Fortsätt till huvudinnehåll

Todobaadka iyo Somaliland: Dalkeennu ma Maraykanka ayuu hoostagaa?

FG: Qoraallo hore xusuustood; waxa aan qoraalkan qoray markii uu soo dhisay Madaxweyne, Siilaanyo xukuumaddiisii. Waxa ay ahaayeen qormooyin ku suntanaa kolba 
hadalhaynta todobaadka. 


Guuleed: "Geyigaan ilaashaa, Dalka gebi ahaantii guulbaan la jecelahay, Danahayga gaarka ah, ta guudbaan ka doorbiday, Geesiyada dalkeennaan garabkooda taagnahay, Goldalooladaan arko, farahaan ku gudayaa, geedbaan u gooyaa, kii gufeeya baan ahay, Dadkoo gama'sanbaan, gaadh aan u taagnahay, Qalinkaygu godob ma leh, Xaajadii gurracanbaan, Hadba gaar u sheegaa".

Geeddi: " Reer guuraa ayaan ahay, nin guurguurayaan ahay. Reer Geediyaan, hadba gees u rarayaa, Guushaad ka hadashay iyo geyigaad tilmaantay, nin u heellan baan ahay, Arrimaha dalkeenna, geesta aad ka joogto, geesta kalaan ka taagnahay. Guddoonkii la doortaan garabkiisa taagnahay, waxse aanaan garanayn, labadeenan geeljire, kay gartiisu saxantahay, dadweynoow gartaa naqa, idinkaa garsoore ah."

Guuleed: Waar bal tanoo kale, miyaa aragteen. Waxa aan moodayey in dalkeenu yahay dalkeennii Somaliland.

Geeddi: Waar! Inta aad wax la yaabantahay aniguna adigaan kaa yaabaa! Maxaad uga jeeddaa dalkeennii---haddaa meel kalaad joogtaa.

Guuleed: Saaxiib ha ila yaabine, saaka ayuunbaan ku soo toosay Xaruntii CIA iyo M16ka Ingiriska ayaa ku wareejinaya meel ay ugu talogaleen in dadka ay ku xidhaan ciidanka Sirdoonka Somaliland---miyaanay yaab ahayn. Haddii ay u dhiseen, jeel ahaan oo ay dee iyagu dhisteen, maxaa sirteenna halkaa dhigaya---innagu miyeynaan sir lahayn. Meesha CIA dhisatay ee uu gacanyare ka ahaa Ingiriiska iyo M16---maxay kula tahay marka sirdoonkeennu u guuro, ma sirbaa halkaa inoo taalla? Dee waa Maya.

Geeddi: Ma dhismahan la ainnaga caawiyey ee habaysan ee isgaadhsiinta ku xidhan aad yaabto ayaad, maanta shaki gelinaysaa. Waa caawimo la innoogu deeqay oo ciidankeenu ka faa'iidaysanayo.

Guuleed: Maxaad tidhi! Waa caawimo---anna waxa aan ku leeyahay waxa ay la midtahay " Nin habeenimo wax u dhiibtay tuug oo yidhi ii hay oo aan kuugu soo noqdo"

Geeddi: Waar ninyahaw bacbaa kugu xidhane iska goo! Khaakhaayiraadda iska daa, oo Ictiraafkiiba, intaas baa innooga hadhay ee ha innagaga qaylin.

Guuleed: Dawladdii Daahir Rayaale, ayaa waxa ay ku caan ahayd in ay tidhaahdo Aqoonsibaan caalamka ka raadinaynaa oo albaab kasta waanu garaacaynaa--xataa albaabada shayaadiinta. Waxa uu Daahir kula magacbaxay "Daahir Albaab", Haddii Xukuumadda Siilaanyona ay albaabadii garaacdo ama daaqadaha, oo Siilaanyana loogu yeedho Axmed Daaqad---waa halkeedii iyo wadheedii. Aqoonsigu halkaa kuma jiro, ee tolow wasiirkan yar ee xiiqsani, hawshaa muu garan.

Geeddi: Keebaad sheegaysaa?

Guuleed: Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Cabdilaahi
Geeddi: Ma Dr Maxamed Cabdilaahi, maxaad ku odhan lahayd?Maxaadse u aflagaadaynaysaa, ee xiiqsanaantiisa kaa galay

Guuleed: Xiiqsanaani aflagaaddo ma aha'e, Waxa aan u sheegi lahaa meesha Ictiraafku uu yaallo!
Geeddi: Waaryaa qosol doonaya, ma waxa aad odhan doontaa halkaasuu yaallaa Ictiraafku.

