Fortsätt till huvudinnehåll

Suq-duud oodan bay-siigashaye allahayoow sahal amuuraha, aamiin! ‏ 12-10-2004

FG: Qoraalkan waxa aan qoray: 
12-10-2004/Stockholm/Sweden

Waxa lagu soo qoray baraha Internetka qaar ka mid ah, gaar ahaan barta "Somaliweyn.com. Maanta 15-08/2016, ayaan meel kula kulmay, sidaasaan ugu soo daabacay degelkan. Waa xilligii xukuumaddii Daahir Rayaale, dhinaca Somaliland. Dhinaca Soomaaliyana xilligii IHN, Cabdillaahi Yuusuf Axmed 
--------------------------------------------------------------------------------------------------


Qoraalkayga waxaan ku bilaabayaa magaca Ilaahay, ee naxariista, mid gaar iyo mid guud. Bismillaahi Al-Raxmaani Al-Rraxiim. Intaa kabacdi, waxaan salaamayaa bahweynta Soomaaliyeed iyo bahda daaddihisa golahan "Somaliweyn". inta badan waxa halkan lagu soo bandhigaa dareenka dadka oo qofkastaa ceesaantiisa ayuu ceelka keenaa. Mid caytamaya (dumarku ma caytamaan) ee waa ragga, mid talinaya, mid doodaya iyo noocyada bulshada oo dhan ayaa isku haleela golahan. Inkastoo aanaan in mudda ah haleelin qalinka iyo dareenka bal aan maanta ku taagsado qalinkayga iyo dareenkayga.

In yar ii ogolaada inaan dib u noqdo oo aan daalacdo maalmihii la soo dhaafay. Aan kasoo bilaabo 1988 bishii labaad ee sannadka. waxaan kasoo anbabaxay magaalada Muqdisho oo markaa ahayd caasimaddii dalkii burburay ee Soomaliya. Maalmahaa waxa dil  lagu xukumay siddeed nin oo lagu eedeeyey inay qaran-dumis ahaayeen. Raggaas oo ka soo jeeday beel keliya. Waxa raggaa ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenkii saddexaad ee qarankii burburay oo magaciisu ahaa Ismaaciil Cali Abokor iyo wasiir ka mid ahaa dawladdii Maxamed Siyaad Barre oo isagana la yidhaahdo Cumar Carte Qaalib. Nimankaas oo markii hore la xidhnaa rag kale oo siyaasiyiin ahaa kana soo jeedey koonfurta Soomaliya, waa-laga soo soocay labadooda waayo waxay kasoo jeedeen isku beel. Waana lasii daayey dhammaan intii la xidhnayd ee ay isku eedaysanaha ahaayeen, ee kasoo jeedey Koonfurta.

Inkastoo dhibaatada maamulkii Siyad Barre uu badnaa, waxaan taa u soo qaatay, waa sababaha kuu caddaynaya in dalkii Soomaliya mar hore lakala diray. Akhristoow ha illoobin halkii ay sheekadu innoo maraysay oo ahayd Ceelgaab /Muqdisho oo aan bas kasoo raacay. waxaan soo gaadhay magaalada Laascaanood laba habeen kadib. Laga soo bilaabo magaalada Laascaanood ilaa aan Hargeysa kasoo galay, waxaad moodaysay goob dagaal oo askarta kantaroolada jooga waxay dadka rakaabka ah ula dhaqmayeen, sida maantaba day-daygu ama mooryaantu dadka ula dhaqanto. Ha illoobin xilagaa dalbaa jiray oo dawlad ayaa la hadhsanayay, hadana dadku waxa uu ku noolaa cagta hoosteeda, balse ha-sii illoobin dadkoo dhan-may ahayne waa beeshaa ay ka soo jeedeen Cumar iyo Ismaaciil.

