudinnehåll

Haddii aad rabto isbeddel – W/Q: Saddaam Xuseen Carab

Isbeddel la maqalyaa, dhallinyar la sheeg bay u badantahay, ma se aha rogaalka taas; dhallinyar la aragyaa isbeddel la sheeg, inta badan. Bulsho ahaan aad baa looga hadlaa, loogu noqnoqdaa oo carrabka loogu adkeeyaa in aynu isbeddel u baahannahay – mid laga soo durduriyo kobtan tu ka cagaaran- dhallinyaraduna tahay albaabka laga gelayo, ama cidda gelaysa albaabkaas. Waa se goorma iyo sidee?







Aad bay dhallinyaradu dhibka bulsho ee innagu gedaaman uga hadlaan. Kulanno rasmi ah iyo kuwo aan rasmi ahayn ba waa ay ku falanqeeyaan oo ku qaadaadhigaan. Dhibka ishiisa ayaa ay inta badan  abbaaraan, ma seegaan jeerar badan. Waa ay ku taagsadaan, oo si qotodheer uga hadlaan iyaga oo aan isku maandhaafin in yar mooyee. “Ilaahay ha innaga saaro dhibaatada”, “Mar uun baynu ka bixi” iyo hadallo u eg in xaqiiqada lagaga gabbanayo ayey ku soo gebogebeeyaan.

Doodda hore iyo gorfayntaas adiga oo ku qanacsan baad ka naxaysaa gunaanadka. Ilaahay in wax walba inta loo daayo jirjirka loo seexdo saw yaab ma leh? Aad bay ii yaab gelisaa. Wax kale kama yaabo'e, halka iyaga oo iska fadhiya Ilaahay ugu ballanqaaday in uu dhibka ka saarayo ayaan quraan iyo xadiis iyo meelkale ba ka waayaa.

Ilaahay dhibaato kaa saari maayo, oo kaa saari maayo adiga oo meelahaa iska fadhiya ama qadaadka u jiifa. Inta aynu dhab ahaan maalintii shaqaynno saacad iyo wax u dhow, hadalno inta u badan waqtiga, qosolka aynu ka doorbidno fekerka, dhididka aynu ka jecelnahay laydhisaga, isbeddelku iman maayo. Ilaahay beri hore oo aad u horraysay ayuu yidhi haddii aanad diyaar u ahayn in aad adigu dedaalkeeda iyo nafhurnimadeeda la timaad, waxba sibiq kuma baddalmaan anna kuma beddalo.

"Ma doonaysaa babbaay, haddii aad rabtid babbaay, adigu beero babbaay" iyo erayo la mid ah baa manhajkii waxbarasho ee yaraantaydii aan ku xasuustaa. Iminka marka aan arrin 'doono' ama aan ka fekero, waxa igu soo dhacda, halhayskaas. Waa halhays yaab leh oo qofka u sheegaya in waxa uu rabo uu sameeyo, ee aanay cidi u samayn doonin. Waa halhays si toos ah xidhiidh ula leh aayadda qur'aanka ah ee Rabbi leeyahay "Ilaahay bulsho ma beddelo ilaa ay iyagu nafahooda baddalaan".

Dhammaanteen waa aynu jecelnahay caafimaad tayo leh oo jaban, hoy san oo aan qaali ahayn, biyo nadiif iyo waxbarasho tayo leh oo aynu deegaankeenna ku helno. Intee in lee’g ayeynu diyaar u nahay si loo helo? Si magaalada aad ku nooshahay u yeelato bilic san, waddooyin quruxsan, dhismeyaal horumarsan iyo nidaam qurxoon saw shaqo badan uma baahna? Saw nolosha quruxda badan, horumarka tiknoolaji iyo aqoonta yaabka leh ee dunida kale ku baanto nafhurnimo laguma gaadhi karo?

"Ilaahay baa waxaa sidaa odhan" jeer aynu dhaafno, oo aynu ogaanno in aanay meel keli ah ku jirin qur'aanka oo leh iska jiifa Ilaahay baa beddaliye, ka gudbi mayno dhibkan. “Shaqeeya, Ilaahay baa idiin fududayn shaqadaas” weeyaan ballanqaadka Alle.

Ilaahay wuxuu mar kale yidhi "Shaqeeyaa, kolkaas ayuu Ilaahay shaqada idiin hawlyareyn doonaa" mar kalena "Kuwa ku dedaala marinkayaga(ee u Shaqaysta) ayaannu ku toosinnaa tubtayada (toosan)".

Ma doonaysaa babbaay? Haddii aad rabto babbaay, adigu beero babbaay. Ma doonaysaa isbeddel? haddii aad rabto isbeddel, adigu u dedaal isbeddel.

Saddaam Xuseen Carab

Hargeysa, Somaliland.

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.

Faallo!..."ladh" Buug Cusub Oo Uu Qoray Cabdillahi C Cige

Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey — Sweden — 7 September, 2005 Markaad aragto buugga laftigiisa, ayaad garanaysaa in buuggani uu ka duwanyahay buugaagtii hore ee afsoomaaliga ku soo bixijirtay. Qaabka buuggu u qoranyahay waa qaabka loo qaabeeyo sheekooyinka "Novel-ka" loo yaqaan. Waxaad dareemaysaa in dadka soomaalidu ku tallaabsadeen, jidkii muddo dheer kasoo xidhnaa. Kaasoo ah qoritaanka sheekooyinka, ku qotoma qaababka nolosha banii'aadamka. Intaa haddaan ku dhaafo qaabka buugga. Waxaan xasuustay faallo uu ka bixiyay Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd" buuggan la magac baxay "Ladh. Mudane Hawd wuxuu ku soo gunaanaday maqaalkiisii "qoraaga buuggan qoray, haddii buuggani yahay kiisii ugu horreeyey oo maxay noqon doonaan kuwa soo socdana."