Fortsätt till huvudinnehåll

Barnaamijkii Maaweelada iyo Garaadkorinta Carruurta ee Xaafadda Skärholmen 30-04-2016 sabti


Shalay oo ay taariikhdu ahayd 30 bisha May, sannadkan 2016, waxa xaafadda Skärholmen ee magaalada Stockholm ka dhacay barnaamij carruureed aad u xiiso badan. Barnaamijkan oo isugu jiray madadaalo, garaadkorin, ciyaarodhaqameed iyo tartanno kala duwan ayaa waxa soo diyaariyay ururka waalidiinta xaafadda Skärholmen (Somaliska föräldrar Forum i Skärholmen) iyo ururka dhaqanka ee Somali Nordic Culture.





Waxa uu barnaamijku si rasmi ah u bilaabmay markii ay saacaddu ahayd 13:00 duhurnimo. Goobta ayay xilli horeba soo camireen carruur iyo waalidiin u heelan in ay ubadkooda wakhti fiican la qaataan. Martida barnaamijka ee maalintan carruurta wakhtigooda la qaadanaysay ayaa kala ahaa; Abyan Cali oo ah qoraayad buugaagta carruurta ku qorta afafka Soomaaliga,

Iswiidhishka iyo Ingiriisiga. Abyan oo ah gabadh Soomaaliyad ah, oo ku dhalatay dalka Kiiniya, wakhtigeeda intiisii badnaydna ku noolayd Iswiidhan ayaa ah qoraayad u taagan sidii ay ubadka Soomaalidu u heli lahaayeen buugaag tayo leh oo ay akhristaan. Dhanka kale waxa isna barnaamijka qayb ka ahaa Oscar Trimbel oo ah qoraa iyo farshaxaniiste reer Iswiidhan ah.

Oscar waxa uu badi sheekooyin carruureedkii Soomaalida isugu geeyay buuggiisa uu ugu magacdaray Sheekooyinxariirooyinkii Saxaaraha, buuggaasi oo uu ku qoray afafka Iswiidhishka iyo Soomaaligaba. Waxaanu dhawr iyo siddeetamaadkii degganaa Soomaaliya, taasi oo u sahlaysa in uu wax ka oggaado dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida. Waxa sidoo kale carruurtii gabayo xiiso badan oo afka Iswiidhishka ku qoran u akhriday Muuna Munasar.

Muuna waa gabadh aad u da’ yar oo 17 jir ah, waxaanay bishii hore ee Maarso ku guulaysatay abaalmarin dhanka carrinta suugaanta ah oo sannadkiiba mar loo qabto dhallinyarada ku dhaqan magaalada Stockholm. Sidoo kale, Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar), ayaa isna madasha ku soo bandhigay magaasiin carruureedka cusub ee Carruurteenna. Muuse waxa uu dhanka kale carruurta u akhriyay sheekooyin ay aad ula dhaceen.

Qaybtii danbe ee ciyaarta ayaa isugu jirtay tartan ay carruurtu ku helayeen buugaag hadiyado ah iyo waliba ciyaaro dhaqameed ay carruurtu aad ula dhaceen. Muuse Dalmar iyo Abyan Cali ayaa carruurtii ciyaarsiiyay ciyaaraha kala ah Dhaantada iyo Heelada. Waxa xusid mudan sidii quruxda badnayd ee ay ubadku uga mabsuudeen una ciyaarayeen ciyaarahani. Sida ay isu ruxayeen, u boodayeen, sacabkana isula helayeen baa la moodayay in ay waligoodba carruurtani soo ciyaari jirtay ciyaardhaqameedyadan. Tani waxa ay muujinaysaa baahida weyn ee ay ubadkeennu u qabaan barashada ciyaaraha dhaqanka, kuwaasi oo maskax ahaan iyo jidh ahaanba waxtar weyn u yeelan kara.

Barnaamij kan dhiggiisa ah oo loogu talogalay dadka waaweyn ayaa isna 14 bisha May ka dhici doona guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby (Rinkeby Folkets Hus). Barnaamij suugaaneedkan oo uu soo qaban qaabiyay ururka Somali Nordic Culture ayaa noqon doona mid xiiso leh, waxaana barnaamijka ka soo qaybgali doona qorayaal, suugaanyahanno, cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo dhaqanka Soomaalida oo isugu jira Soomaali iyo Iswiidhish iyo waliba dhaqan-aqoon madasha ku soo bandhigi doona suugaan xiiso leh. Saacadda uu barnaamijkani dhici doonaa waa 15:00 galabnimo.

Ugu danbayntii haddii aannu nahay ururka waalidiinta xaafadda Skärholmen iyo ururka dhaqanka ee Somali Nordic Culture, waxa aannu u mahadcelinaynaa dhammaan dadkii ka soo qaybgalay barnaamij iyo gaar ahaan intii gacanta weyn ka gaysatay in uu barnaamijku si wanaagsan u dhaco. Ballankeennu waa ka shaqaynta danta guud ee bulshada iyo iskaashi walaalnimo oo toosin iyo tilmaan ku dhisan.

Ururka waalidiinta Soomaalida ee xaafadda Skärholmen

https://www.facebook.com/groups/686809601424170/
Iyo Somali Nordic Culture
www. Somalinordicculture.cm

Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.

Falan-qaynta maansada: Quruxda maansada Cabdi Adan (Qays) iyo Maxamed Ibraahin (Hadraawi) Q-3aad

Qaybtan oo ah qaybta ugu danbaysa ee "Falan-qaynta Maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays", waxa aan ku eegi doonaa dhawr maanso oo kookooban. Waxa aan sidii qormooyinkii hore, wax ka taaban doonaa kala duwanaanshaha maansada Hadraawi iyo Cabdi-Qays ee hadana labaduba yihiin kuwo la jecelyahay.

Gorfayn: Buugga Taariikhda Soomaalida (2020) ee uu qoray Jaamac M. Qaalib

AFEEF Maahmaah baa ahayd; "hadalkaaga hortii afeef baa la dhigtaa aqalkaaga hortiisana ood weyn baa la dhigtaa". Ujeeddada qoraalkayga ku saabsan dibu-eegista buugga "Taariikhda Soomaalida ee uu qoray Jenaraal, Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu mudan in aynu helno taariikh sugan oo sax ah. Taariikh aan kolba dhan loola guurin, taariikh aan ku salaysnayn cadho iyo wax iska caabbin. Dhaxalka ummadi ka tagtaa waa taariikhdeeda, dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed oo ay jiilasha danbe u aayaan. Si ay u ogaadaan wixii qalad dhacay iyo in aan dib loogu dhicin. Waxa jira wax u gaar ah buslsho kasta oo Ilaahay ku abuurray deegaan ka mid ah Adduunka. Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka ku nool Geeska Afrika, iyagoo weli ku jira habdhaqankii geeljiraha ayaa la doonay in Qarannimo la samaysto.