Fortsätt till huvudinnehåll

Mabda’ buu lahaa , Maamuusna wuu la god galey Maxamed Cali Kilay (IHUN)




Bishii Abriil  28dii,1967kii ayaa  mudane Maxamed Cali (IHUN)  diidmo hor leh la soo jeediyey  ciidan-qorid laga soo jeediyey dalka Maraykanka.   Waxaa xilligaa socday dagaalkii Maraykanky ay ku qaadeen dawlada Fiyetnam . Wuxuu Maxamed Cali  diidmadaa ku saleeyey in  diintiisa Islaamka  ogoleyn   inuu kaalmeeyo  cadaanka dhibta ku haya madawga ku nool Ameerika oo  dad kalena dhib u geysta.

                


Fiyatnaam wixii aad baddeen uunku wada yaabye
Hubka waarriyuun baad aroor wagac ku siiseene
Dayuurado waleecaad qabaa geliyey weesaaqe
Sida dhibic wajiineed wixii gumuc is-weydaartey
Nin waraystay waa garanayaa wahankii Saygoone
 Goortuu wasaashaday dhurwaa waaxyihii ubadka
                
Isu baxe wishiiriga ci'diyo wiida naaguhuye
                Raggaad waranka siiseen anoo weli u ooyaaya
                Marna waxaan i deynayn duqii ugu fil weynaaye
                Hooheey! geeridii Hoo Shi Miin wiilashay gudhaye
                Alla weger waxaad belo dhigteen waa ka waasacane
                Niksan wayla sahal ceeb haddaad ka welwelaysaane
                Qirta Wootargaytyadu ka badan taydun weriseene!

                       Maansadii Watergate,  Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”-IHUN-
“Dhib iimay geysan  dadka reer  Fiyetnam aniga” ayuu yidhi mudane Maxamed oo sii xoojinaya diidmadiisa. Sidaa darteed ayaa bishii Juun 20dii, 1967kii  ayaa  Maxamed Cali lagu qaadey  inuu galay danbiga ah   ciidan-qrid diid (draft  evasion), waxaana lagu xukumay  shan gu’ oo xadhig ah , $10,000 (Toban kun oo Doolar) oo ganaax iyo in laga xayiro  feedh danbe oo uu ciyaaro.

“My conscience won’t let me go shoot my brother, or some darker people, some poor, hungry people in the mud, for big powerful America, and shoot them for what?” Ali said in an interview. “They never called me nigger. They never lynched me. They didn’t put no dogs on me.”



Arinta halkaa mareys a oo xadhig loo diyaarinayo ayuu Maxamed Cali   codsi u gudbiyey maxkamada rafcaanka . Sidaa darteed  ayaa laga warsugayey maxkamada rafcaanka oo go’aanka kama danbeysta yeelaneysay. Xadhigii sidaasuu kaga badbaadey, lana feedhtamey  Jerry Quarry bishii Oktoober 28, 1970. Doorkii saddexaad ayuu Maxamed Cali dhulka ugu tuuray  Jerry  Quary. Waxaana lagu qabtey magaalada Atlanta.

Xilligan waxaa  Feedhka aduunka haystay  Joe Frazier  oo da’ ahaan ahaa 27 jir, halka uu Maxamed Calina ahaa 29 jir.  Wuxuu Joe  Frazier ku soo dhex jiray  feedhka ilaa 1955, kuna guuleystay  in lagu tilmaamo lagama guuleyste. Joe Frazier wuu guuleystay 26 jeer, 23 ka mid ahina ay ahaayeen dhul dhig, halka uu Maxamed Calina guuleystay 31, ayna 25  ka mid ahaayeen dhul dhig.Labaduba may laheyn guuldaro xilligaa. Sidoo kale ayaa Maxamed Calina ahaa lagama guuleyste. Hase yeeshee gudida Feedhka ayaa  ku ladhey  hormoodka aduunka inuu yahay Joe Frazier.

 Bishii Maarso  8, 1971 ayuu  Maxamed Cali  u baxey  Joe Frazier, kuna guuldareystay  doorkii 15aad. Waxaa  lagu tilmaamay  loolankii qarniga (The fight of the century).Labaduba  may arga guuldaro hore.Tani waxay noqotay guuldaradii  ugu horeysay ee waligii soo gaadhey, aadna wuu u qoomameeyey , una diyaar garoobey siduu libintaa us oo ceshan lahaa. Isla gu’gaa 1971, bishii Juun  28 ayey maxkamadii rafcaaku laashey xukunkii, taageertaynay go’aankii  Maxamed Cali.