Dad badan ayaa u arkayay in beeshaasi galabsatay waxa ku dhacayey, waayo waxay taageersanaayeen ururkii SNM. Waa yaab! mashaqada soomaali ku habsatay akhristoow maaha shalay mana aha maanta ee waa dorraad ee la soco. waxaan soo galay magaalada Hargeysa, oo ahayd caasimaddii labaad ee dalkii Somaliya. Ilaahaybaa laga baqaaye, waxaan maalintaa soo galay magaalo gumaysi ka jiro, magaalo bandoo ah oo aan gaadhi soconkaraa jirin, laga bilaabo marka ay saacaddu gaadho todobada fiidnimo. ha illoobin beesha magaalada deggen ayaa galabsatay bandooda, waa yaab, waayo waxa lagu qaaday kiiskii waraabaha. Waar ma maalintaasay ekeyd wax ka-qabo, dhibaatada soomaalida, mise maanta???.

- Belo daaman qabasho leh dabo qabo nin yidhibaa dad-na ugu aqoon daran.
- Miiraale hortiibaa guryaha layska moosaa.

Anigoo soo koobaya dulucda ujeedada qoraalkeyga. Sannado badan ayaa ka soo wareegay 1988-kii magaaladii Hargeysa maanta bandoo maaha, maanta waxay ka mid tahay Hargeysi magaalooyinka adduunka kuwa ugu nabadgelyo fiican. Akristoow ma isweydiisay sababta maalintaa ay u ahayd goob colaadeed oo maanta oo Muqdisho tahay goob colaadeed ee Hargeysa ka dhigay magaalo nabadeed, iyadoo aanay jirin dawlad adduunku aqoonsanyahay. Waa weydiin ay fududdahay war-celinteedu, haddii garaadka si sax ah looga baadho, haddii kale waad ku wareeri, oo kolba jarbaad isku qaadi. Waxaad u soo gudubtaa 1991 ilaa 1995, runtii Somaliland oo markaa bilaw ahayd dadbadan ayaa ka qabay fikrado kala duwan, waxaase mar kasta jiray dad u arkayay inay tahay xal maanta soomaalidu u baahantahay inay ku kala noolaadaan saddex dal oo walaalo ah oo kala ah Jabuuti oo xor ah Somaliland oo xor ah iyo Soomaliya oo xor ah oo weliba Jabuuti ay dhex ka noqoto xilliga kala guurka ee arimaha soomaalida, nasiib darro Jabuuti dhex kamay noqon ee way dhex muquuratay oo dagaal siyaasadeed iyo mid addinba kaga hortagtay Somaliland. Maxaase ka danbeeyey?

1995 ilaa 2000 xilligaas ayey Somailand kadhex muuqatay deegaankii la odhan jiray jamhuuriyaddii Soomalida, balse kamay helin garawshiiyo dadkii soomaaliyeed ee reer Muqdisho, ama reer Garoowe ama reer Beledweyne ee waxaabay ka heleen aflagaado iyo hanjabaad. Siyaasiyiinta reer Soomaliya ayaan marnaba ka soo debcin mawqufka ay ka qabaan Somaliland, oo ah mid ay ka maqantahay xaqiiqada maanta jirta. waxa dad badan walaac ka muujiyaan kala qaybsanaanta soomaalida hortaalla, waxayse dadka qaar walaacaas kaga jawaabaan, waar! waa laga bixi karaa walaaca ah in laba dal lakala noqdo. Waxaan taa uga jeedaa dad badan ayaa ku dooda Itoobiya ayaa ay faa'iido u tahay kala qaybsanaantu, waxaanse ku odhan lahaa malaga yaabaa inay Itoobiya ku noqoto laf dhuun gashay marka ay soo baxaan saddex dal oo soomaaliyeed? malaga yaabaa inaanay taa ogolaynba? u fiirso arrinkaa oo ka fikir!!!!

Maanta iyo dan dawladda cusub ee la dhisay, runtii dareenkaygu waxa uu i leeyahay ma soomaalidii ayaa garaadkoodii gudhay, mise jab ayaa lala maaganyahay waxa soo socda. Runtaa wanaagsane maan garan arrimaha Soomaliya ka socda. Balse Somaliland waxaan isleeyahay malaa ilaa iminka wadadii wanaagsanayd ayaa la hayaa, allaylehe inanta yar ee xidhan kuma taageersani ciddii xidhay waana in xaalkeeda inantaa labixiyaa oo haddii ay dawladda Somaliland bixinweydo, waa inay dadka reer somaliland bixiyaan!
Wasalaamu calaykum waraxmatullaah.

Sayid-Axmed Dhegey
12-10-2004


Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.