Fortsätt till huvudinnehåll

Faallo: Ma laga Doodi karaa Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland?


Sida da'da qofku isu beddesho ayey xaaladaha dunida ka taagani isu bedelaan. Markastana waxa hoggaamiya, shalay dhacdooyinkii dhacay. Shalay ayaa maanta sal u ah, berrritana maanta ayaa hoggaaminaysa. In aad ka fiirsataa maanta waxa ay wanaag u tahay berrito. Si aad u wanaajiso berrito waa inaad xogogaal u tahay shalay ama aad baadhitaan ku samaysay. Waxa aan sidaa ugu bilaabay qormadan, beryahan danbe waxa aan la kulmaa qoraallo, ka hadlaya arrimaha siyaasadda gaar ahaan sooyaalka siyaasadda ee Somaliland. 


Dhallinyarada maanta waa kuwii wax ka bedeli lahaa berrito, si ay taa u fahmaanna waa in ay wax ka tari karaan maanta. Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay ku aroortaa maamulkii ka samaysmay 1885kii deegaanka Somaliland ee ay saxeexeen odayaashii beelaha reer Somaliland. Dabcan, qaabkii heshiiskaasi u dhacay uma hirgelin, laakiin itaalka waxa uu ahaa mid ay ku caddayd in aan maamulka Ingiriisku siduu doono ka yeeli karin shacbiga reer Somaliland. Magaca loo bixiyeyna waxa uu ahaa Dhulka Soomaalida ee Ingiriisku ilaaliyo. Xilliyadaa waxa jiray weerarro ka imanayey dhanka Yurub, oo boob ugu jiray Afrika.

Qodobkaa kor ku xusan umaan bixin, ee aan hoos u soo dego, oo ku dhaafo in maamulkaa samaysmay 1885kii uu ahaa salkii Somaliland. Ka dib ayaa talyaanigu heshiis la galay Ingiriiska, Axmaarada iyo Faransiiskuna sidoo kale. Soohdimaha xilligaa samaysmay ayeynu u aqoonsannahay Jamhuuriyadda Somaliland. Intaa marka aad soo dhaafto, dadka soomaalidu xaalad cusub ayey galeen 1945kii waa intii ka danbaysay dagaalkii reer Yurub ay ku hoobteen. Dagaalkaasi waxa uu hoos u dhigay awooddii reer Yurub. Waxaana bilaabmay in lagu kaco, oo la yidhaa dalka nooga baxa. Xasuusnow Talyaaniga waxba gacanta uguma jirin xilligaas oo Ingiriiska ayaa la wareegay ilaa Muqdisho. Faahfaahinteeda geli maayo sida talyaanigu ugu soo noqday Muqdisho, oo waxa ay u baahanaysaa qoraal dheer.

Dareenkii Soomaalida ee Kontomaadkii

Waa sannadihii soomaalidu ay dareentay in ay samaysan karaan maamul iyaga u gaar ah. Mar kasta waxa maankooda ku jiray haddii maamulkan Ingiriisku meesha ka baxo in la geli doono barwaaqo. Marnaba lagama fikirin in dhibaato gacmaheenna aynu ku samaysan karno. Dareenka iyo kacdoonka oo maansadu hormood u ahayd ayuu tilmaamayaa Cabdillaahi Suldaan Timacadde dareenkiisa. Waa beryihii dareenka xornimo doonku cirka isku shareeray

Sida Carab macdaar wacan dhigtoo, mihindisoonaayey
Oo maqayil tegey xaafad waa, lagama maarmaane
Uu tuug musmaarrada guruu, taabay maqalkiisa
Oo aan maliim lagaga tegin, mulug wuxuu heystey
Aan madhax danbiyo raasamaal, meel ka dayaneynin
Madoobaadayeey xalay miyey murugtay laabtaydu.