Guuleed: Haa ee i dhegayso oo gaadhsii adigaa madaxtooyada iiga dhowe. Ma xasuusataa xilligii SNM? Dhammaan dalalka dibedaha oo dhan waxa ka furnaa xafiis ay SNM tu lahayd. Dhammaan dadkii taageeri jiray SNM waxa ay lahaayeen warqadda aqoonsiga, waxa ay bixinjireen gunnada ururka, waxa ka dhexeeyey wada shaqayn iyo iska warhayn. Bal u fiirso---20 sannadood bay jirtay Somaliland, weli ma jiro xafiis ay dibedda ku leedahay oo si toos ah u hoostaga xukuumadda, oo ay xataa ka bixiso kirada oo calanku hoosyaallo, xataa waa la dulsudhi lahaa. Ingiriiska aad maqashay ee boqolaalka kun ee reer Somaliland ay deggenyihiin, waxa ka furan afar jaaliyadood oo ku magacaaban Somaliland, boqolaalka kale waxa ay ku qoranyihiin Somaliya.

Geeddi: Kuma aan fahmin, ee bal ii faahfaahi. Maxaa se SNM innagu celiyey, hadalka ha ii dhuubin, oo Siilaanyo iyo SNM ha isla doonanin, ee ujeedadaada ii sheeg.

Guuleed: dee saaxiibkay baad tahay oo si fiican baan kuu aqaan oo hadalku shanshub buu kuugu dhacaaye, bal horta shaaha maanta inoo shub oo odayga halkaa fadhiyana koob u dalab.

Geeddi: Odaygaa miyaad garanaysaa?
Guuleed: Maya
Geeddi: Waxa la igu yidhi, weligii intaasuu le'gaa, ma gaboobo, ma cirroobo, qofkasta oo aad weydiisaa waxa uu ku odhanayaa waan ku garaadsaday isagoo intaa le'eg.

"Waar bal shaaha noo keen, oo odaygaana fujaan sii".

Guuleed: sheekada aan kuu balballaadhiyo. Ninkan aad Dr-ka ku sheegayso, waa in uu ka bilaabaa qurba joogga. Dalkasta waa in uu ku lahaadaa xafiis, waa in dadka ku abtirsada Somaliland loo sameeyaa diiwaangelin iyo aqoonsi. Kuwaasaa aqoonsi u baahan. Oo haddii aad aqoonsato iyagaa, ku aqoonsanaya. Xubin kasta oo aqoonsigaa leh--dalka uu doonaba ha joogee waxa uu bishii bixinayaa, gunnada xubinimnada. Waxa uu xaq u leeyahay in uu codeeyo oo halkaa uu joogo uu ku codeeyo. Tusaale: " Haddii 500 oo qof oo keliya laga helo Yurub, oo ku xidhan xafiisyadaas hoos taga Wasaaradda Arrimaha dibedda, oo laga qaado qofkiiba $10 USD. Waxa ay noqonaysaa 10*500 = 5000 /Bishii --- $60 000 /sannadkii. Maxay kula tahay 100 000 oo reer Somaliland ah oo bixiya tobankaa doollar. Sidaasay ku ahaan lahaayeen safaarado iyagu is bixiya. Waxa aad iga gaadhsiisaa Maxamed Cabdilaahi, halkaasuu ku jiraa aqoonsigu.

Geeddi: Waan gartaye, maalintii isugu keen danbaysay waxa aad igaga tagtay eray aan garanwaayey, oo ahaa Raiisalwasaaraheenna.

Guuleed: Waxa aan ku moodayey in aad dalka ka warhayso. Maalintii xukuumadda uu madaxweynuhu soo dhisay, dad badan baa qayliyey, laakiin waxba lagama soo qaadin oo waxa ka muhiimsanaa in xukuumaddu koobnaato. Dee dhanka kalena, kaftanku waa inoo furanyahay'e odayga beeshiisa ayaaba la lahaa wuu ku yareeyey, bahasha xarfadda ah waa loo kala dhashaye, mar keliya ayuunbuu kubbaddii xagga kale u laaday oo raysalwasaare sameeyey isla beesha ah.

Geeddi: Oo waa kee. Waar bal nimayahaw ninkaa dhegaysta

Halkaa martkay sheekadu marayso baa waxa kursigiisii soo jiitay odaygii ay shaaha u shubeen.

Odaygii: Adeer, liibaana, waan idin maqlayey sheekadiina, magacyadiina bal ii sheega?
Geeddi: Geeddi baa la i yidhaa ninkanna Guuleed.
Odaygii: Geeddiyoow dhegayso, waad garanysaa Raysal wasaaraha'e ma in uu Guuleed kuu saafaad doonaysaa. Raysalwasaaruhu dee waa ninka la yidhaa Xirsi.
Geeddi: KKKKKK---waar Guuleedow ma Xirsibaad sheegaysaa ee Jiif of kabinetka laga dhigay?

Guuleed: Car! Bal adigu macnee, oo afsoomaali kusheeg. Waxa aad leedahay Jiif balabalalbala. Dee waxaynu maqli jirnay Jiif Caaqil sida Cabdiwaraabe, dee mar hadduu yahay Jiifcaaqilka dawladda. Muxuu yahay Raysalwasaaruhu "oodi qaadis iyo jiidid waa isla guryogeyn" baan ku idhi waxba maraykan baa nidaamkan leh ha igula meeraysan.

Geeddi: waar! waataa duhurkii la addimay ee inna kici.
Guuleed: Waa inoo berri

Nabad iyo caano

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.