March 31, 1973 wuxuu  Maxamed Cali la galey  tartarka  Ken Norton oo guuldaro hor lihi ka  raacdey.  Maxamed Cali wuxuu  halkaa kala tagey daan jaban iyo guuldaro aanu  beegsaneyn. Bishii  Janaayo 24,1974 ayey Maxamed Cali iyo  Joe Frazier ku kulmeen  loolankii labaad. Doorkii 12aad ayaa  Maxamed Cali  lagu caleemo guushii  tartanka.

Sidoo kale ayaa bishii Oktoober  isla gu’gaa  1974  uu Maxamed Cali kula loollamey George Forman  magaalada Minshasa ee dalka Za’iir, halkaana guushii ku raacdey doorkii 8aad.
Joe Frazier ayaa guuldaradii u timid ka ladi waayey codsadeyna inuu mar saddexaad la kulmo, Maxamed Cali oo kalsoonidiisu xad-dhaad aheyd ayaan hadalba ka oo celin. Kulankii saddexaad ee Maxamed Cali  iyo Joe Frazier kula kulmay magaalda Manila ee cariga Filibiin bishii Oktoober  1, 1975.Maxaed Cali ayaana halkaa gushii ku raacdey.

Bishii  Febraayo 15, 1978 ayuu Maxamed Cali  guuldaro kala kulmay loolan uu la galey Leon Spinks.  Guuldaradu nimay dhibaysay ayuu ahaa, ee bishii Sebtember isla gu’gaa  1978 ayuu
Bishi Juun 1979 ayuu Maxamed cali soo badnhigay inuu ka fadhiistay   fadhiistay   tartanka feedka , lana hoyday guul aan  cidi hortii gaadhin.Wuxuu noqday hormoodka addunka saddex jeer , ilaa iminkana  lama gaadhin

Bishii Oktoober  1980 ayuu  Maxamed Cali dib  ugu soo noqday tatankii Feedhka.  Xilligan wuxuu  ahaa 39  jir,  dhaawacyo badan buu qabey, muddo ayuu   hawlgab ahaa. Hase yeeshee kuwii ku xeernaa oo shaqo la’aan ku dhacdey  kuna  dhiiri galiyey inuu mar afraad noqdo  hormoodka aduunka ayaa  hawlgabnimadiisii ka soo  kicisay.

Waxaa markan  hormood ahaan taagnaa  Larry Holmes  oo saaxiib ku dhaw  ahaa Maxamed Cali, kuna kacaamey  tartanada Maxamed Cali.  Da’ahaan  aad buu uga yaraa oo uu ahaa 31 jir,  jidh ahaana wuu ka dhisnaa.  Guushii  waxay  dorkii 11   raacdey  Larry, halka uu Maxamed Cali la hoyday guuldaro aanu filayn.  Maxamed Cali  xilligan wuxuu qaadaney dawooyin , oo ku keenay inuu dhuubto, lumiyo tamar,  daal badan., sidaa darteed ayaa doorkii 10   oo la dareemayey inuu  talaxgab ahaa la joojiyey  tartankii, guushiina la siiyey Larry Holmes.  Makii  tartankii dhamaadey ee la wareystay  Lary ayuu yidhi isagoo ilmo ka da’ayso: “    Aad ayaan u tixgeliyaa  Mr. Cali , Maanta waxaan dagaalamey  tartankii ugu xumee, yaan kartidiisa la  mooganaan”……

Guuldaradaasi markay ku imid, ayaa Maxamed  Cali sidii caadada u aheyd  uu qaadan kari waayey. Wuxuu  isku dayey inuu dib ugu noqdo  loolanka, hase yeeshee  dhamaan gobolada  Maraykanka ayaa ogolaanshihii (licence box) siin waayey, kuna sababeeyey  caafimaadkiisa oo sii xumaaneyey,  tamartiisa oo sii  itaal drnaneysay. Has eyeeshee ugu danbeyntii markii uu hadhi waayey ayaa gobolka  South Carolina   siiyey bishii oogosto 1981. 

 Laba dhakhtar oo uu ka mid yahay dhakhtarkiisii gaaarka ahaa ee Ferdie Pacheco  ayaa  soo jeediyey in uu xanuunkiisii sii kordhay,  maskaxda saameyn ku sameeyey, hadalkiisii wuu  cuslaadey, marmarka qaarkoodna waxaabu ku keenayaa gaangi inuu yeesho. Si kastaba ha noqotee meel lacagi ku jirto reer galbeedka waa u doogee , kuwii dabada ka riixayey inuu  dagaalmao  eegayeyna lacagta laga qabanayo  tartanka uu Maxamed Cali ku jiro ayaa guuleystay.Sidaa darteed ayuu bishii Diisamber isla gu’gaa 1981 uu la dagaalamey Trevor Berbick, haleelayna guuldaro  kale . 

