Fortsätt till huvudinnehåll

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland: "Ma ogyahay Aadan Xaaji Cali Axmed Ammaanta Dadkiisu ay Huwiyeen?"

Sannadkii tegey ee 2015 bishii Ogost, anigoo ku sugan magaalada Hargeysa oo maalmahaa aan kaga qaybgalay bandhiggii carwada caalamiga ah ee buugaagta ayaa waxa aan la kulmay koox dhallinyaro ah. Waxa ay noo sheegeen in loo baahanyahay in muddaharaad la sameeyo oo loo hiiliyo afsoomaliga. Keligay maan ahayne, waxa aan xasuustaa inuu ila joogay saaxiibkay Maxamed Xirsi Guuleed. Waxa ay noo sharxeen cabashada ay wadaan iyo sida ay maanta ugu habboon tahay in kacdoon la sameeyo. Waa ay noo sii faahfaahiyeen, oo yidhaahdeen: "Dastuurka Somaliland waxa ku yaalla, afka koowaad waa afsoomaali, ka labaadna waa Carabi, meelnaba kagama qorna afingiriisi. Haddana warqad kasta oo dawladda ka soo baxda inta badan waa afingiriisi, maxay taasi ku dhacday miyaanay ahayn qodob dastuuriya oo la jebiyey.?


Aniga iyo Maxamed Xirsi waxa aanu nidhi dee waa idinla dagaal galaynaaye, halkee ka bilaabaynaa. Kollayba labadayadu Iswidhan baanu ka nimi oo wax kasta oo dadku ka cawdo, waa loo oggolyahay in ay cabashadooda dhiibtaan. Waxa ay dhallinayaradii (Iga raalli ahaada magacyadoodii ma xasuusni) noo sheegeen halka ugu dhow inay tahay in aanu warqad ku qorno cabashada ah in afsoomaaliga aan laga tegin oo aan ingiriisi la qaadan. Arrintaa waxa aynu u geynaynaa Guddoomiyaha maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali. Dhawr ka mid ahaa dhallinyarada ayaa yidhi, macallin buu noo ahaayoo, waa nin aqoon fiican u leh garsoorka, iskuna kalsoon oo sida sharcigu yahay ayuu qaadanayaa. Sidii baanu isla qaadannay, xataa waxa aan xasuustaa weriyaha caanka ah ee Maxamuud Sh Dalmar oo maqlay arrinka aanu ka hadlayno ayaa yidhi, waa idinla socdaa aniguna. Goobtu waxa ay ahayd Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ee uu aasaasay Jaamac Muuse Jaamac.

Hawshaa maanu qaban, waana mid aan jecelahay in lagu baraarugo oo aan laga hadhin. Ammaanta guddoomiyaha maxkamadda sare, markaasay kow ii ahayd. Waxa ka danbeeyey dhacdooyin farabadan oo mid kasta lagu ammaanay Aadan Xaaji Cali, waxa lagu kala baydhi waayey in uu yahay guddoomiyihii loo baahnaa. Haddaba, qof xil haya oo la isku raaco waaba ii kow, weliba goobta uu fadhiyaa waa halkii ugu sarraysay marka la eego jiritaanka Qaran. Waxa uu hayaa xilka ah in go'aanka ka soo baxa maxkamadda xataa lagu eryi karo madaxweynaha. Yaab iyo amankaag, ma naqaanno oo xilkaasi si aan fahambadan lahayn buu inoo yahay. Maxkamadda sare, waa ta ilaalilanaysa dastuurka waxa ku qoran. Haddii maanta aynu hayno guddoomiye la ammaanayo, miyaanay habboonayn in ammaantu aanay noqon uun hadal ee ficil lagu daro oo loo muujiyo in dadkiisu taageersanyahay. 

Dabcan qof keliyi wax ma qaban karo, ee waxa muhiim ah garbaha, garab taagan ee garsoorayaasha, xeer ilaaliyeyaasha iyo dhammaan shaqaalaha maxkamadda sare. Waxa habboon in Maxkamadda sare ay ka madaxbannaanaato xukuumadda, oo aan la odhan madaxweyne ayaa soo magacaabaya sida maraykanka. Dee innagu Maraykan ma nihin mana nihin Ingiriis, waxa aynu nahay reer Somaliland. Innagaa habaysan karna Qaranimadeena qaabka ay u dhisantahay. Sida aynu u samaysannay GUURTIDA oo ah gole aynu u baahnayn, inbadan baa neceb golaha GUURTIDA laakiin waxaanay ogayn halka ay innoogu jiraan. Waa qaab aynu innagu samaysannay, oo la jaanqaadaaya qub iyo qacda siyaasadeed ee dadkeennu ku dhacaan markasta. Tan Maxkamadda sarena xal ha loo helo, oo tusaale ahan golaha guurtidu awoodda ha lahaadaan lagu magacaabayo guddoomiyaha maxkamadda sare. Dabcan, shuruudaa ku xidhan qofka noqonaya guddoomiyaha ama hawlwadeennada kaleba, laakiin golaha guurtidu inuu qalinka ku duugo guddoomiya oo aanuu noqon qof madaxweynuhu soo doortay oo ka qaadi karo.

Ugu danbayn guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed, waxa aan odhan lahaa, ammaantaa dadku ku saareen xejiso, oo ha kuu noqoto mid ku dhiirrigelisa yaanay kugu noqon mid ku marin habaabisa. Dadweynoow, ammaantiinu ha noqoto, mid idinka dhab ah, oo tusa taageerada aad u haysaan. Berri ka maalin haddii si yar madaxweynuhu u yidhaahdo waan ka qaaday xilkii maxaa la yeeli? Waa in aanuu noqon sida wasiir xil loo dhiibay oo haddana laga qaaday. Goobtan uu fadhiyo guddoomiyhu waa hay'addii ugu sarreysay dalka. Qaabka lagu soo doorto guddoomiyahana ha laga hoos saaro madaxweyne soo magacaaba guddoomiyaha maxkamadda sare.

Aadanoow lagu ammaanye maankaaga la kaasho
Wa Billaahi Tawfiiq
Sayid-Ahmed Dhegey
13-01-2016, arbaca/Iswidhan

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.