Waxa uu hummaagyo innagu siinayaa gabayga oo uu leeyahay sidaasaa dadkii dareenkoodu yahay. Sannado badanba ma ay qaadan markii ay dadku aad u kaceen iyo qaadashadii ismaamulka reer Smaliland. Dhinaca Somaliya, waxa gacanta ku hayey maamulkii Qaramada Midoobay oo Ingiriisku ku wareejiyey 1950kii. Tobankaa sannadood maamul hoosaad ayaa ay lahayd Soomaaliya. Si kastaba xaalku ha ahaadee, waa la midoobay, oo loo midoobay si aan aqoon iyo taxaddar toonna ku jirin. La yaab ma lahayn oo dee cidiba kama fikirayn in xaalku sidan u dhici doono.

Maxaa dhacay?

Filanwaa! Yaab iyo Amankaag! waxa si guud ugu dhacay dadka soomaalida oo dhan u qaadan waa. Bulshada iyo tabashadeedu haba joogtee, waxa soo baxday oo markiiba muuqatay sida reer Somaliland ay fudaydka ugu guureen Muqdisho. Tabashadaasi waa mid la kowsatay tan iyo lixdankii. Waxa aan in badan arkay qoraallo ka hadlaya ku dhawaaqista Somaliland ee 1991kii, oo ku sababaynaya wax dhawaan dhacay iyo sheeko la kowsatay SNM. Midna maaha, weliba waxa aad ogaanaysaa haddii aad baadho dareenka bulshada iyo ka siyaasiga waa ay kala fogaayeen oo siyaasiyiin badan oo magac ku lahaa hoggaankii SNM ayaan taageersanayn goonni isutaagga Somaliland. Go'aanka lagu qaatay Burco waxa uu ahaa mid shacbigu kow ka ahaa.

Waxa aan xasuustaa maalmhihii shirku ka socday Burco ayaa la yidhi, waxa ay siyaasiyiintu doonayaan in aan lagu dhawaaqin Somaliland, dabadeedna ciidan badan oo u badnaa shacbigii hubaysnaa ayaa shirka hareerihiisa isa soo tubay. Taasi waxa ay astaan u ahayd in Somaliland ay ku timi rabitaanka shacbiga. Dabcan dadkoo dhammi ma wada rabi karaan, ee waa intii badnayd. Waxa aan qoraallo dhawr ah oo maalmahan aan arkay ku jirtay Ma Muqaddas baa Goonni isu taagga Somaliland ama Soomaaliya. Waxa ay ila tahay erayga Muqaddas ayaa innagu qariib ah, haddii ay tahay wax aan la bedeli karin dee wixii xagga rabbi ka yimi ayuunbaan la bedeli karin. 

Miyaan laga doodi karin jiritaanka Somaliland?

Wadaad baa Su'aal la weydiiyey. Waxa lagu yidhi: Wadaadoow, findhicilku ma xaaraanbaa mise waa xalaal.? Bal jawaabtiisa u fiirso, wuxuu yidhi: Waar ninyahaw soo hadalqaadkiisa ayaan hagaagsanaynba. Maanta ma laga doodi karaa Somaliland, soo hadalqaadkeeda ayaan fiicnaynba. Waa maxay sababtu? Inyar aan halkan ku hakanno. Maalintii lagu dhawaaqay Jamhuuriyadda Somaliland ee cusub, waxa laga joogaa 25 sannadood. Ilaa maalintaa Somaliland waxa lagu tilmaamaa in ay nabad ahayd inta badan, in ay maamul iyo kala danbayn samaysatay. Waxaase ka maqan Aqoonsi. Yaa la maqan? Waxa la maqan Soomaaliya oo dagaal cir iyo dhul kula jirta Somaliland, oo aan marnaba oggolayn in ay aqoonsato Somaliland. 

Dagaalkaasi waa mid ilaa maanta socda, halka uu ku dhammaandoono Ilaahay baa og, waxaase muuqata in aanay Soomaaliya ku talogelin in ay aqoonsato Somaliland, si kasta oo ay nabad iyo wanaag u samaysato. Si kasta oo ay gar u sheegan karto Somaliland, si kasta oo loo ogyahay taariikhda Somaliland, si kastaba xaal ha ahaadee, siyaasiyiinta ama maamulka Soomaaliya kuma talo jiro in uu u arko Somaliland in ay tahay dal la mid ah. Sida ay Somaliland uga jawaabcelisay ayaana ku filan ilaa hadda oo ah isku duubnaan.