Daal badan , adinada jidhkiisa oo gariir badan ku yimid,iyo  hadalkii oo gaangi hageysay ayaa  tartankaa ka dib  laga dareemay  Maxamed Cali.  Gu’gii 1984 ayaa  lagu sheegay   Maxamed Cali   inuu hayo cudurka  Perkins (Parkinson's syndrome),,    Maxamed Cali  si kama danbeys ayuu hawlgabnio uga galey feedhkii, isagoo la tagey  55 guulood iyo 5 guuldarao. Shanta  feedhyahan ee ka badiyey  waa  Joe Frazier,  Ken Norton, Leon Spinks , Larry Holmes and  Trevor Berbick.

Isagoo la hadlayey wargeyska New-York Times ayuu ku yidhi: “  Xanuun ma qabo, raagid yar oo ku timid hadalka mooyee iyo gariir  xubneed yar, maaha dhib weyn.Hadduu caafimaadkeygu fiicnaan lahaa oon guuleysan lahaa labadii tartan ee ugu danbeeyey dadku way iga abqan lahaayeen, iminka way ii naxayaan, waxay I haysteen inaan bani’aadan ka sareeyo, iminkase  waxay odhanayaan waa bani’aadan sidayada oo kale ah, oo dhib baa haysata”……

Isku kalsooni dheeraada oo uu isku qabey dartii ayuu  ilaa manta  kula tagey magaca ah  GOAT(Greatest of all Time), afceliska u dhawna ku noqonaysa  hormoodkii xilli kasta. Afkiisaa laga maqley inuu yahay  hormoodka  (greatest) , dadkuna way u  garteen  ilaa kuwa ka badiyey iyo kuwuu ka badiyeyba waxay qirayaan inuu  yahay hormoodka  dunida ee feedhka…. Maxamed Cali feedhka oo kaliya muu aheyn hormood ee  dhinacyo badna oo nolosha ayuu saameyn hormoodnimo ku lahaa.

Taariikhda maxaa u galay:

  Anigana hadhaw iyo faallo
 Halistaa inaan ka afeeftay
Oo weliba hiif iga gaadhay,
HAGAR-LAAWE ii geli buugga
Taariikhda aan wax hilmaamin.
 
     Maansadi Hagarlaawe- Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”-IHUN-
Qof kasta oo dunida ku nool waxa  mudnaanta inuu siiiyo ay tahay labada maalmood eek ala aha maalintuu  dhashay iyo maalintii uu gartey wixii uu u dhashay. Maxamed Cali  waxaa lagu tilmaami karaa inuu gartey  inuu u dhashay iuu dunidan isbadal ku sameeyo; inuu dunidan  wax ka badalo dhibta cadaalada darada ka haysata; inuu dunidana  hiil u noqdo taagdaranaha lagu  tumanayo; inuu dunidan   ugu adeego Illaahii abuuray; Inuu nolosha dan yaraha wax ka badalo; inuu  gabood-falaha  garansiiyo gardarada uu  dunida ka fulinayo; inuu  u adeegsado  codkiisa muriyeysan u hiilinta.

Waxaa garaadka  ummada dunida  marna ka baxeyn siduu u hibeeyey guushiisii  reer Fiyetnam markuu diiday inuu dagaal kala hortago.Waxaan maanka aadamaha ka baxeyn  siduu u diiday inuu dhaleeceeyo mabda’a dimeed ee uu qaatey (Islaamka). Waxaan marna  dunidu hilmaameyn  siduu ugu heelanaa u gargaarida  dulmanaha… Waxaa laga baranayaa inaan iska nooloww aduunkana lo iman ee ujeedo ka danbeyso… Tagisitiisii Lebanon gu’gii 1985 markii  dagaaladu ka taagnaayee, tagistiisii Ciraaq gu’gii 1990  si uu u sii daayo maxaabiistii Maraykanka ee halkaa lagu haystay, Qaadistii dab-qaadka ee ciyaartii Olympic gu’gii 1996, .  Wuxuu jiray 22 gu’ markii uu badaley magaciisa dunidana u sheegay inuu ka  tagayo magacayagii gumaysiga qaateyna magaca Maxamed Cali, waa lala yaabey,  wuuse ku adkeystay hirgaliyeyna inuumagacaasi noqdo magaca logu yeedho….

Ilaahay  cibaadadiisa waxa aak mid aha dhamaan falalkaa geesinimo ee uu Maxamed  Cali la yimid.. Ilaahay buu raali galiyey, dunidoo dhana  isagay tixgalisay…….Ilaahay godkii aakhiro ha u nuuro, cadaabu qabrigana ha ka nabad galiyo.. idinkuna aamiinta ha ka hakraninaaaaa…..

