Fortsätt till huvudinnehåll

CARRUURTEENNA: "Magaasiin Cusub oo u gaar ah Carruurta oo Sannadkii Afarjeer soo Bixidoona"

Waa jariirad cusub oo ku soo baxda afka Soomaaliga iyo waliba qayb kooban oo afka Iswiidhishka ah, looguna talogalay carruurta Soomaalida ah ee ay da’doodu u dhaxayso 7 ilaa 14 jir. Waxa ay carruurtu magaasiinkan ka helayaan; barbaarin, sheekoxariiro, maaweello, dhaqan, taariikh, farriimaha carruurta, cilmiga deegaanka, farshaxan, halxidhaale iyo warar.


Magaasiinkan ayaa sannadkii afar jeer soo bixi doona, waa mid ka kooban 24 baal. Waxaanad ka heli doontaa badi maktabadaha waddankan Iswiidhan.
SOO DALBO MAGAASIINKA CARRUURTEENNA
Haddii aad rabto in ay carruurtaadu afka iyo dhaqanka Soomaaliga si fiican u barato, fadlan u hadiyadee oo u iibi magaasiinkan. Waa hubaal in magaasiinkan carruurtu noqon doono saaxiib dhow oo ay ubadkaagu jeclaystaan, kana korodhsadaan casharro qiimo badan oo noloshooda saamayn wanaagsan ku yeesha.
Soo dalbo oo nala soo xidhiidh meel kasta oo aad adduunka ka joogto.
Somali Nordic Culture
carruurteenna@hotmail.com
+46 (0) 76 24 909 79
------------------------------------------------------------------------------
På svenska
-------------------------------------------------------------
Carruurteenna är en ny barntidning som riktar sig främst till somaliska barn i Sverige. Den kommer ut 4 gånger om året och utgivningsort är Stockholm. De flesta texter är skrivna på somaliska, med några undantag av svenska och engelska översättningar.

Det är föreningen Somali Nordic Culture som startat tidningen år 2014 och första upplagan kom ut den 8-e janauri 2016. Somali Nordic Culture är en ideell förening som består av studenter, författare, sagoberättare, bibliotekarier, journalister och konstnärer.

Tidningen riktar sig främst till pojkar och flickor i åldern 7-14 år. Där kan de läsa om stora händelser i världen, spännande äventyr, sagor och aktuella reportage. Det finns också insändare, serier, tävlingar och pyssel i tidningen.

Målet med Carruurteenna, är att öka intresset av att läsa och skriva bland alla våra somaliska barn här i Sverige.

Prenumerera på Carruurteenna
Att prenumerera på tidningen ett helt år (4 nummer) kostar 450.
Kontakta oss gärna när ni vill beställa tidningen Carruuteenna

Tel: +46 (0) 76 24 909 79

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.