Dagaalkaas Somaliland waxa ay kaga jawaabtay dagaal xooggan oo ay tusayso in aanay waxba u noqonayn Aqoonsiga ay sida yar ku haystaan iyagoo metelaya Somaliland. Taasoo aad ka arki karto maalin kasta dedaalka bulshada reer Somaliland oo xiddigaha sii tirinaya, dedaalka iyo diyaar garawga dagaal af iyo addinba leh ayaa midna maanta joogaa midna markasta diyaar loo yahay. Xaalladda sidaasa ma kula tahay in doodi furantahay? Maya doodi kama furna inta ay xaalladdu sidaa tahay.

Nin ku siray ha faallaynin
Sababana ha weydiinnin
Ha u seeta dheeraynin
Hana sidin culayskiisa
Siriq iyo ku qabo baydo
Hana falin siduu yeelay.

Nin ku yidhi anaa saasa
Ha ku odhan sidaas weeye
Sida uu ku yidhi heedhe
Haddii ay siniin weydo
Ama sarin sanaan weydo
Waxa furan sidaas maaha

Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi)

Waxa laga doodaa waxkasta oo labada dhinac ee doodayaa ay raadinayaan xal. Laakiin nin ku yidhi Sinnaan mayno adna buri sarrayntiisa, sidka waa wadaagtaane, ma Sagaashanbaa tiisu? (Sirta Nolosha iyo Hadraawi. Waxa habboon in dhallinyaradu ay iyagu raadsadaan halka sartu ka qudhuntay, halka wax ka leexsameen. Waxa habboon in baadhitaankaaga siyaasiga ah aad si daacad ah u baadho oo aanaad ku xajiimoon waxyaabo yaryar oo marmarka qaar laga sheego, run iyo been ka ay doontaba ha ahaatee. Waxa ka mid ah SNM, maxay u taagnayd? 

SNM, bilawgii waxa ay u taagnayd soomaaloo dhan, haddii maalintaa la taageeri lahaa oo soomaalidu u dhammaan lahayd waxaan qabaa qaabka siyaasadeed ee maanta taagani ma uu jireen. Maalintaa oo ahayd 1981 lama taageerin, ee waxa laga dhigay in ay reer tahay. Dabcan arrinkaas reernimada waxa uu noqday mid shaanbad ku noqday SNM. Laakiin SNM waxa ay kaga baxday oo ay ku dhammaysatay taariikhdii ay soo jirtay. In ay si xor ah u beddesho saddex guddoomiye intii ay jirtay in ay maamulkii dawladnimo ku wareejiso shacbiga 1993kii iyo magaalada Boorame. 

Tiirarka noocaas ah ee wanaagga ah, ee sheegidda mudan waa laga meeraystaa oo sidii hashii la yidhi geed ay ku xoqato ma weydo ayaa laga dhigaa SNM inay ahayd dagaal ooge. SNM waa ay ka mug iyo maskax ballaadhnayd dagaal ooge iyo inay u adeegto beel keliya. Arrimaha ku xeeran SNM ayaa u baahan faham badan oo dadka qaar doonaan in si qalloocda wax looga sheego. Waxaana la soo qaataa kolba halka la rabo. Tusaale SNM may u dagaalammayn Somaliland ee Soomaaloo dhan bay u dagaalamaysay! dhinaca kale ayuu mid kale ka soo joogsanayaa oo odhanayaa SNM beel bay u dagaalamaysay.

Talo ku socota dhallinyarada maanta

Ha ku dagmin, taariikh la gargaroocay ee raadso mid dhammaystiran. Nasiib darro buugaag badan oo afsoomaali ku qoran waxa aad mooddaa in ay dhan ka raran yihiin. Waxa kaloo jira qof aan badheedhayn, balse meel ku socda oo siduu kuu oggolaysiin lahaa sida uu rabo, marka hore ku su'aalaya wax badan oo aad tidhaahdo, HAA waa runtiisa. Adigu iska shaandhee, dib u raac sooyaalka.

Gebagabo

Inkastoo qoraalku aanuu gaabnayn, aniga xaggayga waa uu ka gaabanyahay, oo waan dulcararay. Ujeedada keliya ee aan ka leeyahayna waa in qofka wax raadinayaa ee xal doonka ahi uu si xor ah isagu isu diraa oo baadhitaan dheer sameeyaa. Waxa aad ogaanaysaa kolba halka xalku taagnaa, ee aan laga faa'iidaysan iyo maanta halka xalku ku jiro xanuun kasta ha lahaado'e.

Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M. Yuusuf

02/06/2016 Khamiis



Kommentarer

  1. Ma u baahan tahay deyn ganacsi si aad u balaariso ganacsigaaga? Miyaad leedahay credit credit xun oo aad rabto inaad xalliso? U diyaari deyn hadda annaga nala helno ansax ah. Waxaan deyn u siineynaa kuwa ku jira diiqadda maaliyadeed iyo sidoo kale kordhinta ganacsiga. Nagala soo xiriir annaga oo ansixino. Waxaan bixinaa dhammaan noocyada amaahda sida deyn shakhsiyeed, amaahda ganacsiga, amaahda amaahda amaahda, amaahda guriga iyo deyn bixinta. Nagala soo xiriir cinwaanka emailkaaga (consumerloanfirm@gmail.com)

    SvaraRadera

Skicka en kommentar

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Maalinta afka iyo Suugaanta Soomaalida ee Xaafadda Rinkeby 14-05-2016 Sabtida

Haddii aad xiisayso afka iyo suugaanta Soomaalida, fadlan nagala soo qaybgal barnaamij xiiso badan oo 14 bishan Mey lagu qaban doono guriga ummadda ee xaafadda Rinkeby. Barnaamijkan ayaa ay marti noogu yihiin qorayaal, afaqoon iyo cilmibaadhayaal ku hawlan afka iyo suugaanta Soomaalida. Martida maalintan nagala soo qaybgali doonta waxa ka mid ah Morgan Nillsson oo ah macallin afka Soomaaliga ka dhiga jaamacadda Göteborg, ahna cilmibaadhe ku hawlan taariikhda iyo habdhismeedka afka Soomaaliga. Kulankan waxa uu Morgan sharaxaad ka bixin doonaa kooraska afka Soomaaliga ee uu jaamacadda Göteborg ka dhigo. Waxa uu sidoo kale ka hadli doonaa afka Soomaaliga iyo duruufaha ku xeeran maata.

Faallo!..."ladh" Buug Cusub Oo Uu Qoray Cabdillahi C Cige

Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey — Sweden — 7 September, 2005 Markaad aragto buugga laftigiisa, ayaad garanaysaa in buuggani uu ka duwanyahay buugaagtii hore ee afsoomaaliga ku soo bixijirtay. Qaabka buuggu u qoranyahay waa qaabka loo qaabeeyo sheekooyinka "Novel-ka" loo yaqaan. Waxaad dareemaysaa in dadka soomaalidu ku tallaabsadeen, jidkii muddo dheer kasoo xidhnaa. Kaasoo ah qoritaanka sheekooyinka, ku qotoma qaababka nolosha banii'aadamka. Intaa haddaan ku dhaafo qaabka buugga. Waxaan xasuustay faallo uu ka bixiyay Ibraahin Yusuf Axmed "Hawd" buuggan la magac baxay "Ladh. Mudane Hawd wuxuu ku soo gunaanaday maqaalkiisii "qoraaga buuggan qoray, haddii buuggani yahay kiisii ugu horreeyey oo maxay noqon doonaan kuwa soo socdana."