 Geeridii   iyo Aaskii:

Arbacadii bisha May ku beegnayd  30, ee  gu’ga 2016 ayaa lo qaadey dhakhtarka Phoenix-area hospital . Waxaa haystay neefta oo ku adkeyd.Laba habeen ayuu halkaa ku qaadanayey daaweyn la xidhiidha dhibta ka haysata neefsashada.Habeenkii Jimcaha ee bisha Juun  ku beegnayd 3, isla gu’ga 2016 ayuu Maxamed Cali  ku geeriyooday isla dhakhtarkaa.  Waxaan hor fadhiyey maqalka iyi muuqaal sidaha, waxaa soo booday amr kaliya war degdeg ah iyo   sheegista geeridii Maxamed Cali Kilay. 

Dhamaan barnaamijyadii   ka socday  warbaahinta aka duwan ee   maqal, qoraal,  goobaha ulshadu ku kulanto,  iwm ayaa mar kaliya isku badaley inay  faaleeyaan  halyeyga  dunida ka tagey.  Geesi buu ahaa , hormoodka ilaa manta laysla garansan yahay buu ahaa iwm ayaa dhamaan  isku raaacsanaayeen. 
Jimcihii kaa ku xigay ee  ku beegnaa bishaa Juun 10, isla gu’gaa ayaa lagu aasey magaaladii uu ku dhashay ee Louisville ee gobolka Kentucky. Dhamaan warbaahinta aduunka waxaa toos looga daawanayey  aaskii , Aayado Quraan ah ayaa lagu bilaabey, lana macneeyey. Wuxuu kulmiyey  bulsho dhan diintay doonaan ha ka soo jeedaanee, dareenkay rabaan ha wataanee, waxay dhamaan ku hadaaqeen halyeygii  dhimay, meel  uu awdi jiray ayaa banaanaatey… Wuxuu ifka kaga tagey  sagaal caruur ah(laba wiil iyo todoba hablood) iyo waxay sii dhaleen .  Caruurtiisu waxay kala yihiin Layla,  Rashiida, Asaad Amiin,  Hana, Maryan, Jamiilah, Khaliyah, Muxammed yare, iyo Miya  .. Sidoo kale ayaa waxaa u dhaxey afar dumar  oo kala ah:
1-Sonji Roi (1964-1968),
2-Belinda Boyd (1967-1976) una dhashay Rashiida, Maryan, Jamiilaha, Muhammed Yare,  waxaaney la baxdey markii danbe  magaca Khalillah Cali
 3-Belinda Boyd(1977-1986) una dhashey  Layla iyo Hana
4- Lonnie Ali (1986-2016)   una dhashay Assad-Amiin
“I never thought of the possibility of failing, only of the fame and glory I was going to get when I won," Ali wrote. "I could see it. I could almost feel it. When I proclaimed that I was the greatest of all time, I believed in myself, and I still do."

Qalinkii iyo  diyaarintii:

Fu,aad Sheekh

Bahda Mareegta Farshaxan
Juun 11, 2016



Tixraac:



Kommentarer

Populära inlägg i den här bloggen

Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u   wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha   cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay   ku beegnayd   xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta. 

Xog ku saabsan Afgenbegii 1961 Col, Xasan Faarax Bullaale: "Taariikh u baahan sixitaan iyo run ka sheegid"

Taariikhdu waa dhacdo ama arrimo dhacay xilliyo la soo dhaafay. Haddii aan wax laga qorin, lama ogaan karo taariikhdaasi sidii ay u dhacday. Mar haddii aan la kaydin arrimaha taariikheed ee dal iyo dad ba soo mara, waxa ay taariikhdaasi gashaa mugdi waxaanay yeelataa madmada w badan. Sida inbadani ka warqabto Somaliland waxa ka dhacay Afgenbi la isku deyey 1961kii, kaasoo lagu guuldarraysatay Dad badani xog kama hayaan, inkastoo ay noolyihiin xubno ka mid ahaa saraakiishii Afgenbigaa isku deyey. Kalhore waxa la waraystay Amb, Cawil Cali Ducaale oo ka mid ahaa saraakiishaas, xilligaasna ahaa xiddigle. Waxa uu Cawil qoray buug uu kaga hadlay wax farabadan oo uu u soo joogay, waxaana ka mid ahaa Afgenbigaas. Waana buugga la magacbaxay "Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed"

Dareenka gaarka ah ee maansada Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan (Ganey)...Caashaqani muxuu gabay, laba guusha wada jecel, god muxuu ku kala riday, laba guur isku ogaa, geerida mid yidhi hoo!!!

Taariikh-nololeedka Xasan Cabdilaahi Xasan (Ganey) Dhulku saacu wada gaadh Waanu kala sed roonyee Meel idaha seel u leh Riyahana salool u leh Oo geela saar u leh...... ... Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan "Ganey" "Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaanan filayaa da’daydu inay tahay ilaa 6o Sano(oo ku beegan meelahaa 1944 kii ), waayo, markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelkii Cumar Isteeri, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa oo xilligii inqilaabkii Xasan Kayd ay wadeen. Waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union-ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad.