Fortsätt till huvudinnehåll

Waar Ninkoow Shaaha ii Shub Walaal !! W/Q, Mustafe Axmed Diiriye (Sheybe)


Waa duni sirgacane ilayn yaab iyo wareer kama dhammaade. Hadmaa dadnimadii laga tegey?. Hadmaa dhalintii soo kacaysay raad koodii dub u raaceen? Hadmaa kii aqoon-yahanka ahaa iyo kii jaahilka ahaa laba kala garan wayay? Hadmaa naxariistii lagu badashay ku dheel-dheel? Dhibbadanaa dhoohanata dhalintaydu! Dhibanaa Dadayga dhimirka ahi!!
·         




  1.    Qofkii xaakin keenu waalay
  2.    Xiskiisii uu qaaday
  3.    Xaraabe hadaynu ka baadhno
  4.    Aakhiro Waa inoo xisaabee
  5.    inaynu xaq-dhawrno weeye!!!

Amintu waa abaaro 5:00 galabnimo,ee gelinkii danbee Laamin (istiin). Waxaan soo fadhiistay makhayad laga shaaheeyo,oo ku taala magaalada Burco. Waa goob leh barxad weyn oo dhalinta, waayeelka, Cuqaasha cid walababa galabtii ku casariyayso. Waxaan so fadhiistay aniga oo Shaaha u khamradoonaya. Hal cabaara hadaan fadhiyay oo fijaankii  shaaha ahaa aan  dhaadhankiisa dibnaha la raac-raacayo, ayaa waxaa dhagtayda ku soo dhacay dhawaaq, qalbigayga dareen geliyay. Waar ninkaw shaaha ii shub walal!.

Hadaan deymooday aniga oo aan si fiican uga bogan qofka dhawaaqay ,ayaa  hadana dhagtayda waxaa ku soo dhacay dhawaaq labaad oo isna argagax leh.  Kkkk kkkk kkk kkk!! waaba qosol goo-goosa oo ay dhalinyaro,aan tiradooda ku qiyaasay 11 wiil oo si fiican u labisan una eeg dhalinyaro ka soo toosta guryo ladan kaga maadaysanayaan.wiil Dhimirka wax ka qaba! oo aan ku qiyaasay inuu hada uun gu’gii 23 madaxa ka jaray.

Anigoo oo ka naxay kana diir dubaaxshay hadlkii wiilka ay baahidu ka muuqatay,dhimirkana wax ka qabay, ayaa hadana waxaan ka cadhooday oo qalbigayga sidii holac iyo hanfiga u leefay! dheel-dheelka ay dhalinyaradu ku samaynayso, wiilkan dhigooda ah ee Alle uu xiskii ka qaaday!. Intaan is hayn kari wayay ayaan ku idhi “ anigaa kugu yeedhaya ee sug walal”.
Dhalintii haday sidaa iskaga daayaane waxay bilaabeen inay halkaa hadalo kaga soo tuur-tuuran. Iyaga oo ka maadaysanaya, kana badhaya xaraabe iyo waxaan looba fadhiyinba.“waxaan inabadan  qalbiga hoose iska waydiinayay intii aan meesha fadhiyay oo aan ku mashquulay maxaa sidan u gartay dhalinyaradii” “ Miyaanay garanayn in qofkani uu yahay iyaga oo kale, oo uu Alle xiskiisii ka qaaday”.

Wiilkii inta uu Fijankii ka qacsiiyay ayuu ka bul yidhi, balse wuxuu ku sii gunuunacay oo dhagtayda ku soo duushay markuu ag-maraayay dhalintii ku qoslaysay, waar naga taga idinkaba nasii waalayee waxba hana siininee! Waa hadal runa waana wacyiga maanta ka jira dhamaan geyiga soomaaliyeed. Waxaaad arkaysaa dad  Illahay xiskoodii u illaaliyay oo halkay dadka jilicsan ,ee  dhimarka wax ka qaba ugu gargaari laahaayeen, iyagii sii dhibaaya!.

Meel laga xanuusado oo qofka binu aadamka ah uu waayo waxaa ugu xun waa dhimirka. Hadii qofku waxa san,waxa xun,waxa dhibaaya, iyo waxa u wanaagsan kala saari waayo dhibaato ka xumi ma jirto. Balse waxaad ogataa  akhriste inaanu jirin xanuun aan laga Bugsan hadii la helo daryeelkiisa!. Waxaad kale oo aad ogataa qofka dhimirka ah inuusan xanuunkan dhaxal u yeelan balse adiga F  lagugu imtaxaamaayo!
·         
       W/Q/:-Mustafe Ahmed Derie
·         Burao University
·         Faculty of veterinary

·         Email: onkod1990@gmail.com

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.

Faallo!..."ladh" Buug Cusub Oo Uu Qoray Cabdillahi C Cige

Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey — Sweden — 7 September, 2005 Markaad aragto buugga laftigiisa, ayaad garanaysaa in buuggani uu ka duwanyahay buugaagtii hore ee afsoomaaliga ku soo bixijirtay. Qaabka buuggu u qoranyahay waa qaabka loo qaabeeyo sheekooyinka "Novel-ka" loo yaqaan. Waxaad dareemaysaa in dadka soomaalidu ku tallaabsadeen, jidkii muddo dheer kasoo xidhnaa. Kaasoo ah qoritaanka sheekooyinka, ku qotoma qaababka nolosha banii'aadamka. Intaa haddaan ku dhaafo qaabka buugga. Waxaan xasuustay faallo uu ka bixiyay Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd" buuggan la magac baxay "Ladh. Mudane Hawd wuxuu ku soo gunaanaday maqaalkiisii "qoraaga buuggan qoray, haddii buuggani yahay kiisii ugu horreeyey oo maxay noqon doonaan kuwa soo socdana."